Sunday 16 November 2025
Waxaa soo turjumey Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
“Dadku afka ayey isku gartaan, duunyaduna urta.” Murti Soomaaliyeed.
“Haddii aad taqaan afafka adduunka oo idil, se aanad aqoon afkaaga hooyo ama afka dhaqankaaga, taasi waa addoonsi. Laakiin, haddii aad taqaan afkaaga hooyo ama afka dhaqankaaga oo aad ku sii darto dhammaan afafka adduunka, taasi waa awoodsiin.” - Ngugi wa Thiong’o.
Tan iyo markii la daabacay buuggayga “Gunaanadka Gumeysiga Maanka ama Gobaynta Garaadka /Decolonising the Mind” 1986, sannado badan waxaa ii muuqday kor u kaca danaynta caalamiga ah ee arrimaha ku saabsan gebagebaynta gumeysiga iyo xiriirka awoodeed ee aan sinnayn ee u dhexeeya afafka. Isla arrimahaan baana sannadkii 2018 waxay i geeyeen magaalada Limerik oo ka tirsan gobolka Monister, Ayrlaand, si aan uga qabygalo shir loogu dabbaaldegayey sannadguuradii 125aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ururka Geylik (The Gaelic League = Conradh na Gaeilge) oo la aasaasay sannadkii 1893-kii.
Ururka Geyligu, wuxuu ahaa mid u heellan dib u soo noolaynta afka Geyliga ama Ayrishka, oo markaas dhulkiisa ku ahaa mid uu si weyn u shiiqiyey afka Ingiriiska ee gumeystuhu uu keenay. Walow ay jiraan dedaallo badan, oo ay ku jirto taageerada rasmiga ah ee dawladda oo lagu bixiyey soo noolaynta afkaan, haddana weli Ayrishku wuu ka hooseeyaa Ingiriiska. Dadka Ayrlaandida ah ee ku hadla Ingiriiska ayaana ka badan kuwa ku hadla Ayrishka. Qoraayaasha Ayrlaan kuwooda ugu caansan oo ay ka mid yihiin W B Yeetis iyo Jeymis Joys waxay wax ku qoreen af Ingiriis, hal-abuurkoodana waxaa loo dersaa sidii in uu yahay qayb ka mid ah hal-abuurka Ingiriiska. Ma malayn karo in dunida oo dhan, marka lagu daro Iglan, laga heli karo hal kulliyad oo afka Ingiriiska lagu barto oo dhigaallada raggan Ayrlaandida ah aan lagu dhigin. Waxay ka mid noqdeen hal-abuurrada waaweyn ee suugaanta Ingiriiska.
Xiriirkan awoodeed ee aan isu dheellitirnayn ee u dhexeeya labada af ee u liicay dhanka Ingiriisku had iyo jeer sidaan ma uusan ahayn. Ingiriiskii ugu horreeyey ee Ayrlaan degay, gaar ahaan kuwii degay Monister, waxay u janjeereen xagga afka Ayrishka, maxaa yeelay sida muuqata bilowgii soo degiddii Ingiriiska -siiba intii u dhexaysay qarniyadii 13aad iyo 16aad- afka Ayrishku wuxuu ahaa mid aad hodon ugu ah aqoontii qaddiimiga ahayd. Waana arrin dabiici ah, in afkii Ayrishka ahaa ee aadka u firfircoonaa uu soo jiito gumeystayaashii Ingiriiska kuwoodii ugu horreeyey ee halkaas degay. In taasi ay dhacdaana la yaab ma leh: waayo afka Ayrishku wuxuu ahaa kan ay ku hadli jireen dadka badan ee ay dhex degeen beeraleeyda tirada yar ee Ingiriiska ahi.
Landhan arrinkaas way ka dhiidhiday, laga bilaabo xeerkii Kilkeeni ee sannadkii 1366-kii, waxay soo saartay wareegtooyin looga gol lahaa in lagu ilaaliyo afka Ingiriiska, oo looga difaacayey xadgudubyada Ayrishka ama Geyliga, iyada oo sharcigu uu xoojinayey adeegsiga Ingiriiska isla jeerka uu dembi ka dhigayey adeegsiga Ayrishka. Waxyaabaha qawaaniinta Kilkeeni ay dadka ugu hanjabtay waxaa ka mid ahaa; in lala wareegayo dhulka qof kasta oo Ingiriiis ah ama Ayrlaandi walba oo ku dhex nool “haddii lagu qabto isaga oo ku hadlaya af Ayrish, si ka soo horjeedda xeerka.” Siyaasadahaan waxaa loo cuskaday qiil isugu jirey suugaan iyo falsafad oo uu dejiyey gabyaagii Edman Isbeensar, qoraaga diiwaanka ‘Boqorradda Jinka /Faerie Queene,” oo qudhiisu ka mid ahaa Ingiriiskii degay Monister. Buug-yarihiisa lagu magacaabo “Eegidda Xaaladda Hadda Ee Ayrlaan /A View of the Present State of Irelande,” oo la daabacay dabshidkii 1596, waxa uu ku dooday in afka iyo nidaamyada magac-bixintu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee loo adeegsan karo tirtiridda xusuusta Ayrishka: “Weligeed waxaa caado ahayd in kan guulaysta ee cid qabsadaa uu xaqiro afka qolada la qabsaday, iyo in uu si walba ugu sandulleeyo barashada afkiisa.”
Xaaladda liidata ee afka Ayrishku uu kaga sugan yahay dhulkiisa, kuma aysan iman isbeddel dabiici ah, balse hoos u dhacaasi waa natiijo ka dhalatay falal siyaasadeed iyo kuwo waxbarasho oo si qorshaysan oo ku talogal ah loo hirgeliyey. Ayrlaan waxay ahayd dhulkii ugu horreeyey ee gumeystayaasha Ingiriisku ay ku habsadeen. Waxayna noqotay sheybaarkii uu Ingiriisku ku diyaariyey siyaasadihii uu kula dhaqmay dhulalkii kale ee uu kol dambe qabsaday. Siyaabaha Ingiriisku uu u la dhaqmay Ayrlaan iyo dhulalkii kale ee uu gumeystay, waxay la mid ahaayeen kuwii nidaamyadii kale ee gumeysiga, ha ahaadeen Isbaanish, Faransiis ama Boortaqiis, ama qabsashadii Jabbaanku uu ku qabsaday Kuuriya laga bilaabo 1910 ilaa 1945. Sidoo kale arrinku wuxuu ku rumoobayaa gumeysiga gudaha, sida cabburintii Noorway ay ku ceejisay afka dadka Saami. Cabburinta afafka dadka la qabsado iyo xoojinta afka gumeystuhu waxay qayb muhiim ah ka ahaayeen nidaamkii waxbarashada ee la socday qabsashada iyo gumeysiga. Cabburinta afka ujeeddada laga lahaa ma ahayn mid la xiriirta farxad iyo qurux. Isbeensar si cad buu u qeexay danta gumeysigu uu ka leeyahay afka Ayrishka iyo nidaamkiisa magac-bixintaba, waana in dadka Ayrlaandidu ay illoobaan aqoonsigooda, oo ay wiiqanto iska caabbintoodu, sidaasna ay Ingiriiska ugu fududaato in uu ku duulo oo uu qabsado. Duullaanka afku waa ka hawl iyo kharash yar yahay, kana saamayn badan yahay kan ciidanka: waxa keliya ee gumeystuhu uu u baahan yahay waa in uu maalgashi ku sameeyo kooxda yar ee xulka ah (=elite) si uu u qabsado maskaxdooda, dabadeedna kooxdaan baa hoggaansan doonta dadka intiisa kale. Kooxdan xulka ahi waxay ka mid noqonaysaa ciidanka afafka ah ee gumeystayaashu ay adeegsadaan.

Hindiya oo tiir-dhexaad u ahayd samaysanka Ingiriiska cusub, xitaa in ka badan Ayrlaan bay waxay noqotay sheybaar ummuuraha bulshada lagu baaro, natiijadii ka soo baxdayna waxaa loo dhoofiyey dhulalkii kale ee la gumeystay ee Aasiya iyo Afrika. Tomas Babinton Makooli oo xubin ka ahaa Golihii Sare ee Hindiya xukumay muddadii u dhaxaysay 1834-1838, wuxuu gacan ka geystay dib-u-habaynta nidaamkii waxbarashada gumeysiga iyo sidoo kale dejinta xeerarkii ciqaabta; labada hawloodba waxay leeyihiin muhiimad gaar ah. Warbixintiisa caanka ah ee ‘Waxbarashada Hindiya’ oo soo baxday sannadkii 1835, Makooli wuxuu ku sheegay; in loo baahan yahay in afafka Saaniskiritiga iyo Beershiyaanka/Faarisiga lagu beddelo Ingiriis si uu u noqdo afka waxbarashada, iyada oo yoolku uu yahay in aan helno dabaqad “Turjubaanno ah oo u dhexeeya annaga iyo malaayiinta aan xukunno, koox dhiigga iyo midabka Hindi ka ah, laakiin dhanka dookha, ra’yiga, akhlaaqda iyo garaadkaba Ingiriis ka ah.”
Gumeysigii Inigiriisku kolkii uu degay Ayrlaan waxa uu soo rogay xeerar xoojinaya afka Ingiriiska, isla jeerkaas na hoos u dhigaya ku hadalka afka Geyliga oo ah afka asalka ah ee Irishka. Xeerarka uu soo rogay waxa ka mid ahaa; in qof kasta oo ku dhex nool Ayrlaan oo lagu qabto isaga oo ku hadlaya afka Ayrishka, dhulkiisa la la wareegayo.
Makooli waxa uu rumaysnaa in waxbarashada cusub ee afku ay abuurayso “dawlad ilbax ah oo qiyamka iyo halbeegyada wax lagu cabbiraa ay yihiin qiyamka iyo halbeegyada Ingiriiska, taas oo qof kasta walcan walba oo uu ka soo jeedo, ay dani ugu jireyso doorna uu ku yeelanayo.” Qarni ka dib, erayada Makooli waxaa mar kale ku celiyey Mudane Filib Mitshel oo xilligaas ahaa guddoomiyihii gumeysiga Ingiriiska u joogay Kiiniya. Waxa uu dejiyey siyaasad afka Ingiriisku uu ku qabsanayo waxbarashada Afrika, taas oo uu u arkay in ay tahay duullaan akhlaaqeed oo baritaaraya duullaanka hubaysan ee ka dhanka ah ‘Ciidanka Dhulka iyo Xorriyadda ee Kiiniy /The Kenya Land and Freedom Army (KLFA)’, oo ahaa ciidan gobannimaddoon ah oo Ingiriisku uu u bixiyey Mau Mau.
Sannadkii 1879, Kabtan Rijaard Heneri Baraat waxa uu aasaasay Dugsiga Farsamada ee Karlaayal Hindiya ee sumcadda xun ee Karlaayal, Benselfeeniya, halkaas oo uu hindisay qaabka gaarka ah ee tarbiyeynta carruurta Maraykankii asalka ahaa, wuxuu ku yaal meel haddii la raaco webiga Saskuwiihaana ee bilicda badan ay jaranjarooyinka dhismaha xarunta magaalada Haarisberg ay kuu jiraan wax ka yar 20 mayl. Sannadkii 1892-kii, falsafadda lagu maamulayo dugsiga wuxuu ku soo koobay in uu yiri: “Dila Hindiga ku duugan gudihiisa, qalfoofka qofeedna badbaadiya /Kill the Indian in him, and save the man.” Waxa uu fuliyey isla nidaamkii waxbarashada ee gumeystayaasha: in tiro yar oo dad ah laga suuliyo afkooda hooyo ee dadkooda badankoodu ay ku hadlaan, oo dib-u-qaabayn loogu sameeyo afka gumeystaha, ka dibna lagu sii daayo dadweynaha la xukumo. Walter Rodney buuggiisa “Sida Yurub Dib-u-dhaca Ugu Ridday Afrika /How Europe Underdeveloped Africa,” wuxuu soo xigtay Biyeer Foonsin, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Gaashaanbuurta Faransiiska oo ahayd hey’ad si gaar ah loo sameeyey sannadkii 1883, si ay afka Faransiiska ugu faafiso dhulalka Faransiisku uu gumeysto iyo meelo ka baxsanba, isaga oo si cad u qeexay hawsha ay hey’addani u xilsaaran tahay, waxa uu yiri: “Waa lama-huraan in dhulalka la gumeysto lagu xiro dhulweynaha Faransiiska iyada oo la adeegsanayo xarig nafsadeed xoog badan illaa laga gaarayo goorta halgankooda gobannimaddoonku uu si tartiib-tartiib ah ugu idlaanayo nooc ah midow ama federaal , waana arrin suuroobi kara -in ay noqdaan oo ay xagga afka, fekerka iyo ruuxda Faransiis ka sii ahaadaan.”
Hadafku aad buu u caddaa. Ulajeeddada siyaasadaha waxbarashada gumeysigu waxay ahayd in gumeysi maskaxeed lagu dhex abuuro xulka ummadaha la gumeysto. Guusha laga gaaray siyaasadahanna waa mid aan la dafiri karin. Kala duwanaanshiyaha xaaladda Ayrishka, halkaas oo xitaa xornimada ka dib, kuwa waxbartay ay naftooda si fiican ugu cabbiri karaan afka gumeystaha in ka badan afkooda hooyo. Xaaladda Afrika waxaan maqalnaa iyada oo aqoonsiga afafka qaaradda lagu sifaynayo Yuurofooni oo la leeyahay: angolofooni, farankofooni, boortaqiisfooni iyo qaar kale. Xitaa haddii xulka waxbartay ay yihiin waddaniyiin jecel madax-bannaanida dalkooda, marar badan waxaa u fudud in ay caradooda iyo abdadooda ku muujiyaan afafka shisheeye ee gumeystayaasha. 90% dhaqaalaha loo qoondeeyo barashada afafka waxaa loo isticmaalaa koolkoolinta afafka gumeystaha. Sidaas oo ay tahay, 90% dadweynuhu weli waxay ku hadlaan afafkooda Afrikaanka ah. Xukuumadaha qaarkood baana afafka Afrika u arka in ay horumarka cadow ku yihiin, afafka gumeystayaashana u aqoonsan in ay yihiin albaabka dhabta ah ee laga galo horumarka iyo casriyoobidda caalamiga ah.
Kolka Afrika la joogo dad badan oo wax bartay waxa ay dareenkooda ku cabbiraan afafka shisheeye ee gumeystayaasha. Waxa la mid ah xukuumaddaha Afrika oo aan kalsooni ku qabin afafkooda una arka cadawga horumarka, halka ay afafka shisheeye u arkaan albaabka laga galo horumarka iyo casriyoobidda caalamiga ah.
Duruufaha caadiga ah, waxay noqon lahayd qaadan waa lala fajaco in la maqlo in suugaanta Faransiiska lagu qori karo afka Jabbaanka oo keli ah, ama in suugaanta Ingiriiska lagu qori karo IsiSulu, dabadeedna marka aad la kulanto qoraa Faransiis ah oo wax ku qora Faransiis, aad u eegto si amakaag leh oo aad ku tiraahdo: Maxaad af Faransiis wax ugu qoraysaa? Ama qoraa Ingiriis ah oo af Ingiriis wax ku qora: Waa maxay sababta aadan Sulu wax ugu qorin? Haddana, caqli-xumadaas ayaa mar walba laga fishaa qorayaasha Afrikaanka ah iyo qorayaasha kale ee ka soo jeeda ummadihii horay loo gumeystay.
Sidee bay caqli xumadaani ku timid? Ma aha in afafka qaarkood ay xagga afnimada kaga sarreeyaan kuwa kale. Mar walbana in afaf dheeri ah la bartaa qofka waxay siisaa awood siyaado ah. Laakiin arrinku sidaas ma ahayn marka loo yimaado xaaladda gumeysiga ama xaalad kasta oo ay jiraan hayste iyo la hayste. Marna ujeeddada gumeystuhu ma ahayn in uu af cusub ku kordhiyo kuwii jirey. Gumeystaha dadka iyo dhulka qabsaday kuma filnayn in uu bulshada af cusub ku soo biiriyo. Waxaa lagamamaarmaan ahaa in afka gumeystaha lagu dul beero xabaalaha lagu aasay afafkii kuwa la muquuniyey. Dhimashada afafka Afrika ayaa nolol u horseeday afafka Yurub. Si uu u waaro afka gumeystuhu, waxaa lamahuraan ah in uu dabargo’o afka la gumeystuhu. Waa in ay xusuusta ka baxaan afafka Afrikaanku; si loo xusuusto afafka Yurub (=Amnesia for African languages; anamnesis for European languages).
Labadaan shardi ma aha kuwo ku duugan dabeecadda afafka ay khusayso, balse waa xaalado maskaxeed oo si ulakac ah loo abuuray si afafka gumeystayaasha dadka loogu khasbo. Buuggayga “Dib-U-Xorraynta Maanka,” waxaan kaga warramay ciqaabtii jireed ee ay mudan jireen carruurta Afrikaanka ah ee lagu qabto iyaga oo iskoolka gudihiisa ku hadlaya af Afrikaan, markaas oo kale carruurta waxaa qoorta loo suri jirey boor muujinaya nacasnimadooda. Xaaladaha qaarkoodna denbiilaha waxaa lagu dirqin jirey in uu qashin liqo, sidaas darteedna waxaa xiriir toos ah la dhex dhigi jirey afafka Afrika iyo denbiyada, xanuunka iyo wasakhda. Hab-dhaqankaani ma ahayn mid ku kooban Afrika oo keliya.
Markhaatigii uu ka furay Maxkamadda Waytaangi horteeda sannadkii 2015, ee ku saabsanayd waayo-aragnimadiisii dugsiga ee dalka Niyuusilaan, Doofer Saamyuwelis, oo ah siyaasi u dhashay dadka Maawrigu, waxa uu ku sheegay sheekooyin la mid ah kuwii Afrika ka dhici jirey. Isaga oo ka warramaya wixii dhici jirey marka arday lagu qabto isaga oo dugsiga dhexdiisa ku hadlaya afka Maawriga, wuxuu yiri: “Waxaa lagu soo istaajinayaa ardayda hortooda, waxaana lagu farayaa in aad foorarsato. Dabadeedna inta gadaal loo durko ayaa waxaa lagugu dhufanayaa, wax waagaas loogu yeeri jirey ‘lixda ulood ee ugu macaan’. Marar badan raadkoodu kuma uu koobnayn in barida iyo bowdyuhu ay bararaan, balse dhiig baa iga imaan jirey.”
Buuggayga “Dib-U-Xorraynta Maanka,” waxaan kaga warramay ciqaabtii jireed ee ay mudan jireen carruurta Afrikaanka ah ee lagu qabto iyaga oo iskoolka gudihiisa ku hadlaya af Afrikaan, markaas oo kale carruurta waxaa qoorta loo suri jirey boor muujinaya nacasnimadooda.
Shacabka Saami ee dalka Noorwey ayaa iyaguna soo maray waayo-aragnimo taas la mid ah sannadihii u dhaxeeyey 1870 -1970, oo ah sannadaha ay ugu yeeraan qarnigii dugaagnimada -iyaga oo lagu khasbay in ay si faseex ah ugu hadlaan afka Noorweyjiga. Gacan ka hadalka ka dhanka ah afafka hooyo waa mawduuca ugu weyn ee qaabkii afka Ingiriisigu uu ugu faafay Ayrlaan, Iskootlaan iyo Weyles. We ylas, kuwa dugsiga dhexdiis ku hadla afka Weylishka waxaa lagu khasbi jirey in ay istaagaan fasalka hortiisa iyaga oo luqunta ku sita boor ay ku qoran tahay “Weylish Ma Jiro”. Gacan qaadku wuxuu tiir dhexaad u ahaa abuuranka xiriirka xagga nafsadda ah ee u dhexeeya afka, dhaqanka iyo fekerka; gumeysiyadii garaadka. Waxaa laga yaabaa in qofku uu u qaato in xorriyadda iyo madaxbannaanida ka dib, ay dawladaha cusubi, ugu yaraan, furfuri doonaan xiriirkaas awoodeed ee aan sinnayn. Laakiin taasi waa awoodda dhabta ah ee gumeystayaasha maskaxda; waxaa si weyn u xididdaystay quursiga nafta iyo guuldarrada gudaha – [ee kuwa la gumeystay]- oo noqday sida waaqica jira loo eego.
Waa xaaladda loo yaqaan la-qabsiga kalaasigga ama qaddiimka ah (=classical conditioning), oo aad ka heli karto buugta cilminafsiga hab-dhaqanka. Laqabsigu waa nidaam abaalmarin iyo ciqaab; in la ciqaabo habdhaqanka aan la rabin iyo abaalmarinta habdhaqanka la rabo. Inta badan isaga oo heerarka adaygiisu ay kala duwan tahay baa waxaa loo adeegsadaa tarbiyeynta ubadka iyo rabbaayadaynta xayawaanka. Habdhaqanka aan la rabin waxaa la socda ciqaab iyo xanuun; habdhaqanka loo baahan yahayna waxaa weheliya abaalmarin iyo farxad. Mawduuca laqabsigu, ha ahaado cunug ama ha ahaado xayawaan, wuxuu si toos ah uga fogaadaa xanuunka iyo habdhaqanka la mamnuucay, wuxuuna u jiidmaa dhanka raaxada iyo habdhaqanka loo baahan yahay. Marka la joogo waxbarashada, ruuxu wuxuu ammaan iyo sharaf ku helaa inuu si fiican u bartay afka gumeystaha, laakiin hoog buu mutaa haddii uu ku hadlo hal eray oo afkiisa hooyo ah. Afkiisa hooyo wuxuu noqday dab lagu gubto oo laga cararo, afka gumeystuhuna wuxuu noqday wax laga helo raaxo iyo farxad, oo loo baahan yahay in la raadsado.
Ugu danbaynta, kuwa la qaabeeyey ee lagu dirqiyey laqabsigu waxay yeeshaan wacyi Bafloofiyan ah (=Pavlovian consciousness), kaas oo keena in afka uu dhareer ka qubto marka abaalmarin iyo farxad la filayo, ama taa cagsigeeda uu carrabku candhuuf la’aan dhabxanagga ku dhego kolka ciqaab iyo xanuun laga baqayo.
Dhaawicii nafsadda ee ay la kulmeen facii ugu horreeyey ee lagu dirqiyey laqabsiga waxaa loo arki karaa habdhaqan dabiici ah oo aan u baahnayn fasiraad iyo in qiil loo raadiyo; hayeeshee facyaasha danbe xitaa ma fahmi karaan sababta ay xanuunka u la xiriiriyaan afafka hooyo, halka ay farxadda iyo raaxada la xiriiriyaan afafka iyo dhaqamada shisheeye. Kooxda xulka ah iyo kuwa dejiya qorshayaasha waxbarashada ee ummadaha horay loo gumeystay waxay u malaynayaan in afafka gumeystayaasha reer Yurub ay dabeecad ahaan iskood caalami ugu yihiin, ayna sida ugu habboon u qaadi karaan garaadka iyo caalaminimada. Malahaas ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixin kara sababta ilaa maantadaan la joogo uu u socdo dhaqanka denbi ka dhigidda afafka Afrika, iyada oo falkaas ay hadda maamulaan oo ay dhaqangeliyaan aqoonyahanno Afrikaan ahi, kuwaas oo aan foolxumo u arag waxa ay samaynayaan: Afrikaan baa wuxuu ciqaabayaa Afrikaan kale oo denbiga loo haystaa uu yahay in uu ku hadlay af Afrikaan, iyada oo la fulinayo amarka dowlad Afrikaan ah.
Sidaas darteed, dhaawicii nafsadda ee bilowgii hore uu geystay nidaamkii waxbarasho ee gumeystaha, ayaa la dhaxlay. Wixii aan caadiga ahaynna wuxuu noqday arrin caadi (= dabiici) ah. Gumeysiga maskaxdu wuxuu hor istaagaa hal-abuurnimada waxbarashada himilada iyo waxtarka leh, waddankana laga hirgelin karo. Xakamaynta gumeystuhu uu ku hayo la gumeystaha xididkeeda hoose waa mid ka unkama sinnaan la’aanta nidaamka waxbarashada. Waxbarashadu waxay noqon kartaa hannaan lagu marinhabaabiyo habka garashada iyo xitaa aqoonta lafteeda.
Halkaa marka ay marayso, waxaan u baahannahay in aan kala saarno waxbarashada iyo aqoonta. Aqoontu waa mas’alo ku saabsan in si joogto ah wax loogu daro wixii aan horay u naqaannay, iyada oo loo marayo dood dhalisa feker isdhaafsi iyo maanfur labo dhinac ah. Habka garashada caadiga ahi waxa uu ka bilaamaa waxa la yaqaan oo looga gudbo dhanka waxa aan la aqoon. Tillaabo kasta oo cusubi wixii aan la aqoon bay waxay ka dhigtaa wax la yaqaan, sidaas awgeedna waxay wax ku kordhisaa wixii horay loo yaqiin. Waxa hadda la ogaaday wuxuu hodmiyaa wixii horay loo ogaa, sidaas baana waxaa loogu jirayaa safar joogto ah oo lagu samaynayo xiriirro dood isdhaafsi. Aqoonta adduunyadu waxay ka bilaabataa halka uu qofku joogo (=Halka uu joogo iyo naftiisa ayay ka bilaabataa kolkaas bay koonka ku faalashaa).
Docda kale, waxbarashadu waa hab lagu qaabeeyo dadka si ay uga mid noqdaan, ugana dhex shaqeeyaan bulsho go’an. Waxaa wehelin kara aqoon gudbin, laakiin waa aqoon shuruud wadata, oo sidata adduun aragga baraha iyo nidaamka waxbarashada. Waxaa suurogal ah in haddii si taxaddar leh loo derso habraaca gumeysiga, oo tusaale u ah haystaha iyo la’haystaha, sayidka iyo adeegaha, uu faa’iido u yeelan karo in laga fekero waxbarasho dheellitiran oo loo dhan yahay. Waxbarashada gumeysigu weligeed marna ma ahayn mid isu dheellitiran ama loo wada dhan yahay.
Geeddi socodka gumeysigu had iyo jeer wuxuu ahaa mid diiddan habka garashada caadiga ah. Yurubtii gumeystaha ahayd mar walba -magacyadeeda, joqoraafigeeda, taariikhdeeda, iyo aqoonteeda- bay u arki jirtey in ay yihiin halka uu ka bilaamo socdaalka waxbarasho ee la’gumeystuhu. Marka la soo koobo, gumeystuhu dhanka waxbarashada mar walba waxa uu diiddanaa in aqoontu ay ka bilaamato la’gumeystaha. Dhanka afkana, waxa uu ka shaqeeyey in laga hortago in afafka asalka ah loo aqoonsado in ay noqon karaan ilo aqooneed, oo ku habboon in loo adeegso cilmibaaridda, fekerka iyo fanka. Xididdo la’aanta aasaaskeennu waxay abuurtaa xaalad hubanti la’aan joogto ah oo ku saabsan xiriirkeenna meesha aan joogno, awooddeenna, iyo xitaa guulahayaga.
Soo afjaridda gumeysigu waa in ay lafdhabar u noqotaa waxbarasho kasta oo dheellitiran, oo loo dhan yahay. Kuwii horay wax u gumeystay iyo kuwii la gumeystay labadaba waxaa saamayn ku yeeshay nidaamkii adduunyada qaabeeyey 400 sano ee u dambeeyey. Aqoontu waxay ka bilaabataa meel walba oo aynu joogno. Afafkeennuna waa ilo aqooneed qumman. Dhammaanteen waan jecelnahay xiddigaha, laakiin kuma khasbanin in aan Yurub u qaxno, jir ahaan ama sarbeeb ahaan, si aan iyaga u gaarno.
Waxbarashadu waxay noqon kartaa hannaan lagu marinhabaabiyo habka garashada iyo xitaa aqoonta lafteeda.
Marka mawduuca afafka laga hadlayo, waa in aan diidno fekradda la wada aamminay ee ah in dhibka hal dal ama adduunka ka jiraa uu yahay jiritaanka afaf iyo dhaqammo badan, iyo xitaa diimo. Dhibaatadu waxay ka dhalataa xiriirkooda xagga kala sarraysiinta. Afkayga ayaa ka sarreeya afkaaga, dhaqankaygu waa ka fiican yahay kaaga. Amase afkaygu waa mid caalami ah; kaaguna waa mid maxalli ah oo deegaankaaga ku kooban. Si aad u ogaato afkaygana, waa in aad marka hore ka tanaasusho afkaaga. Aragtida oranaysa in aniga ilaahaygu uu ka awood badan yahay adiga ilaahaaga waa aragti been ah. Aragtidani dadka qaarkood waxay ku bixisaa in ay afkooda u arkaan in uu dabeecad ahaan uga sarreeyo afafka kale, sidaas aawadeedna ay iyaga qudhoodu xaq u leeyihiin in ay dadka kale xagga aqoonta iyo awoodda kaga martabo iyo meekhaan sarreeyaan. Tani waa waxa aan ugu yeero dhulgoosi-afeedka (=linguistic feudalism).
Dhammaan afafku, kuwa dadka badani ay ku hadlaan iyo kuwa dadka tirada yari ay ku hadlaanba, waxay leeyihiin wax badan oo ay ku biirin karaan bini'aadantinimadayada aan wadaagno haddii laga xorreeyo dhulgoosi-afeedka. Marka la dejinayo siyaasadaha waxbarashada waa in saldhig looga dhigo in afafka oo dhammi ay yihiin kaydad -ama bakhaarro- ay ka buuxaan taariikh, qurux iyo awoodo. Mid kastaa wuxuu haystaa wax uu ku kordhiyo kuwa kale haddii xiriirkoodu uu yahay mid ku qotoma shabakad wax isdhaafsi [=luqado isdhaafaa galladi ka dhalataa]. Xitaa haddii afafka midkood uu noqdo afka isgaarsiinta ee afafka badan isku xira, waa in aan loo qaadan arrin ku salaysan dhalasho dabiici ah ama caalaminimo asali ah oo afkaasi uu afafka kale dheer yahay, balse waa in loo arko arrin ka dhashay baahi iyo duruufo. Xitaa haddii ay xaaladdaasi timaaddo, waa in afkaasi uusan ku naaxin geerida afafka kale, oo aan lagu dul beerin qabriga afafka kale.
Waxbarashada isu dheellitiran ee loo dhan yahay waxay ku baaqaysaa halkudheg cusub: shabakad siman oo isku xiran oo wada shaqaysa (=network), kala sarrayn maya. Afafka oo idil oo waa siman yihiin, mana kala fadli badna. Waa in aan fahanno in dhammaan afafku, yar iyo weynba, ay leeyihiin af ay wadaagaan: waxaa loo yaqaannaa tarjumaad (Tarjamadu waa afka afafku ay wadaagaan oo ay shucuubta iyo dhaqamada kala geddisani ku wada hadlaan).

Waxbarashadu waa in aysan marnaba noo horseedin is-faquuq xagga afka iyo dhaqanka ah. Waxaan rabaa in aan adduunka la xiriiro, laakiin taa macnaheedu ma aha in aan faraha ka qaado saldhiggayga aan ka duulayo. Waxaan rabaa in aan adduunka kala xiriiro meel kasta oo aan joogo. Waxaan aamminsanahay in hadafka waxbarashadu uu yahay in ay noogu deeqdo aqoon awood na siisa, isla markaana ay muujiso xiriirka dhabta ah ee aan adduunyada la leennahay, laakiin iyada oo laga duulayo saldhiggeenna. Annaga oo ka ambaqaadayna saldhiggeenna baan sahaminaynaa adduunka: adduunkana waxaan kala soo laabanaynaa wax xarunteenna hodontinnimo u sii kordhinaya. Waxaan la xiriiraynaa dunida annaga oo aan ka xiriir furan dadkeenna iyo dhulkeenna.
Taasi, waxay iila muuqataa, in ay tahay caqabadda dhabta ah ee ka jirta nidaaminta aqoonta iyo ku gudbinta nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay oo dheellitiran oo dunida maanta ka jira. Waa in aan diidno fikradda ah in quruxdu aysan qurux ahayn jeer ay ka soo burqato rafaadka gudihiisa. Qasriyaduna aysan qasriyo noqonayn ila xabsiyada laga dul taago mooyaane. Malaayiintaydu malaayiin ma aha haddii aan laga soo qufin hal malyan oo sabool ah calooshooda. Si aan anigu u jiro, waa in kuwa kale ay baaba’aan. Waxbarashadu waa in ay gudbisaa aqoon awood noo siinaysa in aan male’awaali karno jiritaanka qasriyo badan oo la wadaagi karo, halkaas oo jiritaankaygu uu xoojinayo jiritaankaaga, jiritaankaaguna uu awood siinayo kayga.
F.G.: Filinka Ayrishka ah ee ‘Kneecap’ oo soo baxay sannadkii la soo dhaafay ee 2024, oo ka hadlaya kaalinka uu afku ka qaato gumeysiga iyo weliba halganka gobannimadoonka, dhammaadkiisa waxaa lagu xusay erayo ka tarjumaya xaqiiqada tiraahda: Erayadu waxay abuuraan fekrado iyo sheekooyin, fekradaha iyo sheekooyinkuna waxay sameeyaan ummado iyo ilbaxnimooyin. Erayadu waa rasaas, afkaaga hooyo oo keliya baadna ku curin kartaa.
