Saturday 14 March 2026
Waxa jira nooc ka mid ah wadajoogitaanka oo qofka dareensiiya deggenaan iyo fakaag sidii in uu keligii yahay, waa kolka joogitaanka qofka kale aanu ku xadgudbin ama aanu hafin khibradda dhinaca kale, se cagsiga uu sii hodmiyo oo uu qotodheereeyo. Wadajirkani waa dhif waana mid aan sahal lagu helin. Wadajir kasta, si kasta oo la isugu weyn yahay, waxa uu gaadhaa heer ka haagid, waana kolka diiqad isku dareenku bilaabmo. Kolka qofku yahay keligiisocodna, kaba sii daran, oo soohdintaas horaa loo gaadhaa, fakaaggiisuna ka cidhiidhisan kuwa kale. Kolka xaaladdani dhacdo, ku laabashada kelinnimada ayaa loo hiloobaa. Markan, aynnu eegno Rose Macaulay (Ogos 1, 1981 ilaa Aktoobar 30, 1958), oo cabbiraysa xiisaha ay u qabtay nabdoonaanta gudeed ee lagu dareemo kelinnimada, iyadoo maqaallada ay ka qortay ku raaxaysiga nolosha arrinkan kusoo bandhigaysa.
Ka sokow in ay labo iyo labaatan buug kusoo saartay labaatan sanno gudahood, sidoo kalena ay qortay maqaallo, maansooyin iyo qoraallo wargeysyo – oo ah waxsoosaar badan oo aan ku dhaboobmi karin wax aan ahayn dad ka go’id dhammaystiran, iyadoo ku raadaysan hadalkii Susan Sontag ee ahaa: “Qofku in ku filan qoraalka uma go’i karo” – haddana Macaulay may ahayn qof dadka ka go’an. Waxay jeedisay muxaadarooyin, waxay ka qaybgashay kulanno, waxay qabsatay xaflado, marar badanna waxa ay kasoo gashay idaacadda dadweynaha si ay uga faallo dhiibato xaaladihii dunida ka taagnaa. Intii uu socday Dagaalkii Koowaad, waxa ay ahayd kalkaaliso iyo shaqaale dawladeed, Dagaalkii Labaad ee dunidana, sidii Mary Curie dagaal hore samaysay, waxa ay si tabarruc ah darawal uga noqotay ambalaas, iyadoo lixdan jir ah. Waxa ay si joogto ah farriimo ugu diri jirtay tifaftirayaasha Qaamuuska Okosfoodh ee Ingiriiisiga – buugga ay ugu jeclayd – iyadoo soojeedino, sixitaanno iyo hagaajin u dirta. “Tifaftirka shaqo sidaas u weyni waxa uu i siiyaa deggenaan”, ayaa ay ku qortay mid ka mid ah maqaalladeeda ay kaga hadlaysay badhaadhaha nolosha ee fudud. Kolkii gurigeeda lagu dumiyey weerarradii cirka, dhammaana buugaggeedii la baaba’een, mujalladaadkii qaamuusku waxa ay noqdeen waxa ugu weyn ee ay ka murugootay. Kolkii ay gurigeeda dib u dhistay, waxa ay sii wadday in ay saaxiibbadaheed ku martigaliso saaloonnada iyo xafladaha.
Hase ahaato e, ka sokow muuqaas sare ee bulshaynimada ah, Macaulay waxa ay noqonaysaa qofka dhibcaha ugu sarreeya ku metelaya tijaabada kelisocodnimada – ma aha dhexgalka waxqabadyada bulsho waxa qofka tamar siiya ama daaliya. Maqaal ay cinwaan uga dhigtay “Tegitaankii Soobookhdayaasha”, waxa ay soo bandhigaysaa farxadda ay ka hesho kelinnimada: “Waxa i saaqda nabdoonaan jaadgoonni ah: nabdoonaan nabdiga aan ka degganahay, oo maankayga ku dareerisa macaanka malabka oo kale, quusisa, oo gidaarradayda sidii muusig uga tunta, dhulkana iiga dhigta sidii doog cagaaran, nabdoonaan ilaahyada u qalanta; waa fakaag ilaahi ah”. “Sidii in uu kursiga debecsani soo dhawayn diirran ii fidinayo, fadhiga martidu aanay jooginna soo dhawayntayda isku kala bixinayo. Buugaagtaa la widhwidha midabbadooda bunniga iyo dahabiga ah… iyagoo si habqan ah ugu daadsan dhullka, kuraasida iyo soofaha, oo mar kale u diyaar ah akhrin. Dayaanka ereyada ayay gidaarrada cidlada ahi soo celinayaan, ka dibna baaba’aan, dhinacaygana diiwaanka illawga gala, oo aamusnaani dabooshaa jawigii. Buug baan khaanaddiisa kasoo saaraa oo aan fadhiga dul dhigaa, aamusnaan baanan galaa sidii ubaxyo kusoo daadanaya dhul boqortooyo oo lasoo ceshaday ka dib markii ay ka guureen dadkii doolaalka ahaa”. “Maxaynnu ku samaynaa degganaanta sidan u quruxda badan? Waa hibo, waa mucjiso, jaadgoonni dheeman ah, qayb ka mid ah nidaamka samaawiga ah ee dhifka ah, oo dhulka yimi sidii xiddig dhulka kusoo khaldantay. Waa qofkii oo noloshiisa mar kale la keliyeysanaya. Martida sharafta lahow, keliya maydaan nagu wanaajin tegitaankiinna, ee xitaa imaatinkiinnaa wanaag noo ah, sababtoo ah waa waxa aannu ku garanayno qiimaha maqnaantiinna, ee saamaxaya ku raaxaysiga maqnaanshahaas.
Waxa tacajab leh in ilhaamka gudeed ee ay Macaulay dareentaa laftiisu ahaa marti ay marar doonto inay ka nasato. Maqaal kale, waxa ay kusoo bandhigaysaa isla hadal gudeed oo kaa hore la mid ah, kolka ay buug ka dhammaato – daqiiqaddaas, judha ay ereyda u dambeeya buugga ku qorto, maskaxdu gasho deggenaan cusub. Waxa ay qortay: “Fakaag baa ka hor muuqda labadayda indhood ee tacajabsan, sidii bad deggan, se kuma sii jiro, oo judhaba waxa baddaas deggan dul sabbeeya hadhaaga yoolashii aan dayacay, oo aan yaqiinsanahay in ay I qasayaan kolka aan isku dayo in aan ku dabbaasho baddaas deggan. Fakaagu keliya waa waa wax muddo kooban ah, waanay dhammaadeen maalmihii uu u muuqday mid joogto ah, cirow ah oo ka madhan culaysyo. Markasta waxa jira wax aan la fulin, daymo ama shaqooyin aad dib u dhigtay, oo kolka ku raaxaysiga fakaaggu yimaaddo madaxooda kor usoo qaada. Xitaa haddii aan wahsiga isku dhiibo, waxa aan is arkayaa anigoo dhex jibaaxaya wahsiga kuwa quustay ee uu werwerku hoos hoos u rifayo. Hadda se, waxa aan hadda kasoo baxay kayn jiq ah oo dedaal iyo hawl ah, waxaanan naftayda u oggolaanayaa in ay hesho wahsi macaan oo bilaa werwer ah, fakaag iyo xorriyad leh”.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.