Monday 7 September 2026
Cimi-baadhistan, oo uu qoray Dr. Jamaal Cali Xuseen, waxa lagu daabacay cadadkii gu'ga 2026-ka ee majaladda Cornell International Affairs Review, mugga 19aad, tirsiga 2aad. Majaladdan cilmiyeed waxa maamula ardayda Jaamacadda Cornell, waxaanay taageero ka heshaa Maktabadda Jaamacadda Cornell iyo Xarunta Mario Einaudi ee Daraasaadka Caalamiga ah.
Marka la falanqeynayo waayihii dawlad-dhiska (state-building) iyo nabad-dhiska (peacebuilding) ee ka dhashay burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxa muuqata in Somaliland iyo Soomaaliya ay noqdeen laba tusaale oo aad uga duwan habka bulshooyinka isku taariikh, isku dhaqan, isku diin iyo isku af ahi uga jawaabi karaan xaalad burbur qaran kasoo gaadhay. Dr. Jamaal Cali Xuseen, waxa uu daraasadan ku soo bandhigayaa dood cilmiyeed oo ka gudo-ballaadhan isbarbardhigga caadiga ah, isaga oo ku dooday in kala duwanaanshaha natiijooyinka labada dhinac aanu ka dhalan khayraad, juqraafi ama gargaar caalami ah oo kaliya, balse si uu si qoto dheer isula xidhiidhiyo awoodda bulshada iyo sida ay hoggaamiyeyaashoodu u yeesheen xalinta wada xaajoodka, waxa cilmiga siyaasadda iyo dhaqaaluhu ugu yeedho “Collective Action Problem.”
Haddaba, ka hor inta aynaan u guda gelin maqaalkan cilmiyeed, bal aynu isweydiinno: Waa kuma Dr. Jamaal Cali Xuseen?
Dr. Jamaal Cali Xuseen waa aqoonyahan, qoraa, suugaanyahan iyo maamule sare oo muddo dheer ka soo shaqeeyey hay'ado maaliyadeed oo caalami ah. Waxbarashadiisa iyo waayo-aragnimadiisa xirfadeed waxa uu isugu geeyey cilmiyada kala ah: dhaqaalaha siyaasadeed, maaliyadda, siyaasadda, iyo horumarinta caalamiga ah, taas oo ka dhigtay aqoonyahan si qoto dheer ugu dhex milmay doodaha ku saabsan dawlad-dhiska, horumarka, iyo nidaamyada caalamiga ah.
Waxa uu shahaadada “Doctor of Philosophy” (PhD) ee Arrimaha Caalamiga ah ka qaatay Johns Hopkins University School of Advanced International Studies (SAIS), halkaas oo uu ku takhasusay Dhaqaalaha Siyaasadeed (Political Economy). Sidoo kale, waxa uu haystaa Master of Business Administration (MBA) oo ku takhasusay maaliyadda kana qaatay Harvard Business School, iyo Master of Fine Arts (MFA) oo dhanka qoraalka hal-abuurka ah ee aan mala-awaalka ahayn (Creative Nonfiction), kana qaatay Southern New Hampshire University. Bilowgii mihnaddiisa xirfadeedna waxa uu ahaa xisaabiye sharciyeysan (Certified Public Accountant – CPA) oo ruqsad rasmi ah ka haystay gobolka Massachusetts ee Maraykanka.
Isaga oo ka duulaya in ka badan labaatan sano oo uu xilal hoggaamineed oo sar-sare ka soo qabtay hay'ado maaliyadeed oo caalami ah iyo machadyo tacliimeed, Dr. Jamaal Cali Xuseen waxa uu cilmi-baadhistiisan diiradda ku saarayaa arrimaha horumarinta, dawlad-dhiska, nabadda iyo xallinta khilaafaadka, iyo doorka Afrika ee sii kobcaya xagga dhaqaalaha siyaasadeed iyo nidaamka dhaqaale ee caalamka. Qoraalladiisa cilmiyeed iyo kuwa hal-abuurkuba waxay si joogto ah uga soo baxaan joornaallo tacliimeed iyo madallo sumcad sare leh, kuwaas oo ka tarjumaya isku-dhafka xeesha-dheer ee uu u leeyahay hab-raac cilmiyeed, waayo-aragnimo maamul iyo falanqayn ku saabsan isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dunida casriga ah.
Aragtidan waxa saldhig u ah fikradda ah in bulsho kasta oo kasoo baxda dagaal sokeeye ay wajahdo caqabado waaweyn, sidii kooxo dano kala duwan leh loogu qancin lahaa inay ka hormariyaan maslaxadda guud danahooda gaarka ah. Haddii wada-shaqayntaas la abuuri waayo, waxa adkaanaysa in la helo dawlad sharciyad leh, amni waara iyo hay'ado shaqayn kara. Sidaas darteed, qoraagu waxa uu ku doodayaa in guusha ama guuldarrada dawlad-dhisku aanay ku xidhnayn dhismaha hay'adaha oo kaliya, balse ay ku bilaabanto awoodda bulshadu u leedahay inay dhisto kalsooni, heshiis iyo iskaashi siyaasadeed.
Daraasaddu waxay iftiiminaysaa xaqiiqo muhiim ah oo muddo dheer ka maqnayd doodaha caalamiga ah ee ku saabsan Soomaaliya. Inta badan cilmi-baadhisyadii hore waxay si gaar ah u eegi jireen Soomaaliya ama Somaliland, iyaga oo aan si qoto dheer isu barbardhigin hababka ay u mareen dib-u-dhiska siyaasadeed. Sidaa awgeed, Dr. Jamaal waxa uu isku dayayaa inuu buuxiyo farqigaas isaga oo adeegsanaya qaab aragtiyeed mideeya cilmiga dhaqaalaha siyaasadeed, cilmiga maamulka iyo daraasaadka nabadda.
Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, labada dhinac waxay kasoo wada bilaabeen xaalad aad isugu dhow. Labaduba waxay la kulmeen hay'ado burburay, ciidan kala daatay, dhaqaale hoos u dhac ku yimid iyo bulsho dhaawac kasoo gaadhay dagaallo sokeeye. Hase yeeshee, wax yar gudahood waxa soo baxay laba waddo oo gebi ahaanba kala duwan. Somaliland waxay dooratay waddo ay hormuud u yihiin bulshada deegaanka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta gudaha, halka Soomaaliya ay noqotay goob ay hoggaaminayaan shirar iyo qorshayaal ay hormuud u yihiin quwado dibadeed iyo hay'ado caalami ahi. Kala duwanaanshahan ayaa noqday su'aasha ugu weyn ee daraasaddu isku dayayso inay ka jawaabto.
Dr. Jamaal waxa uu si gaar ah u muujinayaa in geeddi-socodka Somaliland uu ahaa mid ku salaysan mabda'a ah in nabaddu ka horrayso dawladnimada. Taas macnaheedu waa in bulshada marka hore laga heshiisiiyo colaadaha, si loo dhiso kalsooni iyo wada noolaansho, dabadeedna lagu tallaabsado dhismaha hay'adaha siyaasadeed. Soomaaliya se waxay qaadday waddo taa ka duwan, iyadoo dadaalladii ugu waaweynaa diiradda lagu saaray dhismaha dawlad dhexe iyadoo aan marka hore la xallin khilaafaadkii bulshada dhexdeeda yaallay. Sidaas darteed, Dr. Jamaal wuxuu ku doodayaa in dawlad lagu dul dhisay bulsho aan wali heshiin ay yeelaynayso hay'ado aan lahayn sharciyad bulsho, taasina ay horseeddo fashil soo noqnoqda.
Aragtidan waxa sii xoojinaya dhacdooyinka ka dhacay Geeska Afrika soddonkii sano ee u dambeeyey. Inkasta oo aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland uu weli kooban yahay, haddana waxay ku guulaysatay inay dhisto nidaam siyaasadeed oo xasilloon, doorashooyin qabta, ciidan qaran leh iyo hay'ado maamul oo shaqeeya. Soomaaliya se inkasta oo ay heshay aqoonsi caalami ah iyo taageero dhaqaale oo ballaadhan, haddana waxay muddo dheer ku tiirsanayd ciidamo shisheeye iyo miisaaniyado ay maalgelinayaan deeq-bixiyeyaashu. Isbarbardhiggan ayaa noqday caddaynta ugu weyn ee muujinaysa in sharciyadda gudaha iyo lahaanshaha geeddi-socodku ay ka qiimo badan yihiin taageerada dibadda.
Marka la eego taariikhda, Dr. Jamaal wuxuu dib ugu noqonayaa sanadihii xorriyadda si uu u sharxo xididdada mushkiladdu ka jirto maanta. Somaliland waxay xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 Juun 1960-kii, wax yar ka dibna waxay si ikhtiyaari ah ula midowday dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray si loo abuuro Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Midowgaasi wuxuu ku dhisnaa himiladii Soomaaliweyn iyo rabitaanka in dhammaan Soomaalida la mideeyo. Hase yeeshee, sida Dr. Jamaal tilmaamayo, himiladaasi waxay dusha ka qarinaysay dhibaatooyin dhismeed oo aan si dhab ah loo xallin karin, kuwaas oo la xidhiidhay awood qaybsiga, matalaadda siyaasadeed iyo sinnaanta gobollada.
Intii lagu jiray dawladdii dhexe, awoodda siyaasadeed iyo dhaqaaluhu waxay si isa soo taraysa ugu urureen Muqdisho, halka waqooyigu dareemayay in laga takoorayo maamulka iyo horumarka. Cabashooyinkaas ayaa sii xoogaystay xilligii uu joogay Siyaad Barre, gaar ahaan markii dagaalladii sideetamaadkii ay sababeen burbur baaxad leh oo gaadhay magaalooyinka waqooyi. Sidaas darteed, markii dawladdii dhexe duntay, Somaliland waxay u aragtay in dib ula soo noqoshada madaxbannaanideedii hore ay tahay jidka kaliya ee lagu xaqiijin karo nabad iyo ismaamul gooni u ah.
Dhanka Soomaaliya inteeda kale, burburkii dawladdu wuxuu horseeday tartan xooggan oo u dhexeeya hoggaamiye-kooxeedyadii hubaysnaa. Halkii ay ka bilaabmi lahayd geeddi-socod dib-u-heshiisiin ah, awooddii waxa lagu kala qaaday cudud ciidan iyo taageero dibadeed. Tani waxay abuurtay jawi ay koox kastaa isku dayaysay inay kaligeed maamusho awoodda siyaasadeed, taas oo sii adkaysay in la helo heshiis qaran oo loo dhan yahay.
Dr. Jamaal wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in saamaynta gumaysigu door weyn ku lahayd kala duwanaanshaha labada dhinac. Ingiriisku wuxuu Somaliland ku maamulay hab dadban oo aanu faragelin nidaamyadii dhaqanka, isaga oo ku tiirsanaa odayaasha iyo xeerarkii jirey. Talyaanigu se wuxuu Soomaaliya ka hirgeliyey maamul dhexe oo awood badan, kaas oo markii dawladdii dhacday aan lahayn saldhig bulsho (marjac) sii wada shaqayn kara. Sidaas darteed, Somaliland waxay ku ciirsatay nidaamyo dhaqameed oo wali shaqaynaya, halka Soomaaliya iyadna miciin-bidday hay'ado casri ah oo burburkoodu sababay faaruq siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Jamaal ma aaminsana in gumaysigu kaliya sabab u yahay kala duwanaanshaha maanta jira. Waxa uu hoosta ka xariiqayaa in arrinta ugu muhiimsani ahayd tayada hoggaanka siyaasadeed iyo awoodda hoggaamiyeyaasha dhaqanku u yeesheen inay abuuraan heshiisyo loo dhan yahay. Bulsho isku dhaqan ah ayaa yeelan karta laba natiijo oo aad u kala duwan, waa haddii habka hoggaaminta iyo wada-heshiisiintu kala duwan yihiin.
Sidaas darteed, qaybta hordhaca ahi waxay dejinaysaa doodda aasaasiga ah ee daraasadda: “nabad waarta lama dhisi karo iyadoo aan marka hore la xallin dhibaatada dhex taal bulshada, dawlad waartana lama abuuri karo iyadoo aan nabaddu sal u noqon.” Mabda'ani wuxuu noqonayaa tiirka ay ku dhisan tahay doodda inteeda kale, waxaana Dr. Jamaal ku sii faahfaahinayaa qaybaha xiga isagoo adeegsanaya aragtiyaha Elinor Ostrom, William D. Ferguson iyo “Political Settlement Theory” si uu u sharaxo sababta ay Somaliland ku guulaysatay iyo sababta Soomaaliya ay wali ugu adkaatay inay gaadho yoolkaas.
Si loo fahmo sababta Somaliland iyo Soomaaliya ay u mareen laba waddo oo gebi ahaanba kala duwan, Dr. Jamaal kuma ekaan falanqayn taariikheed oo kaliya. Halkaas, waxa uu daraasaddiisa ku dhisay laba aragtiyood oo caan ka ah cilmiga dhaqaalaha siyaasadeed iyo maamulka hay'adaha: William D. Ferguson's “Collective Action Theory” iyo Elinor Ostrom's “Theory of Institutional Governance”. Labadan aragti ayaa daraasaddan muraayad u ah; sababaha ay bulshooyin isku deegaan ahi u gaadhi karaan natiijooyin aad u kala geddisan.
Dr. Jamaal wuxuu ku bilaabayaa fikradda ah in dawlad kasta oo kasoo baxda dagaal sokeeye ay wajahdo caqabad ka adag dhismaha wasaarado, baarlaman ama ciidan. Caqabadda ugu horraysaa waa sidii loo abuuri lahaa jawi ay dadku isku aamini karaan. Kalsoonidu ma aha wax sharci lagu qoro oo kaliya; waa hanti bulsho “social capital” oo ku dhalata wada-shaqayn joogto ah, wada hadal iyo fulinta ballamihii hore ee la isla meel dhigay. Marka kalsoonidu lunto, hay'adaha ugu quruxda badan ee la dhisaa waxay isu beddelaan qolof madhan oo aan awood u lahayn inay bulshada mideeyaan.
William D. Ferguson, waxa uu yidhi: markasta oo ay jirto xaalad, waa markasta oo ay danaha shakhsiga ah iyo danaha guud isku dhacayaan. Qof kasta ama koox kasta waxay si dabiici ah u doonaysaa inay ilaaliso danteeda gaarka ah, hase yeeshee haddii dhammaan kooxuhu sidaas u dhaqmaan, waxa burbura fursaddii lagu gaadhi lahaa dan guud oo qof walba faa'iido u leh. Tani waa waxa afka ingiriisiga loogu yeedho: “Collective Action Problem.”
Marka fikraddan lagu dabaqo Soomaaliya, Dr. Jamaal wuxuu muujinayaa in burburkii 1991-kii ka dib ay soo baxeen kooxo hubaysan, hoggaamiye-kooxeedyo, beelo iyo dano siyaasadeed oo mid walba doonayay inuu gaadho tiisa gaarka ah. Inkasta oo dhammaantood ay dan ugu jirtay in Soomaaliya hesho nabad iyo dawlad shaqaysa, haddana kalsooni la'aanta iyo cabsida laga qabo khiyaano ayaa keentay in cidina aanay diyaar u noqon tanaasul. Sidaas darteed, qof kasta wuxuu u arkayay in hubkiisu yahay dammaanadda kaliya ee badbaadadiisu ku jirto.
Ferguson waxa kale oo uu tilmaamayaa in xaaladaha noocan ahi ay abuuraan waxa loo yaqaan “Equilibrium of failure”, taas oo macnaheedu yahay in dhammaan dhinacyadu ay ku sii jiraan xaalad guuldarro joogto ah, inkasta oo qof walba og yahay in wada-shaqayntu ka faa'iido badan tahay, Kali qayuubnaanta. Soomaaliya, sida Dr. Jamaal sharxayo, waxay muddo dheer ku xannibnayd xaalad la odhan karo isla-meeraysi; shirar badan oo la qabto, dawlado badan oo la dhiso, balse ma jirin hannaan awood u yeeshay inuu abuuro kalsooni dhab ah oo lagu ilaaliyo heshiisyada.
Sidoo kale, Ferguson wuxu leeyahay dadku ma wada shaqeeyaan marka sharci lagu amro; iyaga oo aan ogaan in wada-shaqayntu uga faa'iido badan tahay iska hor imaadka. Somaliland, sida uu Dr. Jamaal muujinayo, hoggaamiyeyaashu waxay abuureen jawi ay nabaddu u noqotay dano wadaag. Ganacsaduhu wuxuu ogaaday in nabaddu kobcinayso ganacsigiisa, odaygu wuxuu ogaaday inay ilaalinayso bulshada uu metelo, siyaasiguna wuxuu fahmay in sharciyaddiisu ku xidhan tahay guusha geeddi-socodka nabadda. Sidaas ayay danaha gaarka ahi ugu milmeen danta guud.
Dhanka kale, Dr. Jamaal wuxuu u gudbayaa aragtida Elinor Ostrom, oo si weyn uga duwan habkii dhaqameed ee lagu eegi jiray maamulka bulshada. Ostrom waxay caan ku noqotay dooddeeda ah in bulshooyinku aanay mar kasta u baahnayn dawlad xooggan ama faragelin dibadeed si ay u maareeyaan dhibaatooyinkooda. Waxay caddeysay in haddii bulshada la siiyo fursad ay ku samaystaan xeerar u gaar ah, isla markaana ay iyagu ilaaliyaan fulintooda, ay awood u yeelan kartaan inay gaadhaan iskaashi waara, yacni ummad kasta oo dunida meel ka degan kolka ay doonaan inay dhistaan dawlad, waxay ku dul dhisaan waxa ay yaqaanaan ma aha wax meel kale laga soo minguuriyey. Kuwa loo meershaana ma waaro nidaamkooda dawladeed.
Dr. Jamaal wuxuu ku doodayaa in khibradda Somaliland ay si cajiib ah ula jaanqaaddo aragtidan. Shirarkii nabadaynta, gogashii odayaasha, xeerarkii dhaqanka iyo wada tashiyadii beelaha ma ahayn hay'ado dibadda laga keenay; waxay ahaayeen nidaamyo ka dhex dhashay bulshada lafteeda. Taasi waxay siisay sharciyad aysan heli karin hay'ad dibadda lagu soo hindisay.
Ostrom waxay dejisay dhowr mabda' oo qeexaya sababta ay bulshooyinka qaarkood ugu guulaystaan wada-shaqaynta:
Mabda'a koowaad waa in bulshada si cad loogu qeexo cidda ka qayb qaadanaysa go'aan-gaadhistooda. Somaliland, shirarkii dib-u-heshiisiintu waxay si taxaddar leh u xaqiijiyeen in beel kasta iyo qayb kasta oo bulshada ahi hesho matalaad ku filan. Tani waxay meesha ka saartay dareenkii wax kala-tirsiga, waxayna kor u qaaday kalsoonida geeddi-socodka nabadda.
Mabda'a labaad, waa in dadka saamaynta ku yeelanaya go'aannadu ay iyagu qayb ka noqdaan samayntooda. Dr. Jamaal wuxuu caddeynayaa in Somaliland aan lagu soo rogin dastuur, nidaam siyaasadeed ama qaab dawladnimo oo diyaarsan. Dhammaan arrimahaas waxa lagu dhisay dood, wada xaajood iyo heshiisyo soo noqnoqday. Sidaas darteed, hay'adihii la dhisay waxay noqdeen kuwo bulshada dhexdeeda xididdo ku yeeshay.
Mabda'a saddexaad ee Ostrom, waa muhiimadda ay leedahay xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo hannaan fudud, la aqbali karo, oo aan qaali ahayn. Somaliland, odayaasha dhaqanka iyo Guurtidu waxay noqdeen xarunta ugu weyn ee lagu xalliyo murannada siyaasadeed iyo kuwa beelaha. Tani waxay ka hortagtay in khilaaf kasta isu beddelo dagaal beeleed hubaysan.
Waxa kale oo Ostrom xoogga saartaa in bulshadu iyadu la socoto fulinta heshiisyada. Somaliland heshiisyadii laguma dhaqan gelin ciidan shisheeye ama hay'ad caalami ah; waxa ilaaliyay bulshada heshiiska gashay lafteeda. Cidda jebisa heshiiska waxay luminaysay sumcad, taageero iyo kalsoonidii bulshada. Habkan ayaa noqday ciqaab bulsho oo ka waxtar badan ciqaabo badan oo sharci ah.
Marka la isku geeyo labada aragti, Dr. Jamaal wuxuu soo saarayaa gunaanad muhiim ah. Ferguson wuxuu sharxayaa sababta bulshooyin badan ugu fashilmaan wada-shaqaynta marka aan la helin kalsooni iyo dhiirrigelin mideysan. Ostrom se waxay sharxaysaa sida bulshooyinku uga gudbi karaan caqabaddaas iyagoo adeegsanaya nidaamyo gudaha ka dhasha. Somaliland waxay noqotay tusaalaha ugu dhow ee aragtida Ostrom laga dheehan karo, halka Soomaaliya ay si weyn uga muuqato digniinaha Ferguson ee ku saabsan cawaaqibta ka dhalata wada-shaqayn la'aanta.
Sidaas darteed, Dr. Jamaal wuxuu dhisayaa dood adag oo ah in nabaddu aanay ka dhalan awood ciidan ama heshiisyo dibadeed oo kaliya, balse ay ku dhalato awoodda bulshadu u leedahay inay dhisto kalsooni, iskaashi iyo xeerar ay iyadu leedahay. Marka geeddi-socodkaasi guulaysto ayay dawladdu yeelan kartaa saldhig adag oo sharciyadeed iyo mid bulsho. Taasi waa mabda'a uu Dr. Jamaal u adeegsanayo inuu ku sharxo kala duwanaanshaha taariikheed ee Somaliland iyo Soomaaliya, waana saldhigga uu ka sii ambaqaadayo qaybaha xiga ee daraasadda.
Markii uu Dr. Jamaal dejiyey saldhigga aragtiyeed ee daraasadda, waxa uu u gudbayaa marxalad muhiim ah oo qeexaysa sida aragtiyahaas loogu tijaabinayo xaqiiqooyinka ka jira Somaliland iyo Soomaaliya. Qaybtani waa laf-dhabarta cilmi-baadhista, waayo waxay qeexaysaa mala-awaallada “Hypotheses”, su'aalaha daraasadda iyo habkii cilmiyeed ee lagu ururiyey laguna falanqeeyey xogta. Tani waxay ka dhigaysaa daraasadda mid aan ku dhisnayn aragti kaliya, balse ku salaysan caddayn iyo hab cilmiyeed la xaqiijin karo.
Dr. Jamaal waxa uu soo jeedinayaa saddex mala-awaal oo waaweyn, kuwaas oo uu rumaysan yahay inay sharxayaan sababta Somaliland ugu guulaysatay nabad-dhiska iyo dawlad-dhiska, halka Soomaaliya ay muddo dheer ugu adkayd inay gaadho natiijooyin la mid ah. Mala-awaalladani maaha fikrado guud oo aan caddayn lahayn; waa qodobbo si nidaamsan loogu tijaabinayo dhacdooyinka taariikhiga ah ee labada dhinac.
Mala-awaalka koowaad waxa uu sheegayaa xallinta dhibaatada wada-shaqaynta “Collective Action Problem” iyada oo loo marayo nabad-dhis gudaha ka soo bilaabma, oo ah shardi lama huraan u ah dawlad-dhis guuleysta. Dr. Jamaal waxa uu ku doodayaa in hay'adaha dawladdu aanay ka dhalan karin jawi ay bulshadu ku kala qaybsan tahay, isku kalsoonaan la'dahay, isla markaana aanay jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Sidaa awgeed, nabaddu ma aha natiijada dawladnimada; waa saldhigga ay dawladnimadu ka dhalato.
Aragtidani waxay si toos ah uga soo farcantay fikirka Elinor Ostrom, ee aaminsan in wada-shaqaynta bulshadu ay ka horrayso hay'adaha rasmiga ah. Marka hore waa in bulshada dhexdeeda laga abuuraa kalsooni, xeerar iyo iskaashi, kadibna waxa suurtagal noqonaysa in iskaashigaas loo rogo hay'ado siyaasadeed oo sharci haysta. Somaliland, sida Dr. Jamaal tilmaamayo, waxay tusaale cad u noqotay mabda'an, maadaama shirarkii dib-u-heshiisiintu ay ka horreeyeen dhismaha hay'adaha dawliga ah.
Mala-awaalka labaad; wuxuu sheegayaa in naqshadaynta hay'adaha “institutional design” kaligeed aanay ku filnayn guusha dawlad-dhiska haddii aanay jirin awood bulsho oo iskaashi abuuri karta. Qodobkani wuxuu si gaar ah u dhaliilayaa habkii ay beesha caalamku ula tacaashay Soomaaliya kadib 1991-kii. Muddo dheer, dadaallada ugu badan waxay diiradda saareen qorista dastuurro, samaynta baarlamaanno, magacaabista madaxweynayaal iyo dhismaha hay'ado dawladeed. Hase yeeshee, Dr. Jamaal wuxuu ku doodayaa in dhammaan tallaabooyinkaas ay noqdeen kuwo aan sal adag ku taagnayn, sababtoo ah bulshada lafteedu wali may gaadhin heshiis siyaasadeed oo waara.
waxa uu halkan ku xoojinayaa dood muhiim ah: “hay'aduhu ma abuuraan wada-shaqayn, balse waxay xoojiyaan wada-shaqayn hore u jirtay.” Haddii bulshada dhexdeeda aanu ka jirin kalsooni iyo iskaashi, xitaa hay'adaha ugu casrisan waxay isu beddeli karaan magac-u-yaallo iyo dhismayaal aan wax saamayn ah lahayn. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay noqotay tusaale muujinaya in dawlad dibadda laga soo yagleelo aanay beddeli karin xaqiiqooyinka bulsho dhexdeeda ka jira.
Mala-awaalka saddexaad; waxa uu qeexayaa in iskaashigu yahay geeddi-socod wax laga barto, laguna dhiso khibrad soo noqnoqota, ka hor inta aanu isu beddelin hay'ado rasmi ah. Tani waa mid ka mid ah doodaha ugu qotada dheer ee daraasaddan. Sidoo kale, waxa uu rumaysan yahay in bulshooyinku aanay hal shir ama hal heshiis ku baran karin wada-shaqayntooda. Halka, iskaashigu uu ku yimaaddo kulamo badan, xalintuna tahay muranno isdaba joog ah iyo waayo-aragnimo lagu ogaado in wada-hadalku ka faa'iido badan yahay colaadda.
Marka la eego Somaliland, waxa uu ku tilmaamayaa in shirarkii Burco, Sheekh, iyo Boorama, aanay ahayn dhacdooyin kala go'an. Mid kasta wuxuu dhisayey kalsoonidii shirkii ka horreeyey, wuxuuna bulshada baray qaab cusub oo lagu xallin karo khilaafaadka. Sidaas darteed, markii la gaadhay dhismaha hay'adaha siyaasadeed, bulshadu waxay hore u lahayd dhaqan wada-shaqayn oo si dabiici ah u kobcay. Sidaas ayayna hay’adihii ku noqdeen ku rasmi ah oo sharci ka helaya hoggaanka dhaqanka, ugu dambaynna sidaas ayay ku jidaysmeen.
Marka uu dejiyey mala-awaalladan, waxa uu soo bandhigay laba su'aalood oo udub-dhexaad u ah daraasadda. Su'aasha koowaad waxay tahay: Maxay yihiin sababaha ugu muhiimsan ee sharxaya guusha Somaliland ee nabad-dhiska iyo dawlad-dhiska marka la barbardhigo fashilka Soomaaliya kadib burburkii dawladdii dhexe? Su'aashani waxay isku dayaysaa inay ogaato arrimaha dhab ahaan saamaynta ku yeeshay, halkii lagu koobnaan lahaa sharaxaad fudud oo ku salaysan nasiib ama gargaar dibadeed.
Su'aasha labaadna waxay diiradda saaraysaa doorka ay ciyaareen jilayaasha gudaha iyo kuwa dibaddu, iyadoo la isweydiinayo sida ay saamayn ugu yeesheen jihada ay labada dhinac u kala mareen. Halkan waxa uu doonayaa inuu caddeeyo in natiijada geeddi-socodka aanay ku xidhnayn oo kaliya cidda taageeraysa, balse ay ku xidhan tahay cidda leh go'aanka ugu dambeeya ee dejinaysa xeerarka siyaasadeed.
Si uu uga jawaabo su'aalahan, waxa uu adeegsaday hab cilmiyeed loo yaqaan “raad-raaca geeddi-socodka (Process Tracing).” Habkani waa mid caan ka ah cilmiga siyaasadda, waxaana loo adeegsadaa in si taxane ah loo raadiyo xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinka iyo natiijooyinka. Halkii uu ku koobnaan lahaa isbarbardhig guud, Dr. Jamaal wuxuu dib u eegayaa dhacdo kasta oo muhiim ahayd, isagoo falanqaynaya sida ay u saamaysay tallaabadii xigtay.
Habkan ayaa si gaar ah ugu habboonaaday daraasaddan, sababtoo ah waxa uu awood u siinayaa cilmi-baadhaha inuu fahmo sababta ay wax u dhaceen, halkii uu ka sheegi lahaa oo kaliya waxa dhacay. Tusaale ahaan, muhiim ma aha oo kaliya in la ogaado in Somaliland qabatay shirkii Boorama; waxa ka muhiimsan waa in la sharxo sababta shirkaasi u noqday meel lagu xalliyo mushkiladdii tiil waagaas, halka shirarka badan ee Soomaaliya loogu qabtay dibadda ay u waayeen saamayn la mid ah midda Boorama.
Dr. Jamaal wuxuu xogta daraasaddiisa ka ururiyey ilo kala duwan si loo xaqiijiyo saxnaanta natiijooyinka. Waxa uu waraysiyo la yeeshay madax hore iyo kuwo xil haya, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, nabad-doonno iyo cilmi-baadhayaal si toos ah uga qayb qaatay geeddi-socodka. Intaa waxa u dheer inuu tixraacay buugaag, warbixinno hay'adeed, dukumentiyo shirar iyo daraasado ka horeeyey oo la xidhiidha mawduuca.
Kala duwanaanshaha ilaha xogtu waxay daraasadda siisay awood dheeraad ah. Halkii lagu tiirsanaan lahaa hal il ama hal aragti, Dr. Jamaal wuxuu isku barbardhigayaa xogta kasoo baxaysa waraysiyada, qoraallada tacliimeed iyo dhacdooyinka taariikhiga ah. Habkan, oo loo yaqaan “Triangulation”, wuxuu kordhiyaa kalsoonida lagu qabi karo gunaanadka daraasadda.
Dr. Jamaal wuxuu muujinayaa in ujeeddada daraasaddu aanay ahayn oo kaliya in la sharxo wixii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhacay, balse ay tahay in laga soo saaro mabaadi' guud oo laga faa'iidaysan karo markan kadib, marka la dhisayo dalalka kasoo kabanaya colaadaha. Sida uu Dr. Jamaal ku soo gunaanadayo qaybtan, nabad waarta iyo dawladnimo shaqaynaysa ma dhalan karaan haddii aan marka hore la dhisin bulsho awood u leh wada-shaqayn, kalsooni iyo lahaanshaha geeddi-socodka siyaasadeed.
Markii uu Dr. Jamaal dhammeeyey saldhigga aragtiyeed iyo hab-raaca cilmi-baadhistiisa, wuxuu u gudbay qaybta ugu muhiimsan ee daraasadda: “Falanqaynta sababaha dhabta ah ee Somaliland ugu guulaysatay inay ka gudubto burburkii 1991-kii.” Sida uu tilmaamayo, guusha Somaliland laguma sharxi karo hal arrin oo kaliya sida hoggaamiye wanaagsan, qabiilo mideysan ama taageero dhaqaale. Tani waxay ahayd natiijada geeddi-socod dheer oo ay bulshada lafteedu hoggaaminaysay, taas oo la isku daray dib-u-heshiisiin, wada-tashi, hoggaan siyaasadeed iyo hoggaan dhaqameed.
Dr. Jamaal wuxuu si cad u sheegayaa in waxa Somaliland ka dhacay aanu ahayn "state-building" oo kaliya, balse uu ahaa “Peacebuilding first, state-building second.” Taasi waxay ka dhigan tahay in mudnaanta koowaad la siiyey dib-u-heshiisiinta bulshada, halka dhismaha hay'adaha dawladdu uu yimid kaddib markii la xaqiijiyey in bulshada dhexdeedu gaadhay heer ay ku wada noolaan karto kalsooni iyo iskaashi. Mabda'ani wuxuu gebi ahaanba ka duwan yahay habkii Soomaaliya looga dhaqmay, halkaas oo la isku dayay in marka hore la dhiso dawlad, iyadoo bulshada lafteedu wali ku jirto xaalad colaadeed.
Dr. Jamaal wuxuu tilmaamayaa in Jabhaddii “Somali National Movement” (SNM) ay door muhiim ah ka ciyaartay marxaladdii ugu horreysay, laakiin aanay isku dayin inay xoog ciidan ku dhisto dawlad cusub. Inkasta oo SNM ay ahayd xoogga milatari ee ugu weynaa ee taliskii Siyaad Barre kaga adkaaday waqooyiga, haddana hoggaankeedu wuxuu fahmay in guusha militarigu aanay isu beddeli karin sharciyad siyaasadeed, haddii aan la helin oggolaanshaha dhammaan qaybaha bulshada. Sidaas darteed, halkii ay awood ciidan u adeegsan lahayd, waxay albaabka u fureen wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin.
Halkan waxa kale oo uu ku soo bandhigayaa mid ka mid ah doodihiisa ugu muhiimsan: guusha Somaliland waxay ka dhalatay isbahaysi bulsho oo aad u ballaadhan. Isbahaysigan kuma koobnayn SNM oo kaliya; waxa ku jiray odayaasha dhaqanka (Guurti), ganacsatada, culimada, aqoonyahanka, qurba-joogta iyo beelihii kala duwanaa ee degganaa Somaliland. Mid kasta wuxuu lahaa door u gaar ah, balse dhammaantood waxay ku heshiiyeen in nabaddu noqoto yoolka ugu sarreeya ama in mudnaanta koowaad la siiyo.
Sannadihii ugu horreeyey ee burburka kadib, Somaliland waxa lagu qabtay in ka badan soddon shir oo dib-u-heshiisiin ah, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin iyo deegaano kala duwan. Shirarkan looma qaban si loo qaybiyo xilal siyaasadeed oo kaliya; ujeeddadoodu waxay ahayd in dib loo soo celiyo kalsoonidii burburtay, lana xalliyo colaadihii beelaha, lana abuuro xeerar cusub oo bulshada ku heshiiyaan. Sida uu tilmaamayo, shir walba wuxuu lahaa tallaabo cusub oo lagu dhisayo shayga ugu muhiimsan ee dawlad kasta: kalsoonida bulshada (social trust).
Marka la eego aragtida Elinor Ostrom, waxay sharxayaan in shirarkani ay ahaayeen tusaale muuqda oo muujinaya sida bulshadu ay u xallin karto dhibaatooyinka dhexdeeda yaala. Odayaasha dhaqanku ma lahayn ciidan qaran oo dadka ku khasba heshiisyada, mana jirin hay'ad caalami ahi oo dammaanad qaadaysay fulintooda. Waxa heshiisyada dhaqan gelinayey waxay ahayd sumcadda bulshada, xeerka dhaqanka iyo rabitaanka guud ee laga baqayay in colaaddii dib loogu noqon.
Dhacdo muhiim ah oo Dr. Jamaal si gaar ah u xusayo waxay ahayd qabsashadii magaalada Berbera bishii Janaayo 1991-kii, maalmo yar ka hor burburkii rasmiga ahaa ee dawladdii dhexe. Guushaasi waxay abuurtay fursad siyaasadeed oo cusub. Halkii laga bilaabi lahaa tartan awood lagu kala qaato, waxa markiiba la abaabulay shirkii ugu horreeyey ee dib-u-heshiisiinta beelaha waqooyi. Shirkan, oo loo bixiyey Shirka Walaalaynta Beelaha Waqooyiga, shirku wuxuu isu keenay beelihii iskaga soo horjeeday colaadda, oo ay ku jireen xitaa kuwii taageersanaa taliskii Siyaad Barre.
Dr. Jamaal wuxuu arrintan u arkaa dhacdo taariikhi ah oo si qoto dheer u muujinaysa mabda'a “Collective action.” Dhinacyadii dagaallamay waxay garteen in haddii ay sii wadaan colaadda, qof walba uu khasaarayo; haddii ay wada shaqeeyaanna, dhammaantood ay faa'iidaysanayaan. Sidaas darteed, waxa la gaadhay xabbad-joojin guud, waxaana la isku afgartay in wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada-hadal halkii hub loo adeegsan lahaa.
Dr. Jamaal wuxuu tilmaamayaa in shirarkan soo noqnoqday ay noqdeen waxa Ostrom ugu yeedhay “Trust-building loops.” Taasi waxay ka dhigan tahay in shir kasta uu kordhiyey kalsoonidii bulshada, taas oo sahashay in shirkii xigay lagu gaadho heshiis ka qoto dheer kii ka horreeyey. Sidaa darteed, nabadda Somaliland ma aysan ahayn heshiis hal mar la gaadhay, balse waxay ahayd geeddi-socod ay bulshada si tartiib tartiib ah ugu baratay wada-shaqayntu faa’iidada ay leedahay.
Waxa kale oo maqaalku si gaar ah u falanqeynayaa doorka Guurtida. Halkii odayaasha dhaqanka loo arki lahaa caqabad hortaagan dawladnimada casriga ah, Somaliland waxay ka dhigtay laf-dhabarta geeddi-socodka nabadda. Guurtidu waxay noqotay hay'addii dhexdhexaadinta, xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta heshiisyada. Tani waxay siisay nidaam sharciyeed bulshada dhexdeeda ah oo aan laga heli karin hay'ad sharci oo kale oo sharciga lagu dejiyo.
Sidoo kale, ganacsatadu waxay noqdeen qayb muhiim ah oo geeddi-socodka ka mid ah. Ganacsatadu waxay si cad u fahmeen in faa'iidadooda dhaqaale ay ku xidhan tahay nabad waarta. Sidaa darteed, waxay maalgelinayeen shirarka dib-u-heshiisiinta, waxay bixiyeen kharashaadka fadhiyada, waxayna dhiirrigeliyeen in la furo waddooyinka ganacsiga. Arrintani waxay muujinaysaa in nabaddu aanay ahayn himilo siyaasadeed oo kaliya, balse sidoo kale ahayd dano dhaqaale oo ay bulshada inteeda badan wadaagtay.
Ugu dambayn, wuxuu ku soo gabagabaynayaa in geeddi-socodkii Somaliland uu noqday tusaale muujinaya in hay'adaha waara aan laga bilaabin qorista dastuur ama dhismaha wasaarado, balse laga bilaabo dhismaha kalsoonida bulshada. Shirarkii dib-u-heshiisiinta waxay abuureen dhaqan siyaasadeed cusub oo ku salaysan wada-tashi, isu tanaasul iyo wada-lahaansho. Dhaqankaas ayaa markii dambe loo beddelay hay'ado rasmi ah, taas oo xaqiijinaysa mala-awaalkii saddexaad ee Dr. Jamaal ee ahaa in iskaashigu marka hore yahay dhaqan la barto, dabadeedna uu isu beddelo nidaam siyaasadeed.
Isku soo wada duub oo, dhammaan qodobadan kor xusan, waxa muuqata in Dr. Jamaal daraasaddiisu ay tahay mid xeel-dheer oo ku midaysan aragti siyaasadeed, hab-raac cilmiyeed iyo falanqayn dib u milicsi taariikheed si uu u sharxo sababaha ay Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala duwanaadeed geeddi-socodkooda nabad-dhiska iyo dawlad-dhiska. Anigu, waxa aan aad ugu raacsanahay ama taabacsanahay udub-dhexaadka daraasaddan ee ah in aan dawlad waarta la dhisi karin illaa la helo nabad sal u ah iyo sidoo kale in marka hore la abuuru kalsooni bulsho wada-shaqayn karta.
Daraasaddu waxa ay jaanta u rogaysaa aragti muddo dheer la aaminsanaa oo ahayd in dawlad-dhisku yahay arin farsamo oo lagu guulaysan karo iyadoo la dhisayo hay’ado rasmi ah, waxa ayna soo bandhigaysaa in sharciyadda dhabta ahi ka dhalato geedi-socod bulsho oo hoos kasoo guntama. Waxaan u arkaa in tani tahay wax-ku-biirin muhiim ah oo ku kordhaysa cilmiga siyaasadda iyo daraasaadka nabad-dhiska, gaar ahaan marka laga hadlayo bulshooyinka kasoo kabanaya colaadaha.
Hase yeeshee, inkasta oo daraasaddu leedahay isku-xidhnaan aragtiyeed oo muuqata, haddana waxa aan aaminsanahay in ay kasii xoogganaan lahayd, haddii ay kasii guda-ballaadhnaan lahayd kaliya Somaliland iyo Soomaaliya, oo lagu dari lahaa dalal kale oo dunida ka jira sida Rwanda, Botswana ama Sierra Leone. Isbarbardhigga noocan ahi wuxuu akhristaha siin lahaa awood uu ku kala saaro waxa u gaar ah waayo-aragnimada Somaliland iyo waxa ay ku tiirsan yihiin mabaadi’da guud ee nabad-dhiska iyo dawlad-dhiska. Sidoo kale, daraasaddu waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay aragtida Ferguson iyo Ostrom, hase yeeshee ku darista aragtiyo kale oo casri ah sida; Political Settlements Framework, State Capacity Theory Ama Inclusive Institutions, waxay sii xoojin lahayd doodda Dr. Jamaal, isla markaana waxay abuuri lahayd gun-dhig aragtiyeed oo ka sii ballaadhan, una adkaysan kara doodaha lidka ku ah gunaanadka.
Dhanka kale, waxa aan u arkaa in daraasaddu ay faa’iido weyn yeelan lahayd haddii ay si qoto dheer u falanqayn lahayd caqabadaha wali horyaal Somaliland, halkii ay awoodda ka saarrayso guulihii la gaadhay oo kaliya. Daraasaddu waxa la moodaa in ay si ugu janjeedho ama xoogga saarayso doorarka hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada oo kaliya, balse waxa aan arkaa in ay doorar muhiim ahi ka maqnaayeen sida doorkii dhalinyarada, haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Iyadoo la ogyahay in kooxahani ay yihiin boqolkiiba inta u badan. Sidaa awgeed, inkasta oo daraasaddani tahay mid mudan tixgelin cilmiyeed, haddana qodobadan ayaa la odhan karaa waa ay sii hodmin lahaayeen haddii lagu dari lahaa.