Saturday 14 February 2026
Xilligan oo ay sii kordhayaan caqabadaha degaan ee dunidu waajahayso, nabaadguurku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka degaan ee halista ku ah nolosha aadamaha iyo degganaanta degaan iyo dhaqaale, gaar ahaan dalalka soo koraya ee dhibaatooyinka la daalaadhacaya. Nabaadguurku, waa xaalufka ku socda dhulbeereedkii iyo daaqsinkii oo isku beddelaya dhul dirri ah oo aan waxba soo saarin, lana manaafacaadsan. Sababtu waa culays badan oo dhulkaasi kala kulmay falal dabiici ah iyo kuwo dad samee ah oo xooggan. Nabaadguurku waa mid ah dhibaatooyinka deegaan ee dalalka Carbeed [iyo dhulalka Soomaalidu] waajahayaan, waxaana lagu tiriyaa deegaannada ugu nugul nabaadguurka iyo isbeddelka cimilada ee dunida ka jira. Sidoo kale dhulalkani waxa ay ka mid yihiin deegaannada ugu cagaarka yar, uguna biyo yar. Dalalka Carbeed [iyo Soomaalidaba] waxa u dheer in ay yihiin meelaha u badan ee dunida wax lasoo dega, waxsoosaarka cuntana yaryahay, qiimaha cuntada lasoo dhoofsadayna waxa ay sannadkii gaadhaa boqol bilyan, dunida Carabta. Waa qiime aad u badan oo tilmaamaya in beerafalashadu aad u hoosayso, waxsoosaarkuna yaryahay. Waxa kale oo qiimahani muujinayaa in markasta oo nabaadguurku sii ballaadho, qiimahanina kor usii kacayo. Sidaas darteed, ka hortagga nabaadguurku keliya ma aha wax u danaynaya isku dheellitirnaanta deegaanka, se sidoo kale waa ilaalinta suququlka cunto, koboca dhaqaale iyo deggenaanta siyaasadeed.
Nabaadguurku waa hoos u dhaca tayadii ciidda waxsoosaarka lahayd iyo xaalufka ku fidaya deegaannada oomaha ah, iyada oo ay sababayaan arrimo dhawr ah, sida: xaalufinta kaymaha, xoolodaajinta joogtada ah, beerashada aan joogtada ahayn iyo adeegsiga badan ee biyaha dhulka hoostiisa mara. Waxa intan dheer oo nabaadguurka ka qayb noqda korodhka heerkulka. Hoos u dhacaas tayada ciidda iyo xaalufkaas ku siqa deegaannadu waxa uu sababaa in waxsoosaarkii iyo dhaqaalihii dhulbeerkeedku hoos u dhacaan, daaqsinkiina meesha ka baxo, oo dhulku isku rogo omos aan waxtar lahayn. Nabaadgurku waxa uu abaarta kaga duwanyahay, in uu si tartiib ah oo wakhti dheer qaadata u samaysmo, muddadaas dheerna ku saameeyo ciidda, daaqa iyo biyaha, halka abaartu tahay dhacdo muddo kooban jirta oo ku xidhan roob la’aan dhacday xilliyo cayiman.
Nabaadguurku waxa ka qaybqaataa ballaadhashada dhibaatooyinka cimilada, waxaanu keenaa hoos u dhaca awooddii ciiddu ku kaydsan lahayd Karboonka, arrinkanina waxa uu kordhiyaa heerkulka oogada sare ee dhulka. Sidoo kale waxa uu noqdaa dhibaato bulsho iyo mid dhaqaale, oo waxa uu hoos u dhigaa waxsoosaarkii, waxaana sidaas hoos ugu dhaca dakhligii bulshada. Waxa kale oo uu saameeyaa silsiladda cuntada la isku gaadhsiiyo ee bulshada dhexdeeda, waxa uu raad weyn ku yeeshaa waxa dalku dhoofiyo. Saamaynahan waxa aad ugu nugul dalalka Dunida Saddexaad, oo waxa suququl gasha cuntada, waxa kor u kacda saboolnimada iyo qaxa, waxaana qalalaase ka dhashaa helitaanka ilaha cunto.
Sababaha keena nabaadguurku waxa ay isugu jiraan isbeddellada cimilada iyo faragashiga aadamaha, se saamaynta u badan waxa leh farogelinta dadka, sida daajinta xoolaha ee xad ka baxa ah, beerashada badan iyo xagaafka dhirta waaweyn. Isbeddelka cimilada laftiisu waa saamayn weyn oo keena kor u kaca heerkulka oo ka dhasha wasakhawga deegaanka, waxaanu sare u kacaasi keenaa in tayada ciiddu dhimato, oo aanay awoodin ilaashiga biyaha. Mararka qaar waxa dhaca duufaanno, daadad iyo dab, waxaanay keenaan nabaadguurka daaqa iyo ciidda. Waxa kale oo aan la hilmaami karin in korodhka deegaamaynta iyo tirada bulshada iyo in aan si habboon aan loo qorshayn maaraynta ilaha kala duwan ee cuntada, ay suququl sii gelinayaan ilaha dabiiciga ah.
La dagaallanka nabaadguurku ma aha wax maxalli ah ama dalal koobani la tacaalaan, se waa wax qayb ka ah siyaasadda caalamiga ah. Sidaas darteed, 1994 waxa heshiiskii Qaramada Midoobay ee la Dagaallanka Nabaadguurka (UNCCD) la go’aamiyey in nabaadguurku noqdo mid ka mid ah natiijooyinkii kasoo baxay shirkii Qaramada Midoobay ee Deegaanka iyo Horumarinta oo magaalada Rio de Janeiro ka qabsoomay. Heshiiskan ujeedkiisu waxa uu ahaa la dagaallanka nabaadguurka iyo yaraynta saamayntiisa, iyada oo dunidu iska kaashanayso, oo la fulinayo siyaasadaha horumarineed.
Sida warbixinta Qaramada Midoobay dhigayso, boqolkiiba afartan dhulka dunida waxa ku socda xaaluf, waxaanu saamaynayaa 3.6 bilyan oo qof; macnaha wax ku dhow kala badh dadka dunida. Arrinkani waxa uu ka dhiganyahay in aanu nabaadguurku dhibaato deegaan uun ahayn, ee sidoo kale yahay dhibaato dhaqaale iyo bulsho oo weliba halis badan. Nabaadguurka ku socda dhulka iyo abaaruhu waxa ay curyaaminayaan dhaqaalaha caalamiga ah, waxaanay gaadhsiinayaan khasaare gaadhay 787 bilyan oo doollar sannadkii. Marka la eego dalalka Carabta [iyo dhulalka Soomaalida], oo lagu tiriyo deegaannada ugu nugul khalkhalka deegaanka iyo isbeddelka cimilada, nabaadguurku waxa uu halis dhab ah ku yahay bulshada iyo dhaqaalaha dalalkan. Sida ku xusan warbixin Haayadda Lacagta Dunidu soo saartay oo ku saabsan nabaadguurka, boqolkiiba 90 dhulka dalalkan waa dhul nabaadguur u dhow oo oomane ah, boqolkiiba 43 dhulalka dalalkanina waa lamadegaan. Waxa kale oo lagu xusay in boqolkiiba 76 dhulalka dalalka Carabtu sannadkii helaan roob ka yar 100 millimitir, heerkanina uu ku saamaysmayo isbeddellada taban ee deegaanka, saamayntan oo keentay in celceliska roobku hoos u dhaco inta u dhaxaysa boqolkiiba toban ilaa boqolkiiba 18. Hoos u dhacan heerka roobku waxa ay saamaynaysaa, oo ay halis gelinaysaa silsiladdii cuntada ee dalalkan, waxaanay hoos u dhigaysaa korriinkii dhaqaalaha, waxsoosaarka liita awgii. Arrinkan waxa ka dhasha korodhka alaabta la soo dhoofsado iyo saamaynta lagala kulmo cashuuraha suuqyada caalamiga ah.
Nabaadguurka waxyaabaha sii dardargeliya waxa ka mid ah dagaallada iyo colaadaha ka jira dalalka qaar. Waxa digniino caalami ah laga soo saaray in colaadaha Suudaan iyo Yaman keenaan baaba’a dhulal wax laga beeri jiray, sii fiditaanka nabaadguurkuna si toos ah uga qaybqaadan doono kor u kaca macaluusha, xanuunnada iyo saboolnimada.
Haddaba, iyada oo ay jirto halistaas nabaadguurka iyo dhibaatooyinka uu bulshada iyo dhaqaalahaba ku yeesho, haddana waxa jira xalal ay suurogal tahay in si weyn loogu dhimo saamayntiisa. Xalalkan waxa ugu mudan uguna horreeya dhiirriligelinta beerofalashada joogtada ah, iyada oo la adeegsanayo hababka cusub ee waxbeerashada, oo aan la adeegsanayn qodaalkii soo jireenka ahaa. Hababkan casriga ahi waxa ay hoos u dhigayaan tayodhaca ciidda, waxaanay ku ilaaliyaan in ciiddu unugyadeedii dhawrato. Beerashada la adeegsado xaddi biyo ah oo ka yar intii la adeegsan jiray beerashada soo jireenka ahi lafteedu waa mid ka mid ah xalalka nabaadguurka lagaga hortagi karo. Waxa kale oo lagu taliyaa in la beero dalagyada adkaysiga u leh abaaraha, ee u dulqaadan kara biyaha suququlka ah, munaasibna ku ah duruufaha deegaannada oomanaha ah. Xal kale oo muhiim ah oo lasoo jeediyaa waa in dhir badan la beero, xalkan oo saamayn ku leh wanaajinta tayada ciidda, biyahana qabta. Waxa kale oo habboon in la maareeyo daadadka, lana dhiso biyoxidheenno yaryar, beerahana lagu waraabiyo hababka casriga ah ee waraabka.
Sannadkii 2024 waxa shirka Qaramada Midoobay ee la Dagaallanka Nabaadguurka (COP 16) lagu qabtay magaalada Riyaad, waxaana xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ka hortagga nabaadguurka iyo isbeddelka cimilada xidhiidhka la leh. Shirkan waxa kasoo baxay go’aanno cusub oo ku dedaalaya adkaynta iskaashiga caalamiga ah ee ka hortagga nabaadguurka iyo isbeddelka cimilada. Waxa la dejiyey yoolal la rabo in la gaadho 2030-ka, waxaana ka mid ah xoojinta maalgelinta lagu soo celinayo dhulalka nabaadguuray. Dib usoo kabiddani waxa ay yool ka dhigatay soo celinta 1.5 bilyan oo hiktar oo ah dhulal nabaadguuray, iyada oo lagu maalgelinayo adduun lagu qiyaasay 12 bilyan oo doollar, maalgelintanna ay ka qaybqaadanayaan xukuumadaha iyo haayadaha caalamiga ahi. Dhinac kale, warbixin lagu qiimaynayo baahida lacageed, oo lasoo saaray maalinkii labaad ee shirka, waxa ay muujinaysaa in dhaqaalaha loo baahanyahay ka badanyahay deeqaha imika la bixiyo qaddar dhan 278 bilyan oo doollar, si loo dhabeeyo yoolasha la dejistay. Arrinkani waxa uu ka dhiganyahay in dedaallada la dagaallanka nabaadguurku aad u hooseeyaan marka la barbardhigo dhibaatooyinka ka dhalanaya nabaadguurka.
Nabaadguurku, waa caqabad halis weyn leh, oo u baahan in la lammaaneeyo dedaallada xukuumadaha, bulshooyinka iyo haayadaha caalamiga ah. Haddii xaaladaha nabaadguur ee xilligan taagani sidan ku sii socdaan, gobollo badan oo Dunida Saddexaad ah iyo dalalka Carbeed waxa ay waajihi doonaan dhibaatooyin deegaan iyo dhaqaale oo baaxad weyn, waxaanay saamayn doonaan deggenaanshahooda iyo mustaqbalkooda. Haddana, waxa suuragal ah, iyada oo la raaciyo siyaasado wax ku ool ah iyo istiraatiijayado joogto ah, in caqabadaha nabaadguurka loo yareeyo, lana dhiso mustaqbal ifaya.