Skip to main content

Saturday 13 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Naasnuujinta iyo Kasma-caaneedka: Takhasus Cilmiyeed La Dayacay

27 May, 2026
Image
© Illustration: Anna Parini
© Illustration: Anna Parini
Share

​Cilmiga Caafimaadku waa maado si wanaagsan u kala habaysan. Laga bilaabo madaxa ilaa lugaha, dhammaan xubnaha muhiimka ah ee jirku waxay leeyihiin takhasus u gaar ah: takhasuska cudurrada wadnaha (cardiology), takhasuska kaadi-mareenka iyo xubnaha taranka (urology), takhasuska neerfaha (neurology), iyo xitaa takhasuska dhimirka (psychiatry) ee maskaxda iyo dabeecadaha. Xubin kasta waxay leedahay laan aqooneed oo ku takhasustay, marka laga reebo hal xubin. Qanjidhada caanaha soosaara (naasaha), in kasta oo ay leeyihiin kala badh ka mid ah aadamuhu, badhka kalena ay la dhacsanyihiin, haddana ma laha takhasus u gaar ah. Cilmiga sayniska ayaa sidoo kale dayacay shaqada jirka ee soosaarista caanaha. Maqnaanshaha takhasuska naas-nuujintu (lactology) waxay dhibaato ku tahay hooyada iyo dhallaanka.

​In ka badan 130 milyan oo dumar ah ayaa dhala sannad kasta. Ku dhowaad laba bilyan oo dumar iyo gabdho ah ayaa maanta dunida ku nool, kuwaas oo aan weli dhalin, in ka badan 90% ayaa la filayaa inay ilmo dhalaan mar uun. Hooyooyinka badankoodu waxay isku dayaan inay naaska nuujiyaan, balse laba ka mid ah shantii hooyo ayaa la kulma caqabado xilliga naasnuujinta. Qaar ka mid ah waxay dareemaan xanuun la mid ah sidii in cayayaan aan la iska fujin karini qaniinayo. Qaar kale, waxaa u suurageli wayda soo saarista caano ku filan oo ay ku quudiyaan ilmahooda. Inta badanna, talooyinka ay helaan waa kuwo xanuun mooyee aan waxba u tarin. Hase yeeshee, iyada oo ay jirto baahi baaxad leh oo aan la daboolin oo loo qabo talooyin iyo daaweyn wanaagsan, haddana, la yaabku wuxuu yahay in aan wax badan laga ogayn mowduucan.

​Haddii laga baadho ereyada "caano yari" (low milk supply) ama "soo-saarista caanaha oo hooseysa" (low milk production) madasha xog-ururinta caafimaadka ee PubMed, oo ah kayd macluumaad oo ka kooban 40 milyan oo qoraalo cilmi-baadhis caafimaad ah, waxaa ka soo baxaya kaliya 14,000 oo qoraal aqooneeda. Ereyga "awooddarrada galmada" (Erectile dysfunction), oo laga yaabo inuu saamayn ku leeyahay 300 milyan oo nin, saamayntiisu na ay aad u yartahay, waxaa soo baxaya 32,000 oo cilmi-baadhisood. Tani waa dayacaad u baahan in loo dhug yeesho. Hooyooyinku iyagaa u xor ah inay doortaan naas-nuujinta iyo in kale. Balse badankoodu waxay doonayaan inay isku dayaan, sababta oo ah faa’iidooyinka baaxadda leh ee ubadkooda ugu jira, sida ka caawinta ka hortagga caabuqyada. Cilmi-baadhis lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee The Lancet sannadkii 2016-kii ayaa lagu ogaaday in haddii dhammaan dhallaanka naaska la nuujin lahaa, laga baaqsan lahaa 823,000 dhimasho ah carruurta da'doodu ka yar tahay shan sanadood, sannad kasta, kuwaas oo qayb ahaan ay sabab u tahay waddamada faqiirka ah, inta badan caanaha gasacadaysan lagu qaso biyo aan nadiif ahayn.

Fahamka sababta dumarka qaarkood ay uga tanaasulaan naas-nuujinta, iyo waxa la samayn karo si loo yareeyo tiradooda, ayaa sidaas darteed ah mid lagama maarmaan ah. Taa beddelkeeda, dhakhaatiirtu inta badan way iska indhatiraan dhibaatooyinkooda, waxay siiyaan talooyin qiyaas ku dhisan oo shaki ku jiro, ama waxay u sheegaan hooyooyinka inay u wareegaan caanaha qasacadaysan. Qaybo ka mid ah qaaradda Yurub inta u dhaxaysa 20% ilaa 40% dhallaanka cusub ayaa lagu quudiyaa caano-boodhe ka hor inta aysan ka bixin isbitaalka. Daryeelka xilliga uurka ee meelaha qaarkood ayaa aad dhif u ah in uu xuso naas-nuujinta, laga yaabee iyadoo loo malaynayo inay fududaan doonto maadaama ay tahay arrin dabiici ah. Naasnuujintu waxay la mid tahay umulinta, balse taasi kama dhigin dhakhaatiirta haweenka (obstetricians) kuwo aan loo baahnayn. Kaalintan uu bannaysay aqoonta caafimaadku waxaa buuxiya dad aan dhakhaatiir ahayn oo ka shaqeeya caawinta naas-nuujinta iyo "la-taliyayaasha naas-nuujinta", kuwaas oo iyada oo aysan jirin xaqiiqooyin sugan, inta badan talooyinkooda ku saleeya mala-awaal.

​In si fiican loo fahmo naasaha waxay u oggolaan lahayd dhakhaatiirta inay sameeyaan kala-saarid muhiim ah. Hooyooyinka qaarkood waxay soo saaraan caano ku filan balse waxay dhib kala kulmaan soo-deyntooda. Kuwaas, xalkoodu wuxuu noqon karaa in la kordhiyo qulqulka caanaha iyadoo ilmaha ibaha naaska afka loo gelinayo marar badan, ama in la isticmaalo mishiinka caanaha soo saara (breast pump). Hooyooyinka aan soo saari karin caano ku filan, waxaa loo baahan yahay habab ka duwan kuwaas. Sannado badan, dhakhaatiirtu waxay u malaynayeen in dhibaatadani ay tahay mid dhif iyo naadir ah: oo wax aan ka badnayn 5% hooyooyinka, ay la il daran yihiin caano yari.

​Cilmi-baadhis dhawaan ay sameeyeen saynisyahanno u istaagay inay arrintan u kuurgalaan, ayaa muujinaysa in tirada dhabta ahi ay ku dhowdahay 10% ama xitaa 20%. Sababaha keena caano yarida ayaa inta badan lala xiriiriyaa habab bayooloji ah oo isku dhafan, kuwaas oo ka baxsan awoodda hooyada cusub, sida aan ku lafo-gurno barnaamijkeena maqalka ah ee "Weekend Intelligence". Qaarkood waa kuwo hidde ah. Kuwa kalena waxay la xidhiidhi karaan xaalado ay ka mid yihiin buurnida, cudurka macaanka, ama cudurrada difaaca jirka (autoimmune disorders), kuwaas oo haweenka uurka leh aysan kaga takhalusi karin rabitaan iyo doonis kaliya.

​Hooyooyinka la tacaalaya dhibaatooyinka noocaas ah waxay u qalmaan shaybaadh dhab ah iyo daaweyn la tijaabiyay oo ay ka helaan dhakhtar takhasus ku ah kasma-caanoodka (lactologist). Taa beddelkeeda, talada caadiga ah ee la bixiyo ayaa ah inay maalintii ugu yaraan siddeed jeer isticmaalaan mishiinka caanaha soo saara, wax walbana way hagaagi doonaan—walow uusan jadwalka adag ee noocaas ahi ku salaysnayn wax cilmi-baadhis ah. Marka xaaladdu hagaagi weydo, haweenka ayaa inta badan loo sheegaa inay iyagu qaladka leeyihiin dadaal yari awgeed. Xaqiiqadu se taas way ka duwan tahay: hooyooyinku ma dayacin ubadkooda; cilmiga caafimaadka ayaa dayacay iyaga.