“Naa Israay, Israay! Naa maxaad gadhfeedha bannaanka ugu tuurtay, lagu aasye? Huuno, aniga wax baa i helaye, sideen idhaa inan tan haddaba?” ayay tidhi Muna oo dibadda ka soo gashay.
“Habo, daaqaddaan saaraye, malaha dabayshaa ka soo ridday.”
“Beentay kaga dartay wax walba! Dabayshu ma gacmay leedahay oo daaqadday ka soo dhex saari kartaa? Naa lagu qaadye, gadhfeedha meesha ka qaad oo carruurtiina way soo dhow yihiin e, qadada u sii kala gur,” ayay tidhi iyada oo qolka hurdada sii galaysa.
Isri, iyada oo aan juuq dambe odhan, ayay qalfoof qofnimadii ka hadhay ugu dhaqaajisay dhankii gadhfeedha. Xaf intay ka siisay ayay meel aan maangeedu ogayn daf siisay.
Dullinimo iyo quus ba’ani iyada oo ay korkeeda ka muuqdaan bay soo kala rididda qadada u qasdiday; xasuuso xunxun iyo gocasho lagu qunbucanayo ayaa maankeeda miranayay oo kolba mawjado mariidaysan ku soo afuufayay.
Murugaba murugo ka horraysay ayay carisaaye; uumigii dhariga ee ay sida dhirifta leh dabka uga dhigaysay waxa uu Isra soo xasuusiyay uumigii axankii hooyadeed. Dabadeed, waxa ay dib u raacday sallaanka xasuusta ilaa maalintii madoobayd.
Waa foodlay timaha loo dabay oo markaas uun jiridda adhiga ka adkaatay. Waxa ay ahayd fariid xoolo og oo maalinna aanu neef ka lumin, taas oo ay ku kasbatay galgacal farabadan oo hooyadeed uga imanayay.
Sagaal iyo toban magac oo wada ammaan ah ayay kaligeed lahayd. Amaantaasi iyada qudheeda wax weyn bay u tartay oo waxa ay ka dhaxashay quwad shakhsiyadeed oo cajiib ah. Waxa ay noqotay gabadh isla weyn oo in uu sanku neefle ka caqli badani jiri karaba aan suuraysan. Dhanka kale, waxa ay sii labalaabtay oo haddana sii seddex jibbaartay sifooyinkii lagu amaani jiray oo dhan.
Kololka aad u fiirsato qaabka ay edbinta hooyadeed Isra u qaabaysay, waxa aad is odhanaysay dabeecadda laguma dhasho e, ifka korkiisa ayaa lagu dhisaa. Maadaama oo ay carruurtu lawxad madhan tahay kolka ay adduunyada timaad, hadba sifooyinkii lagu tilmaamo ee ay dadka ka maqlaan ayuun bay falkooda soo celiyaan.
Sida oo kale markaad aragto farxadda ka muuqatay iyo sida ay noloshu u soo dhawaynayso, waxa aad ugu ducaynaysay in aanay noloshu waligeed xumayn. Wacnaan lahaydee haddii ducada iyo wanaagga ay dadku isla jecelyihiin aqbalmi lahaa.
"Ifka waxaad la joogtaa / jannaduu ku geeyaa" iyo "dhugo oo adduunyada waxaad dhigatay baa yaal" waa hal ku dhigyo nolosha daaqad kaliya ka eegay, dabadeed naqdin la’aan la iskaga wada raacay. Waayo, marar kale noloshu waxa aad dhigtay wax aan ahayn bay hoo ku tidhaa, samo iyo xumo kuu doonaba ha kuu noqdo e. Adiga oo xisaabta kasbashadaada ku jaangoynaya marka ay istaagi waayaan waa adiga ku calaacala Ilaahayow maxaan galabsaday.
Dhawr maalmoodba Isri may helin amaantii hooyadeed ee ay galab kasta dawo ahaanta u qaadan jirtay. Malaha amaanta hooyadeed ayaa adhiga xirsi xidh uga noqon jirtay dugaagga e; dhawrkaa cisho gudahood, durba dhawr neef ayay dacawo ka barkatay.
Markan canaan uga imanaysay Hinda ayaa dhagaha goysay. Hindi waxa ay u qabtay in canaantu ay walaasheed Isra wax u tari doonto oo ay adhiga si fiican u eegi doonto, laakiin hoos ayay u sii naadhinaysay. Caydii ku dhacdaaba, sida doqon, ayad iyo kalabad, sida fayraska ayay jidhkeeda u sii saaqaysay oo ay nusqaamo kale u sii beeraysa; sifooyinkii wanaagsanaa ee ay hooyadeed ku kobcinaysayna way kala ridaysay.
Inkasta oo ay yarayd oo aanay si ildheer u sawiran karayn balaayada dhici karta, haddana Isra canaanta iyo cayda sii dhurayay waxa u dheeraa warwarka iyo walaaca ay ka qabto hooyadeed oo dhawr cishaba xannuun la taallay.
"Adduun waa hadh labadiisa gallin e," Isra waxa halkan uga bilawday isbeddel si weyn u kala wareegay. Kol dhawayd, haddii lala ashqaraarsanaa farxadeeda iyo waayaha u soo san, imika daruuro cirir wata ayaa mustaqablkeedii isku gudbay; laan si fiican u koraysay ayaa curdan dhadhaysay oo dhulka soo ranbaaxsanaysay.
Galabtan ay adhiga sii dheelminayso nuxuus ayaa jawigeeda ku gadaanayd; siigo cas oo baadkii cagaarnaa cawlaysay baa dhanka waqooyi ka soo dhabanaysay, daruuro ay siigadu casaysay oo xinjiro dhiig ah la moodaana hawday ku shareernaayeen.
Fiinta ayaa si teelteel ah kaymo kala durugsan uga eedaamaysay oo wiida haysay, shinbiraha ciiraciirada iyo tukaha ayaa iyaguna geedaha dhaadheer ee duleedka ku degganaa.
Sidii uu adhigii tubta u sii haystay ayuu mar soo diday, oo iyadii oo sii daba socota isla jiidhi gaadhay.
"Waar adhiga maxaad ugu soo dhuumatay?" ayay ku tidhi walaalkeedii yaraa oo soo xiimayay. Iyada oo aan jawaaba ka sugin ayay haddana waydiisay waxa ay yihiin dadka dhawrka ah ee afaafka aqalkooda iyo dibadiisa taagtaagan ee sheedda ka soo muuqda? "Hooyay dul joogaan," buu carrab jalqismin ku yidhi.
Dad wajiyadooda quustu ka muuqato ayaa islaanta dul taagnaa. "Dhakhtarada ha loola cararo" iyo "Mayee, naf ku gaadhi mayso e, wadaad Yaasiinka ku gunaanada ha loogu yeedho," ayaa la isku hayay.
Kololka qaarkood ayuu intuu ismaandhaafku xoogaysto kor la iskula buuqayay!
"Haddaad labada go’aan midna isku raaci kari waydeen bal aamusnaanta uun isku raaca oo bukaanka qaylada ka daaya," ayay dadka qaarkood lahaayeen si ay u dajiyaan orta isqabsatay.
Kulligood waa gacalo taag waayay oo in ay caawa giddi indhaha ka dul bidhiiqiyaan mooyaane, bar kale kuma ay tari karayn bukaanka saacadihiisii u danbeeyay ku jira ee sakaraadka naf qabatowga la taahaya.
Waxba yaanay bukaanka u tarin e, haddana waxa ay ilaa wakhti kala ilaalinayeen in murugada caawa reerkan hadhaysay iyo caruurta ay Isri ugu horraysaa cidlo iska helaan.
Murugada waa la isla qaybsan karaa, laakiin taasi kama dhigna in murugadii qof kaliya ku dhici lahayd ay dhawr qofi laabta u dhiganayaan, halkaas waxa ku baxaya nuxurkii ujeeddada qaybsiga, oo ahayd in xaddi culays ah oo meel ku wada dhici lahaa meelo badan loo kala duwo.
Qofka balaayaysan kollayba xaddiga murugadu hadduu isku si uun ugu dhacayo, muxuu la qaybsigu tarayaa?
Isri surinkii ay adhiga ka soo galisay cidhifkiisa ayay isku yugaysay; nuxuustii horaba u sii haysatay baa ku sii hulaaqday markii ay soo gaadhay jawigii xaafadda ka jiray habeenkaas.
Suxuladeeda dhuudhuuban ee ay siigadii adhigu cawlaysay bay is dulsaaratay, feedhahana way is gashatay si ay buste uga noqonayaan dheelka qabow ee yalax leh.
Dareemayaashii gaajadu dhammaantood way shaqo gabeen, oo kolnaba kuma ay daqaqamayn urta raashinka udgoon ee caawa oo ay balaayaysan tahay uun lala soo doontay; awal hore oo ay baarax nabadeed ku jirtayba may arki jirin e.
Xaafaddaba wixii habeenkaas joogay ha kala daraadaan e, balaayada hig leh ayaa hungurigooda dabooshay. Marka laga reebo wadaadka oo ducada iyo laba canlaynta isku dhexwaday, oo malaha ka faa’iidaysanayay xilliyada kooban ee balaayadu jirto ee miciinka la bido,. Habeenkaasna amaradiisa iyo taladiisa ayaa soconayay waxaana uu ahaa qofka ugu karaamada iyo haybadda badan.
Cawaysin dambe oo ay Isri surinkii ku jactaday, se aanay dareensanayn, ayaa la soo luudiyay oo in ay seexato laga duraantay. Qalfoofkeeda waa la soo jiidi karaa oo gogosha iyo bustaha dhexdooda waa la jiifin karaa, laakiin maankeeda salbabakhsan sina lama odhan karo.
Habeenkaas oo idil waxa ay ku jirtay xaaladii Raage ee isna habeen ku habsanayd kolkii uu lahaa:
"Asal gama’na ways is idhi, hurdana uurka kama seexan
Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday
Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay."
Buuq iyo sawaxan ayaa marba mar ka soo darayay, dumar baana aqalkii ay Isri xalay ku bariday kolba ka laba baxayay. Shanqadha dusuuta waaweyn ee raarta laga soo dajinayo iyo qaxarka weelka yaryar ee birta ka samaysan ayaa dhagaheeda wareerinayay.
Maadaama oo kolkii horaba caalam kale uu maankeeda dhex mushaaxayay, cabbaar bay qaadatay in ay kala soocdo riyadii iyo runtii. Baroorta dumarka ee aqalka geestiisa ka baxaysay baa maankeedii ka soo reebtay dunidii kale ee uu heehaabayay, markaas oo ay garwaaqsatay runta foosha xun ee horteeda maluuqan.
Aqalkii inta ay dibadda uga soo booday ayay ku soo dhex dhacday geesaaska dumarka ee sidii galow la moodayay. Cabaadka goolasha la dhuun dhabayo ayaa iyaguna duleedka haystay; qiiqa qoryaha jiica ah iyo boodhka danbaska ee girgirayaasha la gilgilayay ka duulayay baa ciiro cad ku xidhay gibilka reerka ku meersan.
Jignayaal iyo majarafado ayaa la yaboohinayay oo loola sii kacayay meel lagu sheegayay hoygii dhabta ahaa ee islaanta. Dad badanina sidii oo ay ku hawllan yihiin soo celinta nafta, ayay ku xoonsanaayeen maydka Islaanta.
Naxdinta dhacdada dhiillada leh ee ay ku waabariisatay baa Isra dhabadhabaysay. Sidii qof dheelalowsan, iyada oo gorodda laadlaadinaysa oo jiif iyo joogba qaban la’, ayay haweenay aan garanayni "Shanlahan ila qabo" ku tidhi, islamarkaana ay ula dhaqaaqeen kusheenkii xoolaha islaanta la raaciyay hilbahooda lagu bislaynayay.
Markay uumigii dhariga sidaas foodda ula galisay... "Naa qadada maxaad la qabanaysa dee? Caruurtii way bakhtiyaysaa e," ayay tidhi Muna oo fadhiga ka soo dhawaaqaysaa.
Inta ay sidii daadxoorta tog qulqulayay uga hadhay, bay ku hanbaabirtay distidii ay daboolka ka dhigtay oo uumigii ka dhamnaaday, oogada sare ee bariiskuna qabowday.
"Ixiix, ixiix," inta ay dhawr jeer tidhi oo ay xabeeb tiratay ayay, "habo waa aniga soo sida" tidhi.
"Ma illaa xilligii baad soo siddaa? bal yaabkan eega," ayay mar kale tidhi.
Gacan fudayd dheeriya inta ay ku kala rogtay ayay hor dhigtay dadkii sidii geel dar loo xidhay meesha soo wada hunbucay. Iyada oo aan dhandhamada jeeqaaqin ayay daf tidhi qolkeedii yaraa ee ay fikirka waayaha kula kaliyoobi jirtay.
Toggii xasuusta ee ay mar hore daadxoortu ka reebay ayay dib ugu dhacday haddana.
Giddi maalin oo dhan ayay gaafka sare meeraysay; wadnuhuna waxa uu la gariirayay hooyadeeda aakhiro u guurtay. Qalbigaa wax laga arkaaye, isna sidii khadka ayuu isku daatay oo uu meel hagaagsan isku diiday. Labadii indhood oo guluub falaagay noqday oo guduud isku beddelay ayaa godkooda ka soo casaa. Gudaha ayay ka madoobayd oo iftiinkii cadceedda ee in la ogyahay leekaa, waxba way ku lilayn wayday, sabab ay xirribuhu u sii kala qaadnaadaan markii ay garan waayeen ayay sida qasabad jabtay u soo tuurayeen wixii nafaqo iyo biyo dhusunkooda ku jiray.
"Ilaahay ma naxee wuu naxariistaa e, hooyo naxariista Eebe u waydii" ayaa lagu dajinayay.
Waa hadallo isku samirsiin aan dhaafsiisanayn oo kaarjabin ahaan loo qaato xilliyada taag-waaga. Inan yar oo xilligii ay daryeelka ugu baahida badnayd ku jirta in hooyadeed loo daayaa waa figta naxariista; cidda isku ilaalintooda ka shaqaysaana waa isha naxariista. Dhanka kale haddii ay taasi naxariis noqon weydo maba jirto naxariis kale oo la sheegi karaa; cidda kala fogayntooda ka shaqaysana naxariisi meel uma ay soo marin.
Naxariista waxa dhala naxdinta; sidaa awgeed, "ma naxe" waxa lagu beddeli karaa "ma naxariiste."
Goortii laga wada yaabay ilmadeeda sida roobka u hooraysay ayaa lagu cabsiiyay in haddii ay joojin weydo, ilmadaasi iyada oo biyo kulul isku rogtay ay doonan doonto hooyadeed! Arrintaasi xiskeedii meesha qudha ku wada maqnaa way soo yara celisay. Iyada oo tudhaale galay oo faro harag khaliya ah oo dhiigi dib uga gurtay ilmada ku joojinaysa ayay is tidhi, "Hooyo halkee ayay joogtaa taloow oo ay ilmadu ugu tagaysaa? Oo ma raacaaba ha kuu gayso e," inta ay hoos u eegtay halkii ay ilmadu ku dhacday. Maan kobcay oo wadwadka arrimahan ku filan may haynin; murugo waxaan ahayn maba ay hayn!
Sidii islaanta ciidda loogu rogayba xaafadda waa la sii bannaynayay oo qof waliba dantiisa ayuu raacanayay. Dhawr qof oo qaraabada dhow ah ayaa intii reerka awalba joogtay wehelinayay caawa.
Xigtada kala baadday ee isku faraxsan iyo xiisaha cusaybka ayaa jawiga waxoogaa roonaysiiyay; dhoolacaddayn iyo saansaan farxadeed ayaa kala didinaysay murugada labadii caano maal ee u danbeeyay reerka ku dangiigtay.
Goor ay caways danbe noqotay ayay xigtadii qaar soo jeediyeen in ay caruurta badhkood qaadaan. Muna oo meesha wax ka fadhiday baa tidhi, "Anigu inanta 12 jirka ah ee Isra ayaan kaxayn doonaa oo Quraanka iyo dugsiyada ayaan ku dari, insha Allah..."
Habadeed Muna oo ay jeclayd, hooyadeedna ay ka ulanaysay ka sokow, Isri waxa ay sida oo kale xiise badan u haysay magaalada. Soo aragga muuqeeda oo kaliya ayaa wax weyn u ahayd. Sidaa awgeed, markii aroortii loo sheegay in ay habadeed Muna raacayso, aad bay ugu faraxday oo nolol cusub baa dib u gashay.
Xaajiyadii dhigaha lahayd ee xanfaraysay orodkii soo gaabisay. Baabuurta kala waaweyn ee sida adhiga sanka isku haysay ayaa dib u soo joojinaysay; dadka midh midhka iyo laba labadaba u wada socdaa waydaaranayay daaqaddii dhinaca madoobayd ee ay Isri wax ka daawanaysay. Dhismayaasha dhaadheer ee ay biruhu ka dul taaganyihiin ayay qoortii yarayd ku daashay, tiriigyada waaweyn ee quruuruxa lagu gurayaana indha daraandar bay ku rideen.
Iyada oo xiise u sii haysa deegaankan gabi ahaantiiba ku cusub oo la yaabban xilliga ay kala baran doonto ayay soo hulleeleen.
Baabuurtii badnayd iyo dadkii isdhexqaadayay way yaraadeen imika. Cabbaar marka la socdo ayuu mid lalayaa ka hor imanayay, markaasay dhaayaha la raacaysay soo bixiddiisa ilaa libdhidiisa. Laambad laambad nuur weyn oo masaafo isku jira ayaa dhismayaasha qaarkood ka hor lushay. Sidii ay kolba u laablaabayeen ayay ugu danbayntii mid hor istaageen; dabadeed garaaca iyo waa ayadaa isku baxay.
Asma oo ah gashaanti 17-jir ah ayaa iridda ka furtay oo hooyadeed hab iyo dhunkashaba iskugu dartay, Israna sida oo kale.
Dadka hebasha mooyee yaan sii hunda ogaannin, Isri habeenkaas caruurtii ay isbarteen iyo hababa aad bay ugu hanweynayd, xoogna way ugu faanaysay in ay dadkan qaraabo noqdaan. La yaabka cusaybkaa wata eh, wax kasta oo guriga dhexyaalla aad bay ugu dhaygagsanayd.
Ahaanshaha dhabta ah ee muna ayay dharaaruhu istusnimada ka dhilayeen, oo maalinba wajigeeda runta ah ee ay waabaydu gadhoodho qayb soo saarayeen.
Macangagnimo iyo cadaawad gunnimo ah baa durba ka soo hig lahayd; hadallada wada turxaanta iyo Cadaawadda miidhan ah ee Muna ka soo kaarayay kolnaba damiirkeedu muu qaban, oo haba yaraato eh qaladkeeda muu tusin, maxaa yeelay may ahayn mid ay si ula kac ah u gaadhaysay, balse waxa ay ahayd mid abuurkeeda ku duugan oo lafta kaga jirta.
Ballankii ay habeenkii golaha ka qaadday ee ahaa in ay malcaamad iyo dugsi yarta ku dari doonto, wuu ka dhex fuli kari waayay maanka Muna ee danaysinimada garasho-xumada wadataa biyo dhigtay.
"Horta maxaad ka faa’idi ee waxbariddeeda kugu wata? ma adaa dhalay?" ayuu duunkeeda hoose jawaabtii oo w"axba kaama gelin" ah dibadda u soo tuurayay.
Waxbarashada kaliya ee Isra loo hayay waxa ay ahayd hagaajinta iyo nadiifinta guriga. Isra oo xiise u haysay sida alaabta guriga loo isticmaalo ayay Munina dhex marsatay danteedii oo kolba shay tusaysay.
Fahanka degdega ah iyo kartida badan ee Isra, Muni waxa ay ka dhex aragtay fursad ay kaga raysan doonto jaaryadihii badnaa ee camal xumadeedu awgeed aan todobaadku u wada buuxsami jirin. Doorkan se, waxa ay heshay inan yar oo cid iyo ciirsin ay qafalxumadeeda kaga baxsato aan midna hayn, ee adduunba iyada ka taqaanna.
Sidii sakaaro yar oo aan weli caguhu u laylyamin oo libaax gaajo dubayoobay afka uga gashay ayay Isri ka dhignayd, ama waxa ay la mid ahayd yartii Raage tilmaamayay goortuu lahaa:
"Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhiro u hoyatay
Oo aabaheed aqal mid kale, meel illin ah seexshay
Hadba waxa aan la urugoonaya, uur ku taalada."
"Habo aniga dugsiga Asma oo kale igu dar," ayay maalinwalba ku odhan jirtay habadeed Muna, iyada indhaheeda ka jecel in ay mar uun qaadato buugaagta xaashiyaha cadcad leh ee ay aroor walba habrwadaagaheed la sii kallahaan, duhurkiina ay la soo hoydaan.
Muni doc iyo dareen midna may siin jirin baaqa yarta. Sida qof qalbiga naxaa awdmay—wuuba awdmay e—ayay hadalkeeda uga warwareegi jirtay.
In garashadeedu liidatay iyo in xintanka ay gabadha ku haysaa caqliga tirayba, "Yarta kuba shaqayso oo baahiyaheeda uun dabool," intaana way kasi wayday.
Iyada oo Muna ay hanynteedu aad u fiicantahay, haddana yartu dhawr dirac oo hun ah oo tuwaalku daashaday ayaa wax calal ah u yaallay; sannadkii, maalmaha ciidaha oo qudha ayaa isku joog xaraashka looga soo gadaa.
Is qurqurxinta iyo cillaansigu waa sunnaha haweenka. Gaar ahaan inta ay inantu yartahay waxa ay jeceshahay in wixii la ismariyaba ay ismariso. Isrina sunnahaas haweenka lagu yaqaan ayay foolaad ka sii ahayd, laakiin maxay ugu taal haddaanay sunnahaas dabadiisaba gaadhi jirin? qaddarta iyo waayaha ayaa ka xarrimay—mayee, Munaa ka xarrintay.
Timo basaasay oo coof ah ayaa madaxeeda wada canbaarta noqday ku dadnaa. Inkasta oo nadaafad ahaan aanay iyadu waxba iskula hadhi jirin, haddana far qabashadii ay u baahnayd bay wayday.
Wajigeeda markaad sidaa u eegto, berigii ay adhi jirka ahayd ayuu intuu doono ka dhalaalayay, haaraha iyo dhorsogga saaran waad ka argagaxaysay.
Uskagga weelka iyo masasaxadda ee cagaheeda ku duulduula ayaa hareed iyo barbar waaweyn ku sameeyey diirkeedii casaa ee faraha dushooda iyo kuraamaha.
Mararka qaarkood ayay u dusi jirtay cillaanka iyo kiriimyada ay habrawadaagaheed boorsooyinka ku cabbaysteen, oo ay indha kuusha, qallin sunaha, labbiska iyo looshinada kalaba isku dhabooqi jirtay. Dabadeed, Gabdho malaha cudurka hooyadood ku tallaashay baa ku qaaxayn jiray oo si xun ugu dili jiray.
Kolka caruurta yaryar ee Muni dhashay ooyayaan, midhiqirka ayaa ka xanuuni jiray Muna iyo gabdhaheedaba; laakiin oohinta Isra sidii muusigga ayaa loogu raaxaysan jiray, oo sidii oo ay laxan ku luuqaynayso ayay la qaadi jireen, ilaa kolka danbe marka uu beerku afka yimaad ay iskeed iskaga danto.
"Waa wax reer miyiyad ah, bal sida ay bootarkii iyo alaabtii nooga gashay eeg. Wallaahi, waan aasi doonaa maalinta danbe tan," ayay kor iyo hoosba u odhan jireen.
Inkasta oo ay wax badan tabanaysay, haddana da’deeda iyo akhlaaqda ku cusub ee magaalada ayaa ku daboolnaa fahankeeda, oo wali si dhab ah uguma ay baraarugin axmaqnimada meesha taalla.
Dareemada wax tabashada iyo tudhaala raadinta sida oohinta, afbuurka, aamusnaanta ayay had iyo jeer muujin jirtay iyada oo rajaynaysa in loogu soo joogsan doono oo tabashadeeda meel la saari doono.
Caruurta kale mar kasta oo ay ka yar tabaan koolkoolin iyo naxariis gaar ah, cadho iyo ismakeekin ayay dig isasa siin jireen, iyaga oo sababta cadhadoodana ku eedgadaya doonista ama waayidda wax aanay gar u lahayn. Markaas baa la sasabi jiray oo la dareen siin jiray in raaligallinta dareenkooda loo heellanyahay. Isrina, iyada oo wax gar ah ka gubanaysa ayaan haddana loo dub nixi jirin.
Caruurta kale, haddii mid madaxu yara xanuuno niyad dhis iyo daryeel caafimaad baa markaaba loo fidin jiray; halka Isra meelahan guriga dhexdeeda looga eeg eegi jiray kiniinno soo hadhay, iyada oo aan loo kala eegi jirin in uu dhacay iyo in kale. Oo maxaaba taa ka galay? Ma kollaa dawo ahaan loo siinayay? Ujeeddadu waxa ay ahayd in dareenka Isra ee dhakhtar doonka ah lagu afjiigo.
Shan sannadood kolkii ay carrigan joogtay, da’deeduna ay 17 gu’ baarka ka goysay, toos bay ugu caddaatay waraabaha ay ruux wajiga mooday ee ay la joogtaa. Laakiin meel ay uga cararto garan mayso, oo shantaa sannadood ee ay Muna la joogtay guriga dhanna loogama saari jirin. Waxa la ogaa in haddii ay magaalada ku kala barato ay habeen madow ka gudi doonto. Sidii qof xabsi ku jira ayaa adduunyada oo dhan laga qariyay, xitaa moobilada khadadka leh ee dunida lagala socon karo looma iibin, mid kalana looma dhiibi jirin.
Waxa kaliya ee ay shantaa sannadood si fiican u baratay waxa ay ahayd samaynta cuntada guriga laga cuno, caruur abaydin ah iyo gashaantimo cir waaweyn oo sindheer ah ayay sagaashankaba kijada ugu jiri jirtay. Caruur mustaqbalkooda la dhisayo oo subaxii dugsi hore loo galo lagu kallihiyo ayay Isri hiirta hore daawaha u saari jirtay.
"Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco e, shaahaa bigayska ah ee baylka ah indhaha ma kaga saydhisaa?" ayay Isri is odhan jirtay marka gashaantimaha ka waaweyn ee kibirka la tiicayaa, inta ay si dhib yar iskaga soo faraxashaan, ay isa soo dul tubaan daawaha daafihiisa.
Muna naxariisteeda hooyonimo ma soo dhaafto kuwa ay dhashay, oo marka dhankaa ubadkeeda laga soo eego waa qof diirnax leh oo ay naxariistu lammaanaha dhigtay. Laakiin waxa ay saymo bahal yeelataa marka cid aan dhasheeda ahayn laga soo dhex eego, oo Isra marna ugama ay tudhi jirin hawsha culus ee guriga.
Fiiqidda iyo masasaxaada daaradda weyn ee guriga ayay dhabarka kaga jabin jirtay, gogosha iyo dharka isdhexyaalla ee sidii wax laga guurayo ay gashaantimuhu iskugu dhex daadin jireen ayay hagaajintooda saacad ku aynfaadi jirtay. Haddii maalin qudha la sii hagaajin waayo, oo marka ay dugsiga ka soo rawaxaan iyaga oo sidii ah ay ugu yimaaddaan naftaa ka dhici jirtay; kolkaasay sidii Muna oo kale Isra diiran jireen.
Waxa ay ahayd islaan canaan kulul oo bilaa dulqaad ah, koob yar haddii uu Isra ka jabo ama bar yar oo ay masasaxaaddu ka baydhay marmarka ku aragto, hanjabaad iyo habaar wada socda ayay oodda kaga qaadi jirtay. Dhanka kale, doqoniimadeeda, haddii Isri hawsha guriga ay si caqiibo leh uga soo dhalaasho wax bogaadin ah umay samayn jirin. "Dabnahaagu shaygay bartaan waan ku dayataaye," afkeedu wax aan jaa’ifayn ahaynba muu aqoonin.
Xaasidnimada iyo xintanka sida waabayda abeeska dhuuxa u fadhiyay ee ay yarta naqan u haysay ayaa u diidayay in ay amaan iyo bogaadin inanta u quudho.
“Waligeed adduunyada
Wakhtigaa qof saacida
Midna waayahaa xidha.”
Isra waayahaa xidhay oo daloona alla ha ka yeelo e, aan u bannayn surin ay aayaha mustaqbalkeeda u mari karto. Waa tii iyada oo saqiir ah ay hooyadeed aakhiro u hoyatay, dabadeed u gacan gashay Muna oo aayaheeda cunaysa.
Dabadeed waxa ay noqotay qof asaageed ka hadhay oo aan sina ula tartami karin, oo sidee ayay nolosha ula cidhiisan kartaaba iyada oo aan aqoonba dhanka qallinka ay khalqigu taabka galiyeen loo qabsado? Adduunyo dhan oo wada casriya ayuu furaheedii ka maqnaa.
Dhanka kale, hablaha Muna Wakhtigaa saaciday oo noloshaba inta loo ladgay ayaa lagu fadhiisiiyay; ilmilicsina alle ha ka yeelo e, waligood waayuhu kuma jiifsan.
Noloshu waa gallinka hore e, kolkii yaraantoodii tacab badan la soo galiyay weynida kuma ay qalloocsamayn, oo sahaydii ay soo qaateen ayay iyada oo beekhaantay dib midhaheeda ka guran doonaan. Inkasta oo boqontii go’daye mawdka ay iyaga iyo Isri u gudboonaayeen, haddana noloshu way iskugu toosnayd oo way u fadhiday.
Indhaha ayay isku haysay sidii wax hurda; madowga saafiga ah ee ay indhaheedu soo qabanayeen ayay mustaqbalkeeda madow ka dhex arkaysay, illeen ma naxdadii baan meerisna u tolin e. Tabaale adduun oo timaha xaadeed ka badan baa iskugu yimid.
"Si jiho la’aan ah uun gurigan ma uga dhaqaadaa meel alle ku mariyaba? Oo xaggeed tagi, haddaan wax uun garanayo ma ciil baan qabi lahaa saw suuqa la sheego kagama aan shaqaysteen?
Kawarran haddaad reero kale jaariyad u noqoto oo kollayba tuwaal iyo cunto xaafadeed wax aan ahayn ma taanide aan taa ku hawl galo? Oo armaad guumaysi kale uun sii doonataa? Dan baaba i badi oo kollay meeshan way ii dhaamiye, halkeen laakiin ka raadiyaa? Ma guryo islaameed uun baan iska garaacaa oo aan idhaa 'jaaryadnimaan doonayaa'?
Miyigii aan aqaanayba ma iskaga noqdaa dhibta uu doono ha lahaado e? Waaban ku calool yoobi lahaaye, xasuusaha qadaadh ee meesha ii yaalla ayaanan ugu gali karaynba, ta kale miyiga mood iyo nool toona iima joogaan e, maxaan ka qabtaa?
Haddaan berigii isleeyahay san baa kuu danbayn doonta oo aanan is lahayn cawadaada magaalaad tagaysaa, saw walaaladay dayrtii dhaweyd xoolihii lama qaybsadeen? Bal ka warran haddaan imikaba ku idhaa neef neef iskugu kay soo dara oo i xooleeya? Sawtii la lahaa abaartii baa xoolihiiba ka idlaysay oo iyagii baa cirka mulgaacad iskaga haya!"
Qow qow! "Naa Israa, hurda waynaa wuxu! Naa meesha ka soo kacoo kaalay madbakhan is eryanaya kala hagaaji, carruurtana shaah u soo caddee oo," ayay tidhi.
Markay intaas Muni hurdadii iskaga duulisay, ayay dhanka xamaamka u dhaaftay. Gigta marmarka iyo hugun qaylo ah ayaa yeedhay ka dib markii cagihii waysadu qoysay ay Muna marmarka kula siibteen, dabadeed inta ay hawadaa tagtay ayay jilbaha dhulka haleelsiisay.
Ololkii jilbaha ka baxayay ayay naf xarbigii habaar iyo canaan kaga falcelisay. Iyada oo soo duryamaysa oo is leh "Albaabka ma ku jabisaaba naagtan hurdada weyn leh ee wali toosi la’a?" ayay haddana mar kale cirkaa tagtay ayay afka dartay dhiig daaradda qulqulayay.
Hiqdii iyo qayladii ka yeedhay ayay Asma oo qolka ku xiga jiiftay soo boodday, "Alle ba’nay, dhiiga!" ayay kor u tidhi.
Islaantii oo la moodo in baaldi dhiig ah madaxa loo muquuray oo khalkhalkii dhiiggu ka suuxiyay xanuunkii gaadhay ayaa sidii wax mas hoos galay hore dhulka uga hinqatay.
"Hooyo halkee ku dhiigaysa?" ayay tidhi Asma oo gariiraysaa.
Kor iyo hoos inta ay isku wada eegtay, markii ay nabar dhiigaya iska weyday ayay hoos dhulka u eegtay. Iliisha dhiigga ah ee qolka Isra ilaa daaradda soo qulqulaya ayay indhaha la wada raaceen. "Naa miyay xanuunsanaysay Isri?" iyo mooyi ayay iskugu hadal celiyeen!
Daqiiqado fikir la’aan ah ka dib ayuu Isra dubaaqeeda su’aal hor leh soo hor dhigay "Oo horta maxaadba ka nooshahay oo aad ifka iskaga sii dhajinaysaa? Duni hooyadaaba ka dhimatay, islamarkaana aanad waxba ku hayn, sii joogeedu muxuu macne samaynayaa?"
Su’aal dab ah, ase run ah, ayay ku ahayd, waxa ay in badan ka meermeerato oo ay shaydaanka iska naartaba, ugu danbayn si dhab ah ayay jawaabta su’aashaa u raadisay.
"Horta qofku khayrka dartii buu u noolyahay oo uu sharkana ugu samraaye, adiga maxaa rajo khayr kuu muuqata?" Ayay is tidhi, sahan iyo saadaalin dheer oo ay timaaddada ku sii daysay ka dib, cuqlaa u baxay rajadii!
"Mar dee haddaad rajo la’aan tahayba ma silicaad dugsan? Maya, maya, laakiin armay rajo la’aantaadu ilaa aakhiro gaadhsiisantahay oo Eebe kugu ciqaabaa nafgoynta? Eebe aayaxumadaada adduunka wuu ka warhayaa oo isagaaba ku baday e, Eebaha xigmadda badani maxaad dhamacda dhinaca ugu sii hayn wayday kollay ku odhan maayee iska rawax."
Fariidnimadeedii maanta waxa ay garatay in ay hooyadeed ka daba tagto; geesinimadeeduna waxa ay ku dhiirrisay in ay isdhaafiso sunta jiirka ee qolkeeda dhex taallay.
Gacmo qaawan oo bilaa cillaan iyo xinne ah ayay ku tiigsatay caagaddii sunta ahayd, dabadeed afka ayay ku shubatay. Iyada oo qado la’aantii duhurkii iyo safraddii saaku sii nugleeyeen ayay markiiba suntii wadnaha taabatay, oo dhiig badan ayaa afka iyo sanka ka soo hooray. Wayd dhiig badan bay ahayd e, durba isaga oo xoorinaya ayuu daloolka albaabka iska guray.
Daqiiqado ka dib way fuursanayd oo gal dhiig ah ayay dhexjiiftay. Intaa ka dib, wixii dhacayay waxbayahay bay kaga sugnayd.