Skip to main content

Tuesday 10 December 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Sheeko

Naaleeye: Aqalgalkii Fulayga

1 November, 2024
Image
Baadiye
Share

Naaleeye waa ayeeyo koris, hooyadii iyo aabbihii isaga oo wiil yar ah ayay uga tageen ayeeyadii Safiyo, waligii waxba ma baran qur'aana ha aatee, ayeeyadii xooggaa ay barto mooyee ma uusan arkin meel wax lagu baranayo. Waa reer miyi buuro mareen ah, nolosha miyigana aysan waligii ku adkaan. Marka uu ayeeyadii la jooggay saddex iyo tabban sanno ayuu bilaabay inuu daaqa geeyo xoolaha, isagoo shan iyo toban jirsaday, halkaas ayuuna ku bartay reer ay jaaryihiin oo marka uu xoolaha daaq-geeyo ugu tagi jiray shaah iyo sheeko si uu ula wadaago,Odayga guriga oo ay aad isugu fiicnaadeenna waxa ay wada ciyaari jireen shax. Waxa la galay gu', roobkiisa iyo barwaaqada ay qaalmaha geella, ariga iyo lo'da qurux ka dhaxleen, mid kastaana ay boqol tiro ah laga tiriyey xarreeduna ay waran tahay dhulka.

 Naaleeye ayeeyadiisa uu la noolyahay, ayaa uu si kaftan ah ugu yiri gu'gani guur ayuu ku wacnaan lahaa ee reerka ma badiyaa si aan u helno haweeney cunada innoo karisa iyo ciyaaal daaqa geeya xoolahan tirada ka batay ee maalin kastaa ba mid waraabuh igala harrayo, waxa uuna ugu sii darray isaga oo qoslaya jaarkeenu way hablo badan yihiine ogow ayeeyo. Naaleeye ayeeyadii aad ayey u jecalayd oo wax ubad ah isaga oo kaliya ayey ka haysataa, waxay ku tiri fulay baad tahaye reer miyaad dhaqi kartaa, sow colka ku soo weerari maayo da'daa jirto saddex gu' ku darso markaas gabadh ii keeen inta ka horreysaa ha igu soo hadal qaadin. Alleylahee runtay u sheegtay. Inta uu fadhigii ka kacay oo istaagay ayuu yiri reerka dhanka galbeed innaga xigga ee odayga gaaban ee Cali Yoonis ayaan aad isugu fiicannahay iskana warhaynaa oo marka aan xoolaha sii wado waxa uu igu sii daraa gabadhiisa Suleekha oo aan aad uga helay farriidnimadeed isaga ayaan odhan gabadhaa I sii, waan dhaqan, xidid fiicanna weynu noqon, alaylahee isaguna markiisa ayuu la helay hadalka. 

Saddex cisho inta aysan ka soo wareegin ayuu ku dhiiraday odaygii jaarkiisa ee ay marna saaxiibada ahayeen ee Cali Gaab, waxa uu ku yiri saaka labadeena ayaa ariga kaxeenayna Suleekha subax kastaa yey taagnaan inna keen labadeena, jawaab ta uu helay wax aheyd fariid baatahay naxariis badan inna keen saaka, odaygii ayaa dib aqalka ugu laabtay oo ku yiri Suleekha adigu maanta hooyadaa guriga kala shaqee aniga ayaa maanta Naaleeye la daaq geenaya xoolaha, bac ayuu ku soo xirtay kibis shaahna horrey ayuu u soo qaatay wakhti horrena way ka furreen albaabka xoolaha. Neeleeye hoos ayuu ka yiri alleylahee reerku waa reer gob ah, ku ceeboobi maayo lakiin Eebbow igu astur xilka iyo wax lamid ah ayuu hoos ka yiri oo waxa uu aaminsan yahay in aan hadal uusan ka keenneen hadalkiisa odayga reerku waana sababta uu ugu dhiiraday kaligii. 

 Naaleeye subaxani uga duwan subaxyadii hore dhaxan aad u darranna way dhacaysaa, balse, waxa uu ku qasban yahay inuu hawsha la fudeediyo odayga halkii ayuu dhexda ku xidhay macawiista qoora soofta ahayd, hangool uu watayna bartaa kilkilada ah ku hubsaday. Safna waa uu ka maray xoolihii waxa la lisayey ariga odaygii reerka jaarka. Naaleeye ayaa ku dhawaaqayey marka uu xoolaha lisayey dhawaaq xooggan. Erayadii Cabdillaahi Cabdi Shube ee ahaa; “Door horre waxa jirray, Wiil doob ku gaamuray, Oo hawsha loo dirana, aan waligii ka daaleyn.” Barta ayuu barta u saaray arigii dhammantood marka ay aqalka ka fogaadeen ayuu Naaleeye mar uu islahaa waa barqo gaabad ee nasta hadalka bilaabay oo ku yiri isaga oo wax tilmaamaya geedahaa ma argtaa? Cali Gaab “Haa”, innagu leexi iyagaa qabow ee neecaw fiican ka dhacdaaye. Odaygu hadal kama soo celin wakhti hore ayey ugu danbeysay raacidda xoolaha, balse, Naaleeye bartii uu u tilmaamay ayuu odaygii salka u dhigay oo ku simmay. 

Naaleeye meel uu wax uga bilaabo ayuu garan la' yahay, waxa uu ku yiri “adeer maxaa idiin dhaqan ah marka la idinka soo doonnayo gabadh?” Cali Gaab inta uu shaah shubtay, laba goorna kabaday ayuu ku yiri ninku haddii uu nin wanaagsan oo masuuliyad qaadi kara yahay waxaan ka qaadnaa gabadha aan guur horre u soo marin geel iyo ari, sida dhaqanka ah waxaan u sameynaa xeeryo, muqmad ama oodkaca, habeenkaasna waan u tunaa, oo la kala baxnaa jaandheer farxadeeda wadata. Naaleeye ayaa hadalka sii watay isna koob shaah inta uu shubtay kibistiina goostay ayuu yiri "Alleylahee, nin fariid ah baa intaa laga aqbali karaa ama sameyn kara" Cali Gaab inta uusan dhammaysan hadalka ayuu yiri xoolaha lama siidaaye innaga kici meeshan oo qaatay hangoolkiisa. Naaleeye oo qoslaya ayaa isna kacay oo hadalkii sii watay waxa uuna yiri Qaalmahayga tan ugu weyn ayaan ka bilaabayaa tirada waxaan rabaa inaad i siiso gabadhaada fariida ah ee Suleekha, karti, hawl karnimo iyo quruxda ayay kulansatay oo waa gaari guri u cartan. Cali gaab ayaa ugu jawaabay, “jaarbaynu nahay, nin wanaagsanna waad tahay, waan kugu darayaa inantayda ee illaali waligeedna yey ciil mudan, iyadana caawaan wargalinayaa,” isaga oo hangoolkii uu watay dhulka ku xardhaya wax qaallin geel ah u eeg. 

Naaleeye ayaa neef qabow ah ka soo baxday oo faraxad inta uu soo booday ayuu go'shaal ah oo uu watay garabka u saaray Cali Gaab oo ku yiri "waan ogaa inaad gob la la xidido tahay, laba is gayaad is gudoonsiisay,waajibkaagiina waad gudatay, anigana dhankayga waxaan ka soo bixi doonaa waajibka dhankayga iga saarran dhismaha reerka iyo farxada gabadhaada.” 

Maalintaas Naaleeye ayeeyadii waxa uu ku laabtay isaga oo faraxsan wax xoolo ahna aysan ka maqneyn, waxay ku tiri maanta yaad is raacdeen oo ariga dawacada kaaga celiyey, inta uu qoslay ayuu ku yiri maalin danbe xoolo kaa maqnaan maayaan, maanta se waxaan is raacnay odaygii jaarka ee Cali Gaab ahaa, hadalka halkaa kuma uusan ekeyne waxa uu ugu sii daray ayeeyadii "waxaan weydiistay gabadhiisa Suleekha waxa uuna iigu jawaabay nin fariid ah ayaan la doonayey sidaada oo kale ariga raaci kara naxariis leh balwadna aan lahayn”.  Ayeeyadii Suleekha aad ayey u jecelayd oo intaas marka uu ku yiri ayey ku dhawaaqday "ulululululu caruuska caruuska" Naaleeyo ayeeyadii habeenkaas wixii ka danbeeyey waxay diyaarisay aqalkii oo hortiisa waxay ku soo ooday ood weyn oo qodax leh, dhul weyna way soo xeertay, aqal cas oo aad u qurux baddan ayay dhistay subaxaa. Naaleeye xoolaha ayuu lisay oo daaq geeyey subaxaas isaga oo ayeeyadii ku sii yiri waxba ha isku dhibin, aniga ayaa caawa hawshaa inta hartay dhammaystiraya. 

Cali Gaab isaga oo aan dheg la qabto lahayn aadna u daalan; wakhti hore ayaa ugu danbeysay raacida xoolaha, ayuu arkay firaashkii uu saaka ka toosay, barbar ayuu isugu tuuray, ilaa uu sardho bogtay indhaha muusan kala qaadin, illaa fiidnimadii goor ay ahayd ayuu u yeeray xaaskiisa oo u sheegay in uu Naaleeeye siiyay inantooda Suleekha waxa uuna ku yiri, “waa wiil fariid ah aad u naxariis badan, waa mid aan gunuunuca iyo tirsiga aqoon, isaga oo kaliya ayey hooyadii dhashay ayeeyadiina way soo korsatay, waa reer dhaqan oo xoolo leh, waxa ii sheegay in uu jecel yahay si wanaagsana u dhaqanayo e, u sheeg inantaada in aan Naaleeye siiyey.” Waa gashaanti waqtigii guurka gaadhay, gaari qurux u dhalatoo bislaatay weeye, balse, Naaleeye habeenna kuma aysan seexan.

 Suleekha hooyadeed Cutiyo ayaa ugu yeertay ardaaga guriga hortiisa marka ay u sheegatay in Naaleeye la siiyey aabbaheedna uu bixiyey, Suleekha hal mar ayey la soo booday, go'aye ma ninkii Naaleeye ahaa ayuu aabbehay igu daray? Haa, habeen mugdigu hadoodilay ayuu guurkiinu dhici doonnaa waliba, waxa sidaas ku tiri Suleekha, hooyadeed iyada oo cabsi badan ku abuureysa gabadheeda. Dumarka reer miyiga ahi waxa ay isugu faanaan ninka guursanaya geesi ma yahay, caddowga cagta ma u saari karaa iyo wax la mid ah. Iyadoo arrintaa ka duulaysa waxay ku tiri hooyadeed, “Naaleeye waa fulley nin geesi ah oo caddowga iyo dugaaga xoolaha ka dhicin kara ayaan aabbahay ka codsan, Naaleeye waxa uu ii sheegay in ariga maalin kasta wax la gala haro ama laga cunno.” Hooyadeed ayaa weydiisay oo yaa kala hara? Suleekho, “Dhurwaaga iyo dawacooyinka dee, ninkan hooyo xayn riyo ah dhan isuguma duwi karo, miyuu iska kay saarnaan oo kaliya”, ayey si hoose ugu tiri Suleekhi hooyadeed oo aan si fiican hadalka danbe ugu dhicin dhagaheeda.

Habeenkaas oo dhan Naaleeye indho iskuma keenin marna aqalka ayuu xidh-xidhayey marna waxa uu sawiranayey nolosha uu ku jiro ee cidlada ah sida uu ugu gedin doona nolosha wehelka ee uu yagleelayo. Subixii marka uu waagu galac yirina xoolaha ayuu ooda ka jabiyey oo lisay maalintaas.  Kadib waxa uu bilaabay inuu caanaha ka iibiyo gawaarida wadooyinka socda.Wadada gees intuu ka joogsaday ayuu u gacan haadiyay gawaarida oo caanno ka iibiyaa si lacagta ayeeyadii mid ka baxsan uu u helo. 

Suleekhi warka aabbaheed hadal kama keeni karto oo dhaqan ahaan odayga guriga ayaa leh masuuliyadeed oo waa aabbaheed, iyada oo waalidkeeda karaamadiisa eegaysa iyo kalsoonida uu ku bixiyey iyada oo aan warba u hayn ayey Aabbaheed ku tirri habeenkaas iyadoo casho siinaysa "Aabbe ninka iyo warka ay hooyo ii sheegaysaa ma run baa?" “Haa aabbe, waa run waan ku siiyey ee reer kaaga dhaqo aniga iyo hooyadaa iyo walalahaana waanu isku filanahay.” Suleekha ayaa iska aamustay oo kala guridii cashada sii wadatay, Naaleeye fuleynimadaas ma ahane wax kale oo ay ku diido ma laha, waa wiil fariid ah. Waxay ugu jawaabtay aabbaheed, “haye waayahy aabbe reerkayga waan dhaqan sida gabadh guri leh lagu yaqiinay baan uga soo bixi kaalintayda gabadhnimo iyo hooyonimo,” iyada oo kalsooni dumarnimo buuxda ay ka muuqato Suleekho.

Naaleeye habeennimadii ayuu isugu yeeray tolkiisa oo aad uga fogaa halka ay degnayihiin, bari iyo waqooyi ayey kala jireen. Arooryadii hore ayey soo gaadheen Naaleeye tolkiis, halkaas ayaana loogu sameeyey quraac soodhaweyn ah, Naaleeye oday adeerkii ah oo ay maallin taas isugu horreysay ayey isla qaateen iyaga oo shan nin ah inay horta gabadha doonaan oo guriga gabdha u qado tagaan. Wuxuu wacay odaygii reerka oo uu ku wargaliyay in ay maanta u soo geed fadhiisan doonaan haddii Eebbe idiom, dabadeed intuu telfoonkii damiyay ayuu jeebka sare ku riixay isaga oo xarago weyni ka muuqato. 

Naaleeye ayeeydii waxay markasta ka fikirtaa farxadda wiilka ay soo korsatay, oo ay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsanna ku ababisay, isla wakhtigii qadada ayay doonneen gabadhii, si ballaadhan ayaa loo soo dhaweeyay, waana la soo siiyay gabadhii, Naaleeye oo farxad xadreynaya oo ay weheliyaan qaraabadiisii oo markani isugu horreysay, ayaa dib ugu soo laabtay gurigii, waqti wanaagsan ayay wada qaateen habeenkaas. 

Habeennimadii jimcaha ayaa lagu soo darray Naaleeye, Suleekha oo faraxsan, mustqbalka ifaya iyo gobonimada Naaleeye ayay aad ugu faraxsaneyd. Waxaa la soo galbiyey habeenkaas iyada oo faras cad saaran,             Naaleeyana faras madow, labada barbar waxa garab yaacayay dad badan oo sacab ku gelbinaya. Sida dhaqanka ahna habeenkaas markay gelbintu dhammatay, dadkii qaar iska hoyadda iyo qaar seexda oo subaxii jarmaadda ayey kala noqdeen. Naaleeye, wiilasha iyo gabadha dumaashiyaha iyo seediyada ugu kala beegan habeenkaas waxa uu u dhigay gogol qurux badan, Toddoba maalmood ka dib waxa loo sameeyey toddobabaxa ay jirib iyo dhabiiq suugaan ammaan iyo duco ah la isugu darray, Xeeryo ay ginginman yihiin oodkac iyo timmir lafta laga saaray oo la isku dhex xashay, ayaa suxuun dadkii loogu guray dadkii. Furistii xeerooyinka Naaleeye adeerkii ayaa bilaabay oo kala riday Sacabkuna halkii ayuu iska qabsaday galabnimadaas. 

Suleekhi waxay kamid noqotay qoyska Naleeye oo ka koobnaa isaga iyo ayeeyadii, nolol quruxbadan, oo farxadna leh ayay la wadaagtay, dhaqankeedii iyo kartideediina way muujisay, waxay tilmaan u noqotay guriga ay ka timid dhaqanka iyo milgaha uu leeyahay. 

Naaleeye iyo Suleekho waxay isku noqodeen ul iyo diirkeed, waxay tusaale wanaagsan u noqdeen jiilalkii danbe ee ka danbeya.Waxay noqdeen qoys is jecel oo isu diirnaxa, waxayna aqoonsi ka heleen bulshada ku dhaqan dhul buureedka ay deegaanka ku yihiin, in duco waalid ay labada dhanba kaga dhacday way ka muuqataa ayeeyo wanaagsanna uu Naaleeye haysto oo ka xallin jirtay dulduleedyadda ay leeyihiin iyo wax kasta oo markaa dhaawac u geysan kara jiritaanka qoyska wiilka ayeeyada u tahay iyo marwadiisa Suleekho.