Skip to main content

Sunday 18 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Muxuu Yahay Heshiiska Abraham?

31 December, 2025
Image
Muxuu Yahay Heshiiska Abraham?
Share

Maalmihii u danbeeyey waxa bogagga hore ee saxaafadda haystay magaca ‘Abraham Accords’. Haddaba, aynu ka jawaabno waxa uu u taaganyahay heshiiska Abraham? Heshiiska Abraham waa heshiisyo diblomaasiyadeed oo la saxeexay sannadkii 2020-kii, kuwaas oo lagu caadiyeeyay xidhiidhka ka dhexeeya Israa’iil iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta. Heshiisyadani waxay jebiyeen mabda’ muddo dheer jiray oo ahaa in dalalka Carabtu aysan xidhiidh rasmi ah la yeelan Israa’iil ilaa xal laga gaadhayo arrinta Falastiin.

Dawladda Maraykanka ayaa door hoggaamineed ka qaadatay dhexdhexaadinta iyo hirgelinta heshiisyadan, taas oo ka dhigtay kuwo si weyn u saameeyay siyaasadda Bariga Dhexe. Magaca Abraham (Ibraahim) waxa uu ka turjumayaa Nabi Ibraahim (CS) oo ay wadaagaan diimaha samaawiga ah ee Yuhuudda, Masiixiyadda iyo Islaamka, waxaana loo adeegsaday astaan muujinaysa wada-noolaansho, is-ixtiraam iyo nabad ku dhisan qiyam wadaag ah. Ujeeddadu waxay ahayd in la xoojiyo fekradda ah in khilaafaadka siyaasadeed laga ga gudbi karo wadajir iyo wada noolaansho diimeed.

Heshiiska waxaa markii hore saxeexay Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana si degdeg ah ugu biiray Baxrayn, ka dibna Suudaan iyo Morooko ayaa iyaguna raacay dariiq la mid ah. Inkaste oo heshiisyadu u muuqdeen kuwo laba geesood ah, Maraykanku waxa uu ahaa dhinac muhiim ah oo dammaanad qaad, taageero siyaasadeed iyo mid amniba bixinayay. Ujeeddooyinka heshiiska Abraham waxay ahaayeen in la abuuro nabad iyo xasillooni goboleed, in la horumariyo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi, in la xoojiyo xidhiidhka amniga iyo sirdoonka, isla markaana la dhiirrigeliyo dalxiiska, ganacsiga iyo is-dhexgalka bulshooyinka. Tani waxay muujisay isbeddel ka yimid siyaasad ku dhisnayd colaad una guurtay mid ku salaysan dano wadaag ah.

Heshiisku waxa kale oo uu ku dhisnaa dano istaraatiijiyadeed, gaar ahaan cabsi la wadaagayay oo la xidhiidha khataraha gobolka sida Iiraan iyo xasillooni darrada Bariga Dhexe. Dalalka Carabta qaarkood waxay heshiiska u arkeen fursad ay ku helayaan tiknoolayjiyad horumarsan, taageero amni iyo xidhiidh dhow oo ay la yeeshaan Maraykanka, halka Israa’iil ay ka heshay aqoonsi goboleed iyo ka bixid go’doon siyaasadeed oo ay muddo badan la ildarnayd.

Dhinaca dhaqaalaha, Heshiiska Abraham waxa uu horseeday iskaashi ballaadhan oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, tiknoolayjiyada, tamarta, beeraha, maamulka biyaha, duulimaadyada iyo dalxiiska. Xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa si gaar ah u kobcay, waxaana la sameeyay heshiisyo badan oo dhaqaale oo faa’iido wadaag ah.

Inkaste oo heshiiska lagu tilmaamay mid nabadeed, haddana waxa uu lahaa dhinac amni iyo milatari oo xooggan, sida wadaagga sirdoonka, tababarrada amniga iyo heshiisyada hubka. Arrintan ayaa keentay dhaliil ah in heshiiska Abraham uu yahay isbahaysi amni oo cusub halkii uu ka noqon lahaa geeddi-socod nabadeed oo dhammaystiran.

Qodobka ugu muranka badan ee heshiiska Abraham waa saamaynta uu ku yeeshay arrinta Falastiin. Heshiisku waxa uu meesha ka saaray shuruuddii Carabta ee ahayd in caadiyeyn lala sameeyo Israa’iil ka dib marka Falastiiniyiintu helaan dawlad madax-bannaan, taas oo Falastiiniyiintu u arkeen in lagu dayacay xuquuqdoodii. Heshiiska ma uusan keenin xal cad oo ku saabsan gumeysiga, degsiimooyinka ama aaya-ka-tashiga Falastiin. Caalamka intiisa badan, gaar ahaan dowladaha reer galbeedka, ayaa soo dhaweeyay heshiiska Abraham iyaga oo u arkay horumar diblomaasiyadeed oo cusub, halka dunida Carabta iyo Muslimka dhexdeeda ay falcelintu noqotay mid kala qaybsan. Qaar ayaa taageeray dano siyaasadeed iyo dhaqaale awgood, halka kuwo kalena ay si adag u dhaliileen, iyaga oo u arkay mid khilaafsan caddaaladda iyo xuquuqda Falastiin.

Heshiiska Abraham waxa uu beddelay jihada siyaasadda Bariga Dhexe, isaga oo abuuray caadiyeyn ku salaysan dano istaraatiijiyadeed halkii ay ka ahaan lahayd xalinta colaadaha taariikhiga ah. Saameyntiisa fog waxay ku xirnaan doontaa in uu keeno nabad loo dhan yahay oo ay ku jirto caddaalad Falastiin, ama in uu noqdo isbahaysi siyaasadeed oo xoojiya kala qaybsanaanta gobolka.

Heshiiskan waxaa si rasmi ah uga mid ah shan waddan oo kala ah; Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko, Suudaan iyo Israa’iilwaxaanu salka ku hayaa shan tiir oo muhiim ah. Qoddobada muhiimka ah waxaa ka mid ah: xidhiidhka diblomaasiyadeed oo ay ku jiraan aqoonsi rasmi ah oo Israa’iil ah , isdhaafsiga safaarado iyo wufuud, iyo xidhiidh rasmi ah oo diblomaasiyadeed; nabadda, ayaa iyaduna ah qoddob kale oo muhiim ah iyadoo la ballanqaadayo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, iskaashi amni oo xadidan, tii oo laga sinnaanayo meelna looga soo wada jeesanayo rabshadaha iyo argagixisada; waxa kale oo heshiiska udub-dhexaad u ah: dhaqaalaha iyo ganacsiga, oo ay ka mid yihiin heshiisyo ganacsi, maalgashi, iskaashi bangiyo, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududaynta socdaalka ganacsiga iyo dalxiiska; waxaan marna laga tagi karin oo aan Meesha ka maqnayn tiknoolayjiyada iyo cilmibaadhista, sida casriyaynta beeraha, tamarta nadiifta ah, caafimaadka, iyo isdhexgalka bulsho, oo dhiirrigelinaya xushmeynta diimaha, is-dhexgalka dhaqammada, iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Shuruudaha dawladdaha ka qaybgalaya waxaa ka mid ah in ay si rasmi ah u aqoonsadaan Israa’iil, diyaariyaanna xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa, ballanqaadaan ka-hortagga argagixisada, iyo in dhulkooda aan loo adeegsan weerarro ka dhan ah saxiixayaasha kale ee heshiiska. Sidoo kale, dawladaha waa in ay qaataan siyaasad dibedeed oo la jaanqaadaysa heshiiska, iyadoo ficilladaas ay noqdaan kuwo nabadeed oo diblomaasiyadeed.

Faa’idooyinka dawladaha saxeexa heshiiskan: waxaa ka mid ah ku dhawaaqis siyaasadeed iyo wada-hadallo hordhac ah oo badanaa Maraykanku fududeeyo, dib-u-habayn siyaasadeed iyo is-waafajin sharciyeed oo ku saabsan ganacsi, socdaal, iyo maalgashi, iyo ballanqaadyo gaar ah oo amni iyo ganacsi ah. Tusaale ahaan, Imaaraadka iyo Baxrayn waxay heleen iskaashi ganacsi iyo amni oo wax ku ool ah, Morooko aqoonsi Maraykan ah oo ku saabsan Saxaraha Galbeed, halka Suudaan ay ka baxday liiska argagixisada. Guud ahaan, ku-biirista heshiiskan waxa la socda gorgortan siyaasadeed iyo fursado istaraatiiji ah, iyadoo dawladaha saxeexa ka helayaan taageero, aqoonsi, iyo iskaashi dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Qoraallada kale ee qoraaga

Tix

Suugaanta Safarka

Fan

Dhool Faneed

Buug

Muxuu inna Barayaa Buugga Xeer Ciise?

Dhaqan

Hibamaalka iyo Farsamada Soomaaliga