Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Muxuu wakhtigu u noqday mid si xawaare leh u socda?

7 July, 2026
Image
Muxuu wakhtigu u noqday mid si xawaare leh u socda?
Share

Sannadkii 1871-kii, qoraa aan magaciisa la aqoon ayaa ku qoray xusuus-qorkiisa noloshiisii caasimadda Ingiriiska isagoo yidhi: “Daal aad u baaxad weyn ayaa ku dhaca neerfayaasha iyo maskaxda reer London. Dadku waxay ku nool yihiin degdeg, wax kasta oo hareerahooda ka dhacayana waxay u socdaan si xawaare sare leh oo kooban. Kuwa caga jiidka ah ee aan degdeginna waxay si dhakhsiyo leh u ogaadaan inaanay wax fursad ah haysan; sidaas darteedna waxaa lagu khasbaa inay la qabsadaan laxan aysan hore u aqoon, iyagoo la mid ah faras gaabis ah oo barbar socda gaadhi dheeraynaya.”

Waxaa cad in maanta aynu nolosha ku soconno xawaare ka orod badan kii uu dareemay qoraagan aan la aqoon, innaga oo rumaysan in haddaynu wax yar istaagno uu wakhtigu ina dhaafi doono. Waxaynu ku nool nahay wakhti xaadir sibiq ah, kaas oo beddelkiisu noqday welwel joogto ah oo ku aaddan mustaqbalka. Inkastoo bini’aadamka casriga ahi uu ikhtiraacay qalab u suurageliyay inuu soo gaabiyo wakhti badan oo la xidhiidha socodka, safarka, shaqada iyo xitaa hawlaha guriga, haddana wuxuu weli si weyn ugu liitaa helitaanka wakhti bannaan.

Tani waxay ina hor keenaysaa su’aalo muhiim ah oo mudan in laga fiirsado: Is-diidadani maxay u dhacaysaa? Maxaa keenay hawlahan badan ee buux dhaafiyey wakhtiyadii firaaqada oo loo heli laayahay wakhti lagu nasto? Sideese xawaaraha noloshu ugu guulaystay in uu kala fogeeyo qofka iyo wakhtigiisa, isla markaana ay u bedeshay sida uu u dareemo una garto wakhtiga?

Jahawareerka wakhtiga

Qoraaga reer Biritan Jay Griffiths ayaa lix bilood la qaadatay qabiilka Karen ee waqooyiga Thailand. Safarkan ayay gashay kaddib muddo dheer oo ay la daalaa dhacaysay qulub iyo jahawareer, sida ay ku sheegtay buuggeeda "Wild: An Elemental Journey" (Duurka: Socdaal lagu baadhayo Asalka Dabeecadda). Griffiths waxay sheegaysaa in muddadii ay la joogtay qabiilkaas ay aragtay arrin yaab leh oo soo jiidatay dareenkeeda. Waxay ahayd qofka keliya ee xidhnaa saacad. Hase yeeshee, iyada qudheedu waxay dareentay inay tahay qofka keliya ee aan si dhab ah u dhuganayn wakhtiga. Dadka qabiilku waxay si weyn ugu baraarugsanaayeen isbeddellada ku dhaca iftiinka, heer-kulka iyo dhawaaqyada deegaanka, taasina waxay fahan qoto dheer ka siisay wakhtiga, in kabadan saacaddu waxa ay ka siin karto.

Badanaa marka aynu raadino jawaab ku saabsan waxa uu wakhtigu yahay, waxaynu la kulannaa fasiraado kala duwan; qaar waxay ku salaysan yihiin cilmiga neerfaha iyo fiisigiska, halka qaar kalena ay la xidhiidhaan awoodda bani’aadamka ee uu ku garto wakhtiga uu nool yahay. Carlo Rovelli, oo ah fiisigisyahan ku takhasusay fiisigiska aragtiyeed kana tirsan Jaamacadda Aix-Marseille ee Faransiiska, ayaa buuggiisa "The Order of Time" (Nidaamka Wakhtiga) ku sheegay in Aristotle uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee is weydiiyay: "Waa maxay wakhtigu?" Ugu dambayna wuxuu ku soo gunaanaday in waqtigu yahay cabbirka isbeddelka.

Sidaas darteed, Aristotle wuxuu rumaysnaa haddaanuu isbeddel dhicin, wakhtiguna uuna soconayn. Dabadiis waxaa yimid Isaac Newton, oo gebi ahaanba ka soo horjeestay aragtidaas, kuna dooday in uu jiro wakhti sugan oo joogto ah, kaas oo iskiis u qulqulaya kana madax-bannaan walxaha iyo isbeddelladooda. Marka loo eego Newton, wakhtigu wuu sii soconayaa xitaa haddii wax kasta ay gebi ahaanba istaagaan oo aanay dhaqaaqin, xitaa haddii dhaqdhaqaaqyada ruuxdeennu ay barafoobaan.

Laakiin, su’aashu waxay tahay: wakhtiga Newton ma yahay wakhtiga aynu dhab ahaan u dareemno? Albert Einstein wuxuu qabay in wakhtiga iyo meesha uu Newton ku gaadhay mala-awaalka ka baxsan walxaha la taaban karo ay dhab ahaan jiraan, balse aanay ahayn kuwo sugan ama ka madax-bannaan waxa dhacaya. Sidaas darteed, wakhtigu wuxuu noqday qayb ka mid ah qaab-dhismeed aad u murugsan oo ku lammaan qaab-dhismeedka goobta (space), iyagoo wada sameeya tolmo afar-cabbir leh oo loo yaqaan wakhti-goob (space-time). Einstein wuxuu ku dooday in fekradaha tagtada, hadda iyo mustaqbalka ay ku xidhan yihiin aragtida qofka wax eegaya, ee aanay ahayn xaqiiqooyin go'an. Wuxuuna ku adkaystay in qulqulka wakhtigu aanu ahayn wax kale oo aan ka ahayn "mala-awaal joogto ah oo adag in laga baxo."

Marka laga soo tago fiisigiska, saxafiga iyo qoraaga reer Kanada Carl Honoré wuxuu buuggiisa "In Praise of Slow" (Ammaanta Gaabiska) ku tilmaamayaa in qaar ka mid ah dhaqammada falsafadeed, sida Budhiism-ka, ay wakhtiga u arkaan wax meerto ah oo mar walba yimaada, taga, dabadeedna dib isu cusboonaysiiya, sida hawada aynu neefsanno. Aragtidan waxay ka duwan tahay tan Galbeedka, oo ay u muuqato inay qayb ahaan ku salaysan tahay fiisigiska casriga ah, taas oo wakhtiga u aragta inuu yahay xariiq toosan; fallaadh aan kala joogsi lahayn oo ka soo dhaqaaqda hal meel oo cad kuna sii jeedda meel kale oo cad.

Arrintaasi waxay dhalinaysaa su’aal kale: Waa noocma wakhtiga ay maskaxdeennu dareento? Si looga jawaabo su’aashan, labada saynisyahan ee ku takhasusay cilmiga neerfaha, György Buzsáki iyo Rodolfo Llinás, ayaa daraasad ay ku daabaceen joornaalka Science oo cinwaankeedu yahay "Goobta iyo Wakhtiga ee Maskaxda" (Space and Time in the Brain) ku sheegay in wakhtiga ay maskaxdu dareemayso aanu ahayn wakhtiga ay saacaduhu cabbiraan. Saacaduhu waa hal-abuur dhaqan oo uu bini’aadamku sameeyay.

Hase yeeshee, maskaxda waxaa ku jira unugyo neerfayaal ah oo si taxane sax ah u hawlgala si ay u kaydiyaan "diiwaan wakhtiyeed", kaas oo u saamaxa maskaxda inay xusuusta oo dhacdooyinkana u kala habayso si isku xigxigta oo macquul ah. Daraasaddu waxay sidoo kale caddaynaysaa in dareenkeenna wakhtigu uu saameeyo xaaladda nafsadeed iyo caadifadeed ee aynu ku jirno, oo waxa aynu aragnaa isagoo wakhtigu inoogu muuqdaa inuu ilbidhiqsi inagu dhaafay marka aynu si buuxda ugu shuqlannahay hawl si weyn u qabsatay dareenkeenna. Dhanka kale, wuxuu u muuqdaa mid aad u gaabis badan marka caajisku ina dilo.

Ka ganacsiga wakhtiga

Waxaa laga yaabaa in dhammaan wixii aynu soo sheegnay ay meesha ka baxaan marka laga eego dhinac kale oo wakhtiga la xidhiidha, kaas oo soo baxay oo keliya qarniyadii u dambeeyay ee taariikhda bini’aadamka, waana ka ganacsiga wakhtiga. Wax kasta waa laga ganacsankaraa marka ay isu beddelaan wax la yeelan karo, la iibin karo, lana siin karo qiime lacageed oo suuqa lagu kala gato. Cilmi-baadheha reer Austria Wolfgang Fellner wuxuu sharraxayaa sida hanti-goosadku uu badeecadaha, adeegyada, aqoonta, xitaa dadka iyo wakhtigoodaba ugu beddelay waxyaabo la iibiyo lana iibsado. Sidaas awgeed, nolosha oo dhami waxay isu rogtay aalad loogu talagalay wax-soo-saarka iyo isticmaalka.

Si loo fahmo sababta uu u jiro orodkan aan kala joogsiga lahayn ee maanta sida cudurka ugu faafay bulshadeenna, taariikhyahanka reer Biritan E. P. Thompson wuxuu daraasaddiisa caanka ah ee cilmiga bulshada, "Time, Work-Discipline, and Industrial Capitalism" (Wakhtiga, Anshaxa Shaqada iyo Hanti-goosadka Warshadaha), ku sharraxayaa sida bulshada hanti-goosadku u tababartay bini’aadamka inuu ka tago wakhtigiisii dabiiciga ahaa, uguna hoggaansamo wakhtiga saacadda. Bulshooyinkii ka horreeyay kacaankii warshadaha waxay wakhtiga u qiimayn jireen waxa ay cilmibaadhayaasha bulshada maanta ugu yeedhaan "wakhtiga dabiiciga ah." Xilligaas, dadku shaqadooda waxay qaban jireen marka ay u arkaan in wakhtigu ku habboon yahay, ee ma aha marka saacaddu u sheegto. Sidaas darteed, beeralaygu wuxuu shaqayn jiray marka dalaggiisu bislaado, halka farsamayaqaankuna uu hawshiisa sii wadan jiray ilaa uu ka dhammeeyo, ama uu ka daalo ama ka caajiso, isaga oo aan ku xidhnayn wakhti go'an.

Tani waa isla fekradda uu xaqiijinayo fiisigisyahanka Talyaaniga Carlo Rovelli ee ku jirta buuggiisa "Nidaamka Wakhtiga", isagoo leh: "Kumannaan sano ka hor intaan saacadaha la ikhtiraacin, habka keliya ee aynu caadi ahaan wakhtiga ugu cabbiri jirnay wuxuu ahaa isbeddelka maalinta iyo habeenka. Laxanka maalinta iyo habeenka is daba jooga ayaa sidoo kale habeeya nolosha dhirta iyo xayawaanka. Laxanku waa isha ugu horreysa ee fekradda aynu ka haysanno wakhtiga. Wacyigii hore ee bini’aadamka, wakhtigu ugu horrayn wuxuu ahaa tirinta dhaqameed ee maalmaha."

Markii uu hanti-goosadku soo ifbaxay, E. P. Thompson waxa uu qabaa in shaqadu aanay mar dambe ku salaysnayn dhammaystirka hawsha, balse lagu cabbiro dhammaadka saacadaha loogu talagalay shaqada warshadda. Sidaas awgeed, fahamkeennii wakhtigu wuu isbeddelay. Wakhtigu wuxuu isu beddelay wax isku mid ah oo qof kasta u wada siman. Hanti-goosadkuna wuxuu geliyey hannaan caqliyayn iyo xisaabayn ku dhisan, isagoo wakhtiga ku daray silsilad habab xisaabeed ah oo ka bilaabmay nidaam adag oo ay qayb ka ahaayeen isticmaalka saacadaha iyo jalaska lagu asteeyo bilowga iyo dhammaadka shaqada.

Waxaa la rumaysan yahay in bilowga nidaamkan adag uu ka curtay magaalada Cologne ee Jarmalka. Diiwaannada taariikhiga ah ee magaalada ayaa muujinaya in sannadkii 1370-kii halkaas laga rakibay saacaddii ugu horraysay ee dadweynaha. Afar sano kaddib, magaalada Cologne waxay dejisay sharci qeexaya wakhtiga maalinlaha ah ee shaqadu bilaabanayso iyo wakhtiga ay ku dhammaanayso, iyadoo shaqaalaha loo qoondeeyey hal saac oo keliya oo nasashada qadada ah. Sidaas darteed, muddo hal jiil gudaheed ah ayay dadka Cologne uga gudbeen dareenkii dabiiciga ahaa ee wakhtiga una gudbeen xaalad ay saacaddu go'aamiso wax kasta oo noloshooda ku saabsan; laga bilaabo saacadaha shaqada iyo nasashada ilaa xilliga ay guryahooda ku noqonayaan. Taasi waxay ahayd bilowgii ay mashiinnadu gacanta ku dhigeen wakhtigii dabiiciga ahaa.

Ma ahayn arrin fudud in shaqaalihii ugu horreeyey ee warshadaha lagu qanciyo inay ku noolaadaan wakhtigan cusub ee saacaddu dejisay, isla markaana ay illoobaan laxankii dabiiciga ahaa ee noloshooda. Sidaa awgeed, si loo hubiyo in shaqadu ku socoto isla xawaarahaas, iyada oo aan la kulmin gadood ama kacdoon ay shaqaaluhu sameeyaan, hay'adaha waaweyn sida kaniisadaha iyo dugsiyadu waxay bilaabeen inay faafiyaan fekradda ah in wakhtiga la ilaaliyo iyo in wakhtiga si wanaagsan looga faa'iidaysto ay yihiin waajib bulsho iyo akhlaaq wanaag. Dhanka kale, gaabiska iyo dib-u-dhaca waxaa lagu tilmaamay inay yihiin gef weyn oo anshaxeed.

Markii la gaadhay 1891-kii, shirkadda Electric Signal Clock waxay buuggeedii kaataloogga ahaa uga digtay dadka khatarta ka dhalan karta in laga hadho xawaaraha wakhtiga, iyadoo hal-ku-dheg uga dhigtay: "Haddii ay jirto hal wanaag oo ay tahay inuu qaato qof kasta oo guul doonaya, waa ilaalinta wakhtiga. Haddii ay jirto hal gef oo ay tahay inuu ka fogaado, waa inuu ka hadhin socodka wakhtiga."

Wakhtiga la banneeyey

Buuggiisa Alienation and Acceleration: Towards a Critical Theory of Late Modernity, faylasuufka iyo cilmibaadheha bulshada ee Jarmalka Hartmut Rosa wuxuu ku doodayaa in wejiga ugu cabburinta badan ee dedejinta bulsheed uu yahay yaraanta layaabka leh ee dareenka wakhtiga ee bulshooyinka casriga ah. Sidoo kale, faylasuufka Jarmalka ee asal ahaan Kuuriyaanka ah Byung-Chul Han wuxuu aaminsan yahay in hal-ku-dhegyada aadka u togan ee ku saabsan shaqada iyo guusha ay qofka casriga ah ku rideen godad kelinimo iyo niyad-jab ah, kadib markii uu awoodi waayay inuu gaadho heerarka ay hal-ku-dhegyadani ku baaqayaan. Sidaa aawadeed wuxuu bilaabay inuu naftiisa canaanto, maadaama aanay mar dambe la jaanqaadi karin xawaaraha waalida ah ee giraanta wax-soo-saarka.

Si uu u xoojiyo isla fekraddaas, qoraaga iyo faylasuufka reer Biritan Alain de Botton wuxuu buuggiisa Status Anxiety (Welwelka Raadinta Maqaamka) ku sheegay in jawiga guud ee bulshooyinka casriga ahi uu nagu riixayo inaynu nafteenna gelinno hawlo aan awoowayaasheen xitaa ka fekren lahayn. Marka himilooyinka waaweyni sii kordhaan, qofku wuxuu u wareegaa sida mashiin ku dhex jira giraanta wax-soo-saarka ilaa heer hawlo dabiici ah sida nasashada ama hurdadu ay noqdaan calaamad muujinaysa waxqabad yari iyo karti-darro.

Ma aha wax lala yaabo, haddaba, in hanti-goosadku uu weerar kulul ku qaaday hurdada. Buuggiisa Late Capitalism and the Ends of Sleep (Hanti-goosadka Dambe iyo Dhammaadka Hurdada), cilmi-baadheha Maraykanka ah iyo naqdiyaha farshaxanka Jonathan Crary wuxuu caddeynayaa in hanti-goosadku uu yareeyo qiimaha hurdada sababtoo ah waxay ka qaaddaa wakhti badan wax-soo-saarka, wareejinta iyo isticmaalka. Ujeeddadiisa ugu weyn waa inuu nagu qasbo inaynu wakhtigeenna lacag ku beddelanno saacad kasta oo maalinta iyo habeenka ah. Hurdaduna weli waxay xambaarsan tahay fekradda ah in uu jiro baahi bini’aadamnimo iyo wakhti bannaan oo aan gebi ahaanba lagu hoos geyn karin xeerarka suuqa.

Crary wuxuu buuggiisa ku bilaabay isagoo xusay shimbirta White-crowned Sparrow (Shimbirta Madaxa Cad), oo ka mid ah nooc shimbiraha xilliyada guura ee ku kala goosha xeebta galbeed ee Waqooyiga Ameerika. Noocan wuxuu leeyahay awood cajiib ah oo uu ku soo jeedo ilaa toddoba maalmood inta uu socdaalka ku jiro. Sidaas darteed, Wasaaradda Difaaca Maraykanku waxay ku bixisay lacago badan daraasaynta hawlaha maskaxeed ee shimbirtan, iyagoo rajaynaya inay soo saaraan fekradda “askar aan seexan”, kaas oo noqon lahaa saldhigga ugu horreeya ee shaqaale ama macaamiil aan seexan.

Maadaama hurdadu weli tahay caqabadda ugu weyn ee ka hor taagan dhammaystirka himilooyinka hanti-goosadka, waxaa la isku dayay in la burburiyo iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada, iftiinka buluugga ah ee shaashadaha, iyo dhawaaqyada ogeysiisyada aan waligood istaagin. Arrintan waxaa tilmaamay daraasado badan, kuwa ugu caansanna waxaa ka mid ah daraasadda David Samson, oo ah cilmibaadhe antarboolaji horumarineed ka tirsan Jaamacadda Toronto ee Kanada. Wuxuu qiyaasay in bani’aadamku u baahan yahay qiyaastii sagaal saacadood iyo badh hurdo ah maalintii si loo daboolo baahiyihiisa bayoolojiyeed ee aasaasiga ah (inkastoo daraasad kasta ku kala duwan tahay tirada, haddana ujeeddadu mar walba waa hurdo ku filan). Natiijooyinka daraasaddu waxay muujiyeen in celceliska hurdada dhabta ah ee dadka uu hoos ugu dhacay wax ka yar 7 saacadood, taas oo mudan in si qoto dheer looga fiirsado, maadaama ay aad uga yar tahay muddada hurdada ee xayawaanka daanyeerleyda (primates) oo u dhexaysa 13 ilaa 17 saacadood.

Arrintu kuma koobna tirada saacadaha hurdada oo keliya, balse waxay la xidhiidhaa sida aynu u dareenno saacadahaas. Sannadkii 2017-kii, Samson wuxuu daraasad ku sameeyay habka hurdada ee 37 qof oo ka tirsan qabiilka Hadza ee Tanzania. Waxyaabaha la yaabka lahaa waxaa ka mid ahaa in celceliska hurdadoodu uu ahaa qiyaastii lix saacadood iyo shan iyo labaatan daqiiqo, iyadoo ay dhexda kaga jireen wakhtiyo soo-jeeditaan ah oo soo noqnoqda. Si kastaba ha ahaatee, 34 ka mid ah ka qaybgalayaasha waxay sheegeen inay heleen hurdo ku filan oo raaxo leh. Waxaa laga yaabaa in xawaaraha gaabiska ah ee nolosha qabiilkaas, habka ay maalmahooda iyo fiidkoodaba u qaataan iyagoo dabka ku hareeraysan inta ay cunto karinayaan, kana fog shaashadaha, uu yahay sababta ay hurdada u dareemaan si ka duwan dadka ku nool magaalooyinka sawaxanka badan.

Ku noolaanshaha qarka welwelka

Qoraaga buugga "Welwelka Raadinta Meeqaamka", Alain de Botton wuxuu kaga hadlayaa dhacdo uu arkay qareenka iyo taariikhyahanka Faransiiska Alexis de Tocqueville intii uu booqashada ku joogay Maraykanka sannadihii 1830-meeyadii. Wuxuu ogaaday in dadka Maraykanku—inkastoo ay barwaaqo ku noolaayeen—ay mar kasta la ildarnaayeen marka ay arkaan qof kale oo haysta wax aysan iyagu haysan. Tocqueville wuxuu markaas dhacdadan ku tilmaamay "cudur lama filaan ah oo ruuxda dadka Dunida Cusub si tartiib tartiib ah u cuna."

De Botton wuxuu ku doodayaa in dhacdadani weli ka jirto bulshadeenna casriga ah. Inkastoo heerarka saboolnimada dhabta ahi si weyn hoos ugu dhaceen, haddana taasi ma aysan yarayn dareenkeenna sii kordhaya ee cabsida saboolnimada. Taas waxaa ka muuqda dareenka buunbuunsan ee in wax kasta oo aan haysanno aysan weligood nagu filnayn.

Faylasuufka iyo mufakirka Faransiiska Jean-Jacques Rousseau wuxuu aaminsan yahay in hodantinimada dhabta ahi aysan ku xidhnayn lahaanshaha hanti badan, balse ay ku xidhan tahay in qofku helo waxa uu hiigsanayo. Si kale haddii loo dhigo, mar kasta oo nafteennu u hanqal-taagto wax aynaan gaadhi karin, waxaa nagu hareeraysma dareen saboolnimo oo khalkhal geliya xasilloonida qalbigeenna, si kasta oo ay u badan yihiin khayraadka aan haysanno. Halka mar kasta oo aan dareenno qanacsanaan iyo raalli ahaansho waxa gacanteenna ku jira, aan isu aragno kuwo hodan ah, xitaa haddii waxa aan haysanno ay yar yihiin.

Rousseau wuxuu kaloo xaqiijinayaa inay jiraan laba waddo oo qofka looga dhigi karo mid ka hodansan: In la siiyo hanti iyo lacag dheeraad ah, ama in la yareeyo rabitaankiisa. Bulshooyinka casriga ahi waxay si heer sare ah ugu guulaysteen wadada koowaad, hase yeeshee isla mar ahaantaana waxay si joogto ah u sii huriyeen damaca dadka ee ah inay helaan wax intaas ka sii badan. Taas beddelkeeda, dadka hore waxaa laga yaabaa inaysan lahayn hanti badan, balse ma aysan dareemin heerka murugada iyo qanacsanaan la'aanta uu dareemo qofka casriga ahi. Tani waxay dhab ahaantii ina hor keenaysaa su'aasha ugu muhiimsan: Haddii alaabta qaaliga ahi aysan awood u lahayn inay dhaliso farxadda aan raadineyno, maxaa haddana si xooggan noogu soo jiita?

De Botton wuxuu uga jawaabayaa su'aashan buug kale oo uu qoray oo cinwaankiisu yahay "The Consolations of Philosophy", isagoo leh in waxyaabaha qaaliga ahi mararka qaarkood u muuqdaan xal macquul ah oo loogu talagalay baahiyo aynaan si dhab ah u fahmin. Sababtu waxay tahay in alaabtaasi ay muuqaal ahaan iyo maaddi ahaanba matalaan baahiyaha nafsadeed iyo shucuureed ee aynu dhab ahaantii qabno. Tusaale ahaan, halkii aad maskaxdaada dib u habayn lahayd oo aad dejin lahayd, waxaad isku arki kartaa adigoo soo iibsanaya kabadho buugaag lagu rito. Ama waxaad iibsan kartaa jaakad laga sameeyay dhogorta Kashmiir, si ay u buuxiso booskii ay ahayd inay buuxiyaan wada-sheekaysiyada saaxiibbada.

Si kastaba ha ahaatee, ma habboona inaan nafteenna ku canaanno jahawareerka dareenkeenna. Fahamkeenna kooban ee baahiyaheenna waxaa si weyn u saameeya jawiga ay hanti-gaasadku nagu hareeraysay, isla markaana ay si aanan dareensanayn noogu dhex gelisay. Hanti-goosadk kama tarjumayo kala horraynta dabiiciga ah ee baahiyaha aadanaha; taa beddelkeeda, wuxuu xoogga saaraa raaxada iyo hantida, halka uu si dhif ah uga hadlo arrimo ay ka mid yihiin saaxiibtinnimada, xorriyadda iyo fekerka.

Dib ma u soo ceshan karnaa wakhtigii la innalaga dhacay?

Suxufiga iyo qoraaga reer Kanada Carl Honoré wuxuu buuggiisa "Ammaanta Gaabiska" ku falanqeeyaa fekradda ah in noloshu noqoto mid dusha sare ku ekaata marka aynu wax walba ku qabanno degdeg, taasoo naga hor istaagta inaan xidhiidh dhab ah la yeelanno dunida ama dadka kale. Isagoo arrintan ka hadlaya, wuxuu soo xiganayaa qoraaga Milan Kundera, oo mar yidhi:"Marka wax walba si xad dhaaf ah u socdaan, qofna waxba si dhab ah hubanti uma qaadan karo, waxba haba yaraatee, xitaa naftiisa."

Honoré wuxuu aaminsan yahay in xilligeenna ay xawaaruhu qariyeen farshaxankii isdejinta, ilaa heer hawlo fudud sida beer la dhawro, akhriska, socodka, farsamada gacanta ama fekerka qotada dheer ay noqdeen waxyaabo soo nooleeya hilowga wakhti aan caabudidda xawaaruhu sida maanta u xoog badnayn.

Mid ka mid ah cutubyada buuggiisa oo cinwaankiisu yahay "Isdejinta Qotada Dheer", Byung-Chul Han wuxuu ku tilmaamaa isdejintu inay tahay maro cawlan oo diiran oo gudaha ku fidsan, laguna tolay dun xariir ah oo dhalaalaysa kana midab badan. Wuxuuna sheegayaa in fekerka qotada dheer yahay waxa dhaliya yaabka iyo layaabka. Han wuxuu sidoo kale xusay in Nietzsche uu isaguna hore u gartay in nolosha aadanaha ay halis ugu jirto firfircooni aan kala joogsi lahayn oo bulshada qabsatay, isagoo leh: "Marka la dabar-gooyo wakhtiyadii xasilloonida iyo degganaanshaha, ilbaxnimadeennu waxay isu beddeshaa nooc cusub oo cawaan ah. Wakhti si joogto ah u mashquulsan oo aan lahayn daqiiqado lagu fakaro wuxuu adduunkeenna u horseedayaa masiibo aan laga baxsan karin."

Si looga baxo xaaladdan dardar-gelinta joogtada ah ee aynu ku hoos nool nahay, Honoré wuxuu tilmaamayaa buugga "Zen Philosophy and the Art of Knitting" ee ay qortay Bernadette Murphy, oo u aragtay dunmiiqa iyo dhogorta inay qayb ka yihiin falcelin ballaadhan oo ka dhan ah dusha-sareynta nolosha casriga ah. Waxay tiri: "Dhaqankeenna waxaa haya harraad weyn oo uu u qabo macnaha, iyo waxyaabaha inagu xidha dunida, dadka kale iyo waxyaabaha si dhab ah u nafaqeeya ruuxa. Tolistu waa hab lagu siiyo wakhtiga qiimaha uu leeyahay. Waxa ugu quruxda badan ee tolidda waa gaabiskeeda; waa mid aad u gaabis badan oo kuu oggolaanaysa inaad aragto quruxda ku jirta tolmo kasta oo yar inta funaanaddu samaysmayso."

Akhriskuna wuxuu ina siiyaa dareen la mid ah. Arrintan waxaa xaqiijiyay faylasuufka Faransiiska Paul Virilio, oo yidhi:"Akhrisku wuxuu ka dhigan yahay wakhti lagu fekero iyo gaabis burburiya hufnaanta dhaqdhaqaaqa badan ee dadweynaha." Dhankeeda, Layla Al-Juhani waxay buuggeeda "في معنى أن أكبر" )Macnaha Koritaankayga( ku sifaysay dareenka nabadda iyo xasilloonida ee ay buugaagtu siiyaan: "Mar kasta oo aan galo maktabad, waxaan dareemaa inay tahay meel ammaan ah oo aan muddo dheer ku noolaan karo, ama xitaa lagu illoobi karo. Qofna igama lumin doono, aniguna cidna kama lumin doono. Wax walba waxay ahaan doonaan ammaan, sidii ay jannadu u ahaan lahayd."

Hanti-goosadku suntiisa ma ku afuufayaa ruuxdaada? Ma waxaad la halgamaysaa dareen aan kaa tegin oo si joogto ah qalbigaaga ugu sheegaya in ficillo fudud—sida, tusaale ahaan, inaad daaqadda ka eegto cidhifka fog ay yihiin wakhti lumis?

Mid ka mid ah isbarbaryaacyada yaabka leh ee Alain de Botton kaga hadlay buuggiisa The Pleasures and Sorrows of Work in daaqadda laga fiiriyo dibadda aanay ujeeddadeedu ahayn ogaanshaha waxa bannaanka ka socda, balse ay tahay layli lagu ogaanayo waxa ka dhex socda maskaxdeenna. Fikraddan waxaa xoojinaya Plato, oo ku tilmaamay fekradahayaga inay la mid yihiin shimbiro ku dhex haadaya qafisyada maskaxdeenna. Si shimbirahani u helaan meel ay ku degaan, qofku wuxuu u baahan yahay wakhtiyo deggan oo aan lahayn ujeeddo ama yool degdeg ah. Daaqadda oo la fadhiyaa waxay ina siisaa fursad noocaas ah, taas oo naga dhigaysa kuwo si ka dabacsan oo ka xeeldheer u dareema una arka waxyaabaha nagu xeeran.

De Botton waxa kale oo uu aaminsan yahay in marka aynu eegno samada aan dhammaadka lahayn iyo xiddigaha ka dhex ifaya mugdiga baaxadda leh, aynu dareemayno sida aynu u yaryar nahay marka loo eego haybadda waxa aynu daawanayno. Muuqaalkan ballaadhani wuxuu ina xusuusinayaa inaynu nahay abuurro asal ahaan jilicsan oo ku dhex nool koonkan weyn. Marka aynu dhibaatooyinkeenna ka eegno aragti ka ballaadhan, uma muuqdaan kuwo cabsi badan sidii aynu markii hore moodaynay. Taasina waxay inaga fogayn kartaa welwelka xad-dhaafka ah, nafteenana waxay gelisaa degganaansho; si uun bayna inooga dhex samaysaa xidhiidh qoto dheer oo ay adag tahay in erayo lagu cabbiro, oo innaga iyo koonka naga dhexeeya.

Sidoo kale, Rebecca Solnit waxay buuggeeda "Wanderlust: A History of Walking” ku tilmaamaysaa socodka xaalad ay maskaxda, jidhka iyo dunidu isu noqdaan saddex qof oo wada sheekaysanaya. Socodku wuxuu ina siiyaa awood aynu ugu dhex jirno jidhkeenna iyo dunida inagu xeeran, annagoo aan culays badan iska saarin labadoodaba. Wuxuu sidoo kale ina siiyaa wakhti ka madaxbannaan cadaadiska nolosha, waayo dhex-marista muuqaal dabiici ahi waxay dhiirrigelisaa qulqulka iyo socodka fekradaha maskaxdeenna. Arrintaas ayuu Jean-Jacques Rousseau ka yidhi: "Ma fekeri karo ilaa aan socdo mooyee. Marka aan istaago, fekerkayguna wuu istaagaa. Maskaxdaydu waxay shaqaysaa oo keliya marka lugahaygu socdaan."

Ugu dambayntii, waa inaynu si fiican u fahannaa in gaabiska micnihiisu ahayn in wax kasta loo qabto xawaaraha diinka, sidoo kalena aanu ahayn isku day lagu celinayo dunida oo dhan waagii ka horreeyay kacaankii warshadaha. Marka aynu ka hadlayno soo celinta wakhtigii la inalaga dhacay, waxaynu ula jeednaa dad adiga iyo aniga oo kale ah oo doonaya inay nolol ka wanaagsan ku noolaadaan adduun xawaare sare ku socda. Ama sida uu Carl Honoré u yidhi: "Dedeji marka ay macquul tahay in la dedejiyo, gaabi marka ay jirto sabab loo gaabiyo. Waa inaad raadisaa nolol ku socota waxa fa giustonnaaniintu ugu yeedhaan tempo—taas oo ah, laxanka ama xawaaraha saxda ah."

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.