Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Muxuu Ngugi ugu Guulaysan Waayey Abaalmarinta Noobasha?

20 May, 2025
Image
Ngugi
Share

Suurogal ma aha in laga sheekeeyo suugaanta qoran ee Afrika iyada oo aan la is dultaagin waayo aragnimada qoraaga reer Kiiniya, Ngugi wa Thiang’o, oo qoraalladiisa suugaaneed iyo fekerba lagu tilmaamo  kuwa ugu xagjirsan uguna qotodadheer abla’ablaynta iyo gorfaynta xidhiidhka ka dhexeeya afka, baadisoocda bulsho, maamulka iyo sooyaalka. Laga soo bilaabo lixdanaadkii qarnigii labaatanaad, qoraalladiisu, kuwo feker iyo kuwo sheekofaneedba, waxa ay kaalin udubdhexaad ah kaga jiraan sooyaalkii gumaysiga dabadii, sababtuna waa hindisihiisa uu ku baaqay in la sameeyo goosasho dhaqan iyo aqooneed si si dhammaystiran gumaysigii looga xorroobo, hirgalinta baaqanna waxa uu ku bilaabay in uu difaaco luuqadda Kikuyu, waxaanu afka u aqoonsaday agabka aqoon ahaan lagu xorroobo, ee aanu ku koobnayn oo keliya wax lagu wada xidhiidho.

Ngugi, waxa uu dunida suugaanta u xisaabsanyahay qoraa jaadgoonni ah, oo aan ku koobsan kaalinta suugaanta aan saamaynta lahayn, marka ay noqoto waajihidda xuddun iska dhigidda galbeedka ee suugaanta. Taas beddelkeeda waxa uu dhaliilay oo uu abla’ableeyey isdiiddada labadan dhextaalla, isaga oo soo saaray waxqabad suugaaneed iyo feker oo is dhammaystiraya, kana duulaya sawir ka duwan ka qoraalka ku kooba madaddaalo. Waxqabadkiisa waxa markasta ku lammaan qaddiyado waaweyn oo aan lagu heshiin, sida gumaysiga dhaqan, baabba’a afka iyo isku furanka adduunka. Qaddiyadahan ka hadalkooda ayaa marar qoraalladiisa geliya dood, una soo jiida dhaliisha haayado dhaqan oo reer Galbeed, uguna horrayso Abaalmarinta Noobasha oo ka maqnaantiisa guulaystayaashu dhaliso dood iyo dhaliil joogto ah.

Maqaalkani waxa uu ibafurayaa dib u raacdaynta sooyaalkii Ngugi ee hal-abuur iyo feker iyo xidhiidhka ay la leeyihiin waaqaca siyaasadeed iyo dhaqan. Ka hor intaynaan lafagurin wax iska weydiinta, waxa mudan in aynnu fahanno in aan lafagurku qof keliya ku saabsanayn, se waa in Ngugi albaab ugu noqdo fahanka hababka qiimaynta Noobasha oo ka masuul ah aqoonsiga suugaanta caalamiga ah, halbeegga suugaanta wanaagsanna haysa waxii gumaysiga ka dambeeyey.

Waxqabadka Suugaaneed ee Ngugi

Waxqabadka Ngugi, suugaan iyo fekerba, waxa uu soo taxnaa wax ka badan konton sanno, waxaannu ku tilmaamnaa wacyi gorfayneed oo uu ku sameeyo xidhiidhka ka dhaxeeya afka iyo baadisoocda bulshada, fanka iyo maamulka, suugaanta iyo haaydaha dhaqan. Ngugi looma fahmi karo sheekoyahan keliya, amaba mufakir qudha, ee waxa habboon in waxqabadkiisa la akhriyo iyada oo la garwaaqsanyahay in uu yahay mufakir hoggaaminaya mashruuca dib u aqoonsiga luuqadda iyo dhaqanka Afrika, oo uu u arko wax lagu xorroobi karo.

Ngugi waxa uu sooyaalkiisa qoraal ku bilaabay luuqadda Ingiriisiga, waxaanu muddo kooban kaga soo muuqday fagaaraha suugaanta Afrika, kolkaas oo uu 1964-kii soo saaray “Weep Not Child”, oo loo aqoonsanyahay sheekadii Ingiriisi ee ugu horraysay ee uu qoraa Kiiniyaan ahi soo saaro. Waxa loo tarjumay sheekadan luuqado badan, kaddib na waxqabadyadiisii sheekofaneed ayaa isku xigxigay, sida sheekada “The River Between” oo uu soo saaray 1965-kii, iyo sheekada “A grain of Wheat” oo Iyana la daabacay 1967. Waaa sheekooyin dhammaan lafaguraya raadadkii gumaysiga iyo iskacaabbintii waddaniga ahayd, waxaanay sheeko ahaan iyo aragti ahaan isku milan ku soo bandhigayaan tiirarkii gumaysiga iyo rafaadkii gumaysiga dabadii.

Isbeddelka ugu ballaadhan sooyaalkiisa qoraal waxa uu dhacay markii uu 1977-kii soo saaray sheekadiisa “Petals of Blood”, oo uu si ba’an ugu dhaliilayo hantigoosadka iyo kelitalisnimada siyaasadda. Waa naqdinta sababtay in la xidho isla sannadkaas. Waxa uu xabsiga ku dhex qoray 1980-kii sheekadiisa “Devil on the Cross” oo uu ku qoray luuqadda Kikuyu, oo ah luuqad maxalli ah oo Afrikaan, isaga oo adeegsanaya waraaqaha suuliga. Sheekadani waxa ay noqotay sheekadii koowaad ee si toos ah, gacantii koowaad, uu qoraa caan ahi ku qoro luuqad Afrikaan, waxaana isla sheekadan loo tarjumay luuqado kala duwan.

Waxqabadkiisii qoraal ee ugu ballaadhnaa ee luuqadda Kikuyu waxa uu Ngugi soo saaray 2006, waana buuggiisa “Wizard of the Crow”, isla isaga ayaana Ingiriisi ku tarjumay, luuqado kalena waa loo sii tarjumay. Buuggan waxa uu isku milayaa sheeko-xariirada iyo madaddaalada siyaasadeed, si uu lafaguro hababka maamulka kelitaliska iyo musuqa ragaadiyey dawladaha Afrika. qoraalkiisan waxa si gaar ah loogu arkaa baarka sare ee qoraallada Ngugi ku dhaliilo luuqadda imbiryaaliyada iyo dib usoo celinta sheekada afafka maxalliga ah.

Marka la eego dhinaca masrixayadda, Ngugi waxa uu kaga jiraa kaalin hormuud ah, isaga oo leh hal-abuurka masraxa loogu beddelayo fal kooxeed oo is xorrayn ah. waxqabadyadiisa masrixayadeed waxa ugu caansan “The Black Hermit” oo 1963 ah, iyo “I Will Marry When I Want” oo 1977 ah. Waxa uu abuuray waxa lagu magacaabi karo “masraxa jamaahiirta ee gumaysiga dabadii”, oo ka baxsan fagaarayaashii soo jireenka ahaa ee masrax lahaan jiray, waxna soo bandhigaya isaga oo bulshaduna ku lammaantahay, kuna qoran luuqadda Kikuyu.

Marka laga yimaaddo dhinaca hal-abuurka suugaaneed, Ngugi sidoo kale waa hormuudka mufakiriinta ka qayb qaatay caanbixinta baaqii gumaysiga dabadii ee Afrika ka dhex aloosnaa. Waxa uu arrinkan kaga qaybqaatay buugaag dhawr ah oo feker, si qayaxanna u gorfaysay fahanno waaweyn, ilaa haddana ah buugaag tixraac looga dhigto deraasadaha gumaysiga dabadii. Buugaggan waxa ugu mudan buuggiisa “Dib u Xorraynta Maanka” oo uu soo saaray 1986-kii. Waa buug doodo dhiirran, oo uu Ngugi ku baaqayo dib u soo celinta kaalintii luuqadaha Afrika, oo uu ku tilmaamay mid xambaarsan baadisoocda, xasuusaha iyo khiyaalka bulsho. Aragtidiisan waxa uu kusii faahfaahiyey buuggiisa kale ee “Moving the Centre” oo uu 1993-kii soo saaray. Waxa uu buuggan aad ugu dhaliilayaa sida reer Galbeedku isaga dhigeen xudduta  dhaqanka dunida, waxaanu ku baaqay in aan cidi kooto ku xidhan aqoonta iyo dhaqanka, ee albaabka loo furo kuwa la tunjileecsado, si qof kastaa iskaga warramo isagoo adeegsanaya luuqaddiisa  u goonnida  ah.

Buuggiisa kale ee “Something Torn and New” oo uu soo saaray sannadkii 2009 waxa uu ku soo bandhigayaa hindise uu ku sawirayo soo noolaynta dhaqanka Afrika, lagana bilaabo luuqadda, sababta oo ah, waxa uu aaminsanyahay in afku yahay albaabka horumarka, ee keliya aanu ahayn wax dadku kuwa wada xidhiidhaan. Buuggiisa kale ee “Birth of a Dream Weaver”, waxa uu kusoo gudbinayaa sooyaalkiisa feker iyo samaysankii wacyigiisa siyaasadeed iyo suugaaneed. Waa sooyaal soo bandhigaya salkiisa qofeed iyo dhaqan ee waraabiyey qoraalladiisa iyo fekerkiisa iskacaabbinta ah.

Qoraalladiisa feker waxa ay ka tafiirmeen waxqabadkiisa suugaaneed, waxaanay salka u dhigayaan suugaan aan la fahmi karin haddii laga fogeeyo waaqiceeda siyaasadeed iyo afeed. Waxa uu xoojinayaa in aanu qoraalku keliya ahayn madaddaalo, se uu ku lammaanyahay loollan dhaqan iyo iskacaabbin bulsho.

Arrin marka uu sidan yahay, wax iska wayddiinta Noobashu waxa ay noqonaysaa mid sii kakanaanaysa: abaalmarintani ma awooddaa in ay u dulqaadato waxqabad suugaaneed oo gilgilaya tiirarkeeda? Waa waxa innagu riixaya inaynu ka doodno sababta Ngugi uga maqanyahay liiska guulaystayaasha abaalmarintan.

Inkasta oo Ngugi si weyn uga dhex muuqdo fagaaraha suugaanta caalamiga ah, waxqabadkiisana loo tarjumay luuqado soddon kor u dhaafaya, dhinaca kalena uu ku jiro dadka loo sharraxo abaalmarintan waxii labadii kun ka dambeeyey, in uu weli ka maqanyahay liiska dadka ku guulaystay abaalmarintani waa mid dhalisa wayddiimo iyo dood. Waa wax u eg isla waxa uu Ngugi dhaliilo, ee ah xuddun isa siinta reer Galbeedka oo haayaddan Noobasha bixisaa ka mid tahay.

Marka dhinacan laga eego, masalada Noobashu lama xidhiidho kartida iyo miisaanka Noobasha, ee waa wax la xidhiidha hababka soo xulista iyo halbeegyada abaalmarintu adeegsato. Maxaa suugaan caalami ah loo aqoonsan karaa? Se yaa la siin karaa sharcinnimada in uu ku hadlo magaca aadamaha? Dooddani waxa ay waxqabadka Ngugi gelinaysaa cidhiidhi laba jibbaaran; waa mid e, Ngugi waxa uu diiddanyahay in uu wax ku qoro luuqaddii gumaystaha, waxaanu samaynayaa luuqad cusub oo aqoonsiga galbeedka ka baxsan, waa marka labaad e, qoraalladiisu heshiisiin ma wadaan, ee waxa uu dagaal cad kula jiraa tiirarka dhaqanka imbiryaaliyadda, waana sababta haayadaha galbeedku, oo ay Noobashu ku jirto, uga didaan waxqabadkiisa.

Hore ayaa ay u dhacday in abaalmarintan la siiyey dad ku abtirsada suugaanta loo yaqaan “Suugaantii Gumaysiga dabadii”, sida Wole Soyinka, Najiib Maxfuud iyo Derek Walcott, se Ngugi waa uu ka duwanyahay qoraayadan, oo waxa uu wataa hindise lagu beddelo luuqadda sheekofaneedda iyo feker xagjir ah. Ngugi ma codsanayo aqoonsi, ee waxa uu sharciyadda ka qaadayaa nidaamka galbeedka ee xuddunta aqoonta isa siiyey, waxaanu ku dedaalayaa in qof kastaa luuqaddiisa kasoo dhex hadlo. Dib u habayntiisa la xidhiidha xudduntu waxa ay shaki gelinaysaa nidaamka qiimaynta Galbeedka, abaalmarinta Noobashana waxa ay hordhigaysaa su’aal dhaafsiisan suugaan, oo gaadhsiisan xuduudda siyaasadda dhaqan iyo metelaadda, oo waxa uu is wayddiinayaa nobashu yaa ay meteshaa sideedaba.

Sababaha ugu waaweyn ee fasiri kara ka maqnaanshaha Ngugi ee liiska guulaystayaashu waxa ay yihiin:

  1. goosasho luuqadeed: in uu doortay in uu wax ku qoro luuqadda Kikuyu, oo ah luuqad maxalli ah. Waxa ay caqabad toos ah ku tahay halbeegyada suugaaneed ee reer Galbeedka, oo ilaa hadda aaminsan in suugaan caalami ah lo aqoonsan karo ta kusoo baxda mid ka mid ah luuqadaha Yurubiyaanka. Waa sabab waxqabadkiisa dibadda uga saaraysa hababka qiimaynta ee caanka ah, suurogalna aanay ahayn in ay aqoonsi hesho inta ay jiraan shuruudahaas Galbeedku wax ku qiimeeyo.

  2. Xagjirnimo siyaasadeed: waxqabadka Ngugi lagama sooci karo mabda’iisa kacdoonka ku ah gumaysiga, taageeridiisa dhaqdhaqaaqyada bidixda ah iyo dhaliisha tooska ah ee uu usoo jeediyo nidaamyada Libaraaliyadda Cusub ee Afrika iyo dunida kaleba ka jira. Waa baaq aan la heshiin karin abaalmarintan oo sannadihii dambe abaalmarisa qoraallada heshiisiinta iyo iswaafajinta ka shaqeeya, kana didsan kuwa nidaamka dhaqan xididdada u siibaya.

  3. Madaxbannaani feker: Ngugi weligii kuma dedaalin in uu sasabto habka qiimaynta iyo maamusidda ee caalamiga ah, lamana macaamilin shabakadaha buugaagta faafiya ee Galbeedka isaga oo aan shuruudihiisa wadan. Madaxbannaanidiisa feker waxa ay keentay in aanu Galbeedka u qirin in ay yihiin xuddunta dhaqanka iyo suugaanta dunida, waxaanu dibadmeer ka noqday nidaamkooda oo uu dagaal cad kula jiro.

  4. In uu suugaanta u rogay waxqabad kooxeed: tijaabadiisa masraxiyadda, Ngugi waxa uu meesha ka saaray xuduudda la dhex dhigay qoraaga iyo akhristaha, waxaanu ku baaqay masrax bulsheed oo iskcaabbin ku suntan, luuqaddooda maxalliga ahna metela, oo qoraalku sidaas ku noqdo mulkiyad kooxeed. Waa hab ka hor imanaya habka Libaraaliga ah ee aqoonsada qoraa keli ah, waxqabadkiisana u aragta mid qof keli ahi mutaystay, ee aan koox ama dhaqdhaqaaq la aqoonsan karin.

  5. Dhaliisha uu usoo jeediyo haayadaha Galbeedka: buugaagtiisa fekerka ah, Ngugi waxa uu aad u dhaliilay tiirarka abaalmarinta, oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah hannaanka dhaqaale ee dunida lagu maamulo waxii gumaysiga ka dambeeyey. Sida uu aaminsanyahay, abaalmarinuhu ma aha dhexdhexaad, ee waxa ay ka hoos shaqeeyaa mabda’a gumaysiga dhaqan, xitaa haddii ay sheegtaan kala duwanaan iyo furfurnaan.

Sidaas darteed in uu Ngugi ka maqanyahay guulaystayaasha Noobasha laguma fasiri karo wax kediso ku dhacay ama ka yimi ilduuf qabanqaabada ah, se waxa ay muujinaysaa xuduudda uu joogo aqoonsiga suugaanta caalamiga ahi, iyo xuduudda awoodda haayadaha abaalmarintu u leeyihiin in ay u dulqaataan suugaanta halbeegyadooda dhaafsiisan. Maqnaanshahani Ngugi ka dhigi maayo dhibbane weli rejaynaya in la aqoonsado, se waa qof dhaliilsan abaalmarinta lafteeda, oo raba in uu abuuro duni suugaaneed oo ka madaxbannaan halbeegyada xuddunta ah. Waa qof aaminsan in qiimaha dhabta ah ee suugaantu ku jirin abaalmarin, se uu ku jiro aqoonsiga dadka ay metesho ee ay afkooda kula hadlayso, kana xorrowdo gumaysiga kuwa kale.

Halbeegga Ngugi ee suugaantu waa jaadgoonni ah, oo dhaafsan qiimaynta u dejisan suugaantii gumaysiga dabadii, dadkana ku riixaysa in dib looga fekiro caalaminimada, aqoonsiga iyo sharciyaddda dhaqan. Maqnaanshaha Ngugi keliya ma metesho mawqifka hal haayadeed qof ka gaadhay, ee waxa uu daaha ka qaadayaa xuduudda halbeegyada haayadda ee xaddida cidda loo oggolaanayo in lagu tiriyo suugaanta caalamiga ah, iyadoo la raacayo shuruudo hore loo dejiyey.

Waxqabadka Ngugi ee ka bilaabma difaaca afka, qaabka sheeko tabinta, qoraalka loo dhanyahay ee bulshada metela iyo xidhiidhka suugaantu la leedahay maamulku waxa uu haayadaha dhaqan ee Galbeedka hor dhigayaa isdiiddooyinkooda, waxaanu is weydiinayaa awooddooda in ay la heshiiyaan suugaan aan iswaafajin dhaqan wadin, ee wax dhaliilaysa. Sidaas darteed, waxqabadka Ngugi laguma cabbiri karo maamuuska uu ka helay haayadahaas abaalmarinaha bixiya, ee waxa halbeeg u ah awoodda soo saarista aqoon iskacaabbin samaysa, oo suugaanta ka xoraysa xuddunta galbeedka, dadkeeda la hadasha oo afkeeda noolaysa.

Sidaas darteed, haddii uu Ngugi ku guulaysto Noobal iyo haddii kaleba, waa mid ka mid ah dadka dib u qeexay macnaha qoraalka, oo aan ku koobin madaddaalo, ee u arkay mid siyaasad iyo dhaqanba ku sal leh. 

Qoraallada kale ee qoraaga