Sunday 16 November 2025
“Ciise waa wada Ciise ninna nin caara ma dheera” —Maahmaah
Dhawaan waxa aan akhriyey buugga uu qoray Cabdalle Xaaji Cismaan ee Xeer Ciise: Xeer waa Xakame. Cabdalle waa qoraa, taariikhyahan iyo soosaare ka qayb qaatay hodminta magtabadda Soomaalida, kuna darsaday buuggag waxgal ah. Inta badan qoraallada Cabdalle waxa ay xoogga saaraan dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda. Buuggan oo maraya daabacaddii afraad (daabacadda koowaad waxa ay soo baxday 2010) ayaa ka mid ah waxsoosaarkiisa ugu caansan, ee lagu yaqaanno. Buuggu waxa uu ka kooban yahay sagaal cutub oo mid waliba xanbaarsan yahay xog ballaadhan oo aad durduuranayso inta aad dhex maaxayso 321-ka bog ee buuggu ka kooban yahay.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa, xeer waa xakame ama inta xeer ku taro xeradaadu kuma tarto. Maahmaahyadani waxa ay caddayn u yihiin sida soomaalida dhexdeeda xeerku muhiimka u yahay iyo aragti ahaan halka uu soomaalida xeerku ka joogo; waxana ay ka dhigan tahay haddii xeer wanaagsani jiro in caddaalad wanaagsanna la helayo. Buuggu, waa dhigane si faahfaahsan u ga hadlaya waxa uu yahay xeerka beesha Ciisuhu, sida loo adeegsado iyo dabcan waxa uu la gaarka yahay. Soomaalidu xeerar bulsho waa ay wada lahayd oo ismaamulkoodu hadda ma uu bilaamin, laakiin Xeer Ciise waa midka keliya ee illaa hadda qoran, qodobaysan ee macruufka ah. Sababaha waaritaankiisa waxa uu qoraagu u nisbeeyay in ay qodob kasta oo xeerkan ka mid ah suugaameeyeen oo ay maahmaah ka dhigeen odayaashii soosaariddiisa ku hawlanaa.
Ugu horrayn, qoraagu waxa uu taariikhaynayaa sida uu ku bilaabmay xeerkani isaga oo isdultaagaya bilawgii xeerka iyo ballaysinkii koowaad. Shan boqol oo sannadood ka hor jabkii Sayid Axmed Guray ka dib ayaa uu xeerkani soo baxay (qarnigii 16aad dabayaaqaddiisii illaa qarnigii 17aad horraantiisii.) Waxa xeerka lagu aasaasay Daabiyadda Madaw oo ah tuulo u dhow magaalada Tokhosi ee gobolka Awdal, waxana lagu soo afmeeray buurta Siti oo hadda ah gobol ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida. Si guud, beelaha Ciise waxa ay ka kooban yihiin laba iyo toban ardaa oo kasoo farcamay lix wiil (Ceeleeye, Holle, Hawlaqaade (walaaldoon), Hoorroone, Wardiiq, Uurweyne) oo uu dhalay Ciise. Aasaaskii guddida samaynta xeerka laba iyo tobankaa ardaa ayaa laga soo xulay 44 xubnood oo metelaadda deegaannadooda ah, kuwaas oo loo yaqaanay GANDI. Ganduhu ma aha guddi joogta ah oo goor walba samaysan, waa guddi ku timaadda dhacdo dhacday iyo sidii loo xallin lahaa. Tusaale ahaan, Gandihii ugu dambeeyay ee Ciisuhu waxa uu ahaa 44 xeerbeegti oo soo xulayay Ugaaska 19aad ee Ciisaha halka Gandihii u horreeyayna ahaa kuwa xeerkan askumay. Marka ay Ganduhu hawsha loo cugtay dhammeeyaanba muddo xileedkoodu waa uu dhammaadaa. Haddii arrin dambe timaaddana Gandi kale ayaa loo xulaa oo ku salaysan nidaamkii saamiqaybsiga ee 12-ka ardaa. Sida ku xusan buugga si cad looma sheegi karo muddada ay guddidaasi u fadhiday samaynta iyo agaasinka xeerkan, balse, waxa lagu qiyaasi karaa muddo 50 sanno gaadhaysa oo kolba meel loo fadhiisanayay laguna gorfaynayay. Qoraagu, waxa uu diiradda saarayaa in uu ka jawaabo sababta keentay in xeerkan loo baahdo: waxa uu ku dooddayaa, “maaddaama aanay xilligaa jirin dawlad rasmi ah dadkuna qabaa’il guud u qaybsanaayeen waxa laga hortagay isku dhac kasta oo u dhaxayn karayey quwaddaha qabiillada wada dega” tiiyoo laga duulayo maahmaahddii ahayd ‘meel aan xeer jirin waa lagu xooloobaa.’ Marka loo kuur galo, xeerku waxa uu ka hortagayaa in laga fogaan karo falalka dhalin kara amnixumada ee ay ka midka yihiin: Dilka, duullaanka, damaca, dhaca iwm. In ka badan 365 qodob ayaa ay soosaareen odayaashaasi waxana samaynta xeerarkan uu beesha Ciisaha u horseeday is maqal, kaladambeyn, tashi iyo wadajir qabiil (oo ah ta ay doonayeen). Abwaan Guraase oo noolaa qarnigii 19aad ayaa geeraar dheer ku daray sida xeerkani u anfacay ee “tawfiiqda” u gu noqday beelaha Ciise, waxa uu yidhi:
“Tawfiiqna Ciise madoobiyo
Talyankii faranjaa leh
Teendho reer barbaraad iyo
Turgihii xukumaa leh.”
Soomaalidu guud ahaan xeerar bulsho waa ay wada lahayd welina waa ay leedahay waa se xeerar curfi ah oo u badan kuwo aan qorneyn, illaa haddana Xeerka keliya ee qoran, qodobbaysan isla markaana macruufka ahi waa Xeer Ciise
Qaabdhismeed ahaan xeerku, waxa uu xoogga saarayaa afar qoddob oo aan beelaha Ciise u kala soocnayn ciddii kala saartana xeerku qabanayo: gurmadka, guurka, ugaaska iyo oonta. Afartaa qoddob waa ay ka siman yihiin beelaha Ciiske cid walbana xaqeeda ayaa ay ka helaysaa haddii la isugu yimaaddo. Gogoldhigga xeerka waxa uu qoraagu sharraxayaa rukumadda xeerka iyo in xeerka ay budhtuur u tahay diinta islaamka iyo asluubta wada noolaanshaha bulshada. Sidoo kale, xeerku waxba kagama duwana xeerarka kale ee beelaha soomaalida wax badanna waa uu kala siman yahay: Tusaale ahaaan, 1) In aan la qadin karin martida waa uu kala siman yahay oo waxa ay odayaashu qodob tiir dhexaad ah ka dhigeen in aan la kala xigin jicsinka iyo jidiinka. Tan oo ay ka dhalaynayso haddii aad qof Ciise ah qadiso in xeerku ku qabanayo oo xaal ama xeegaan kale lagaaga fadhiyo. 2) In aan la dilin karin maganta, magantana la celin karin iyo 3) sidoo kale qiimaha magta qofka la dilo laga bixiyo, sida loo qaado iwm.
Qoddobada kale ee xeerka ku xusan waxa ka mid ah; hannaanka la isu dhaarinayo, haddii uu qofku markhaati gelayo. Sida diinta ku dhawran qofka waxa gacanta loo saaraa kitaabka Quraanka, laakiin xeerkan kitaab lama marinayo qofka la dhaarinayo, qaab kale ayaa loo dhaarinayaa. Inta goobo weyn la weegaaro ayaa qofka la dhex istaajinayaa, labada fiid cawl (marka qorraxdu soo baxayso iyo marka ay dhacayso), waxa la odhanayaa “goobada dhex istaag oo waa qabrigaagiiye ku dhaaro.” Markaas ayaa uu qofku baqanayaa oo beenta ka dhawrayaa, waana xeerka dhaarta Ciisaha.
Xeerarka waxa isaguna ka mid ah xeerka wada noolaanshaha dhanka baadka iyo biyaha. Qoddobkani waxa uu odhanayaa: ‘Ciise ceel iyo caws ma kala laha’ oo looga jeedo haddii ay beelaha Ciise qaar ka mid ah deegaannaddoodu abaar noqdaan oo ay deegaanno kale u hayaamaan in aan ceelka iyo cawska toonna cid gaar ahi ka sheegan karin. Keliya ceelka ayuunbaa ninkii u soo horreeyay ka hor cabbayaa, laakiin la isuma diiddi karo, ninkii cid u diida waxa qabanaya isla qoddobkan oo xeer hirgalay ah. Qoddobada kale ee aynnu xusi karro waxa ka mid ah xeer odhanaya, Ciise marti mooyaane magan male. Qoddobkani waxa uu ka hortagayaa kala sarraysiinta ardaayada beelaha Ciise oo waxa uu boorinayaa sinnaanta iyo in aan ardaana ardaa kale u laandheerayn.
Qaabdhismeed ahaan Xeer Ciise, waxa uu xoogga saarayaa una qaabaysanyahay afar qodob, kuwaas oo kala ah: gurmadka, guurka, ugaaska iyo oonta, waana afar qodob oo ay u simanyihiin ardaayada ay ka koobanyihiin beelaha Ciise
Dhanka caddaaladda Xeerku aad ayaa uu u gu adag yahay qoraaguna waa uu ku nuuxnuuxsanayaa oo marka ay Ciisuhu garta qaadayaan waxa ugu horreeya qofka dhibbanaha ah. Waxa uu odhanayaa, “hebel oo ina hebel ah ayaa aan dacwo ka ahaye ha la ii soo dhaadhiciyo.” Isla markaaba oosha halkaa deggeni waxa ay iska xulayaan xeerbeegti arrintaa loo xilsaaro oo gartaas gasha. Waxa ay yidhaahdaan, “Aan fadhiisanno, aan maqallo, aan eegno, aan is waydiinno, dabadeed aan ka fiirsanno, aan guddoono u gu dambaytana aan goynno.” Marxaladahaas ayaa uu xeerku jiddaynayaa in ay gartu marto haddii mid ka mid ah laga boodo waxa ay ka dhigan tahay in cid la duudsiyayo oo gar eexo tahay. Waxa ay xeerbeegtidaa gartu yidhaahdaan, “nin wuu fadhaa ninna wuu fasaxaa, nin wuu furaa ninna wuu fallanqeeyaa, nin wuu gooyaa, ninna wuu guddoomiyaa, nin way u go’daa, ninna way ku go’daa, arrintaa waxa galaya nin Alle iyo nebi yaqaan, wuxuu u geli sir iyo caad la’aan, dhaga qabaa dhagaysan, indha qabaa eegi, marag iyo markhaati baa jira, taakiyaa taakin, xusliyaa xuslin, gudbiyaa gudbin, dhereriyaa dhererin, maaroodiyaa maariodin, dhammeeyaa dhammayn, ilaaliyaa ilaalin oo degdeg iyo dibudhac ka jiri, nin aqoon liitaa laga saari, beenaale iyo nin buush qaataa waa ka xaaraan, sabab ku jirto iyo sanbab ku jirtaa laga baadhi, wixii iilka ku jira Allaa uur baadhi wixii IFKA joogana ODAYAA ka talin.”
Xeer Ciise kolka la barbardhigo xeerarka kale ee beelaha soomaalida wax badan kagama duwana oo meelo badan waa isaga mid. Tusaale meelaha uu kala simanyahay xeerarka Soomaalida ee kala waxa ka mid ah sooryeynta martida, ilaalinta maganta iyo qiimaha iyo ururinta magta
Sida uu qoraagu xusay Xeer Ciise buuggan kuma wada dhama oo inta uu kaydiyay waa qoddobaddii ugu waa weynaa, laakiin, weli waa ay soo biirayaan oo sida noloshu u socoto ayaa uu xeerkuna u socdaa. Dhacdooyinka maalinlaha u dhacayaa ayaa iyaguna wax ku biiriya xeerkan. Sidoo kale, iilaa hadda xeerkani waa uu shaqeeyaa walaw awooddii badnayd aannu lahayn oo ay saameeyeen nidaamka dawladdeed ee soo kordhay qarnigii u dambeeyay.
“Xeer Ciise sidii lagu bartay u gu xarriiqeen dheh.”
Wax kasta oo abuurmayaa sida ay ammaan u leeyihiin si la mid ah ayaa ay dhaliilna u yeelan karaan waana kaba doorsoome oo isleegta xisaabta ku fadhiya. Sidaasi la mid ah waxa jira galdaloolliyin ay leeyihiin Xeerka iyo Buugga labadabuba. Aynu ku horraybo xeerka laftiisa. Dhaliilaha xeerkan waxa ka mid ah in la abuuray xilli uu aad u yaraa fahamka diineed ee dadku, islamarkaana waxa qoddobada xeerka mararka qaar ka dhadhamaya in aan diinta la wayneyn ama laga dhigin marjaca koowaad oo mararka qaarkood xeerka aad loo buunbuuninayo iyada oo la dhaafinayo xadkii xeerarku lahaayeen. Dhaliilaha kale ee xeerku leeyahay waxa ka mid ah in aannu boorinaynin wada noolaanshaha bulshada wadar oggolka ah oo waxa aad mooddaa in keliya aad u gu fooggan yahay ilaalinta qofka Ciise tiiyoo aan la tixgelinin wadar oggolka bulshada la nool Ciisaha.
Dhanka qoraalka buugga qoraagu walaw uu wakhti badan ku bixiyay haddana farsamo ahaan qaldaad badan ayaa ku jira. Waxa aynu ka xusi karnaa: 1) Farta buugga uu qoraagu u xushay iyo xajmiga tirada ay ku qoran tahayba aad ayaa aay u waaweyn yihiin taasi oo dhalisay in tirada bogagga buuggu bataan. 2) Buugga waxa aad ugu badan faagagga (spaces) aan loo baahnayn. Qoraagu marka uu afar layn qoraba hoos ayaa uu u degayaa waana qoddob dhalliil ah oo fahanka akhristaha wiiqaya. 3. Walaw uu buuggag badan kala siman yahay haddana xaashada dhiganuhu waa kuwo aad u cadcad oo isha akhristaha xiise dilaysa umana fiirsan kartid sadarrada buugga wakhti xidhiidh ah. Sidoo kale waxa uu aannu qoraagu tacab badan gelinin sixidda higgaadda, tafatirka iyo dabcan hannaaninta qoraalka oo ay u gu muhiimsan yahay ereyxulashadu.
Ugu dambeyn, garyaqaanna iyo dadka akhriska jecel waxa aan kula talinayaa in ay buuggan akhriyaan oo ay si qoto dheer u deraaseeyaan.