Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Muxuu Daaran Yahay Muranka ku Saabsan Markabka Taagan Berbera?

19 October, 2025
Image
Muxuu Daaran Yahay Muranka ku Saabsan Markabka Taagan Berbera?
© Getty Images
Share

Waxa maalmihii ugu dambeeyay aad isu soo tarayay hadalhayn ku saabsan markab ku xanniban Berbera oo uu leeyahay ganacsadaha caanka ah ee Jaamac Oomaar. Odayaal badan oo ka hadlay meelo kala duwan oo dalka ah ayaa ku eedeeyay Xukuumadda in ay cadaadis dhaqaale iyo eex u xannibayso markabkan oo sida, sida ay xoguhu sheegayaan, badeecad qaydhiin oo loogu talagalay in laga tuujiyo saliid. Xukuumadda Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadal arrintan, waxa ay se qaybaha bulshada ee hadlay sheegeen in cashuur dheeri ah ama aan xaq loogu lahayn la saarayo badeecadda markabkan.

Haddaba, maxaa ay arrintani daaran tahay? Sida aan xogo ku helnay, ganacsade Oomaar waxa uu Berbera ka sameeyay warshad saliidda miirta oo uu ugu talagalay in uu ku warshadeeyo midhaha laga tuujinayo saliidda oo ah kuwa hadda saaran markabkan. Saliiddii uu soo dejin jiray ayaa uu halkan ku tuujinayaa kuna moorinayaa, ka dibna u iibgeynayaa suuqyada uu hore ugu iibgeyn jiray saliidda. Waxa uu, haddaba, muranku ku saabsan yahay nooca cashuurta ee uu bixinayo ganacsaduhu.

Waxa ay shirkadda Oomaar ku doodaysaa in ay sameynayso waxsoosaar gudaha ah oo ay xaq u leedahay cashuur-dhaaf, sida uu dhigayo Xeerka maalgashigu. Dhanka kale, waxay Wasaaradda Maaliyaddu ku doodaysaa in aanu ganacsiga noocan ahi ahayn waxsoosaar gudaha ah, maaddaama oo uu ganacsaduhu dibedda ka keenayo badeecadda uu kaga shaqeynayo warshaddan oo dhan oo ay ku jiraan xitaa midhihii la tuujinayay oo gebi ahaanba la soo dhoofsanayo ee aan dalka laga beereyn, waxana ay Xukuumaddu u aragtaa ganacsiga noocan ah mid uu ganacsaduhu kaga baxsanayo cashuurta, isla markaana uu ku xoojinayo keliya macaashkiisa gaarka ah. Horena, waxa uu Madaxweyneha Somaliland sheegay in ay Xukuumaddu joojisay cashuur-dhaafyada aanu sharcigu sheegin.

Si kasteba ha ahaato e, shirkadda Oomaar iyo Xukuumadda ayaan labaduba si rasmi ah uga hadal arrintan taagan, waxa se si joogta ah arrintan uga hadlayay madaxdhaqameed iyo qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah oo inta badan dhaliilsan Xukuumadda una muuqda in ay cadaadis ku abuurayaan Xukuumadda oo iyaduna ku adkeysanaysa cashuurta ay ka doonayso badeecaddan oo ah sida ay u qiimeynayso.