Saturday 15 March 2025
Marka laga hadlayo waxsoosaarka, suuqa dhaqaaluhu ma aha mid hufan abidkii. Marar badan waxaa dhacda in waxsoosaarka iyo qiimaha suuqu uu ka bato ama ka yaraado xaddigii la rabay, xaaladdan oo ay dhaqaalayahannadu u yaqaanaan fashilka suuqa. Fashilka Suuqu waxa uu ka dhashaa xaalado dhawr ah oo kala duwan, waxaana ka mid ah sinnaan la’aanta xogaha (Asymmeric Information), taas oo keenta in dadka ku macaamilaya suuqa aanay haysan xogo isku mid ah oo ku saabsan waxa ay kala iibsanayaan ama ku kala ganacsanayaan. Waa xaalad uu iibsadaha iyo iibiyuhu ama daymiyaha iyo daynsaduhu lee yihiin xogo u gaar ah oo mid walba goonidiisa u og yahay. Sinnaan la’aanta xoguhu waxa ay abuurtaa laba dhibaato oo loo yaqaanno; Adverse Selection iyo Moral Hazards. Midda hore waa in dadku ay bilowgaba heshiiska galaan iyaga oo isticmaalaya xogo u gaar ah oo aan la la ogayn, waa xaaladda alaab ay tayadeedu hoosayso loogu beddelo in ay tahay mid tayo sare leh iyada oo laga faa’idaysanayo sinnaan la’aanta xogta, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa; qof xaraashaya gaari duug ah, balse qofka uu ka iibinayo uga dhigaya gaari aan wax badan la isticmaalin. Midda danbe waa in dadku ay heshiiska ka dib la soo baxaan xogo aan la la ogayn ama dhaqan cusub oo aan la shaacin markii heshiiska la galayay, waxa aan tusaale u soo qaadan karnaa; in qof la daymiyay lacag, markuu isku hubsadayna ku sameeyay waxa uu rabo, kuna adkaystay in aanu daynta soo celin.
Haddaba innaga oo ka istaagayna dhanka daynsashada lacagaha, waxa ay dhaqaalayahannadu xusaan saddex caqabadood, oo laba ka mid ah aan kor ku xusnay, in uu la kulmo qofka doonaya in uu cid daymiyo lacag; midda koowaad ayaa ah in qofka wax dayminayaa ay adag tahay in uu ogaado in qofka wax la dayminayo uu lacagta dib u bixinayo ama uu yahay qof shaqo badan oo awooda in uu lacagta dib u bixiyo (dhibtan ayaa ah Adverse Selection). Midda labaad ayaa ah in dabagalka qofka wax la daymiyay ay ku baxayso kharashaad, si loo ogaado in lacagtii la siiyay uu ku fulinayay wax suuragalinaya in uu daynta soo celiyo, dabagalkaa la samaynayo waxa ay khasaare u gaysanaysaa qofka lacagta bixiyay maadaama uu kharash kale bixinayo (dhibtan waxaa loo yaqaan Moral Hazard). Midda saddexaad ayaa ah, haddii fulinta (habka maxkamadaha) ay tahay mid qiime sare ku kacaysa, dayn qaatuhu waxa uu awood u yeelanayaa in uu joojiyo bixinta lacagtii lagu lahaa isaga oo awooda in uu bixiyo. Dhibaatadaa aanu xusnay ayaa keentay in bangiyada waa weyn (formal banks) ay bixiyaan deyn xaddigeedu sarreeyo oo ay ku xiraan in qofku lee yahay hanti lagu beddelan karo haddii uu bixin waayo, iyaga oo ka duulaya si ay u daboolaan kharashaadka kaga baxaya dabagalka iyo kharashaadka kale oo ay ka midka yihiin arrimaha fulinta iyo sharcigu, middaas oo ay ka dhalatay in dadka saboolka ah waayaan meelo ay ka helaan deyn yar taas oo aan ku xirayn haysashada hanti kale ama aan uga baahnayn wax dammmaanad ah.
Sannadku markuu ahaa 1976dii ayuu Muxammed Yunus hirgaliyay hay’ad uu u bixiyay Grameen Bank (Bangiga Tuulada; Village Bank), si uu wax uga qabto dhibaatooyinka aan kor ku sheegnay.
Muxammed Yunus waxa uu ku dhashay meel aan ka fogayn magaala-xeebeedda Jitagon ee dalka Bangaaladheesh sannadku markuu ahaa 1940, waxa uuna ka soo jeedaa qoys diin ahaan muslim ah oo noloshoodu ahayd dabaqadda dhexe. Muxammed waxa uu jaamacaddiisa heerka koowaad iyo labaad ka diyaariyay Jamaacadda Dhaka, gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha. Sannadku markuu ahaa 1965 ayuu deeq-waxbarasho oo shahaadada sare ah (PhD) u aaday dalka Maraykanka, waxa uuna ku biiray Jaamacadda Vanderbilt ee ku taalla gobolka Tennessee, waxa uuna ku qaatay isla maaddada dhaqaalaha dabadeed 1971 ayuu qalin jabiyey. Sanadkii xigayna waxa uu ku soo noqday Bangaaladheesh macallin baanu ka noqday Jaamacadda Chittagong.
1974 dalka Bangaaladheesh waxa soo foodsaartay macaluul aad u daran, taas oo ku soo aaday muddo yar ka dib kolkii ay noqotay dal madax bannaan. Yunus oo markaa macallin ahaa waxa uu xusayaa in aanay arrin weyn u qaadan macaluusha saa’idka ah ee ka dhacday Waqooyiga dalka, marka ay wargaysyada ka arkaanna aanay aad ugu sii fiirsan jirin ilaa ay arkeen sawirrada dad ay ka soo hareen lafo qudha. Waxa uu sheegayaa Yunus, xilligaa ka dib in maadooyinkii dhaqaalaha ee uu jaamacadda ka bixin jiray ay ku noqdeen filin horor ah oo u sawiraya xaaladda uu galay dalkiisu. Waxa uu xusayaa in aragtiyaha dhaqaalaha ee uu bartay aanay ka falcelinayn nolosha dhabta ah ee hortaalla, waxa uuna isa su’aalayaa sida uu ardaydiisa uga dhaadhicin lahaa in waxa dalka ka socdaa uu sal u yahay sabab dhaqaale. Warwarkaa iyo su’aalahaa ayaa ku keenaya in uu ka dhaqaaqo aragtiyaha dhaqaalaha ee ku qoran buugta uu haysto una dhaqaaqo ikhtiraaca nolosha dhaqaale ee dhabta ah ee uu wajahayo saboolka dalkiisu. Go’aankaa uu qaatay waxa ay u horseedday in uu arday u noqdo dadka ku nool tuulo la dhoho Jobra oo aan ka fogayn jaamacadda uu macallinka ka yahay ee Chittagong, halkaas waxa uu ka bilaabay daraasayn ku saabsan dadka saboolka ah iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda saboolnimada. Muddo ka dibna ku noqnoqoshadiisa Jobra waxa ay horseedday in uu aasaaso bangiga Grameen oo la micne ah bangiga Tuulada.
Grameen waxa la aasaasay 1976, waxaana loo aqoonsaday bangi madax bannaan sannadkii 1983. Aragtida uu ka dhashay waxaa loo yaqaannaa Microfinance, waa hab cusub oo uu Yunus u aasaasay sidii saboolnimada uu uga saari lahaa dadkiisa una siin lahaa bulshada fursad ay ku qaataan dayn aan xujo lahayn, kuna hawl galiyaan awooddooda wax soosaar ee ay dhaqaale la’aantu xannibayso. Kolka uu fekraddan bilaabayay waxa uu ku bilaabay in uu $27 oo jeebkiisa ah daymiyo 42 qof oo ku nool tuulada Jobra, ka dibna waxa uu ku fekeray in bangiyada ka jira magaalada uu ka shaqeeyo uu deyn uga raadiyo dadka saboolka ah, nasiibdarro kolkii uu bangigii koowaad tagayba waa lagu qoslay, fekraddiisu na waxa ay u muuqatay mid aan soconayn. Xujooyinka ugu horreeyay ee laga horkeenayay ayaa ahaa in aanay dadka saboolka ah haysan wax dammaanad qaadaya in ay lacagta soo celin doonaan. Dood dheer oo uu Yunus la galay bangiga Janata ka dib, waxa uu la kulmay mid ka mid ah madaxda sare, waxa uuna ku qanciyay in uu u baahan yahay kaliya $300 oo uu isagu dammaanad qaadayo soo celintooda, bangigu waa uu ka aqbalay waxa uuna halkaa Yunus ka bartay tabta ay bangiyadu ugu samaysan yihiin in ay dadka hantiilayaasha ah uun dhaqaale daymiyaan, sidoo kalena, waxa uu markaa iyo marar kale oo danbe ku baraarugay qaabka iyo habka ay u fekeraan dadka saboolka ah iyo waxyaabaha sababta u ah in ay ku sii raagaan saboolnimada, dayntaa uu bangiga uga damiintay saboolka soo celintoodu waa uu guulaystay oo 98% waa ay hirgashay. Yunus, kolkii uu bilaabay in uu dadka saboolka ah siiyo fursadda ay deyn ku helaan, waxa uu daba waday in uu siiyo tababarro iyo adeegyo ka caawinaya in ay lacagta ku qabsadaan arrimo miro dhal ah oo u horseedi kara in ay saboolnimada kor uga soo kacaan. Bangiga Tuuladu waxaa uu u shaqeeyaa dadka saboolka ah, si gaar ahna waxa uu xoogga saaraa haweenka, Yunus oo ka warramaya sababta ay haweenka xoogga u saaraan ayaa ku doodaya in aan bangiyadu u ogalayn haweenka, xataa kuwa hantida leh, in ay lacag ka daynsadaan, waxa ayna mar walba xujo uga dhigaan raggooda, sidoo kale, waxa uu dareemay in cidda ugu badan ee saboolnimadu saamaynayso ay tahay haweenka.
Waxaa jiraa mabaadii’ guud oo uu Grameen kaga duwan yahay banigayada caadiga ah ah: midda koowaad waa in aan qofka daynta qaadanaya looga baahnayn wax dammaanad ah, maadaama aanay dadka saboolka haysan wax hanti ah oo dammaanad u noqda, Yunusna uu aaminsanaa in taas oo jirta haddana ay dib u bixin karaan daynta. Midda labaad waa Deyminta Koox, dayn qaadayaashu waxa ay soo dhisanayaan koox badiyaaba ka kooban shan qof oo haddii mid ka mid ah bixin waayo deynta ay masuuliyaddiisa qaadayaan kuwa kale, taas oo horseedaysa in ay is-dhiirigaliyaan, istaageeraan ayna isla xisaabtamaan. Midda saddexaad ayaa ah bixinta deymaha yar yar, taas oo aan looga baran bangiyada kale ayna tahay sababta Grameen loogu aqoonsaday horseedka Mirofinance ama Microcredit. Midda afraad ayaa ah xoog saaridda haweenka, bahda Grameen waxa ay aaminsanaayeen in maalgalinta haweenku lee dahay waxtar weyn oo keenaysa kobaca faa’iidada qoyska iyo bulshada. Kolka aad u fiirsato mabaadii’dan uu la yimi bangigan waxa aad ka dareemaysaa sida uu Yunus u doonayo in adeegyada bangiyada ee ku koobnaa dadka hantida haysta loo gaarsiin lahaa dadka saboolka ah oo ah dadka ugu baahida badan in ay helaan adeegyada loo aasaasay bangiyada.
Bangiga Grameen oo asalkaba u samaysan bixinta daymaha yar-yar waxa uu isbeddel weyn ka dhex sameeyay qaabka ay u shaqeeyaan bangiyada waa weyn ee dunida ka jiray. Waxa ugu weyn ee ay sameeyeen ayaa ah in ay daadejiyeen shaqooyinkii bangiga oo adeegooda gaarsiiyeen dadka saboolka ah, waxa ayna dadka saboolka ah ka hor leexiyeen dhammaan wixii caqabad ku ahaa in ay helaan adeegyada bangiyada oo ay ugu horrayso dayntu. Grameen waxa ay yagleeshay hab cusub oo hay’adaha dhaqaalaha dunidu ugu fekeri karaan arrimaha horumarinta iyo yaraynta saboolnimada. Sida uu sheegay Yunus, aragtidii daybixinta ee yarayd taas oo uu ka dhaliyay tuulada, waxa ay isaga gudubtay qaarad ka qaarad, maantana, bixinta daymaha yar yar (mircocredit) waxa uu ka shaqeeyaa dalal boqol kor u dhaafaya oo ku kala yaala shan qaaradood.
Aragtidan uu ku yagleelay bangiga loogu yeero “bangiga saboolka” waxa ay garab qabatay kumannaan qoys oo sabool ah oo fursad u helay in ay kor uga kacaan saboolnimada, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waxa ay markii danbe awood u yeesheen in ay ka hawlgalaan isla xarunta ay ka aflaxeen. Sida ay dad badan qabaan, fekraddan waa mid aad u anfacaysa dalalka dhaqaalohoodu hooseeyo, dadkooduna ay u badan yihiin saboolka.
Muxammed Yunus shaqadan uu qabtay awgeed waxa uu ku hantay abaalmarino aad u badan, sidoo kale, waxa uu helay shahaadooyin sharafyo tira badan. Abaalmarinada uu helay waxa aan ka xusi karnaa; Nobel Peace Prize oo la siiyay 2006, Billada Xorriyadda ee Madaxweynaha Maraykanku bixiyo oo uu helay 2009, Billada Dahabka ah ee Kongereeska oo uu helay 2013, Gandhi Peace Prize oo uu helay 2000 iyo Billada Maalinta Xorriyadda Bangalashiish oo ah tan ugu sarreysa dalkaas oo la guddoonsiiyay 1987. Hal-abuurka uu la yimi waxa uu noqday mid dunidu aad uga falceliso oo badidood ku maamuusaan arrimaha uu ka gaystay dhaqaalaha dalkiisa iyo midka dunida. Sidoo kale, waxaa jira dhaliilo loo soo jeediyo habka ay u shaqeeyaan hay’adaha daymaha yar-yar bixiya oo ay Grameen u horrayso, waxaana ka mid ah in lacagta dulsaarka ahi uu badan yahay iyo in bixinta daynta xad dhaafka ah ay qofka u horseedo in uu si joogta ah ugu dhex jiro meertada dayn qaadashada.
Yunus waa qoraaga buug dhawr ah oo qaybtood lala qoray, waxaana ka mid ah: Banker to the Poor: Micro-Lending and the Battle Against World Poverty oo soo baxay 1999, Creating a World Without Poverty: Social Business and the Future of Capitalism oo soo baxay 2007, Building Social Business: The New Kind of Capitalism That Serves Humanity's Most Pressing Needs oo soo baxay 2010, Banker to the Poor: The Story of Grameen Bank oo soo baxay 2003 iyo A World of Three Zeros: The New Economics of Zero Poverty, Zero Unemployment.
Muxammed Yunus, horaantii sannadka 2007 ayuu ku soo biiray siyaasadda kolkii uu ku dhawaaqay urur siyaasedeedkiisa Negarik Shakti (Awoodda Shacabka), isaga oo ku andacoonaya in aanay jirin sabab uu uga maqnaado siyaasadda, balse, asbuucyo yar ka dib ku dhawaaqistiisa waxa uu ka laabtay aragtidiisii. Kolkii xukunka Bangaaladheesh loo doortay Sheekh Hasiina, waxa ay dabagal iyo dhaleecayn ku samaysay Muxammed Yunus iyo bangiga Grameen, waxa ay gaarsiisay heer uu Yunus iska casilo Agaasimaha Maamulka ee bangiga. Marar kale oo badan ayay maxkamaddaha Bangalaadiish danbiyo ku soo oogeen Yunus oo loo soo jeedinayo eedo kala duwan, kuwaas oo dad badan u arkayeen in Sheekh Hasiina ka cabsi qabtay taageerada uu haystay iyo in uu ku jiro damac siyaasadeed. Badhtamaha sannadkii ina waydaartay ee 2024 ayaa dibadbaxayaal ka soo horjeeda xukunka Hasiina sabab u noqdeen in ay ka cararto dalka Bangalaadish oo ay muddo 15 sanno ah xukumaysay, dibadbaxayaashii oo arday u badnaa ayaa dalbaday in Muxammed Yunus uu noqdo Hoggaamiyaha Kumeelgaarka ah ee dawladda . Yunus ayaa u aqoonsaday Maalinka Labaad ee Xorriyadda dalka kolkii ay dalka isaga baxday Hasiina oo iyaduna Yunus ku magcaabi jirtay Dhiigmiirte (Bloodsucker). Laga soo bilaabo Ogos 8, 2024 ilaa hadda Muxammed Yunus waxa uu ku shaqeeya booska lataliyaha Sare ee Dawladda Kumeelgaadhka ah ee Bangalaadish.