Skip to main content

Tuesday 21 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Muxammad Jabra: Aqoonyahanka Nooleeyay Cilmiga Dhaqaalaha Islaamka

7 April, 2026
Image
Muxammad Jabra: Aqoonyahanka Nooleeyay Cilmiga Dhaqaalaha Islaamka
Share

Muxammad Cumar Jabra (Muhammad Umer Chapra) waxa uu ka mid yahay hormuudka aqoonyahanka cusboonaysiiyey, casriyeeyay, dib-u-habeeyay, ee nooleeyay cilmiga dhaqaalaha Islaamka. Waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa Baakistaan, balse waxa markii dambe dhalasho siiyey dalka Sucuudiga. Jabra waxa uu 1933-kii ku dhashay magaalada Mumbaay ee dalka Hindiya (ka hor qaybintii Qaarad-la-moodda Hindiya). Shahaadooyinkiisii baajilarta iyo maastarta cilmiga dhaqaalaha waxa uu ka qaatay Jaamacadda Karaaji ee dalka Baakistaan 1956-kii, halka uu shahaadada diktoorada uu ka qaatay Jaamacadda Minasoota ee dalka Maraykanka 1961-kii.

Waxa uu sannadihii hore ee waxbarashada ka dib ka shaqeeyay Machadka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Machadka Cilmibaadhista Islaamka ee Baakistaan, waxaana uu cilmibaadhe iyo bare ka noqday jaamacadaha Minasoota, Wiskaawnsin, iyo Kentaki ee dalka Maraykanka. 1965-kii ayuu Jabra shaqada Lataliye Dhaqaale ka helay Wakaaladda Siyaasadda Lacagta ee Sucuudiga (Saudi Arabian Monetary Agency) oo dhawaan magaceeda loo beddelay Bangiga Dhexe ee Sucuudiga. Diktoorku waxa uu wakaaladdan ka shaqaynayey 35 sannadood, waxaana uu muddadaas dheer ka mid noqday dadka seeska u dhigay, isla markaana casriyeeyay, hannaanka dhaqaale iyo maaliyadeed ee Sucuudiga. 1999 waxa uu ku biiray Bangiga Horumarinta Islaamka, halkaas oo uu lataliye u noqday Machadka Cilmibaadhista iyo Tababarka Islaamka (Islamic Research and Training institute). Xilkan ayuu joogay ilaa uu hawlgab noqonayey.

Jabra arrimaha uu gaarka la ahaa waxaa ka mid ahaa in uu ahaa mufakir aragti iyo aqoon-dhalin ku hawlan, sidoo kalena fulinta aragtiyahan iyo siyaasadahan ka shaqeeyay.

Dedaalladiisa nafhurka ah awgood, Jabra waxa uu ku guulaystay abaalmarinno tiro badan oo ay ku jiraan kuwo ay bixiyeen Boqorka Sucuudiga, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Baakistaan, iyo Bangiga Horumarinta Islaamku. Abaalmarinahan waxaa ka mid ah: Abaalmarinta caalamiga ah ee boqor Faysal ee deraasaadka Islaamka, abaalmarinta uu bixiyo Bangiga horumarinta islaamka ee dhaqaalaha, sidoo kale waxa u u ku guulaystay abaalmarinta akadamiyada ee Madaxweynaha Turkiga.

Jabra, waxa uu waxsoosaarkiisa aqooneed ee la xidhiidha dhaqaalaha iyo maaliyadda Islaamiga ah bilaabay toddobaatannadii. Buugtiisii u horreysay ee waaxdan aqooneed jid cusub u furtay waxaa ka mid ahaa “Objectives of the Islamic Economic Order “oo soo baxay 1979-kii. Yoolasha iyo qaayasoorrada uu buuggan ku taxay ee uu hannaanka dhaqaalaha Islaamiga ahi leeyahay waxaa ka mid ah: daryeel dhaqaale oo ku salaysan anshaxa iyo akhlaaqda Islaamka; walaalnimo ummadeed iyo caddaalad; dakhliga oo sinnaan lagu qaybiyo, iyo xorriyad qofeed oo ku suganta jiritaanka daryeel bulsho. Sida muuqata, ujeeddada ugu weyn ee uu buugan qoraagu ka lahaa, isla markaana uu ku xaqiijiyey, waa in uu nidaamka dhaqaalaha Islaamka si muuqata uga sooco nidaamyada kale ee jira, gaar ahaan kan Galbeedka (hantigoosiga ama seyladda xorta ah) ee xilligan calanwalaynaya.

Dhowr sannadood ka dib, 1985-kii, Jabra waxa uu soo saaray mid ka mid ah buugtiisii ugu saamaynta badnayd oo ciwaankiisu ahaa “Towards a Just Monetary System”. Buuggan waxa uu ku iftiimiyey astaamaha iyo dabeecadaha u gaarka ah hannaanka lacagta iyo bangiyada Islaamiga ah. Sida uu qoraagu ku dooday, hannaanka Islaamiga ahi arrimaha uu tixgeliyo ee udub-dhexaadka u ah waxaa ka mid ah: daryeel dhaqaale oo baaxad leh; caddaalad bulsho iyo mid dhaqaale, hantida iyo dakhliga oo sinnaan lagu qaybiyo; ilaalinta deganaanshaga qiimaha lacagta, maalgashi looga gol-leeyahay horumar dhaqaale oo sinnaan ku salaysan iyo macaash caddaalad ah, iyo in sida ugu hufan loo bixiyo adeegyada bangiyada.

Mar kale, sannadkii 2026-kii Jabra waxa uu soo saaray mid ka mid ah buugtiisii ugu miisaanka cuslaa oo lagu tilmaamay in uu kaalin laxaad leh ka qaatay soo noolaynta Islaamka ee aanu ku koobnayn soo noolaynta dhaqaalaha Islaamka. Dhiganahan oo uu bixiyey “The Future of Economics: An Islamic Perspectiveqoraagu waxa uu ku dooday in arrimaha uu hannaanka bangiyada Islaamku ilaa hadda xoogga saaray—sekada, akhlaaqda, iyo caddaaladda—aanay innagu filnayn. Si loo helo dawlad daryeel oo guulaysata, Jabra waxa uu soo jeediyey in laba aag oo cusub xoogga la saaro—xoojinta midnimada qoyska iyo ta bulshada. Sida cad, qoraaggu waxa uu buuggan kaga falcelinayey isbeddeladda waaweyn ee ku yimid hannaanka dhaqaale iyo maaliyadeed ee dunida ka dib qalalaasihii dhaqaale ee ku dhuftay suuqyada caalamiga ah 2008-kii. Nuxurka dooddiisu waa in hannaanka maaliyadeed ee Islaamku furdaamin karo dhibaatooyinka dhaqaale ee dunida ka jira.

Qoraallada kale ee saamaynta leh ee uu qoray waxaa ka mid ah “Islam and the Economic Challenge.”Halkan waxa uu ku iftiimiyey in u jeeddooyinka Islaamku xaqiijinayo ay ugu weyntahay liibaanta aadanaha iyo nolol wanaagsan kuwaas oo muhimadda ugu weyn siiya walaalnimada iyo cadaallada bulsho iyo dhaqaale. Marka uu ka hadlayo horumarinta dhaqaalaha, Jabra waxa uu ku doodaa in lagu saleeyo ujeeddooyinka Shareecada (maqaasidu Shariica) iyo in Muslimiintu ay gaadhi karaan horumar iyo daryeel bulsho keliya haddii ay ujeeddooyinkan xaqiijiyaan. Ujeeddooyinku waxa ay kala yihiin: dhawridda nafta, diinta, caqliga, maalka, iyo durriyadda.

Jabra qoraalladiisu dhaqaale iyo maaliyad kuma koobna. Buugaagta mawduucan ka baxsan ee uu qoray waxa ugu weyn buugga uu soo saaray sannadkii 2007-kii ee ciwaankiisu yahay “Muslim Civilization: The Causes of Decline and the Need for Reform.” In kasta oo uu buuggu koobsanayo mawaadiic ballaadhan, haddana waxyaabaha uu ku eegayo waxaa ka mid ah dibudhaca dhaqaale ee Muslimiinta iyo sida looga bixi karo.

Haddii aynu soo duuduubno, Muxammad Cumar Jabra waxa uu si laxaad leh u qaabeeyay cilmiga dhaqaalaha iyo maaliyadda Islaamka shantii tobansannaale ee u dambeeyay. Aqoonyahan badan ayaa ka shidaal qaatay waxsoosaarkiisa oo iyaguna sii ballaaadhiyey—waa sida uu sunnaha aqoon-dhalintu yahaye! Kuwo kalena waxa ay ku ammaaneen doorkiisa tiir-dhexaadka ah. Tusaale ahaan, Muraad Hoofmaan oo iftiiminaya baaxadda isbeddelka uu Jabra ku sameeyay waaxdan aqooneed, waxa uu qoray: “dhab ahaan, cilmiga dhaqaalaha Islaamka waxaa loo qaybin karaa laba xilli: Jabra ka hor iyo ka dib”.

Muxammad Cumar Jabra waxa uu ka mid yahay dadka ay tahay in ay ardayda iyo dhaqaalayahannada Soomaalidu bartaan oo waxsoosaarkiisa aqooneed akhriyaan.

Qoraallada kale ee qoraaga