Skip to main content

Saturday 15 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Muusigga iyo Dagaalka

17 December, 2024
Image
muusigga iyo dagaalka
Farshaxanka Percy Wyndham Lewis
Share

Muusiggu kaalin muhiim ah buu ku leeyahay taariikhda dagaaladda. Waxa jiray aasaas iyo xidhiidh ka dhaxeeyay muusiga iyo ciidamada, goobaha dagaalka, guusha, jabka iyo mahadho kasta oo dagaalka la xidhiidhaba. Waxaa mar keliya muusiga loo isticmaalay walax lagu dagaalamo, isla walax kale oo siyaasad iyo borobogaando lagu sameeyo iyo isla mid xasuus lagaga reebo waxa laga muto jiidaha geerida. Waxa uu ahaa ama yahayba agab lagu mideeyo dareenka guud ee wadanniyada, qowminimada iyo unug kasta oo bulshada ah. Taasina waxa ay muhiimad xoog leh u lahayd cidda ku guulaysanaysa dagaalka; waayo cid kastaa ta ay ka iskuxidhnaan, abaabulnaan iyo midaysnaan badnayn way ka guul badnayd. Si kale, muusigu waa hub. Waa hub sida rasaastu muhiim ugu tahay qoriga isna muhiim ugu ah guusha iyo mooraalka dadka.

Kolka la rabo in la faafiyo borobogaando iyo dacaayad lid ku ah ciidanka ka soo horjeedda ka kale, waxaa idaacaddaha laga shidi jiray muusig kolka hore si loo hanto dareenka dhagaystayaasha. In yar kadibna dacaayadda la rabo in la faafiyo ayaa si ujeeddo leh heesaha iyo muusiga idaacadaha ka baxayay loogu lammaanin jiray. Si aan daqiiqad looga caajisin dhagaysiga warbaahinta dowladda ee borobogaandada lagu faafinayo, muusiga ayaa hadafkaas loo adeegsanayay. Waxa ay labada qoloba adeegsan jireen xeelad saykoolajiyadeed (Mass phyco-ops) oo wadarta dad, dowlad ama ciidan kaa soo horjeedda si gaar ah loo bartilmaameedsanayo si saamayn loogu yeesho mooralkooda, dareenkooda iyo xogtooda
dagaalka ku aadanba.

Dowladdii Naasiga ee Jarmalku waxa ay lahayd Wasaaradda Borobagaandada oo uu ka masuul ahaa wasiir Joseph Goebbels. Si loo maamulo ra’yiga guud ee dadku waxa ay is tuseen in idaacadda iyo warbaahinta laga hago dadka; si xaaladda dagaalka aan looga helin fursad cadowgu xogtooda ku gaadhsiiyo shacabkoodana waa in muusiga loo isticmaalaa si mar kasta baruurrug loogu hayo dadka. Bulshadii Jarmalku waxa ay saddex jibaar ka badan intii hore guryaha soo dhigteen raadiyoow ay xaaladaha dagaalka kala socdaan. Waxa ay tani sheegaysaa in la abuuro xiisaha dagaalka loo hayo, dareenka ka dhalanaya iyo in isku xidhnaanta bulshada ee xaaladda dagaalkaba loo adeegsan jiray muusigii idaacadda ama raadiyoowga ee Dowladdii Naasiga ahayd ee Jarmalka.

Askartu waxa ay u adeegsan jireen muusigga in ay ku dagaal galaan oo ay mooralka iyo niyadda ciidamada ku kiciyaan iyo in ay kaga soo kabtaan riiqda nafsadeed iyo diiqada ay dagaalladu ku yeesheen labadaba. Waxaa jirtay hees Jarmal ah oo caanbaxday dagaalkii labaad ee adduunka lana yidhaahdo ‘Lili Marline’ oo ay qaaday fannaanad la odhan jiray Lale Aderson. Heestu waxa ay ka hadlaysay askari u boholyoobay gacalisadiisii iyo dareen kala maqnaansho oo lammaanahaa ku saabsan. Laakiin waxa ay xiiso aad u weyn ku dhex yeelatay askartii Jarmalka ilaa heer markii danbana ay gaadho ciidamadii huwanta ahaa ee ka soo horjeeday sida askartii Ingiriiska oo kolkii dambe af ingiriisi u beddelay.

Waxa ay yaab ku lahayd in askar jiid ku dagaalamaysaa ay heestaa caashaq isleeg u qaadaan oo ay saamayn ku yeelatay mooralkii iyo dareenkii askartii furimaha joogay. Qoraaga Comtois Kevin oo faallaynayay taariikhda heestan ‘Lili Marline’ ay ku yeelatay askartii dagaalka ee labada dhinacaba waxa uu sheegay in aysan heestu lahayn dhadhan iyo tayo la yaab leh oo ay saamayn intaa leeg ku wada yeelan karto askar furin isku hor fadhiya; laakiin waxa jira dareen uu askari kastaa qabo. Waa in uu ku laabto gurigiisii, gacalkiisii uu jeclaana la soo kulmo.. Heestan Lili Marline iyana waxa ay ku guulaysatay in ay dareenkaas dhab u muujiso. Dabcana waa ta ay ku heshay in ay askar cadow isku ah wada metesho oo midayso dareenkooda ah in aysan heestaas afkooda ka dhigin.

Sida muusigga dagaallada looga dhigo xaabo dareenka guud ee dadka lagu shido, waxaa iyana loo adeegsan karaa in lagu damiyo muusigga isla dagaalladaa iyo in lagaga maydho jiilalkii dagaallada ku kacaamay xasuusaha dayaca iyo saxariirka ee xilliyadii dagaallada. Waxaa kolka dagaalladu bilowga yihiin suuq hela heesaha waddaniyadda iyo guubaabada ah, kolka dagaalka laga daalana waxaa iyana suuqa qabsada oo beddela muusigga nabadda iyo dagaaldiidka ah. Waa ifafaalo bini’aadamka ku saabsan oo dareenkooda marka hore belaayocaashaqa ahi, marka dhibtu badatana in uu ducayeel noqdo. Jiilalka ku kacaamay shidada iyo dagaalladuna, waxa ay qabaan baahi ah in laga maydho xasuusaha saxariirka leh, muusigguna waa baanta keliya ee ay heli karaan. Saddexdaa xaaladoodba, muusiggu waa waxa keliya ee ruuxda iyo niyadda dadka dhisi kara oo beddeli kara dareenka uu qofku ka qabo shay.

Metelan dagaalkii Fiitnaam, shacabkii Maraykanka ee ka daalay dagaalku waxa ay qabeen in nabad la gaadho oo qiimo kasta ha ku kacdee dagaalka dabadheeraaday la soo afjaro. Waxaa la hal’abuuray heeso belodiid ah oo dagaalka lagu dhaliilayo, dowladdana lagula hadlayo si xal loo gaadho. Heesahaa waxaa ka mid ahaa heesta ‘War’ ama ‘dagaal’ ee uu qaaday hoobalka Edwin Star. Waxa ay soo gudbinayeen heesahaasi weji kale oo ah in nabadda la qaato, si nasniino looga helo saxariirka, gacal iswaaga iyo geerida uu ku sababay dagaaalku shacabkii Maraykanka.

Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii waxaa dadka Soomaalida ah guubaabada iyo midayntooda loo isticmaalay si guud suugaanta, si gaar ahna muusigga iyo heesaha oo ka qotadheer dareen ahaan suugaanta kale ee aan agabka muusigga loo tumin. Isla Jabhadihii Soomaalidu markii ay la dagaalamayeen dowladdii milateriga ahayd, si cadhada dadwaynaha loo gaadhsiiyo heer halgan qori ah waxaa saamayn ku yeeshay muusigga iyo heesaha. Metelan heesta Maxamed Mooge ee ‘Tollaay reer Hargaysoow’ waxa ay bartilmaameed ku ahayd si guud in Soomaalidu nidaamka milatariga ah iska dul qaado, si gaar ahna waxa ay ahayd hees shacabka reer Hargaysa kicin iyo guubaabo ugu ahayd. Natiijo wacana way ka keentay yoolkeeda heestaasi iyo heesihii la mid ka ahaa ee dulmidiidk ahaa. Waxa ayna taageeradii jabhaddaha gaadhsiiyeen heersarreeya oo ay ku guulaysteen aragtida caamka ee shacabkii gadoodsanaa ayna halganka dhabnimo ku aaminaan.

Muusiggu waa muhiim, xilliga kadeedka iyo dagaalkana waxa uu leeyahay muhiimad ka sii weyn. Waayo waxa uu dun u yahay wadajirka, isku-xidhka iyo abaabulnaanta bulshada ee xilliga dagaalada iyo meelo geeriyaadka. Waxana uu isla dawo u yahay bulshada, xilliga nabada iyo barwaaqadda ee dagaalada laga soo kabto. Si dagaal loo galo oo abaabulnaanta dadka iyo isku xidhnaantaba loo kiciyo ama si nabada iyo xasilloonida loo naaxiyo; labadaheerba muusigu waa wax aan laga maarmi karin. Waayo waa middi laba af leh oo labadaa xaaladood ee iska soo horjeeda midba gaarkii muhiimad ugu leh!

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Waayaha Qaxoontiga