Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Muuqaalka Dawlad Islaami ah: Timbuktu

8 August, 2026
Image
  Muuqaalka Dawlad Islaami ah: Timbuktu
Share

Tan iyo burburkii Boqortooyadii Cusmaaniyadda waxaa dhagaha bulshada muslimiinta ah iyo guud ahaan dadwaynaha dunida ku soo noqnoqnayay ereybixinta "Dawlad Islaami ah" oo lagu kabay weedha caanka ah ee "Xalku waa shareecada". Inkasta oo aan ereybixintan iyo adeegsigeeduba ku cusbayn dhagaha bulshada, haddana waa yartahay cid sawiran karta muuqaalka ereybixntaasi ay waaqaca nololeed ku leedahay marka si dhab ah loo dhaqan geliyo, iyo sida ay xalka u noqon kartaba! Guud ahaan dadka weedhan ku soo celceliya, marka laga yimaado dhowrka wadaad ee ka dhigta jaranjarada ay awoodda ku soo fuulaan, way yartahay cid sharrixi karta ama u jidbixin karta muuqaalka dawladdaas.

Maalin dhexe, oo aan sidaas u sii fogayn, ayaan akhriyay qoraal kooban oo uu filimkana ku faalleeyay qoraa Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil. Intaas kuma ekaane, waxaan durba raadshay filimka oo uu aad ii jeclaysiiyay qoraalkiisu. Waan helay, waxaanan ku dhammaystay isla fadhigii. Waxaan u tagay filim aan aad uga shallaayay in aanan horay u daawan. Waa filim sawir guud iyo muuqaal buuxa ka siinayaa qof aan horay u arag meel ereyadaas laga dhaqangashay iyo sida xaal u ekaan karo, marka noloshu gacanta u gasho shakhsiyaad isu yaqaan wakiilka Eebbe ee arlada!

Waa qolo jihaadiyiin ah oo ku habsanaya bulsho muslimiin ah oo ku nool, nolol caadi ah. Isla marka ay yimaadaan ayay laalayaan wax walba oo bulshadu lahayd oo aan ka ahayn cabsida. Waxaa si dhab u dhaqan galaya cunfiga iyo cagajuglaynta, waxaana bulshada la gelinayaa xabsi kor ka furan oo ay furihiisa hayaan wadaaddada magaalada qabsaday. Waxaa god dheer ku dhacaya rajada, waxaana gabbal u dumayaa farxaddii iyo noloshii ay bulshadaasi haysteen. Waxaa dhacay wax aynu ku soo koobi karno weedha uu arbaha filimku ku rejagalinayo xaaskiisa: “Waxaa dhici doonta mar la doogi doono oo noloshu sideedii ku soo noqon doonto, ayaxanina innaga guuri doono.” Codkaasi waxa uu ahaa rejada kaliya ee magaalada ka jirtay, nasiibdarro se, waxaa qori caaraddii ku duugi doona ayaxa magaalada qabsaday ee uu abdaynayay in uu ka guuri doono!

Filimkani waa sawir dhab ah oo muujinaya nolosha ereybixinta aan sida macne la'aanta ah ugu soo celcelinno ee "Dawlad Islaami ah", marka aan kursiga lagu fuulayn e, dhab loo dhaqangaliyo. Waa muuqaal ku dhex gaynaya wajiga ay leedahay marka awooddu gacanta u gasho qofaf isu arka wakiilka Eebbe ee koonka. Aslanba, marka ay xaajadu ka tagto baalasha kutubta iyo maanka wadaadka waxa ay isugu biya shubataa laba aag; qolo qashinka ku tuurta fikradihii qiirada badnaa ee ay ololaha ku soo gashay, islamarkaana la dabaalata duruufaha siyaasadeed, nuxurka dirirtoodana lagu soo koobi karo jumladda xayndaabka siyaasadda ka caanka ah ee “Qaylaa gar dhawaysa (Chaos is a ladder)” iyo qolo xagjir ah oo si dhab u dhaqangalisa wixii ay sheegi jireen in ay u dirirayaan. Qolada hore wax qumman kama duwana siyaasiyiinta kale ee kursiga isku haya, saamayntooduna ma gaarto bulshada nolosheeda e, iyaga un bay culays ku noqotaa. Qolada labaadse waxa ay noqdaan duufaan god dheer ku rida nolosha bulshada, islamarkaana la dirirta wax walba oo ay bulshada ay u yimaadeen asal u lahayd.

Haddaba, kooxda filimkan laga jilaya waa kooxda danbe, oo judha ay qabsadaan magaalada ayay soo rogayaan amarro aad qiyaasi karto. Lama farxi karo. Dhaqanku waa mamnuuc. Lama heesi karo. Dumarka waa cawro. Sigaar lama cabbi karo. Kubbad ha sheegin, iyo boqollaal kale oo ay ku laalayaan habnololeedka bulshada. Arrinta maadda leh waa sida filimku u muujinayo sida kooxdu nafsad ahaan u qaybsan tahay. Waa qolada u sarraysa oo ah rag dadqalnimadu ka go'an tahay iyo kooxda hoose oo u badan dhalinyaro magaalada ka soo jeeda. Kooxdan danbe, in kasta oo ay yihiin dadka fulinaya amarrada; haddana, waa kuwo weli u dabran nolosha ay laaleen! Waakan taliyaha unugga, Cabdulkariim oo sigaarkii uu horay u cabbi jiray u hiloobay, dhuumashana ku cabbaya iyo gaban kale oo isna caad0-dhaqameedkii bulshada inta iska hayn waayay, isaga oo dirayskii qaba la dhaantaynaya duq agtiisa ku ciyaaraysa!

Waakuwan koox kale oo dhalinyaradii la ciidameeyay ee magaalada ka mid ah, oo falanqaynaya ciyaarihii Yurub, xilli kooxdoodu magaalada ka mamnuucay ciyaarista kubbadda oo dhan! Markii aan marayay daqiiqaddan, waxaa xasuustayda ku soo dhacay dhacdo uu ka warramayo buugga “Halgankii Gunnimadoonka” oo xusaya in markii ay kooxda Altaxaad qabsatay gobolka Gedo ay dhalinyaradii busaaradowday oo dhami ku biireen kooxda iyaga oo dano dhaqaale daba socda, deedna ay caanbaxday weedha “XAQUU FAHMAY” oo ah mid loogu qiil dayi jiray shuftadii shalay ee kooxda ku biirtay. Halka aan u socdaase halkaas ma aha e, waa sawirka uu ka bixinayo qoraagu habdhaqanka dhalinyaradaas iyo si guud kooxdu, ay kula dhaqmayeen bulshada gobolka. Waxa uu xusayaa in ay sameeyeen koox dadka edbisa oo xaafadaha, suuqyada iyo bannaankaba wareegta, bal si ay u soo helaan laba ruux (lab iyo dhaddig) oo is shukaansanaya, ama fusqi samaynaya si loo jeedlo amaba loo qurgooyo! Sidaas oo kale ayay kooxdani samaynaysaa kooxo dhalinyaradii magaalada ee XAQA FAHMAY u badan, oo si joogta ah ugu wareega magaalada si ay u soo helaan dhalinyaro kubbad ciyaaraya, kuwa heesaya, gabdho gacmo bannaan ama qof leh muuqaalkii iyo dhaqankii magaaladani ku caanka ahayd, si loo jeedlo amaba dhagax loogu dilo!

Qodobka labaad ee sida qumman uga dhex muuqda filimku waa sida kooxdani u laalayso culimada asalka ah ee bulshada oo isku dayay in ay u dhexeeyaan bulshada iyo koox-diimeedka magaalada qabsaday. Waa kan wadaadkii asalka ahaa ee magaalada oo leh, “Dhaqankani ma aha diin Eebbe e, ka daaya bulshada juujuubka iyo gabadha aad khasabka ku guurinaysaan” iyo iyaga oo ugu jawaabaya, “Annaga ayaa ah gacanta Eebbe ee dunida dadkana annaga ayaa u madax ah, waxaanan dhaqan galinaynaa hawraartii Nebiga ee ahayd, Haddii uu idiin yimaado barbaar aad ku qanacdaan diintiisa siiya gabdhihiinna' waddaadaas halloosiga ah baan haynaa!”

Isku soo duuduuboo, filimkani waa mid heersare ah oo ay tahay in uu ka wardoono ruux kasta oo xiiseeya mawduucyadan, waxaase akhristaha qoraalkan lagula talinayaa inta uusan daawan filimka, in uu ka horumariyo qoraalka faallada ah ee uu ka qoray Qoraa Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil.

Qoraallada kale ee qoraaga