Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Mustaqbalka Nidaamka Caalamiga ah

6 April, 2026
Image
Mustaqbalka Nidaamka Caalamiga ah
Share
Hordhac

Buugga The Once and Future World Order ee uu qoray Amitav Acharya soona baxay sannadkii 2022 waa deraasad qoto dheer oo dib u eegaysa taariikhda dheer ee nidaamka caalamiga ah iyo sida uu u soo maray marxalado kala duwan oo ay hoggaaminayeen ilbaxnimooyin kala geddisan. Qoraagu waxa uu si cad uga hortagayaa aragtida ah in nidaamka caalamiga ahi yahay hal-abuur gaar u ah reer Galbeedka, isaga oo muujinaya in nidaamka adduunku uu yahay mid ay wada dhiseen ilbaxnimooyin kala duwan sida kuwa ka hanaqaaday Bariga Dhexe, Afrika, Aasiya, iyo Ameerikadii hore.

Fekradda udub-dhexaadka u ah buugga ayaa ah in hoos u dhaca awoodda reer Galbeedku aanu ka dhignayn burbur ama fawdo caalami ah, balse uu yahay marxalad isbeddel ah oo u gogol xaadhaysa nidaam cusub oo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan quwado kala duwan. Sida uu qoraagu tilmaamayo, adduunku hore ayuu u jiray kahor intii aanu reer Galbeedku hoggaanka qaban, wuxuuna sii jiri doonaa xitaa haddii ay awooddoodu yaraato. Sidaas awgeed, mustaqbalka nidaamka caalamiga ahi waxa uu noqon karaa mid ka caddaalad badan kana turjumaya kala duwanaanshaha ilbaxnimooyinka.

Qoraaga buugga, Amitav Acharya, waa aqoonyahan sare oo ku takhasusay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah. Waxa uu caan ku yahay aragtidiisa ku saabsan “Global South” iyo doorka ay dalalka aan reer Galbeedka ahayn ku leeyihiin siyaasadda caalamiga ah. Buuggani waxa uu ka mid yahay shaqooyinkiisa ugu muhiimsan, maaddaama uu si cilmiyeysan u burburinaayo fekerka “Western exceptionalism” oo badanaa ah aragti xoojisa maamusidda reer galbeedka iyo ku tilmaamidda in ay iyagu sameeyeen nidaamyada casriga ah ee adduunka. Waxana uu ku soo bandhigayaa aragti cusub oo ku dhisan wadaagga ilbaxnimooyinka, iskuxidhnaanta taariikhda iyo mustaqbal dhiska ku dhisan aragtiyaha isku tagay.

Cutubyada dhiganaha

Dhiganuhu sida uu u dhanyahay waxa uu ka koobanyahay 14 cutub oo uu qoraagu ku dul istaagayo mawduucyo la xidhiidha ilbaxnimooyinkii hore, iyo xidhiidhsanaanta qaadhaanka xaddaaraduhu ku leeyihiin nidaamka caalamiga ah waayadii hore, maanta iyo mustaqbalka dambe intaba.

  1. Horumarka iyo Isdhexgalka ilbaxnimooyinka hore

Taariikhda nidaamka adduunku waxa ay dib ugu noqotaa ilbaxnimooyinkii ugu horreeyey ee ka hanaqaaday Mesobotamiya iyo Masar, kuwaas oo dejiyey aasaaska maamulka, dawladnimada, iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshooyinka. Inkaste oo ay kala duwanaayeen qaab-dhismeedkooda siyaasadeed—mid ku dhisan magaalooyin madax-bannaan iyo mid kale oo boqortooyo dhexe ah—labaduba waxa ay horumariyeen fekrado muhiim ah sida heshiisyada, nidaamka sharciyadda, iyo maamulka bulshooyin waaweyn.

Ilbaxnimooyinkan hore waxa ay muujiyeen in nidaamka caalamiga ahi aanu ahayn wax cusub, balse uu yahay geeddi-socod dheer oo ay si tartiib tartiib ah u dhiseen bulshooyin kala duwan. Xidhiidhka ganacsi, isdhaafsiga fekradaha, iyo isdhexgalka dhaqamada ayaa ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dhisay nidaamkan hore.

  1. Isku-dhafka awoodda iyo fekradaha siyaasadeed

Markii la eego ilbaxnimooyinkii kala dambeeyey, waxaa soo baxaya kala duwanaansho ku saabsan sida loo fahmay awoodda iyo maamulka. Ilbaxnimadii Giriigga hore, oo ka koobnayd magaalooyin madax-bannaan sida Athens iyo Sparta, waxa ay ku dhisnayd nidaam tartan iyo sinnaan awoodeed ah, halka Boqortooyadii Faaris (Persian Empire) ay ahayd awood dhexe oo leh maamul nidaamsan iyo dulqaad ku salaysan kala duwanaanshaha bulshooyinka ay xukunto.

Dhinaca kale, ilbaxnimadii Hindiya waxa ay ku salaysnayd dan-wadaag u dhexeeya aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, taas oo loo maraayey falsafadda awood-ku-dhisan iyo xukunkii dulqaadka iyo anshaxa ku dhisnaa ee Boqor Ashoka. Sidoo kale, Shiinaha oo isu arkayay Boqortooyada Dhexe (Middle Kingdom), waxa uu dhisay nidaam ku salaysan saameyn dhaqan iyo mid diblumaasiyadeed, isaga oo adeegsanaya nidaamka cashuuraha iyo xidhiidhka ganacsiga halkii uu ka isticmaali lahaa gumeysi toos ah.

Tusaalooyinkani waxa uu buuggu ku muujinayaa in nidaamka caalamiga ahi aanu ku dhisnayn hal aragti oo keliya, balse uu yahay mid ka dhashay is-dhexgalka fekrado kala duwan oo mararka qaarkood is khilaafsan balse is dhammaystira.

  1. Doorka boqortooyooyinka iyo Isdhaafsiga caalamiga ah

Boqortooyooyin waaweyn sida Rooma ayaa door muhiim ah ka ciyaaray qaabeynta nidaamka adduunka, iyaga oo adeegsanaya awood milatari, sharci, iyo maamul. Rooma waxa ay abuurtay nidaam sharciyeed saameyn weyn yeeshay, balse sidoo kale lahayd tacaddiyo, adeegsi millatari, dagaallo iyo addoonsi.Dhanka kale, Boqortooyadii Manguuliyiintu waxay abuurtay mid ka mid ah shabakadaha ugu waaweyn ee isku xidha qaaradaha, iyaga oo xasiliyay waddadii xariirta, kana dhigay marin muhiim u ah ganacsiga iyo isdhaafsiga dhaqamada. Sidoo kale, shabakadaha ganacsiga ee Badweynta Hindiya—oo ay ka qayb qaadanayeen ganacsato ka kala yimid Afrika, Carabta, Hindiya, iyo Koonfur-bari Aasiya—waxay ahaayeen nidaamyo horumarsan oo ku dhisnaa iskaashi, kaas oo ka madhan gumeysi.

Arrimahan ayaa muujinaya in nidaamka caalamiga ahi uu si weyn ugu tiirsanaa isdhaafsi dhaqaale iyo dhaqan, taas oo ka saamayn badnayd nidaayada muquuninta iyo awoodda milatari.

  1. Doorkii Islaamka iyo ilbaxnimadii muslimiinta

Buugu waxa uu sidoo kale ka sheekeynayaa Ilbaxnimada Islaamka, gaar ahaan xilligii Khilaafadii Umawiyiinta, Cabbaasiyiinta, iyo Cismaaniyiinta, waxa ay noqotay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee nidaamka caalamiga ah. Magaalooyinka sida Baqdaad, Qurdubah, iyo Qaahira ayaa noqday xarumo aqooneed, dhaqaale, iyo siyaasadeed oo isku xidhay Bariga iyo Galbeedka.

Culimada Muslimiinta ayaa door weyn ka ciyaaray ilaalinta iyo horumarinta aqoonta, iyaga oo turjumay oo sii kobciyey cilmigii Giriigga, Hindiya, iyo Faaris. Cilmiga xisaabta (algebra), caafimaadka, xiddigiska, iyo falsafadda ayaa si weyn uga hanaqaaday dunida Islaamka, taas oo markii dambe si toos ah u saameysay kacdoonnadii Yurub.

Sidoo kale, ganacsatada Muslimiinta ayaa dhisay shabakado ganacsi oo ballaadhan oo isku xidhay Aasiya, Afrika, iyo Yurub, iyagoo abuuray nidaam dhaqaale oo ku salaysan kalsooni, heshiisyo, iyo iskaashi. Dhanka maamulka, dawladaha Islaamku waxa ay muujiyeen awood ay ku maamulaan bulshooyin kala duwan iyaga oo inta badan ku dhaqmaaya nidaamka wadajirka, iyo wada-noolaanshiyaha salka ku haya diinta iyo dhaqanka bulshooyinka. Ilbaxnimada Islaamku sidaas ayay u noqotay biriij isku xidhaaya ilbaxnimooyinkii hore iyo kuwa dambe, iyaga oo door weyn ka qaadatay horumarinta nidaamka caalamiga ah.

  1. Kacitaanka reer galbeedka iyo saamaynta gumeysiga

Kacdoonnada reer Galbeedka ee hoggaanka caalamiga ahi waxa uu la xidhiidhay horumar dhaqaale, tartan gudaha ah, iyo faa’iidooyin juqraafiyeed. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu si weyn ugu xidhnaa samaynta gumeysi iyo ka faa’iidaysi kheyraadka dalal kale, gaar ahaan Ameerika halkaas oo ilbaxnimooyin sida Aztec, Maya, iyo Inca ay burbureen.

Hantida iyo awoodda reer Galbeedku waxa ay inta badan ku timid nidaamyo aan ku salaysnayn wax isweydaarsi ay la yeesheen dunida kale, oo ay ka midyihiin addoonsi, awood adeegsi iyo ka faa’iidaysi dhaqaale. Tani waxa ay si weyn u saameysay qaabeynta nidaamka caalamiga ah ee casriga ah ay ku yeesheen reer galbeedku.

  1. Afrika iyo doorkeeda la illaaway

Buuggu waxa kale oo uu dul istaagayaa Afrika waxay lahayd ilbaxnimooyin horumarsan sida Mali iyo Songhai, iyo shabakado ganacsi oo isku xidhay qaaradda iyo dunida inteeda kale. Magaalooyin ay ka mid tahay Timbuktu ayaa noqday xarumo aqooneed iyo ganacsi oo caan ah.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsigii addoonsiga iyo gumeysiga ayaa si weyn u wiiqay horumarkii qaaradda, isla markaana hoos u dhigay kaalinteedii caalamiga ahayd. Inkasta oo taasi ay dhacday, Afrika waxa ay weli door muhiim ah ku leedahay nidaamka adduunka.

  1. Isbeddelka casriga ah iyo nidaamka cusub

Qarnigii 20naad, dalal badan oo ka soo baxay gumeysiga ayaa bilaabay in ay door weyn ka ciyaaraan siyaasadda caalamiga ah, iyaga oo ka qayb galay dhaqdhaqaaqyo sida shirkii Bandung kaas oo dalal Afrikaan iyo Aasiyaan ahi kaga arrinsanayeen iskaashiga dhinacaydan ee ka dhanka ah awoodaha dunida, guumeysiga iyo saamaynta reer galbeedkaba. Sidoo kale Non-Aligned Movement oo ah urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin dalal aan si rasmi ah ugu biirin ama uga hor imanaynin isbahaysiyada quwadaha waaweyn, ayaa uu buuggu sharraxayaa in ay saamayn ku yeesheen nidaamka iskaashi ee caalamiga ah.

Mustaqbalka, nidaamka caalamiga ahi waxa uu u muuqdaa mid noqon doona mid “multiplex” ah, oo ay ku wada noolaanayaan quwado kala duwan sida Shiinaha, Hindiya, iyo dalalka kale ee soo koraya, halkii uu ahaan lahaa mid hal quwad keli ahi hoggaamiso.

  1. Falsafadda siyaasadeed ee buugga

Falsafadda iyo aragtiyaha buuggu waxa ay ku salaysan tahay aragtida ah in nidaamka caalamiga ahi yahay mid wadajir ah oo ay dhiseen ilbaxnimooyin kala duwan, isla markaana aanu ahayn hal-abuur gaar u ah reer Galbeedka. Waxa uu diiradda saarayaa muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado kala duwanaanshaha ilbaxnimooyinka, lana dhiso nidaam caalami ah oo ku salaysan dan-wadaag, iskaashi, iyo caddaalad. Hoos u dhaca awoodda reer Galbeedka waxa uu qoraagu u arkaa fursad lagu abuuri karo nidaam cusub oo ka turjumaya danaha iyo aragtiyaha bulshooyinka kala duwan, halkii uu ka ahaan lahaa mid hal dhinac ka taliyo, isaga oo ku baaqaya nidaam caalami ah oo loo dhan yahay, kana madax bannaan kala sarreyn iyo ku takri-fal awoodeed.

Gunaanad

Gunaanad ahaan, buuggani waxa uu si xeeldheer u burburinayaa fekradda ah in nidaamka caalamiga ahi yahay mid hal dhinac ka curtay ama ku kooban ilbaxnimo gaar ah, isaga oo soo bandhigaya aragti taariikheed iyo mid falsafadeed si qoto dheer u muujinaysa in nidaamka adduunku yahay dhaxal wadajir ah oo ay ka qayb qaateen ilbaxnimooyin kala duwan. Qoraagu waxa uu si qaan-gaadhnimo leh oo maangalnimo ku dhisan u iftiiminayaa in hoos u dhaca awoodda reer Galbeedku aanu ahayn dhammaad, balse ay tahay dib u habayn dabiici ah iyo isbeddel cusub oo ku salaysan isku dheelitirnaan, wadaag iyo aqoonsi ballaadhan oo ku wajahan kala duwanaanshaha dunida. Sidaas darteed, buuggu waxa uu akhristaha ku dhiirrigelinayaa in uu si miyir leh u fahmo isbeddellada socda, isla markaana u arko mustaqbalka nidaamka caalamiga ah mid furan oo u baahan aragti fog, dulqaad siyaasadeed, iyo wada shaqayn dhab ah oo ka gudubta xuduudaha fekerka keli-talisnimo ee soo jireenka ahaa.