Wednesday 9 July 2025
Bishii Maaris ee 2024, waraysi uu siiyey Aljasiira Net, aqoonyahankii cilminafsiga iyo mufakirkii reer Lubnaan, Diktoor Mustafe Xijaasi, isagoo ka warramaya hawgalkii Duufaan al-Aqsaa, waxa uu ku dooday in aqoonyahannada cilmiga bulsheed ee Carabta iyo kuwa kaleba aanay shacabka Falasdiin si qotodheer oo gudaha ah u deraasayn, si ay u ogaadaan awoodaha qarsoon ee bulshadan, se taas beddelkeeda ay ku koobsadaan deraasad sarkaxaadis ah, haddana, isla aqoonyahankaasi wakhti ku bixiyaan deraasaynta fekerka Galbeedka iyo hindisayaashooda, iyaga oo u dhaqmaya sida in fekerkaasi yahay xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah, weliba iyada oo fekerkan reer galbeedka ah dejiyey fahanka waaqaca aadamaha galbeedka.
Bilo kaddib maalinkaas, galabnimo Axad ah, 13-kii Oktoobbar 2024, Xijaasi waxa uu ku geeriyooday 88 jir, kaddib nolol uu badankeeda u hibeeyey baadhista iyo deraasaynta qaddiyadaha waaweyn ee bulshada Carbeed, sida kelitalisnimada, jujuubka, dhayalsiga xuquuqda dadka iyo shaqo la’aanta. Waxa uu cilmibaadhisahan kaga shaqaysiiyey cilminafsiga, isagoo u adeegaya qaddiyadaha horumarinta aadamaha, kana duulaya waxyaabaha u gaarka ah ee qaabeeya qofka Carbeed.
Mustafe Xijaasi waxa uu sannadkii 1936-kii ku dhashay magaalada Sayda, waxbarashadiisii waxa uu u kala gudbay heerar kala duwan ilaa uu ugu dambayn Jaamacadda Caynushamsi ee Masar ku taalla uu 1960-kii ka qaatay shahaadada cilminafsiga. Dabadeed waxa uu u safray dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ka shaqeeyey xarumaha daryeelka carruurta.
1965-kii waxa uu jaamacadda Lyon ka qaatay diblooma ku saabsan aqoonta dambiyada iyo dawayntooda, haddana waxa uu sannadkii 1967-kii isla jaamacaddan ka qaatay shahaadada saree e PhD. Sannad kaddib na waxa loo qaatay in uu noqdo khabiir arrimaha cilminafsiga ah oo ka shaqeeya maxkamadaha iyo xarumaha daryeelka ee Lubnaan, waana shaqada uu hayay ilaa dhammaadka tobankii sanno ee u horreeyey qarnigan 21aad. Shaqadani waxa ay u suurogelisay in uu ku wareego xarumo ku yaalla Lubnaan iyo dalalka kale ee Carbeedba, oo shaqaalaha lagu tababaro daryeelka carruurta, sida dalalka kala ah Suuriya, Baxrayn, Kuwayd, Ciraaq iyo Qadar. Ilaa uu geeriyoodayna waxa uu hayay xilka madaxa Xarunta Lubnaan ee Cilminafsiga iyo Cilmiga-bulshada, oo ah xil maamuuseed.
Dhinaca akaadamiga marka la eego, Xijaasi waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Lubnaan, laga soo bilaabo sannadkii 1983-kii, oo uu ka dhigayey cilminafsiga. Muddadii u dhaxaysay 1990 ilaa 2006 waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Baxrayn oo uu ka dhigayey caafimaadka maanka, intaas kaddib na waxa uu bare booqasho ku taga ka ahaa kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda al-Khaliij al-Carabi. Waxii intaas ka dambeeyey, laga soo bilaabo 2008, waxa uu banbaxay qoraalka iyo cilmibaadhista.
Mustafe Xijaasi waxa uu maktabadda cilminafsiga Carbeed ku hodmiyey buuggag dhawr ah, oo ay ka mid yihiin: “Dhaqanka Ilmaha Carbeed waa Mid u Dhexeeya Galbeedayn iyo Asalraaca” (1993), “Masuuliyadda Madani ee Khabiirka Sharci: Deraasad Isbarbardhigaysa Qaanuunka Faransiiska, Masar iyo Kuwayd una Bandhigaysa Aragtiyaha Fiqi iyo Dhacdooyinka Xukunnada Sharci” (1998). “Cilminafsiga iyo Iskufuranka Adduunka: Aragtiyo Mustaqbaleed oo ku Saabsan Barbaarinta iyo Horumarinta” (2001), “Dhallinyarada Khaliijka iyo Mustaqbalka: Deraasad Gorfayneed oo Nafsadeed iyo Bulsheed” (2010) iyo buuggag kale oo xul ah. Sidoo kale, Mustafe Xijaasi uu luuqadda Carabiga u soo turjumay labada buug ee kala ah “Hadal ama Geeri” ee uu qoray Mustafe Safwaan iyo buugga kale ee ladhkiisu yahay “Qaamuuska Ereybixinaha Gorfaynta Nafeed” ee uu qoary Jean Laplanche.
Mustafe Xijaasi, waxa uu cilmibaadhisihiisa ku qaadaadhigaa waxa saameeya arrimaha dhaqan, siyaasadeed, bulsheed iyo dhaqaale ee bulshooyinka Carbeed. Waxa uu diraasaeeyey oo uu gorfeeyey saykoolajiga jujuubka iyo dulminta ee dalalka Carbeed ka jira, isagoo mawduucan kusoo bandhigay labadiisa buug ee kala ah: “Dib u Dhaca Bulsheed: Ibofurka Saykoolajiyadda Aadamaha Dulman” (1981) iyo “Aadamaha Dayacan” (2006), waana laba buug oo ka mid ah kuwa ugu caansan buugaggiisa.
Mustafe Xijaasi waxa uu cilmibaadhisihiisa xoogga ku saaray qaddiyadaha waaweyn ee bulshooyinka Carbeed, sida kelitalisnimada, jujuubka, dhayalsiga xuquuqda qofka, shaqo la’aanta iyo saboolnimada. Waxa uu buuxiyey kaalin bannaanayd marka la joogo Carabta, waxaanu kacdoon xooggan ku sameeyey dhinaca aqoonta abla’ablaynta arrimaha nafeed iyo bulsheed, waxaanu ku bixiyey mashruuc fekereed ballaadhan isaga oo si farshaxan leh u adeegsaday kasmo nafeedda si uu ugu adeego arrimaha bulshada.
Xijaasi, waxa uu ku baraarugsanaa sida cilminafsiga reer Galbeedku u horumaray, una dhabeeyey yoolal ee uu daaha uga qaaday arrimo qotodheer oo gaadhsiisan heer la fahmi karo waxa qaabeeya samaysanka qofka Galbeed, iyo deraasaynta awoodihiisa iyo waxa jaangooya habdhaqankiisa. Waxa kale oo uu ku baraarugsanaa in si sidaas si ka duwan, cilminafsiga Carbeed, inta badan, ku koobanyahay soo ergasashada deraasadaha reer galbeed iyo ku dabbaqooda bulshada Carbeed. Waxa uu yaqiinsanaa in Cilminafsiga dalalka Carbeed ku koobanyahay kaalin dabasocosho ah oo uu kaas Galbeedka ku faruurxidhanyahay, wax kastana kasoo ergisto, Cilminafsiga Galbeedka ee loo dejiyey u adeegista baahiyaha bulshadaas warshadlayda ah ee Galbeedka.
Sida Xijaasi ku doodayo, aqoonyahanka cilminafsiga sababaha ka hortaagan baadhitaanka qaddiyadaha waaweyn ee bulshooyinkooda ka dhex jira waxa ka mid ah; xidhxidhnaanta badan ee keenaysa in aan waxyaabaha qaar lagu dhiirran, lana soo bandhigin xanuuno badan oo bulsho, qofka aqoonyahanka ahina gabbaad ka galo in lagu beeggsado gorfayntiisa.
Buuggiisa “Dib u Dhaca Bulsho: Ibofurka Saykoolajiga Aadamaha Dulman” laga soo bilaabo markii uu soo baxay 1981-kii waxa uu bulshada ka helay soo dhawayn, welina waa mid kaalintiisaas weyn ku jira, oo daabacadihiisu isku xigxigeen, celcelis ahaanna sannadkiiba laba mar la daabaco. Mustafe Xijaasi buuggiisan, isagoo raacaya manhajkiisa u kuurgalka iyo abla’ablaynta arrimaha nafeed iyo bulsheed, waxa uu isku dayaya in uu deraaseeyo samaysanka nafeed iyo maskaxeed ee aadamaha dib u dhacsan iyo qaabka qofkaasi u waajaho dhibaatooyinkiisa jiritaan. Waxa uu soo bandhigaa waxyaabaha jaangooya seeska dib u dhaca iyo natiijada ka dhalata ee ah saykoolajiyad u gaar ah aadamaha dulman ee dib u dhacsan. Sida qoraagani ku doodayo, jiritaanka aadamaha dib u dhacsani waa mid u xidhan xaaladda daran ee uu usoo jiiday jujuubku, waxaanu qofku isku dayayaa in uu habdhaqan u gaar ah xaaladdaas kakan ku waajaho si uu ugu yaraan dheellitir u helo.
Waxa kale oo uu Xjiaasi u kuurgalayaa hababka difaac ee aadamaha la cabudhiyey adeegsado si uu jujuubka uga baxsado. Hababkaas waxa ugu cadcad in qofku si xidhxidho oo uu aad ugu dhego dhaqankii soojireenka ahaa iyo ku faanidda tagtadii uu qofkani haybadda lahaa. Waxa kale oo jira in uu qofku magansado awoodo khuraafaad ah oo uu aamino inay jaangooyaan masiirkiisa, sida jimanka, sxirka iyo faalka. Habka kale ee uu magansan karaa waa gacan ka hadal iyo in qofku dhiidhiyo, waana qodobka uu Xijaasi sida dhabta ah u gorfaynayo, waxaanu tusaale usoo qaadanayaa cabudhinta gabadha iyo qaababka ay ku waajahdo dhaqankaas.
Waxa uu qaadaadhigayaa tilmaamaha nafsadeed ee uu la gaarka yahay aadamaha dib u dhaca la baday iyo hababka uu iskaga difaaco. Waxa uu ku doodayaa in cabudhintaasi iyo ka dhiidhigeedu dhalaan caqabado cusub oo noqda isbeddel cusub oo bulshada ku yimaadda, barbilawna u noqda horumar cusub. Waxa uu hoosta ka xarriiqayaa siday muhiim u tahay in tilmaamahaas loo kuurgalo haddiiba la rabo isbeddel cusub oo bulshada ku yimaadda.
Buuggiisa kale ee “Aadamaha Baylahsan”, Xijaasi waxa uu sii dhammaystirayaa sawirkaas, isagoo baadhaya hababka awoodaha taliyaa u baylihiyaan xuquuqdii dulmanaha si ay ugu adeegtaan danahooda gaarka ah. Waxa uu gorfayntiisa ku eegayaa kelitalisnimada iyo hababka uu u adeegsado ee ah maquunin iyo cabsigelin, ilaa uu gaadho heer uu kelitaliyuhu isku qurxiyo qofka dulman, si uu uga dhaadhacsiiyo awooddiisa.
Maquuninta iyo baylihinta xuquuqdii qofku waxa ay si wanaagsan uga muuqanaysaa saddex-xagalka jujuubka ee ah kelitalisnimo, qabyaalad iyo asalraacnimo. Dhayalsiga xuquuqda qofka iyo ku tumashadeedu waa kala heerar sida uu Xijaasi qabo, oo heer u sarreeyaa waa in “laba aqoonsan waayo qofnimada qofka, waxa kale oo ka mid ah iska fogaynta qofka, dhayalsiga aragtidiisa iyo in loo arko qof culays uun ku ah dadka”. Tusaalaha ugu mudan waa nidaamyada doorbida khayraadka waddanka, se shacabka dulman u arka kuwo culays ku ah raaxadooda iyo badhaadhahooda.
Xijaasi waxa uu ku darayaa in ku tumashada xuquuqda qofku yeelato mararka qaar weji qofka loo rogayo agab u adeega danaha kelitaliyaha, oo naftiisa u hura marka ay dagaal noqoto, laguna shidaaliyo danaha awood ballaadhsiga. Waa agab loo adeegsado buunbuuninta boqorka kelitaliyaha ah, oo dabka lagu guro marka dagaal awoodda lagu sii ballaadhsanayaa yimaaddo.
Qormadan waxa laga soo turjumay Aljazeera