Monday 28 April 2025
Markii koowaad ee ay shaqooyinka Mustafe iga soo hor baxaan, waxaan iska dhex mushaaxayay Instgram-ka, waxa si kedis ah iiga soo horbaxay sawir uu ugu wanqalay Taallo (monument), sawir dhugmadayda qabsaday ayuu ahaa oo ay ku ladhan yihiin agabkii hiddaha oo si farshaxanimo leh u heehaabaya meel aan baradii lagu yaqaanay ahayn. Qaabka sawiradan loogu soo bandhigay hidduhu waa mid u ekaysiinaysa agabkii aad taqaanay kuwo si u maldahan oo dhuuxid iyo fahan kaaga baahan.
Sawirku waa dhawr subeeciyadood oo mid walbaa qaab hawada u heehaabayso, mid baad moodaaba in uu hagoogan yahay qof aan muuqan, waa muuqaal isdiidooyin ceegaagaan. Sawirka meel ay dhagxaan waaweyn iyo geedo sogsog ahi ay yihiin ayaa lagu qaaday, waa goob aanay astaamiihii magaaladu ka muuqan oo aan ku sheegi karno in ay tahay meel baadiye ah, baadiyuhu waa goob muhim u ah Soomaalida, isla jeerkaasna waa goob ka arradan waxa goob ka sooca goobaha kale, taas oo u ekaysiinaysa goob aan jirin. Waxa ku weegaaran sawirka girgirayaal, kuwaas oo laftoodu ka qayb qaadanaya isdiidooyinka sawirka ku ladhan. Girgiruhu waa agabka soosaara urta baadisooca u ah guriga Soomaalida. Sawirku waxa uu ka kooban yahay agabyada guriga Soomaalida sooca, isla jeerkaasna waa meel cidlo ah.
Sawirkan waxa sameeyay Mustafe Saciid, oo ah sawirqaade iyo fannaan aallada koombiyuutarka shaxano ku asla (graphic artist), isagoo isku ladha habab iyo walxo kala duwan, waxyaabaha uu shaqooyinkiisa ku ladho si uu u sameeyo muuqaal soo jiidasho leh waxa ka mid ah, sawirada, codadka iyo maansooyinka, kuwaas oo ka soo dabqaadanaya dacal kasta oo dunida ah, iyadoo sidaa ah haddana waxa ka soo baxaya hal-abuur isaga u gaar ah – oo soo gudbinaya waayaha isku qoofalan ee Soomaalilaan, ee koobsanaya tagtadeeda, taaganteeda iyo suuraha timaadada. Mustafa Saciid waa sawir qaade iyo naqshad sameeye dhageysta bulshada oo hal-abuurkiisa ku soo gudbiya waxyaalaha badanka laga maago soo hadal qaadkooda.
Waxa uu ka tirsan yahay jiil ay qaabeeyeen colaadaha, qaxa iyo kala jiidashada dhaqanka iyo casrigu, shaqooyinka Mustafe maaha kuwo keliya isku shuqliya qurxinta – waa hanaan uu ugu kuurgalo kakanaanta ka dhex aloosan haybta iyo qaabka uu qofka ku dhaqan Geeska Afriki u cabbiro naftiisa. “weligay xor uma aan ahayn in aan cabiro naftayda, ma aqoon si aan uga hadli karo naftayda ama waxyaalaha aan xiiseeyo, hadday tahay kolkaan dugsiga joogo ama banaankiisaba,” ayuu Mustafe qirtay. Ereyadani waa kuwo aan isaga ku koobnayn oo ka turjumaya dhallinyarada Soomaalida ah – waa jiil u hamuun qaba in ay aamuusnaanta buriyaan.
Mustafe cabirida naftu waxay u ahayd hawl shaki biyo dhigay – labalabayn dhaxal ah oo ka timid dhaqan u arka nuglaanta ducfinimo, furfurnaantana jaanis lagaaga faa’idaysan karo. Si kastaba ha ahaatee, shaqooyinkiisu waxay ku tanaadeen fakaagga u dhexeeya shakiga iyo ku dhaca.
Fankiisa waxay si aan toos ahayn markii koowaad isugu barteen, wargeysyada gurigooda buuxi jiray, iyo jaldiyada canjaladaha heesaha, xilli uu ku barbaarayay meel hoygooda Hargeysa ka durugsan – Sucuudi Careebiya. Albanada heesaha ee uu uruuriya ma dhagaysanayn muusiggada ku duuban, mana dhuuxayn midhahoodee waxa uu la dhacsanaa naqshada loo soo baakadeeyay iyo dhaqanka ku lifaaqan jaldiyadooda. “waxaan lacagta nusasaacaha ku soo iibsan jiray albanada muusigga, anigoo waxa aan u socdaaba tahay buugyarayha la socda ee ay naqshaduhu ku dhigan yihiin” ayuu xusay. Canjaladahan dhalaalayaa waxay lahaayeen naqshado yaab leh oo khiyaalkiisa qabsaday. Kuma uu eegayn daymo lahasho ee waxbuu ka baranayay, wuxuu dhuuxayay luuqadda ku xidhiidhista muuqaalada, isagoon ku baraarugsanayn waxa ay tahay.
Kuma uu eegayn daymo lahasho ee waxbuu ka baranayay, wuxuu dhuuxayay luuqadda ku xidhiidhista muuqaalada, isagoon ku baraarugsanayn waxa ay tahay.
Xiisaha naqshadda ee ku helay dhallaanimo waxay noqon doontaa mid uu ku mamo oo noloshiisa qeexda. Wuxuu soo xasuustay markii koowaad ee uu maqlo xirfadda naqshad samayntu (graphic design) waxa ay tahay: “Maba ogeyn xataa in ay wax jira tahay,” ayuu Mustafe qiray, “balse, waxaan fahansanaa in ay tahay agab iga saacidaya in aan sameeyo naqshado la mid ah kuwii jaldiyada ee aan la dhacsanaa.”
Kolkaan aragno sida uu xilli hore u dhex quusay farshaxankan, waxaa inoo cad, in ay huriwaa ahayd naqshadayntu in ay Mustafe shaqadiisa noqoto. Waxayna shaqo rasmi ah u noqotay kolkii uu Hargeysa u soo wareegay, ka dib sannado badan oo uu Sucuudiga ku sugnaa.
Ku soo noqoshada Hargeysi ma sahlanayn, in kastoo magaaladu markaas madaxa la soo kacaysay, haddana waxay ahayd magaalo weli ka soo kabanaysa dagaaladii sokeeye. Wax walba markaas ayaa qarbaqarbo dib loogu soo dhisayay, “Hargeysa markaas guud ahaan way burbursanayd, balse, yididiilo ayaa jirtay,” ayuu Mustafe xusay isagoo faalaynaya jawigu siduu ahaa kolkuu Hargeysa ka bilaabayay shaqada xayaysiis samaynta, shaqadaas oo ku riixi doonta in uu sii muquurto caalamka naqshadaynta. Noloshu uma wacnayn sida ta fannaaniinta adduunka ee ay isku fanka yihiin, balse, bilaw wanaagsan ayay ahayd oo jidka u xaadhay fannaanka uu noqon doono.
Markuu bilaabay in uu u shaqeeyo shirkad xayaysiisyada samaysa oo Hargeysa ku taal isaga waxay u ahayd wax shaqo ka gudaballaadhan. Waxay ahayd daaqad u furtay fahanka xidhiidhka ka dhexeeya naqshadaynta, dhaqanka iyo ganacsiga.
Xayaysiin samayntu kuma koobna iibgeynta oo kaliya, waxa kale oo ay daaran tahay haybta iyo sheekotebinta. Siyaalo badan waxay tahay mid ka turjumaysa qiyamka bulsho leedahay, lahashadooda iyo hiigsiyadooda. Mustafe shaqadiisan waxa uu ka bartay sida naqshadayntu u tahay agab lagu wada xidhiidho. Waxa uu fahmay in aanay naqshad samayntu keliya ku koobnayn wax qurxinta – waa mid khuseysa sheekotebinta, bayaan bixinta iyo yoolkeeda u danbeeya oo ah qaabaynta aragtiyaha. “Waxaan bilaabay in aan fahmo in naqshad samayntu tahay agab lagu wada xidhiidho, oo aan kaliya loo samayn fanka dartii,” ayuu yidhi. “waa agab lagu gudbiyo fekradaha.”
Shaqadani waxay ku xidhay dad badan oo ay isku wax daneeyaan, taas oo horseeday in uu bandhigiisii caalamiga ahaa ee u horreeyay ka qaybqaato; Addis Fotofest.
“Waxa goobo yar yar oo khiyaalkeena ah inagu xidhxidhay cabsiyaheena, waxa aan nafaheennii ku noqonay xabsiyo,” ayuu u sheegay nin dhallinyar ahi, xilli uu ka qaadayay warraysi qayb ka ahaa mashruuc uu waday oo la magac baxay Tamaraha Go’doonsan (Cornered Energies), waa mashruuc soo gudbinaya dhallinyarada Soomaalilaan oo ku sugan goobaha ay caadi ahaan waqtigooda ku qaataan – makhaayadaha shaaha, dacallada wadooyinka ama gudaha madaxooda. Kamarada Mustafe kaliya ma kaydiso muuqaalada, ee daaha ayay ka qaadaa, oo waxay daaqad innaga tustaa bulsho awood tirtay dhallinyarteeda. Kaliya ma sawiro, ee wuu dhagaystaa, dabadeed ka soosaaraa aragtiyaha ka dhex guuxaya. Waxay ka warramaan qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo dhaqanka kelitaliska ee cabudhiya shaqsinimada. “dalkaygii hooyo ayaan qariib ku ahay,” ayuu ruux dhallinyar ahi ku cataabay, iyadoo ereyadiisa ay cusleeyeen dareen qariibnimo ahi.
Wuxuu mashruuciisa Tamar Go’doonsan ku daadafaynayaa dhaqanka bulshadee gurracan, iskoobidda iyo xaglo laabashada. “caqabad kasta waan ka talaabsanayaa, imikadaa oo aan naftayda cabirayo waa caqabad iyo iskoobid aan ka gudbay. Waxay ila tahay in aanay adkayn, haddii aan qofku naftiisa ku adkayn” ayuu sheegay mid ka mid ah dhallinyartii mashruuca qaybta ka ahayd. Dhiiranaantoodu waa tuu Mustafe lahaa muddada geeddigiisan – geeddigiisa ka soo bilaabmay luuqyada degan ee Hargeysa heer uu gaadhay madalaha caalamiga ah.
Midabada sawirkiisa kore ka muuqda, sawirkan oo qayb ka ahaa mashruuciisa Tamaro Go’doonsan, waa taswiir qof oo lagu beddelay midabo furan, waa sawir muujinaya ruux la qarxi raba hillowga uu u qabo in uu xoroobo. Wuxuu sharaxay, “maalinkii meelo kala duwan ayaan cagta dhignaa, meel kastoo aan cagta saarnana waxaan galinaa dhaqaaq iyo ruux.” Midabada dhalaalaya doorashadooda Mustafe waxa uu ku sababeeyay in ay tusmayn u yihiin tamarta gudaheenna – oo ah midaan laylisanayn, hagnayn oo aan isla mar ahaantaana la dafiri karin. Muuqaaladani waa kuwa dhallinyaro hanweyn oo meel fog higsanaya, waa kuwo leh xirfadii ay wax ku noqon lahaayeen, balse, ay dabartay fursad la’aanta iyo iyagoon haysan madalo faneed oo hoy u noqda hibooyinkooda. Waxa uu Mustafe xusay, “Markaan doobka ahaa wax badan oo la qabtaa ma jirin, sababtaas baa dhallinyaro badan u qabatimeen qaadka, oo ay waqtigooda ugu lumiyaan marfishyada iyo makhaayadaha shaaha iyo kafeega. Waqti uun ma aha waxa ku dhimanayaa, ee waxaa ku lumaya tamar iyo fekrado badan,” Fankaa isaga ka badbaadiyay in uu deegaantaa ku saamoobo oo uu balwado qabatimo.
Mustafe fankiisu waxa uu la jaad yahay fanaaniinta isku daya in ay nolosha maalinlaha ah ee caadiga ah u soo gudbiyaan qaab duwan oo dhugmadda qabsanaya, kuwaas oo waxyaalaha iska bacaadyaalka ah u soo bandhigaya qaab cusub oo kugu kalifaya in aad dhug u yeelato, oo aad wax iska weydiiso, hanaanka sawiradiisu waa mid ku soo xasuusinaya shaqooyinka Dayfidh LaJabeel (David LaChapelle) oo ah fanaan sida Mustafe isku ladha sawir ku qabashada/kaydinta nolosha caadiga ah iyo naqshad ku lifaaqidooda, taas oo u gedinaysa sawirkii mid khiyaali ah (surreal). Dayfidh LaJabeel iyo Mustafe waxay wadaagaan oo baadisooc u ah fankooda adeegsiga midabada faraha badan, xaqiiqada agaasiman, iyo summadaha dhaqanka. Waa fan nolosha maalinle dalacsiinaya, sheekobaralay u beddelaya oo soo gudbinaya waaqac dib loogu qeexay isha kamarada.
Hanaankani maaha mid LaJabeel hindisay, waxa laftiisu si aad ah ugu saamoobay Aandi Warhol (Andy Warhol) oo isagu seeska u dhigay qaabkan muuqaalka u adeegsada sheekatebinta – Aandi waxa uu luuqad iskeed ah u gediyay agabyo uu ka soo xigtay bobka (pop), dhaqanka lahashada (consumer culture) iyo sawirada dadka caanka ah. Hanaanka muuqaalada Aandi ee aad warshadda moodo ee u eeg sawirada xayaysiisku waa mid laga dheehan karo naqshadaha bilicda leh ee LaJabeel, waa sawiro dareen rooxaaniyadeed iyo kuwo caadifadeed xanbaarsan. Si buu Mustafena raadkan ugu suntan yahay, isagoo ah fanaan saldhigiisu yahay Soomaalilaan oo ah dal dagaalo sokeeye ka soo kabanaya, waxa uu aslaa muuqaalo xaqiiqada ka kor marsan, wuxuu isku tidcaa dhaqanka caamka ah ee bulshada iyo sheekada shaqsiga ah, isagoo dib u suureeya qaybo ka mid nolosha Soomaalida – hadday tahay naqshadaha guryahooda, dharkooda iyo goobaha bulshada – kuwan ayuu si farshanimo saraysa isugu ladhaa oo ka soo saaraa luuqad muuqaaleed si ka fiirsi iyo farshaxan leh la isugu rakibay.
Halkii uu kaliya xaqiiqada kamaradiisa kaga qaban lahaa, Mustafe wuu gediyaa oo waxa uu ka dhigaa wax ka kormarsan xaqiiqada. Isagoo adeegsanaya agabyada dijitaalka iyo qaababka mala-abuurka ayuu u gediyaa sawirada caadiga ah kuwo leh dareen ku laab qaadaya oo isla mar ahaantaana aad moodo wax khiyaali ku salaysan. Qaababka iyo summadaha caadiga ah ee aan si maalinle ah u aragno ayuu ka soo saaraa sawiro khiyaali ah, oo laga siibay xariiqa kala qaybiya xasuusta iyo waaqaca taagan. Habka uu u sameeyo fanka sawiradiisu waa mid aan toos u soo gudbinaynayn xaqiiqada ay ka turjumayaan, se waa qaar carinaya dareenadda, oo dib u fasiraya xaqiiqada.
Hanaankiisu waa mid ku salaysan dalkiisa iyo taariikhda bulshadiisa. Shaqadiisu waa midaan yoolkeedu ahayn soo bandhigida muuqaalo bilic leh, balse, waa mid u kuurgasha dheelitirnaanta ka dhaxaysa summadaynta iyo haybta, hanaankan uma adeegsado in uu xaqiiqada kaga baxsado ee wuxuu u adeegsadaa in uu kordhiyo qotonaan iyo dareenka ku lamaan xaqiiqada.
Isagoo ku baraarugsan caqabbadaha ku gadaaman dhallinyarada ayuu Mustafe asaasay xarunta Fankeenna, taas oo ah madal faneed dhallinyartu hormuud ka tahay oo ku taal Hargeysa, halkaas oo uu ugu talagalay in dhallinyaradu ay ka helaan fursaduhuu dhallinyarnimadiisa hamuunta u qabay. Fankeennu madal uun maahee waa bayaan iyo fal uu kaga gilgilanayo xaglo laabashada. Xarunta Fankeenna waxay fanaaniintu ka helayaan hoolka shaxanka (gallery), istuudiyo iyo bulshaba, Mustafe iyo dhallinyarada ka hawlgala madasha Fankeennu oo laftoodu ah fanaaniini, waxay dhallinyarta iyo fanaaniinta cusub ku caawiyaan in ay u diyaariyeen madal ay fankooda ku soo bandhigi karaan, iyagoo adeegsanaya barnaamijyada uu ka mid yahay “Shaah iyo Shaxan”, sidoo kalena waxay talooyin iyo tilmaan ka siiyaan dhanka farsamo ee fanka, sida in ay ka caawiyaan diyaarinta boortafooliyooyinka iyo wixii la halmaala.
Saamaynta Mustafe waa mid xuduuda ka talowday, wuxuu iskaashi la sameeyay warbaahin caalami ah oo wuxuu ka qayb qaatay bandhigyo ka dhacay madalo waaweyn oo ku yaal Baariis ilaa Niyuuyook, taas oo codkiisa meel dheer gaadhsiisay, oo ka dhigtay isagana mid ka dhex muuqda fanka casriga ah ee Soomaalida. Isagoo ka qayb qaadanaya hindisayaasha la midka ah Art Works Projects’ Emerging Lens Mentorship Programme iyo bandhig faneedka jaadadka kala duwan ee la magac baxay The Anarchist Citizenship, Mustafe doorkiisa waa uu ka soo dhalaalay, waxa uu gacan qabtaa oo dhiirigaliyaa fanaaniinta kale, waxaana uu caddayn u yahay in xataa tamaraha go’doonka ku jiraa isbeddel horseedi karaan.
Mustafe Saciid waxa uu caddayn yahay in xataa tamaraha go’doonka ku jiraa isbeddel horseedi karaan.
Mashruuca sida u wanaagsan u soo tebinaya ruuxda faneed ee fanka Mustafe waa mashruuciisa uu ugu wanqalay Habqan Nidaamsan (Cohesive Randomness), waa shaqooyin la xidhiidha mawaadiicda colaada, bogsiinyada iyo dib u dhiska haybta. Mawaadiicdani Mustafe uma aha fahanbixinno aragti uun ku salaysan, waa kuwo shaqsi ah. “waxaan ka fekerayay siyaalaha kala duwan ee qaabeeya waxa ay ka dhigan tahay in uu qofku isu arko muwaadin caalami ah, waliba qofka ka soo jeedaa gobolkan Geeska Afrika, siyaalaha aan isu qeexno, hadday tahay rooxaaniyad ama siyaasad, iyadoo markasta yoolku yahay in la ina arko ama layna maqlo,” ayuu xusay.
Waxa uu barbaaray xilli dalku ka soo baxay dagaalo sokeeye, waxay ahayd xilli qaranku kala haadday oo qoysasku barakaceen. Dal caynkaas ah dib u dhiskiisu kaliya uma baahna in dhismayaasha dib loo taago; waxaa soo hoosgalaya in la dhayo dhaawacyada caadifadeed iyo kuwa nafsi ee sannadaha badan ee colaaduhu keeneen. Waxay Mustafe la tahay in fanku ina siinayo nidaam aan dhaymadaa u mari karno. “Waxaan aaminsanahay in fanku leeyahay awood dabiib, waa hab loogu kuurgali karo dhaawacyada gudeed,” ayuu yidhi. “Anniga, hal-abuurida fanku waxa uu ii yahay hab aan ku dabiibo naftayda iyo bulshadaba.”
Hase ahaatee, fankiisu kuma koobna baanashada oo keliya, waa qaab uu ku soo bandhigayo oo uu ku metalo bulshadiisa. Intii uu hawalaha fanka ku fooganaa waxa uu u hagar baxay hal-abuurida fan ka turjumaya kala duwanaanta iyo kakanaanta haybta Soomaalida. “Dhaqanka Soomaalidu hal wax uun maaha. Waa noocyo badan yahay, waana wax isbedbeddela,” ayuu sheegay. “Shaqada fankayguna waxay isku daydaa in ay soo gudbiso kakanaantaas, in ay muujiso in aynaan ahayn hal nooc.” Shaqadiisu waxay la loollantaa sida sarka xaadiska ah ee saxaafadda caalamku uga warranto Soomaalida. Mustafe aad buu uga dharagsan yahay qaababka kala duwan ee dhaqan Soomaaliga loo qalad fahmo, loogu been abuurto amaba loo tirtiro.
Marka dhankan laga eego fankiisu waa qaab iska caabin ah. Waa qaab dib loogula soo noqonayo lahaanshaha haybta Soomaalinimo iyo ta Afrikaanimo xilli uu adduunku isku dayayo in uu shuruudihiisa ku qeexo. Taas oo Mustafe uga dhigan in la buriyo shaabadaynta, oo la dumiyo caqabadaha dhaqan iyo in loo kuurgalo halka ay iska abbaaraan hiddaha Afrikaanimo iyo dhaqanka caalamiga ah. arrimahan iyagoo ka duulaya ayaa Mustafe iyo sawirqaadayaal kale iyo fanaaniin ka soo jeeda Geeska ku kaliftay in ay bilaabaan EverydayhornofAfrica oo ah bog instrgrama oo lagu soo gudbiyo sawiraan soo gudbinaya nolosha maalinle ee caadiga ah ee bulshooyinka Geeska Afrika. “Dhaqanku qaabab kala duwan ayuu isu soo bandhigaa, qaabab kala duwana waa loo fasiraa,” ayuu Mustafe ku sharaxay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida dhaqanku u yahay shay aan lahayn wax gaar ah oo kelidii qeexaya, hal shay oo aan isbeddelayn oo qeexaya dhaqanka Soomaalidu ma jiro. Waa wax isbeddel joogto ah ku jira, oo ay qeexayaan tagtada iyo taagantu. Shaqooyinka Mustafe waa kuwo uu tadawurkani qeexayo, oo uu ku millicsanaya sida dhaqan Soomaaligu u yahay shay ku xididaysan caadooyinka iyo la falgalka adduun weynaha.
Waxa jaadgoonida ka dhigaya fanka Mustafe waa sida kartida leh ee dabiiciga ah ee uu isku dhexgaliyo hiddaha iyo casrinimada. Jacaylka uu u qabo dhaqan Soomaaligu waa mid ka muuqata shaxan walba oo uu sameeyo, arrimaha uu ku muujiyo dhaqanka waxa ka mid ah summado dhaqan in ku lifaaqo, in uu xigto dhacdooyin taariikheed ama uu ku ladho maanso. “Waxaan rabaa in fankaygu la hadlo bulshada Soomaalida, in uu ka turjumo waayahooda, haddana, sidoo kale waxaan rabaa in uu la hadlo dadyowga kale,” ayuu sheegay. “Awoodda fanku waa in uu yahay mid xuduudaha ka gudba. Fanku waa muraayad, balse, haddana sidoo kale waa daaqad aan ka dhugano waxa suuragalka ah.”