Skip to main content

Sunday 15 February 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Musefeeni oo Markii toddobaad Raadinaya Xukunka, Mucaaradka oo Wajahaya Culayso Siyaasadeed

13 January, 2026
Image
Musefeeni oo Markii toddobaad Raadinaya Xukunka, Mucaaradka oo Wajahaya Culayso Siyaasadeed
Share

Doorashada Guud ee Yugaandha ayaa loo muddeeyey in ay dhacdo 15 Jeenawari 2026, waxaanu tartan dhex mari doonaa Madaxweyne Musefeeni oo gucle ugu jira in uu talada qabto markii toddobaad iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Bobe Wine oo ay weheliyaan murashaxiin kale.

Doorashadan ayaa ah mid isku sidkan oo ka kooban Fulinta iyo Golaha Sharci dajinta. Gudidda doorashooyinka ee Yugaandha ayaa ansixiyey 27 Xisbi siyaasadeed iyo 8 Murashax oo loo ogolaaday in ay u tartamaan jagada Madaxweynaha, waxaana ka mid ah Musefeeni oo xilka hayey tan iyo sannadkii 1986-kii (40 sanno) iyo Bobe Wine oo ahaa fannaan hore, imikana ah hoggaanka mucaaradka iyo codka dhallinyarada Yugaandha.

Sidoo kale, codadka shacabka ayaa go’aamin doonta 529 Kursi oo ah kuraasida Baarlamaanka, taas oo doorashadan ka dhigaysa mid aad u saameyn badan kolka la fiiriyo sooyaalka dhaw ee Yugaandha.

Si kastaba, saaxadda siyaasadda Yugaandha ayaa ah mid aad u xadidan oo aan furfurneyn. Warbixinno ayaa tilmaamaya in Xisbiga talada haya uu marar badan adeegsaday awood dawladeed si u xakameeyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka. Intaas waxa dheer, doorashooyinkii hore in ay ka dhasheen rabshado, cago julayn loo gaystay suxufiyiinta, xabsi aan sharci ahayn iyo in ay dawladdu xadidday xorriyadda muwaadiniinta. Tallaabooyinka ayey walaac weyn ka muujiyeen Qaramada Midoobay iyo ururrada bulshada ee Yugaandha.

Dhanka kale, murashixiinta mucaaradka, gaar ahaan hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Bibe Wine iyo Xisbigiisa NUP ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo weerar joogta ah oo kaga imanaya Laamaha dawladda, waxaana jira eedaymo tibaaxaya in ciidamada ammaanku ay adeegsadeen awoodo xad dhaaf ah, isla markaas na ay hor istaageen shirarka mucaaradka si ay u kala diraan dadka taabacsan.

Tallaabooyinkan ka dhanka ah mucaaradka ayaa kor u qaaday shakiga ku gadaaman hufnaanta iyo caddaaladda doorashooyinka loo ballansanyahay ee 2026.

Musefeeni, afartankii sanno ee uu joogay talada waxa uu qaabeeyey saaxadda siyaasadda ee Yugaandha, waxaanu dhidabbada u aasay awooddiisa xukun isaga oo wax ka beddel ku sameeyey dastuurka isla jeerkaasna meesha ka saaray qodobadda xadidaya xil qabashada.

Doorashooyinkii hore ee Yugaandha gaar ahaan sannadkii 2021, waxa hadheeyey rabshado iyo eedaymo kala duwan oo isugu jira wax-is-dabo marin iyo cago julayn loo gaystay mucaaradka, taas oo keentay in ay kormeerayaasha caalamiga ahi ay dhaleecayaan, halka mucaaradku na uu qaadacay natiijooyinkii ka soo baxay.

Inkaste oo la filayo in uu doorashadanna ku guulaysto Xisbiga talada hayaa, isla markaasna aad loo xadiday dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, haddana waxa jira dedaallo iyo iska caabbin ay wadaan mucaaradku.