Tuesday 11 November 2025
Ummadda Soomaaliyeed waxay ka mid tahay dadyowga leh dal ay ku abtirsadaan iyo dhaqan aad u da' weyn. Suuragal ma aha maqaal yar oo koobnaantiisa leh in looga wada hadlo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta la moodo maro la dhigay meel ciid ah oo aboor meel soo jeedda ka dhawray, balse waxaan halkan wax uga soo qaadanaynaa qodob ku saabsan magac-bixinta Soomaalida.
Dad badan waxay la tahay in magac uu magac yahay oo aan wax micna ahi ku jirin. Ciddii ay sidaa la tahay waa hubaal in wax iska beddelayaan haddii ay dheehdaan dhaqanka Soomaalida. Soomaalidii hore, intaan ifka dad kale uga imaan aakhirana looga soo warramin, waxay la bixi jirtay magacyo iyaga u gaar ah oo ku fadhiya micne buuxa, magacyadaasi waxay ku bixi jireen siyaabo kala duwan, sida:
Aminta iyo xaaladdu sida ay markaa tahay qofka waa loogu magac bixin jiray, qof kasta oo magacaas maqlaana waa garan jiray sababta loo bixiyey iyo aminta goftaasi dhashay sida, Kaynaan, Jimcaale, Waadhawr, iwm.
Xiriirka labada waalid iyo saameynta ilmuhu ku yeesho, sida, Nageeye, Beegsi iwm.
Oddoraska iyo ilaalaynta xiddigaha. Marba rugaha xiddiguhu kala joogaan waxay ka garan jireen waxa qofkaasi ku samcan yahay sida maalka, aftahannimada, caaqilnimada, abbaanduulanimada, iwm. Taasi oo qofka magaciisa saldhig looga dhigi jiray. Tusaale, Falxado, Dirir iyo kuwo kale.
Qofku markuu dhasho oo gu' ama laba jiro, hadduu eego qof waayo-arag ahi wuxuu u bixin jiray magac ka warramaya shaqsiyadda ilmahaas. Qofkaasi markuu weynaado dabeecadiisa iyo magacii loo bixiyey inta badan waa is-waafaqi jireen, waana halkay Soomaalidii hore ka oran jirtay "qof iyo magacii isu-eg", tusaale, Dhinbiil, Dacar, Garas, iwm.
Hordhacaas yar ka dib, halkan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynaa fasiraadda qaar ka mid ah magacyada Soomaalida iyo siyaabihii ay ku bixi jireen.
Kaaha: Soomaalidii hore waxay magacaan u bixin jirtay gabadha asageed ka weyn, ka hor calafta ama ka hor dhadigaata.
Dhudi: Asal ahaan waa xarig laba dhudood ah dhudiis. Soomaalidii horana waxay u bixin jirtay laba gabdhood oo mataana ah midda dambe. Inta badan mataanteed waa ka dhuuban tahay oo ka jin yar tahay. Magaca intii dambe looma aabbe yeelin, wuxu noqday kool gabar kasta oo dhuuban loo baxsho.
lidaan: Magacani wuxuu ku bixi jiray siyaabo kala duwan oo ay ka mid ahayd:
b) Wiilka ay walaalo yihiin shan ilaa toddoba hablood waa loo bixin jiray.
t) Waxaa kaloo loo bixin jiray wiilka markuu yar yahay qosolka iyo hadaaqa badan, qof uu yaqaan iyo qof kale midna aan ka qaloon. Xilliga daaddahaynta cid walba waa raacaa waana la ciyaaraa. Kuray markuu noqdo dadka waaweyni waxay jeclaystaan hadalladiisa. Carruurta filkiisa ahna sheekada iyo ciyaartu uma toosto haddii uu ka maqan yahay. Sidaa darteed mar kasta waa raadiyaan. Soomaalidii hore waxay la ahayd wiilkaasi in uu bulshada u dhex gali doono sida iidaanku raashinka u dhex galo.
Dheel: Waxaa loo bixin jiray ilmaha sanka ka dhidida. Soomaalidii hore waxay la ahayd ilmahaasi inuu noqon doono qof xishood badan, wax san mooyee aan waligii wax xun ka shaqayn. Waxaa la arkaa ilmahaasi markuu weynaado in uu noqdo dadka afarta calaacalood ka dhidida, siyaabo kale na magacu waa ku bixi jiray.
Dacar: Waxaa loo bixin jiray wiilka markuu caroodo aamusintiisa shido laga la kulmo, goorta uu caraysan yahay hooyadu hadday naaska ku dudo waa qanqaniinaa. Willkaasi markuu faraxsan yahay ciyaarta kama daalo, waa qosol badan yahay. Mudada farxadiisu joogto haddii la dilo ama wax ku dhacaan hore uma ooyo, halkii uu ka ooyi lahaa waxaaba la arkaa inuu ka qoslo. "Dacartu macaan iyo qadhaadh labadaba waa dhashaa" inta loo daliishado ayaa wiilkaa Dacar loo bixin jiray. Soomaalidii hore waxay la ahayd wiilkaasi wanaag iyo xumaanba inuu leeyahay labada kuu u dhaqaaqana ka jibo keeni karo.
Fidow: Waa magac kool ah. Waa dherer iyo jalaqsanaan. Fiidu waa curubta ugu dheer curubta geedaha. Magacu rag iyo dumar midna kama caagana. Gabdhaha waa Fiido. Magaca intii dambe looma aabbo yeelin.
Waadhawr: Gabar habeenkay dhalatay la doonay ama la bixiyey wiilkeeda curad waa loo bixin jiray. Reer in badan dhashu ka raagtay wiilkooda curad waa loo bixin jiray. Arooryada hore wiilka dhasha waa loo bixin jiray. Magacaan waxaa bara bixiyey magac cusub oo ah "Salaad".
Gadiid: Waxaa loo bixin jiray wiilka dhasha cadceeddu markay cirka ku kala baran tahay oo waliba aad u kulushahay. Waxaa la fili jiray in wiilkaa ad-adayg lagu kuunyi doono. Maalinta wiilkaasi dhasho habeenkeeda dirirku hadduu fariisto rugaha qaarkood Soomaalidii hore waxay la ahayd in wiilkaasi cir-ka-yeer noqon doono. Magacani wuxuu ka mid yahay magacyada sii lumaya.
Miido: Waxaa loo bixin jiray gabar sagaal ilaa koow iyo toban wiil ka weynyihiin oo guri dambays ah. Inta badan habeenkay dhalato ama iyadoon kankeed galin ayaa la dooni jiray ina ragna wuxu isku arki jiray ardaagooda. Soomaalidii hore waxay la ahayd in gabadhaa wiilal badan laga dheefi doono, magacuna halkaa ayuu daarran yahay. Magaca intii dambe looma aabbo yeelin, wuxuuna ka mid yahay magacyada sii dhimanaya. Mar marka qaarkood meeshiisii waxaa gala magaca ah "Milgo".
Saluugla': Hadday gabari wiil ku mataansan tahay oo dhalashada gabadhu soo horrayso kadibna wiilku dhasho gabadhaa waxaa loo bixin jiray Saluugla'. Magacani intii dambe wuxuu iska noqday kool.
Arrimahan iyo kuwo kale oo ku saabsan magac-bixinta Soomaalida waxaa laga ogaan karaa in dhaqanka Soomaalidu si yaab leh ugu xeel dheer yahay xiddigiska (astronomy) iyo cilmi nafsiga (psychology). Ka dib markii ay timid diinta islaamku kuna milantay dhaqanka Soomaalida, waxaa soo kordhay magacyada islaamiga ah, sida Maxamed, Cabdullaahi, Faadumo, Caasha, iwm.
Haddaba, haddii aynu lahayn magacyada xigmaddaa leh, maanta maxaynu la baxnaa? Waalidiinta Soomaaliyeed ee waqtigan jooga waa ka habaabeen in ay ubadkooda u bixiyaan magacyadaas sharafta leh ee ka soo jeeda diintooda ama magacyada asalnimada leh ee ka soo jeeda jirridda dhaqanka ummaddooda.
Magac-bixinta Soomaalida waxaa laga ogaan karaa in dhaqanka Soomaalidu si yaab leh ugu xeel dheer yahay xiddigiska (astronomy) iyo cilmi nafsiga (psychology)
Habowga Soomaalida maanta joogta wuxu gaarsiisan yahay heer ay ubadkooda ugu magac daraan magaalooyin ayna aqoon, dawlado qalaad, qaarado iyo quruumo kale. Dal iyo xadaarad, ama aqoon iyo ilbaxnimo ma sheegan karaa qofka Soomaaliyeed ee ilmihiisa u bixiyey Yurub, Turki, Baariis, Geni, Istarliin, iwm?
Sida aynu maqaalka qaybtiisa hore ku soo sheegnay maanta dhaqankeennii waxaa looga dhex baxay sida shaahu shaandhada uga dhex baxo.
Soddonkii sano ee ugu dambeeyey nin maanso tiriyay iyo mid meel wax ku qoraaba waxay ka digayeen cirib xumada ka soo fool leh burburinta dhaqanka. Dardaarankaasi ma noqon moos celiya daadka dhaqankeennii sida xaabada u qaaday.
Haddaba ma u darsanay dhaqankeennii? Jawaabtu hadday haa tahay, ma soo celin karnaa? Ma heli karnaa daawo dhaqankeenna shifaysa? Su'aalahaa jawaabtooda waxaan ku lafa-guri doonaa doodo dambe.
Fiiro gaar ah: Qoraalkan waxa laga soo qaatay Wargays-xilliyeedka Suugaanta & Dhaqanka Soomaalida ee HAL-ABUUR, tirsigii koowaad ee soo baxay xagaagii 1993-kii. Waxa dib u qoray hawlwadeennada Madashada Geeska.