Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Muqdisho waxay Luminaysaa bilicdii Baadisooca u ahayd

29 January, 2025
Image
Mogadishu
Mogadishu Light house (Photo by Abdirahman Bulshawi)
Share
Muqdisho waa magaalo waligeedba la jaanqaadi jirtay nashqadda guryo dhiska ee markaa adduunka ka socota, waa magaalo dhismayaasheeda ay saamayn ku leeyihiin Sawaaxiliga ilaa Talyaaniga iyo markii danbe oo ay qaadatay nashqadaha casriga ah ee deegaannada dhulbadhaha kulaala. Balse, dhawaanahan waxaa khatar ku ah bilicdii baadisooca u ahayd iyo naqshad xeebeedkeedii saraha dhaadheer iyo qorshe xumada.

1331 ayaa dhulmareenkii caanka ahaa ee reer Marooko, Ibnu Batuuta, ku tilmaamay Muqdisho “magaalo aad u weyn” magaalo bilic leh oo qani ah, taas oo ay ku kulmaan marinnada ganacsiga ee badweynta Hindiya. Ganacsato lebis wacan ayaa kaga ganacsanayay alaabo ay ka keeneen dhul durugsan, magaaladuna waxay noqotay xarun dhaqan iyo xarun dhaqaale, taas oo dhacda galbeedka baweynta Hindiya. Xilligaa, waxa Muqdisho ka talinayay Saldanaddii Muqdisho, oo ahayd maamul magaalo xooggan taas oo gobolka Geeska Afrika kaga caan baxday in ay tahay xarun ganacsiyeed weyn. Suldaan Abuu Bakar Ibnu Sheekh Cumar, wuxuu yagleelay maxkamad horumarsan waxaana uu madax ka ahaa magaalo ku caan ah dhaqaalaheeda iyo martisoorkeeda. Markii danbe, magaaladu waxay qayb ka noqotay Saldanaddii Ajuuraan, waxay ahayd saldanad markasi ah iyo dawlad muslim ah taas oo isku fidisay oo maamushay guud ahaan Geeska Afrika intii u dhaxaysay qarnigii 14-aad ilaa kii 17-aad.

Waqtigii ay ka talinayeen Ajuuraanku, magaaladu horumar muuqda ayay ku tallaabsatay, waxaa hareeraha webiyadda Shabeelle iyo Jubba laga hirgaliyay nidaamyo biyeed sida dhaamam, ceelal iyo shabakado waraab. Hindisayaashani waxay Saldanaddii Ajuuraanka u saamaxeen in maamulkoodu ku xididaysto deegaannadaas, oo ay u gediyaan xarumo ay ka socdaan beerasho heersareysa iyo dhismayaal billicsan. Muqdishana xukunkoodu intuu yimid way ku sii tanaaday, waxaana laga taagay dhismayaal ashqaraar leh, sida masaajidka Arbaca Rukun iyo Masjid Jaamaca – waxa lagu dhisay nashqaddo jaadgooni ah oo kulansaday nashqadaha Carabta, Sawaaxilliga iyo Soomaalida. Masaajidan markaad eegto darbiyadood nuurada cad, albaabadooda iyo daaqadahooda loo qoray sida qaansada, iyo qubbadooda waa kuwo la isu miisaamay quruxda iyo ujeedka. Baadisooca magaalada Muqdisho waxa uu ahaa mid ku tidcan in ay tahay xarun dhaqan, oo ay ganacsatadu uga kala timaaddo Hindiya, dhulka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo midkastaa summadiisa kaga tagay magaalada.

Vasco da Gama, sahamiyihii caanka ahaa ee reer Burtuqiis ee qarnigii 15-aad, wuxuu la dhacay saraha magaalada Muqdisho iyo qasriyadeeda waaweyn, ee summada u ah hantida magaalada ee ku tiirsan ganacsiga dahabka, fool maroodiga iyo dharka. Muqdisho keliya ma ahayn xarun ganacsiyeed, waxay sidoo kale ahayd xarun dhaqannadu ku kulmaan. Iyadoo magaalada qarniyadii kala danbeeyay maamulo kala duwan isaga daba mareen – laga soo bilaabo boqortooyadii Beershiya ee Mudafariinta oo magaalada xukumay qarnigii 14-aad ilaa maamulkii Saansibaar ee qarnigii 19-aad – naqshadaha dhismaha magaalada waxa saameyn ku yeeshay kala duwanaanta maamuladii soo maray iyo dadka ku dhaqan. Dhaxalkan qaniga ahi wuxuu Muqdisho ka dhigay mid leh hidde ka soocan deegaannada kale ee Soomaaliya, wuxuuna siiyay hayb magaalanimo oo kulmisay dadyow kala duwan, taas oo ka dhigtay mid ka duwan magaalooyinka kale ee dalka. Muqdisho waxay isu beddeshay magaalo mustacmaradeed, imaatinkii Talyaaniga, ee 1889 ka dib.

Gacanta badhasaab Giacomo De Martini, magaaladii darbiyada qadiimka ah lahayd si aad ah ayaa loo dooriyay. Darbiyadii ku seeranaa waa la dumiyay, nashqadii hanaanka Carabta ahaydna waxaa lagu beddelay mid casri ah, taas oo soo kordhisay wadooyin waafi ah, dhismayaasha dawladda iyo goobo caam ah oo kuwa Yurubiyaanka shabbaha. qorshe magaaleedkii la dejiyay 1912 wuxuu noqday qorshihii koowaad ee ugu ballaadhnaa ee Muqdisho dib loogu qaabaynayo, waxaa la sameeyay laba faras-magaalo iyo degmada maamulka dhexe taas oo xidhiidhinaysay labadii degmo ee taariikhiga ahaa.

Si ka duwan magaalooyinka kale ee Afrika ee gumeysigu qabsaday, kuwaas oo xaafadaha Yurubiyaanka laga taagay barbarka xaafadaha dadka dhaladka ah, Talyaanigu waxay dhex dageen xaafadihii qadiimka ahaa ee Muqdisho, taas oo dib u qeexday haybteeda. Xilligii taliska Faashistaha, Muqdisho isbeddelo dheeraad ah ayaa laga hirgaliyay si loogu muujiyo damaca taliskii gumeysiga. Jidadka waaweyn sida Corso Vittorio Emanuele ayaa masrax u noqday dhoolotusyada iyo bandhiga Imbiraaliyadda, halka, dhismayaasha sida kiniisada Catholic Cathedral iyo Aargada Umberto I ay summad u noqdeen xukunka Talyaaniga.

arch

Aargada Umberto I oo burbursan, Diisembar 6, 1994 Muqdisho, Somalia. (Xuquuqda Sawirka Scott Peterson/Liaison/Getty Images) 

Huteelka Croce del Sud oo uu naqshadiisa dejiyay Carlo Enrico Rava 1933, waxa uu magaalada ku soo kordhiyay billic casriga ah, waxaana uu astaan u noqday u digarogashada naqshadaha camaliga ah ee sahlan. In kastoo isbeddelada magaalada xilligan lagu waday ahaayeen kuwa ay xoog ku meelmarinayaan maamulkii gumeysigu, haddana, magaaladu waxay ka heshay dhaxal saameyn doona dhismayaasha markii madaxbanaanida la qaatay. Ka dib markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii, qaranka curdinka ahi waxa uu qaatay naqshadaha casriga ah si uu u muujiyo haybtiisa qaranimo iyo yididiiladiisa. Taliskii Siyaad Barre oo xukunka boobay 1969-kii, wuxuu u adeegsaday dhismayaasha astaan uu ku muujinayo horumarka iyo midnimada. Dhismayaasha sida Tiyaatarka Qaranka iyo Golaha Shacabku waxay ka turjumayeen qiyamkan, iyagoo lahaa xariiqyo saafan iyo naqshad sahlan oo ka dab qaadanaysa naqshadda casriga ah ee deegaannada dhulbadhaha kulaala. Dhismayaashani waxay astaan u ahaayeen Soomaaliya oo isu dhigaysa qaran horusocod ah, oo iska fogaynaysa waayaheedii gumeysiga.

Goobaha caamka ah ayaa dib looga dhigay xarumaha dabaaldegyada qaranka, Muqdishana waxay noqotay masrax lagu soo bandhigo dhabaradayga iyo rejada Soomaalida. 1974, ayaa magaalada mar kale la gediyay, si ay u martigaliso shirkii Ururka Midnimada Afrika. Kelmadii furitaanka ee uu shirka ka jeediyay, Siyaad Barre, oo ahaa hogaanka milatari ee dalka, ayaa dareenkii markaa Soomaaliya ka jiray ku cabiray odhaahdan: “Ummada Soomaaliyeed waa ummad tawriyiin ah, kuwaas oo aaminsan kacdoonka Afrika, kaas oo ah in cadaaladda iyo nabadu gacan sareeyaan.” Nuuradiin Faarax oo ah baarka saree qoraayada Soomaalida, lamuu dhacsanayn tookha janaraalka, sheekafaneediisa “Gadhoodh Macaan” Dhismaha waxa uu u xaqiray sidan:

“Dhismaha uu wasiirka wasaarada dhismuhu ku hantay kalsoonida Janaraalka, kuna guddoomey billad xiddig ah. Waa dhisme weyn oo qaab daran, oo caddayn u ahaa in shacabku dhisi karaan foolxumo weyn haddii fursad ay u helaan. Far walba oo la qaadayo bilawgii ilaa dhammaadkii, qorshe dejintii, shubkii, Janaraalka ayaa la soo marinayey. Cidna u ma sheegin in laga soo gudbey qaabkii dhismaha ee xilligii Muusaliini iyo Linnin. Injineerrada iyo falsamo dejiyayaashuba way u nacamlaynayeen. Tan waxaa lagu sii gardaadinayey sawirro jamaaciya oo lagu daabaco saxaafadda keliya ee dalka ka jirta. Madaxa kooxda dhismuhu soo jeedinaha aan cilmiga ku dhisnayn ee Janaraalka dhammaan wuu aqbalayey, isagoo si ka habboon ogsoon.”

Wuxuu ku tilmaamay in ay tahay “taallada rejooyinka dhalanteedka ah.” Nuuradiin Faarax wuxuu aad u naqdiyay qaabkay magaaladu isu beddelaysay xilligii taliska Siyaad Barre, wuxuuna ku tilmaamay waxa isbeddelkani ka dhigan yihiin:

“Markaad Muqdisho timaaddo, ee aad bartamaheeda aaddo, waxaad arki dhismayaal dhaadheer oo cusub; dhismayaal xadhig-ka-jarkooda is xigxiga loo adeegsadey maqaska lagu awood-tiray ee lagu boqnagooyey dalkan.”

Yididiiladii waqtigaa waxaa ka daba yimid burburkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya liqay 1990-kii. Colaadihii dagaalada sokeeye, dhismayaashii dhaxalka ahaa ee Muqdisho daqiiqda ayay ka dhigeen, waxay tirtireen dhismayaashii qarniyada astaanta u ahaa ee qeexayay haybta magaalada. Dagaalku wuxuu burburiyay duntii bulshada isku haysay, xaafadihii buu kala qaybiyay, goobihii taariikhiga ahaana waa la dayriyay. Taariikhda siyaasadeed ee Muqdisho, waa mid ay xilliyadii kala danbeeyay summadooda ku reebeen, laga soo bilaabo saldanadihii qadiimka ahaa iyo xilligii gumeysiga ilaa xilligii shuuciyadda. Hasayeeshee, xilligii dagaalada sokeeye xooganaayeen ee magaaladu hoobashada ku jirtay ee burburka ba’ani ku socday, waxay soo afmeerantay 2010-kii.

Muqdisho waxay gashay weji ay dhismayaal badani ka socdaan, dhismayaal ay gacanta ku hayaan maalgashiyada gaarka loo leeyahay, oo guud ahaan aan nidaamsanayn. Kartida xukuumadu ku hagi karto horumarka magaaladu waa mid weli liita. Maanta Muqdisho waa magaalooyinka u koboca sareeya Afrika, hasa ahaatee, waa koboc uu khasaare ku lamaan yahay. Qorsha la’aanta magaalada waxaa ka dhashay dhismayaal baalmaray oo iska indhatiray sooyaalka magaalada iyo cimiladeeda. Guryihii hiddaha ahaa, ee ay mar qeexi jireen barandayaasha hadhaysan, balakoonada waafiga ah iyo dariishadaha neecawda dabiiciga ah siiya gudaha, waxaa beddelay saro dhaadheer oo aan munaasib ku ahayn cimilada xeebaha. Dhismayaashan oo badanaa lagu dhiso agab jabani, maaha kuwo ku habboon kulka iyo hanfiga, taas oo ka dhigaysa kuwo aan waarid iyo raaxo lahayn. Dhagax shacaabigii mar astaanta u ahaa dhismayaasha Muqdisho, waxa lagu beddelay shub.

Billicdii magaalada Muqdisho ayaa dhantaalantay. Magaaladii rinjiga dirayska ah lahayd, ee jardiinada cad ee faalladaha qoraxda celiya lahayd, jardiinadii muujin jiray shaqsiyadeeda xeebeed, waxaa beddelay midabo isku qasan oo qaab darran. Naqshaddii qaansada ahayd ee qeexi jirtay naqshada hiddaha ah ee Muqdisho, taas oo summad u ahayd saamaynta islaamka iyo Sawaaxiliga, waxaa lagu beddelay shub qaab laydi ah leh oo aan wax xidhiidh ah la lahayn hiddaha magaalada. Isbeddeladani waxay Muqdisho ka xayuubiyeen naanaystii ay ku hanatay nashqadaheeda dhisme ee jaadgoonida ah; “Luulkii Caddaa ee Badweynta Hindiya”.

Degmooyinka taariikhiga ah ee Xamarweyne iyo Shangaani, oo dhaca bartamaha dhaqan ee Muqdisho, kuwaas oo sidoo kalena ah summada dhaxalka taariikheed ee magaalada, waa goobaha saamaynta ba’ani haleeshay. Horumarinada casriga ahi badanka waxay baalmaraan xeer-nidaamyada u degsan dhererka, nashqada iyo agabka, waxaanad arkaysaa iyagoo dul hoganaya masaajid qarniyo taagnaa iyo guryaha qadiimka ah. Goobaha dadweynaha, oo mar lafdhabar u ahaa isdhex galka dadweynaha iyo nolosha bulshada, waxaa la wareegay ganacsiyadda gaarka loo leeyahay ama waxaa cidhiidhyaya dhismayaasha cusub. Gaar yeelida goobaha dadweynuhu waxay sii wiiqday wadajirkii bulshada, oo shacabkii waxay waayeen goobihii kulmin jiray. Dhismayaasha hadda Muqdisho ka socda waxaa dabada ka riixaya dano gaaban oo dhaqaale, halkii, laga yeelan lahaa qorshe durugsan oo ay hagayaan waaritaan iyo ilaalinta dhaqanku.

Maadaama oo aanu jirin qorshe magaaleed isku dubaridan, waxa taas ka dhashay dhismayaal cusub oo aan ku xisaabtamayn baahiyaha bulshada. Kobocan aan nidaamsanayni ee ka socda aawadeed Muqdisho waxay khatar ugu jirtaa in ay noqoto isku raran kala daadsan, oo ka go’an taariikhdeeda qaniga ah iyo asalkeeda.

Dhuminta haybta nashqadeed ee magaaladu keliya kama dhalanayso bilic darro, waxaa ku lamaan cidhib xumo dhaqan iyo mid bulsheed. Dhismayaasha Muqdisho waxay ahaayeen kuwo tebiya taariikhda bulshadeeda, dhabar adaygooda iyo la falgalkooda adduun weynaha. Markaa haddii lagu beddelo sooyaalkan dhismayaal la soo ergistay oo qaab darran, waxaa dhacda in magaaladu lumiso ruuxdeedii. Tirtiridani keliya ma saamaynayso muuqaalka magaalada, waxay saamaynaysaa oo kale xasuus wadareedka iyo haybta dadka deegaanka ku ah.

Dhuminta haybta nashqadeed ee magaaladu keliya kama dhalanayso bilic darro, waxaa ku lamaan cidhib xumo dhaqan iyo mid bulsheed. Dhismayaasha Muqdisho waxay ahaayeen kuwo tebiya taariikhda bulshadeeda, dhabar adaygooda iyo la falgalkooda adduun weynaha. Markaa haddii lagu beddelo sooyaalkan dhismayaal la soo ergistay oo qaab darran, waxaa dhacda in magaaladu lumiso ruuxdeedii. Tirtiridani keliya ma saamaynayso muuqaalka magaalada, waxay saamaynaysaa oo kale xasuus wadareedka iyo haybta dadka deegaanka ku ah.

Iyadoo caqabadahani jiraan, haddana Muqdisho waxay fursad u haysataa in ay dib ula soo noqoto haybteeda. Dedaallada bulshadu ay horkacayaan ee dayactirka, sida dayactirka masjid Jaamaca Xamarweyne iyo Arabaca Rukun, ayaa tusaale fiican u ah muhiimada ay leedahay in bulshadu ka qayb qaadato ilaalinta sooyaalka magaalada. Iyadoo casharo laga qaadanayo Magaalo Dhagaxeedka Saansibaar iyo Timbuktu, Muqdisho waxay awooddaa in ay isku dhafto ilaalinta sooyaalkeeda iyo horumarinta magaalada. Tusaalayaashani waxay hoosta ka xariiqayaan doorka ka qaybgalka bulshada iyo qorshaha laga baarandegay ku leeyihiin isku dheelitirka casriyeynta iyo hiddaha.

Waxaa lagu soo celin karaa haybtii Muqdisho lahayd, iyadoo dib loo soo celiyo goobihii dadweynaha iyo iyadoo lagu ladho qodobbo ka mid ah naqshadihii hiddaha ahaa dhismayaasha cusub. Waxaa adeegsigooda la soo celin karaa dhagax shacaabiga, qaabkii qaansada ahaa, iyo darbiyaddii nuurada lahaa, taas ayaa buundo u noqon karta tagtada iyo taaganta, oo sugi karta in dhismayaasha cusubi dheelitiraan taariikhda magaalada. Kor u qaadida dalxiiska dhaqan iyo maalgalinta dib u dayactirka dhismayaasha taariikhiga ahi waxay abuuri karaan fursad dhaqaale, iyadoo isla mar ahaantaana arrintani weynaynayso haybta soocan ee Muqdisho.

Muqdisho way ka weyn tahay magaalo dad ku ganacsadaan oo ku dhaqan yihiin; waa muraayadii Soomaaliya. Dhismayaasheedu waxay tebinayaan sheekada bulsho ka soo samatabaxay isbeddelo qarniyo soo taxnaa, tan iyo Saldanaddii guunka ahayd ee Ajuuraan ilaa caqabadaha waqtigan casriga ah taagan. Haddii mudnaanta la siiyo ilaalinta hiddaha iyo qorshe magaalo laga baaraandegay, Muqdisho waxay kansho u haysataa in ay soo baxdo magaalo taariikhda iyo casriyowgu si dheelitiran uga wada jiraan – oo ay noqoto minaaradii dhaqanka iyo dhisme bilcanaanta ee Afrikada Bari.

Maadaama oo ay Muqdisho tahay Luulkii Caddaa ee Badweynta Hindiya, waxay leedahay mustaqbal qaddarinaya tagtadiisa oo diyaar u ah in uu la daabasho filashooyinka beritoole.

Waxa turjumay Maxamed Buux.