Saturday 6 December 2025
Ku dhowaad saddex meelood meel ka mid ah qarnigan ayaa ka soo wareegtay kolkii la aasaasay awooddii Soofiyeetka. Ilaa Noofembar 1917, 30-kii sannadood ee la soo dhaafay insaanku, si gaara ah dadka hantigoosatada ah ee reer Yurub waxa ay soo mareen marxalad qalalaase siyaasadeed iyo dhaqaale oo joogta ah oo isugu jira colaado daran oo u dhexeeya xoogagga dimquraadiyadda iyo nabadda iyo xoogagga iska caabbinta iyo dagaalka. Waxa ay galeen dagaal caalamiya oo aad u xun, waxa ayna ka soo baxeen iyaga oo rejo qaba. Laakiin, maanta waxa ay mar kale taaganyihiin isgoys taariikheed oo ay ficillada dawladaha iyo shucuubtu jaangoyso colaad ama nabad; iyo in uu iman doono mustaqbal horusocod ah, xorriyad iyo barwaaqow; ama culays kale oo cusub oo cabudhin iyo dhiigmiirad ku dhisan oo mar labaad qaada jidka burburka iyo dhimashada.
Marxaladdani, shaki la’aan, waxa ay ahayd duufaantii ugu cuslayd ee Insaanku soo maro, laakiin isla sidoo kale, waxa ay ahayd marxalado ay dadka iyo qaramaduba kasbadeen waaya’aragnimo qaali ah oo ay leedahay muhiimadda jihada mustaqbalkoodu. Innaga oo ku soo nooleyn marxaladdan— halgan maalinleh ah, waxa aynnu si weyn oo buuxda u qaddarinaynaa waaya’aragnimadan qiimaha leh; iyo ta ugu muhiimsan, oo ah in jiritaanka awoodda Soofiyeetku ay ahayd midhodhal ilaa bilowgii Kacaankii Hantiwadaagga Oktoobar ee weynaa; midhadhal bay u ahayd qaramada iyo biniaadankoo dhanba. Jihada sooyaalka dunidu maalintaas ayaa uu isbeddelay kolkii ay qodata iyo shaqaalaha Ruushku oo ay hoggaaminayaan xisbigii Leenin iyo Istaalin ay hilfaha u laabeen xukunkii Tasaariga; ayna sidoo kale cagta mariyeen iskudaygii “Social
Democracts-ku” ay ku rabeen in ay badbaadiyaan rajiimka hantigoosiga dhiigmiiradka ah, iyaga oo khiyaameynaya dadka shaqaalaha ah; laakiin maalintaas magacii hantiwadaagga ayaa xukunka lagu qabsaday waxaana la bilaabay in la dhiso bulsho hantiwadaag ah.
Hantigoosadka iyo Imbiryaaliguba waxay waayeen kutagrifalkii iyo amarkutaagleyntoodii. Waxa ayna ku qasbanaadeen in ay wajahaan xooggaga cusub ee soo baxay. Xooggan cusubina wuxuu ku korey oo ka helay awood nolosha maalinlaha ah ee 200 milyan oo hormuud ka ah dhismaha bulshada cusub; iyo wacyiga malaayiinta kale ee shaqaalaha ah ee addduunku ku faafsan. Maalintaa wixii ka dambeeyay, Midowga Jamhuuriyadaha Hantiwadaagga Soofiyeetku wuxuu hormuud ka ahaa su’aal kasta oo taabanaysa ninka iyo naagta shaqaalaha ah, dhaqdhaqaaq kasta oo shaqaale; mudaharaad kasta iyo kacdoon kasta oo shaqaale iyo ummadaha la cabudhiyay; iyo halgan kasta oo shaqaale; dawladda Hantiwadaagga ee Soofiyeetkuna waxay noqotay xoogga qudha ee u taagan ee jiheeya si dhab ah u dirirka xorriyadda, nabadda iyo xorreynta shaqaalaha.
Dhammaanteen waynu xusuusanaa sannadihii ugu horreeyay Kacdoonka Oktoobar. Xaqiiqada ah in dabaqadda shaqaaluhu ay awooddo in ay dal qabsato oo ay awooddana sii haysan karto waxay noqotay waxay u riyaaqeen malaayiin iyo malaayiin dad ahi. Tani waxay tallaabo midhodhal ah u ahayd nolosha dabaqadda shaqaalaha ah iyo dhammaan saaxiibbada daacadda ah ee horusocodka ah ee jaangoynayay habfekerkooda akhlaaqeed, aydiyoolajiyadeed iyo siyaasadeed. Waxa la caddeeyay in dabaqad cusubi ay xukunka qabsan karto, ayna beddeli karto dabaqaddii dhiigmiiratada ahayd ee hore. Waxa la caddeeyay in silsiladaha imbiryaaliga la jebin karo. Waxa la caddeeyay in biniaadanku qaadi karo jid cusub oo guuleysta oo horseedi kara in dabaqadda shaqaaluhu ka warqabto kaalinteeda, iyadoo ay shardi u tahay in xisbi awood u leh uu ku hoggaamiyo xaqiijinta iyo gaadhista kaalintaas. Cadowga dabaqadeenna – hantigoosatada, imbiryaaliyiinta, guushiii Oktoobar waxay uga dhigneyd jalaska geeridooda.
Waana sababta intii lagu gudajirey sannadihii hore ee ka dambeeyay Oktoobar 1917, waxa soo baxay hirar waaweyn iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah nidaamkii burjuwaasiga, iyo imbiryaaliga; dhaqdhaqaaq wada gaadhay dhammaan waddamadii hantigoosatada iyo gumeysiga ku jireyba, inkastoo aanay guul buuxda u keenin dabaqadda shaqaalaha, haddana waxay ahayd astaan bilow u ah dhaqdhaqaaq cusub oo u fidey si joogta ah oo ballaadhan, xoogaystay, gudihiisa is daahiriyay, noqdayna dhaqdhaqaaq caalamiya oo u halgama nabadda iyo xorriyadda.
Intii lagu gudajirey sannaddadaas, wixii ugu muhiimsanaa ee dabaqadda shaqaalaha ee dhammaan dalalka adduunku ay heshay wuxuu ahaa wax cusub oo midhadhal ah. Wax kale ma ahayn e, waa waaya’aragnimadii Bolshefiika oo inta ay fahmaan ay ku dabbaqi karaan waaqicooda si kalsooni leh. Guusheenna aan laga fursanayn, waaya’aragnimadani waxa ay inna tustay jid loo maro guusha, waana sababta Kacaankii Oktoobar uuna keliya u ahayn dhalashada awoodda Soofiyeetka, laakiin sidoo kale uu ahaa dhalashada dhaqdhaqaaq Shuuciyadeed oo caalamiya oo soo dersay; iyo dhaqdhaqaaq wacyi oo ay dadku iskaga jebinayaan silsiladaha imbiryaaliga.
Cadowgeennu waa ay fahmeen tan, waxayna ka galeen halgan qadhaadh oo dhinacyo badan; faragelin hubaysan oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Soofiyeetka ee da’da yar, aargoosiyo gacankahadal ah oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada dabaqadaha shaqaalaha ee dalalka hantigoosiga, iyo kuwo ka dhan ah dhammaan kacdoonnada dadyowga la gumeysto. Isla sidoo kalena, “Social Domocracts-ku” dhabarka ayay ka toogteen shaqaalaha si ay u daciifiyaan dhaqdhaqaaqyadooda kacdoonnimo, kala daadiyaan oo u musuqaan dhexdooda.
Dadka Ruushka ee ay hoggaamiyeen labada cabqari ee Leenin iyo Istaalin ee u saaxiibka ah fekerka kacdoonnimo iyo ficilku waa ay guuleysteen. Midowga Jamhuuriyadaha Hantiwadaagga ee Soofiyeetku waa ay ka adkaadeen dhammaan cadowga gudaha iyo dibedda. Dhinaca kale, dawladaha hantigoosigu kolkii ay dib u galeen qalalaasihii dhaqaale ee aan laga fursanayn, dabaqadda dhiigmiiratada ah iyo rajiimyadoodu waxa ay miciinbideen gacankahadal baahsan iyo faashiistanimo. Taa caksigeeda, Midowga Soofiyeeti wuxuu u istaagay sidii minaarad u iftiiminaysa jidka dhammaan dadka sida xorta ah u fekera ee horusocodka ah.
Soofiyeetku wuxuu caddeyn nool u yahay in dadka shaqaalihii oo ay hoggaaminayaan dabaqad shaqaale iyo xisbiga Bolshefiika ay dhisi karaan jaad cusub oo bulsho; mid dhaqaale cusub leh, warshadayn baaxad leh, beero hantiwadaag ah iyo dawlad hantiwadaag oo dimuqraaddiya oo ay dadka shaqaalihii yihiin xor iyo kuwo faraxsan oo aanay kaalinna ku lahayn khaaimiinta, cadowga dadka, faashiistanimada iyo adeegayasheeduba. Sannadihii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Dunida, dawladdani waxay dhiirrigelisay in dadku iska caabbiyeen faashiistanimada, waxay hoggaamisay halgan ka dhan ah dagaal u oomanayaasha, waxay ahayd curiyihii iyo abaabulihii midaynta xulafada dadyowgii u geylamayay ee u dagaalamayay xorriyadda iyo nabadda.
Intii lagu gudajirey Dagaalkii Labaad ee dunida, Soofiyeetku wuxuu aadamaha ka badbaadiyay baabi’in, addoonsi iyo faqri. Wuxuu ku badbaadiyay ciidankiisa dhiirran iyo qiimaha kuwii ugu wanaagsanaa wiilashiisa iyo gabdhihiisa. Wuxuu a ku badbaadiyay guulihiisa warshadowga iyo firfircoonida dhaqaalihiisa hantiwadaagga ah. Wuxuu ku badbaadiyay midnimada iyo adkeysiga dadkiisa, kuwaas oo burburiyay kibirkii iyo gardarradii Hitlariyiinta iyo Faashiistayaasha. Waxay Insaanka ku badbaadiyeen siyaasaddooda xariifnimada leh ee ay ku mideeyeen xooggagii dimuqraaddiga ee ka dhanka ahaa cawaannimada faashiistaha, iyaga oo tusaale iska-caabbineed u noqday kuwo soo duuley, cariyayna halganka inta ugu mudan ee dadka shaqaalaha ah ee qaramada Yurub iyo dunidaba.
Kadib guushii Oktoobar, marka laga yimaaddo in lagu guuleystay dhisidda dhaqaale hantiwadaag ah, waxa loo baahnaa caddeymo dheeraada in Hantiwadaaggu uu yahay badbaado iyo ilbaxnimada mustaqbalka; caddeyntaasna waxa keenay Midowga Soofiyeeti intii lagu gudajirey Dagaalkii Labaad ee Dunida. Taasina waa sababta isla mar kale la isugu abaabulay Midowga Soofiyeeti iyo xooggaga dimuqraaddiga ee horusocodka ah ee dunida; abaabul dhan xaddi ka badan kii sannadihii hore ee Kacdoonka Oktoobar. Jid dheer baana aynnu ka soo gudubnay ilaa iyo xilligaas. Silsiladdii Imbiriyaaliguna waxay ka jabtay waddamo dhawra oo kale; waddamo hadda noqday dimuqraaddiyiin shacab, haatanna cagta saaray oo ku socda jidka Hantiwadaagga.
Waddamada aan maanta weli gaadhin tan oo kale, dabaqadda shaqaaluhu iyo unugyada dimuqraaddiguba waxa ay isu beddeleen dhaqdhaqaaqyo ballaadhan oo awood u leh in ay u dagaallamaan dadkooda, una istaagaan duruuf walba oo ay ku jiraan. Shiinaha iyo Hindiya, dadkii ay addoonsatay imbiriyaaliyaddu waxa ay iska furayaan oo iska qubayaan silsiladihii addoonsiga. Bini’aadanku waxay hore u qaadeen jid ku wajahan ulajeeddadiisa dhabta ah oo ah in la soo gebagebeeyo hantigoosadka iyo imbiriyaaliyadda. Tanna waxa suurtagelisay jihaynta uu muujiyay jiritaanka Midowga Soofiyeeti, sababta oo ah waa wadashaqeynta midhadhalka ah ee ummadaha Hantiwadaagga ah.
Cadowgeennii mar kale ayay dib isugu abaabulayaan xooggoodii. Iyaga oo ka cadheysan horusocodkeenna, waxa ay mar kale doonayaan in ay dib u bilaabaan aaladihii dagaalka iyo baaruudda. Qaybtaa ay dhulka ka xukumaan waxa ka jirta fadqallalo, khilaafyo iyo faqri ay wajahayaan dadka shaqaalaha ah oo weliba loogu darey cadaadis. Kooxdaa aan digigaxan ee iscajabisay ee dagaal u oomanayaashu, imbiryaaliyiinta iyo adeegayaasha imbiryaaliyaddu waxay naaxiyaan nashqadda dembiga ah ee lagu soo celinayo qar-iska-tuurnimadii Hitlar iyo Musalooni.
Maanta, halganka loogu jiro nabaddu waxa uu ahaa ahaan doonaa udub-dhexaadka daruuriga u ah dhammaan dadka ka werwersan ilaalinta ilbaxnimadooda iyo noloshoodaba. Halgankani waxa uu inna dareensiiyay in aynnu boqollaal iyo kumannaan jeer ka xoog badannahay sidii hore, halka mrooradillaaca imbiryaaliyiinta, madaxdooda iyo weliba hoggaamiyayaasha “Social Democracts-ka” ee iyaga u adeega oo aynnu arkayno daciifnmadooda sii kordhaysa. Iyagu sida oo kale waa ay ka warqabaan in maalinba maalinta ka dambaysa ay dadyowga iyo qaramada ay xukumaan ay gacamahooda ka siibanayaan, saacadddoodina ay soo socoto. Waana aynu ognahay, si aynnu u gaadhno saacaddan u dambaysa, waxa daruuriya in la helo dagaal cusub oo dadkoo dhammi ay xorriyaddooda ku raadsanayaan.
Waxa kale oo aynnu ognahay hoggaamiyaha innoo dammanad qaadaya guusheenna. Hoggaamiyahani waa dalka uu Hantiwadaaggu ku biqlay ee immikana u gudbaya Shuuciyadda, una taagan ilaaliyaha nabadda, xorriyadda iyo madaxbannaanida dadka oo dhan. Hoggaamiyahani waa tacliimaadka Maarkis-Engelis-Leenin-Istaalin, iftiiminaya jidka Xisbiga iyo dadkii guuleystay Kacaankii Oktoobar ee 1917, ka gadaalna ka gudbay caqabadihii ay wajaheen, dhammaan cadowgiina burburiyay.
Halkan ayay ka turjumaysaa muhiimadda caalamiga ah ee Kacaankii Oktoobar iyo xuskeeduba oo sannadba sannadka ku xiga loo dabbaaldego, iyada oo intii hore ka yiddidiilo weyn. Halkan ayay ka soo burqataa isha kalsoonida guusheennu.
Qormadan waxa soo turjumay Cabdifataax Barawaani, waxaana laga soo turjumay ‘The International Significance of the October Revolution’