Saturday 13 June 2026
Dimuqraadiyaddu ma aha oo keliya doorashooyin la qabto. Waa nidaam ku dhisan xeerar iyo mabda’a ah in cid kasta oo talada haysaa ay ugu dambayn dib ugu noqoto shacabka si ay u hesho sharciyad cusub. Taasi waa waxa kala saara nidaam dimuqraadi ah iyo nidaamyada kali-taliska iyo boqortooyada. Dimuqraadiyaddu waxay ku nooshahay kalsoonida shacabka, isla xisaabtan joogto ah, iyo in awoodda lagula kala wareego si nabdoon oo waafaqsan dastuurka.
Somaliland, markii ay dib ula soo noqotay dawladnimadeeda, 18-kii May 1991, waxay bilowday geeddi-socod siyaasadeed oo ka duwan kii ka jiray Geeska Afrika intiisa badan. Dib-u-heshiisiin beeleed, shirar nabadeed, iyo dhismaha hay’ado dawladeed ayaa horseeday in lagu guulaysto dhismaha nidaam dawladnimo oo ku salaysan heshiis bulsho. Shirkii Boorama ee 1993 waxa lagu ansixiyey Axdi Qarameedkii ugu horreeyey, halka aftidii dastuurka ee 2001 ay si rasmi ah u furtay albaabka dimuqraadiyadda casriga ah ee Somaliland.
Intii u dhexaysay 2001 ilaa 2005, Somaliland waxa ka socday hirgelinta nidaamka dimuqraadiga ah. Waxaa la qabtay doorashadii goleyaasha deegaanka, doorashadii madaxtooyada, iyo doorashadii Golaha Wakiillada. Gobolka Geeska Afrika, Somaliland waxay ka noqotay iftiin dimuqraadiyadeed oo tusaale u noqday in bulsho colaado kasoo baxday ay dhisi karto nidaam dawladnimo oo xilka lagula kala wareego doorasho qof iyo cod ah. Hoggaankii siyaasadeed ee xilligaas waxa uu dalka ku hoggaaminayey aragti ku dhisnayd nabad-dhis, dib-u-heshiisiin, iyo dhismaha hannaan dimuqraadi ah oo xilalka siyaasadeed lagula kala wareego. Laakiin isla xilligii la dhisayay nidaamkaas cusub, waxa bilaabmay dhaqan siyaasadeed aan markaas si weyn loo dareemin: waa muddokordhin.
Muddokordhintii ugu horraysay ee taariikhda Somaliland, ka dib markii la ansixiyey dastuurka, waxa la sameeyey 12-kii January 2002, markaas oo Golaha Guurtidu muddo hal sano ah u kordhiyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin. Xilligaas, doorashadii madaxtooyada weli lama qaban, waxaana loo arkayay kordhin ku-meel-gaadh ah oo lagu diyaarinayo doorashadii ugu horraysay ee tooska ahayd.
Markaas, dad badani waxay arrinta u arkayeen xal farsamo oo ku-meel-gaadh ah; ma ahayn dhibaato siyaasadeed. Laakiin waxa aan la dareemin waxay ahayd in la furay albaab aan la garanayn xilliga la xidhi doono. Markii ugu horraysay, waxa la aqbalay in muddo-xileed la dhaafin karo iyada oo aan shacabka taladii dib loogu celin. Taasi waxay noqotay bilowga dhaqan siyaasadeed oo muddo ka dib saamayn weyn ku yeeshay dimuqraadiyadda Somaliland.
Tan iyo markii la ansixiyey dastuurka, iyo bilowgii geeddi-socodka dimuqraadiyadda casriga ah, sida uu sheegay xoghayaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Ayaanle, oo 30 April 2026 shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa kuna sharxayey muddokordhinnadii ay sameeyeen Golaha Guurtidu, waxa la sameeyey 27 muddokordhinood oo loo kala sameeyey hay’adaha kala duwan ee dawladda. Golaha Wakiillada ayaa loo sameeyey sagaal muddokordhinood oo kala duwan, taas oo ka dhigtay hay’ad muddo dheer sii fadhida, iyada oo aanu shacabku dib u soo dooran.
Golaha Guurtida laftiisu sagaal jeer ayuu isu kordhiyey isaga oo aan waligiis marin hannaan sharci ah oo dib loogu soo dooranayo, waxana uu weli ku joogaa xulistii 1993-kii. Madaxtooyada waxa loo sameeyey toddoba muddokordhinood oo soo kala maray saddexdii madaxweyne ee dalka soo maray, ansixintii dastuurka ka dib, halka goleyaasha deegaannadana saddex jeer loo kordhiyey inay sii shaqeeyaan iyaga oo uu muddo-xileedkoodii dhammaaday.
Marka si gaar ah loo eego muddokordhinta madaxtooyada, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee loo sameeyo muddokordhin, waxaana muddo-xileedka loo kordhiyey afar jeer. Wadarta guud ee muddokordhintaas waxay noqotay labo sano iyo sagaal bilood. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) labo jeer ayaa muddo loo kordhiyey, waxaana wadarta muddadaas noqotay laba sano iyo lix bilood. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isagana hal mar ayaa muddada loo kordhiyey, taas oo noqotay laba sano.
Marka la isku daro muddokordhinta saddexda madaxweyne, waxa soo baxaya xaqiiqo siyaasadeed oo muhiim ah: muddo-xileedka dastuuriga ah ee shanta sano ahi si dhab ah ugama shaqayn Somaliland sidii loogu talagalay. Sharci ahaan, madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa shan sano, laakiin waxa soo baxay muddo-xileed kale oo aan qornayn, kaas oo sheegaya in muddo-xileedka madaxweynuhu uu gaadhi karo toddobo sano.Tirooyinkani ma aha tirooyin keliya; waa sawir muujinaya sida muddokordhintu u noqotay nidaam joogto ah.
Marka si qoto dheer loo eego, dhibaatada muddokordhintu ma aha oo keliya in doorasho dib loo dhigo. Dhibaatada dhabta ahi waa inay si aan la dareensanayn u beddelayso falsafaddii dimuqraadiyadda Somaliland. Nidaamkii markii hore ku dhisnaa “shacabku ha doorto cidda xukunka qabanaysa” waxa ay awooddaasi si aan sharci ahayn ugu wareegtay Golaha Guurtida, taas oo hadda ka dhigan “Golaha Guurtidu ha go’aamiyo goorta talada shacabka dib loogu celinayo.”
Somaliland, muddokordhintu waxay noqotay wax si caadi ah loo aqbalo. Doorasho kasta oo dib u dhacda, waxa lagu sababeeyaa ama loo cuskadaa mar dhaqaale la’aan, mar farsamo, mar amni, mar abaar, iyo mar kale khilaaf siyaasadeed. Qaar ka mid ah sababahaas waxay bilowgii ahaayeen kuwo macquul ah, laakiin marka ay noqdaan kuwo soo noqnoqda muddo labaatan sano ka badan, su’aashu waxay noqonaysaa: dhibaatadu ma duruufaha ayay ku jirtaa mise nidaamka laftiisa?
Mid ka mid ah meelihii ay ka qalloocatay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland, haddii aynu xusno, wuxuu ahaa heshiiskii lixda qodob ahaa ee dhexmaray xisbiyadii mucaaradka ahaa iyo xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, kaas oo lagu go’aamiyey in mudnaanta la siiyo doorashada madaxtooyada halka dib loo dhigayo doorashadii goleyaasha deegaanka. Markii ugu horraysay, waxa si rasmi ah loo aqbalay in jadwalka doorashooyinka lagu beddeli karo heshiis siyaasadeed iyo danaha xilligaas jiray.
Wixii ka dambeeyey 2007, waxa soo shaac baxaysay isbeddel ka feker ee ku socday dawladnimada. Dawladda mar dambe looma arkin mashruuc qaran oo la wada leeyahay; waxa sii xoogaystay aragti ku salaysan in dawladda laga dhex raadiyo dano dhaqaale, saameyn ganacsi, iyo awood shaqsiyeed.
Golaha Guurtida laftiisu wuxuu noqday tusaalaha ugu cad ee hakadkaas. Markii aan loo samayn sharciyad cusub iyo hannaan doorasho, goluhu wuxuu lumiyey kaalintiisii indheer-garadka iyo odayeynta ahayd. Golaha Guurtidu wuxuu isu beddelay gole fadhiid ah oo aan dib loo cusboonaysiin, balse haddana haya awood siyaasadeed oo aad u weyn. Daraasad ay samaysay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (APD) ayaa muujisay in Golaha Guurtidu isu beddelay hay’ad si joogto ah ugu lug leh dib-u-dhigista doorashooyinka. Daraasadda APD waxay sidoo kale ka digtay in maqnaanshaha sharci iyo hannaan lagu soo doorto Golaha Guurtidu uu dhaawacay sharciyaddii iyo kalsoonidii hay’addaasi ku lahayd bulshada.
Hay’adihii kale ee ilaalin lahaa nidaamkana iyaguna waxay noqdeen kuwo gabay shaqadoodii. Waaxdii garsoorka, oo ahayd inay noqoto hay’adda ilaalisa dastuurka iyo xadka awoodaha dawliga ah, waxay noqotay waax la ilaaway. Marka la barbar dhigo xukuumadda iyo sharci-dejinta, garsoorku wuxuu noqday hay’adda ugu hooseysa korniinka, saamaynta, iyo awoodda. Maxkamadihii iyo garsoorkii laga sugayay inay xaddidaan xadgudubyada dastuuriga ah ma aysan yeelan awood siyaasadeed iyo mid sharci oo ay ku joojiyaan dhaqanka muddokordhinta.
Xisbiyadii siyaasadduna iyaguna ma noqon kuwo dimuqraadiyadda difaaca. Xisbiyada laftooda kama dhex jirto dimuqraadiyad dhab ahi. Shirweynayaashii guud ee xisbiyada, doorashooyinkii hoggaanka, iyo shirarkii golaha dhexe marar badan ayaa dib loo dhigaa ama muddo loogu kordhiyaa. Xisbiyo aan gudahooda ka jirin dimuqraadiyad iyo isla xisaabtan; ma noqon karaan kuwo marka ay xukunka yimaadaan ilaalin kara nidaamka dimuqraadiga ah? Waxay si dabiici ah u sii wadaan dhaqankii ay ku soo koreen — dhaqanka ah in wakhtiga la dheereeyo, xeerarka la dabciyo, lana helo waddo kasta oo kursiga lagu sii joogi karo.
Waxaa intaas dheer hoos u dhicii doorkii hay’adaha bulshada iyo warbaahinta madaxa-bannaan. Wixii ka dambeeyey 2010, qayb badan oo ka mid ah ururradii bulshada waxay ku dhex milmeen nidaamka siyaasadda. Warbaahintii ahayd codka bulshada waxay si toos ah ugu milantay loollanka xisbiyada iyo xukuumadda. Xilliyadii hore ee dawlad-dhiska Somaliland, ururrada bulshada rayidka ahi waxay ahaayeen laf-dhabarta cadaadiska bulshada ee ilaalinayay jihada dimuqraadiyadda. Waxay ahaayeen codka digniinta marka nidaamku leexdo, waxayna kaalin weyn ku lahaayeen abaabulka doodaha qaran iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.
Warbixintii ay soo saareen isbahaysiga ururrada bulshada Somaliland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan “COSONGO”, taas oo loo gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay sannadkii 2010, ayaa muujinaysay hoos-u-dhaca ururradii bulshada. Warbixintu waxay xustay in hay’adaha madaxa-bannaan ee ilaalin lahaa xuquuqda, xorriyadda hadalka, iyo isla xisaabtanka ay sii daciifayeen, isla markaana nidaamka garsoorka iyo maxkamaduhu ay yihiin kuwo tabar daran oo aan si buuxda u difaaci karin xorriyadaha dastuurku dammaanad qaaday. Waxa kale oo ay tilmaantay cabudhinta saxaafadda, xadhigga suxufiyiinta, iyo faragelinta sii kordhaysay ee waaxda fulintu ku haysey goobihii bulshada rayidka ahayd.
Daraasad kale oo uu sameeyey ISIR Think Tank oo cinwaankeedu ahaa “Ma hoos ayuu u dhacay doorkii bulshada rayidka Somaliland?” ayaa muujisay in wixii ka dambeeyey 2010 uu hoos u dhac ku yimid madaxbannaanidii ururrada bulshada. Qaar badan waxay ku milmeen nidaamka siyaasadeed ee jira; qaar waxay noqdeen kuwo dhaqaale ahaan ugu tiirsan xukuumadda iyo mashruucyada dibadda; halka qaar kalena lumiyeen awooddii ay bulshada ku abaabuli jireen. Natiijadu waxay noqotay in codkii saddexaad ee dheellitiri lahaa xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadda uu si weyn u yaraado.
Waxaa isa soo taraysa sida muddokordhinta lafteedu u noqotay dhaqan siyaasadeed caadi ah. Marka aanay jirin wax cawaaqib ah oo ka dhasha muddo-dhaaf, siyaasiyiintu waxay bilaabaan inay muddokordhinta u arkaan qayb dabiici ah oo ka mid ah siyaasadda Somaliland. Madaxweyne muddo-dhaaf ah ma lumiyaa awoodihiisii? Sida in uuna yeelan saxeexyo ? Awoodaha dastuuriga ah ma laga xaddidaa? Jawaabtu waa maya.
Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ma jiraan wax masuuliyad ama culays siyaasadeed oo ka dhasha marka muddadooda la kordhiyo. Taasi waxay abuurtay dhaqan cusub oo khatar ah: in siyaasiyiintu ku xisaabtamaan muddokordhin halkii ay ku xisaabtami lahaayeen doorasho.
Dhacdooyinkaa aynu ka soo sheekeynay oo dhami waxa ay muujinayaan dhaawac weyn ee soo gaadhay dimuqraadiyadda Somaliland. Dimuqraadiyaddu kuma noola doorashooyin keliya; waxay ku nooshahay bulsho rayid ah oo madax-bannaan, warbaahin xor ah, iyo aqoonyahan ku dhiirrada inuu runta sheego. Marka ururrada bulshada rayidka ahi lumiyaan madaxbannaanidooda, marka warbaahintu ku dhex milanto loollanka xisbiyada, marka aqoonyahanku aamuso ama dano ku milmo, waxa meesha ka baxa codkii bulshada ee odhan lahaa: MAYA!
Waxaa maanta muuqata in muddokordhintu aanay ahayn oo keliya dib-u-dhac doorasho; balse ay noqotay dhaqan siyaasadeed si qoto dheer u beddelay fahamkii dawladnimada, sharciyadda, iyo xidhiidhkii u dhexeeyey shacabka iyo cidda talada haysa.
Dareenka niyad-jabka ah ee shacabku maanta waxa uu ka muuqdaa daraasadaha iyo qoraallada laga sameeyey dimuqraadiyadda Somaliland. Daraasad uu qoray Mustafe Maxamuud Cabdillaahi kuna daabacay RSIS International Joornaal ayaa tilmaamaysa in caqabadaha ugu waaweyn ee nidaamka doorashooyinka Somaliland ay noqdeen dib-u-dhacyada joogtada ah, muddokordhinta, iyo kalsoonida sii yaraanaysa ee shacabka. Daraasaddu waxay sheegtay in inkasta oo Somaliland lagu ammaano nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo doorashooyinka qof iyo codka ah, haddana dib-u-dhacyada soo noqnoqday iyo doorashooyinka aan waqtigooda ku qabsoomin ay dhaawaceen kalsoonidii dadweynaha iyo sumcaddii dimuqraadiyadeed ee Somaliland.
In su’aal la geliyo halka ay ku socoto geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland kuma koobna cilmi-baadhayaasha maxalliga ah; sidoo kale waxa su’aalo ka keenay hay’adihii iyo ururradii caalamiga ahaa ee muddada dheer taageerayey dimuqraadiyadda Somaliland. Warbixin cilmi-baadhiseed oo ay diyaarisay UK House of Commons Library sannadkii 2023 ayaa lagu sheegay in Somaliland muddo dheer loo arkayay tusaalaha dimuqraadiyadda Geeska Afrika, balse dib-u-dhacyada doorashooyinka, muddokordhinta joogtada ah, iyo khilaafaadka siyaasadeed ay halis geliyeen xasilloonidii iyo sumcaddii ay ku faani jirtay.
Dhanka kale, jiilka cusub ee siyaasadda soo galaya ayaa dawladnimada u arkaya meel aan isla xisaabtan ka jirin iyo ay taheyn meel il dhaqaale ahaan uga faa’iidaystaan. Taasi waa cawaaqibta ugu horreeyey ee hadda inoo muuqda ee ka dhashaymuddokordhinta iyo nidaamka sii daciifaya . Marka siyaasadda laga waayo mabda’, adeeg bulsho, iyo tartan ku salaysan waxqabad, waxa soo baxa siyaasi aan doonayn inuu wax dhiso, balse doonaya inuu nidaamka ka dhex helo dano gaar ah.
Dimuqraadiyaddu ma burburto hal maalin gudaheed. Waxay ku burburtaa marka xadgudubyada yaryar la caadiyeysto, marka muddokordhintu noqoto joogto, marka shacabka loo sheego in codkoodu aanu go’aaminayn waqtiga talada lagu soo noqonayo. Somaliland muddo ayay ahayd dalka sida calanka dimuqraadiyadda Geeska Afrika. Laakiin maanta su’aashu ma aha oo keliya in doorashooyin dib u dhacaan. Su’aashu waa: dimuqraadiyadda Somaliland ma weli waxay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka, mise waxay noqonaysaa mid nidaamkeeda gacanta ku hayaan siyaasiyiin goorta ay doonaan talada dib ugu celiya dadweynaha?
Gabagabadii, khatarta muddokordhintu maanta kuma koobna oo keliya dib-u-dhac doorasho ama muran siyaasadeed; waxay si toos ah u taabanaysaa mustaqbalka nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyo kalsoonidii bulshada ee dimuqraadiyadda. Marka muddo-xileedkii dastuuriga ahaa si joogto ah loo dhaafo, marka doorashooyinku noqdaan ballanqaad dib u dhacaya, marka hay’adihii ilaalin lahaa nidaamku ay daciifaan, waxa si tartiib ah u burburaya heshiiskii siyaasadeed ee Somaliland lagu dhisay.
Masuuliyadda badbaadinta dimuqraadiyadda Somaliland maanta kuma koobna xisbiyada siyaasadda ama hay’adaha dawladda oo keliya; waxay saaran tahay bulshada inteeda damiirka leh, aqoonyahanka, dhalinyarada, warbaahinta madaxa-bannaan, iyo qof kasta oo dalka dan ka leh. Dadka dalka jecel waa inay hadlaan kana horyimaaddaan dhaqanka siyaasiyiintu caadiyeysteen ee muddokordhinta iyo dib-u-dhigista joogtada ah ee doorashooyinka.
Haddii siyaasiyiintii shacabka loo dirsaday inay ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka dawladnimo ay iyagii noqdaan kuwo ka shaqaynaya dano gaar ah, muddokordhin, iyo sii fadhiga kursiga, markaas waxay khatar ku yihiin nidaamkii dawladnimo ee lagu soo dhisay naf hurnimada iyo dedaal muddo dheer socday. Baraarug bulsho, cadaadis siyaasadeed, iyo dadaal joogto ah oo ku wajahan in doorashooyinku waqtigooda ku dhacaan ayaa keliya badbaadin kara dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa la gaadhay xilligii si cad loo odhan lahaa: maya muddokordhin joogto ah, maya caadaysiga dib-u-dhigista doorashooyinka, iyo maya saaqidnimada siyaasadeed ee lagu burburinayo kalsoonidii shacabka. Haddii aan maanta laga hortagin dhaqanka muddokordhinta, waxa iman karta maalin ay Somaliland lumiso waxa keliya ee ay muddo dheer ku faanaysay: sumcaddeedii dimuqraadiyadeed.