Friday 16 January 2026
Dhimasho iyo in ka badan toban dhaawac ah ayaa laga soo warinayaa mudaharaaddo rabshado watay oo xalay fiidkii ka qarxay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Mudaharaadkan ayaa lagaga soo horjeeday go’aan ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo lagu ogolaaday in la qabto xaflad loogu dabbaaldegayo 'Xeer Ciise', oo ah xeer dhaqameed qabiil oo ay dhawaan aqoonsatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO).
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, dadweyne cadheysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada si ay u muujiyaan diidmadooda go’aankan ay Xukuumaddu qaadatay oo ku burisay isla mid ay hore u qaadatay oo ay ku joojisay qabashada xafladdaas. Dadka isu soo baxay ayaa xidhay qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn, iyaga oo gubay taayirro, ka hor inta aanay xaaladdu isu beddelin iska hor-imaad toos ah oo dhexmaray iyaga iyo ciidamada booliska oo la soo dhoobay agagaarka xarumaha dawladda iyo waddooyinka halbawlaha ah.
Agaasimaha Cisbitaalka Boorama, Dr. Sahal Axmed, oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa xaqiijiyay in isbitaalka la keenay maydka hal qof iyo ku dhawaad toban qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, ka dib markii ay boolisku rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha. Ma se cadda weli in dhaawacyada oo dhani ay ka dhasheen rasaas iyo in qaarkood ku dhaawacmeen rabshadaha la socday bannaanbaxa.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah dibadbaxayaashu ay khasaare hantiyadeed u geysteen dhismayaal xukuumadeed oo ku yaalla magaalada, oo ay ka mid tahay laanta Bangiga Dhexe ee Boorama. Dhanka kale, suuqyada ayaa xidhan saacado badan, xilli ay jiraan xaalad heegan amni iyo kacsanaan bulsho oo xooggan oo laga dareemayo magaalada.
Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Awdal ama taliska booliska iyo Xukuumadda dhexe midna oo ku saabsan xaaladaha kacsan ee degmada iyo khasaaraha dhacay toona.
Dhacdooyinkan ayaa daba socda xiisado hore oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka jiray magaalo xeebeedka Saylac, ka dib markii lagu dhawaaqay qorshe lagu qabanayo xaflad loogu dabaal-degayo 'Xeer Ciise' oo dhawaan lagu daray liiska dhaxalka dhaqan ee aadanaha ee UNESCO. Muranka ka dhashay munaasabaddaas ayaa mar hore dhaliyay mudaharaaddo kooban iyo xadhigga dhallinyaro ku lug lahayd, arrintaas oo keentay in xukuumadda Somaliland ay dirto wefdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdillaahi Maxamed Carab, si ay wadatashi ula yeeshaan odayaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal. Wadahadalladaas ayaa, sida ay sheegeen waxgaradku, lagu gaadhay is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan in la dejiyo xaaladda, lana furo wadahadal u dhexeeya dawladda iyo hoggaanka dhaqanka oo ku saabsan arrimaha wax u dhimi kara nabadda bulshada. Markii dambe, waxa ay Xukuumaddu soo saartay in ay joojisay munaasibadda Xeer Ciise, arrintaas oo mar kale abuurtay kacsanaan bulsho oo dhanka kale ah.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in xaaladdan aanay ka madhnayn xisaabo goboleed; iyaga oo qaba in nidaamka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan dib isu soo sharraxay markii lixaad ka dib wax-ka-beddel dastuuri ah, uu ka faa'iideysanayo loolanka taariikhiga ah ee u dhexeeya beesha Ciise oo siyaasad ahaan ku xooggan Jabuuti iyo beesha Gadabuursi oo ku xooggan galbeedka Somaliland. Dadka aragtidan qabaa waxa ay leeyihiin xasaasiyadda laga qabo soo bandhigidda buugga ee magaalooyinka ay wadaagaan labada beelood ee gudaha Somaliland waxa ay salka ku haysaa muranno soo jireen ah oo la xidhiidha dhulka iyo saameynta astaan haybeed ee labada beelood ku leeyihiin dhulka.
Si kastaba ha ahaato e, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa shalay oo Khamiis ahayd u sheegay saxaafadda in xukuumaddu ay ka laabatay go'aankeedii hore, ayna go'aansatay in si rasmi ah loo ogolaado qabashada munaasibadda bandhigga Xeerkaas, badhtamaha bishan. Ku dhawaaqistan, oo ay dadweynaha Boorama u arkeen mid iska indho-tiraysa dareenkooda iyo cabsidooda, ayaa sababtay in ay qarxaan mudaharaaddadan rabshadaha wata ee magaalada ka dhacay isla habeenkii xalay.
Waxaa xusid mudan in UNESCO ay bishii Diseembar 2024 ku dhawaaqday in 'Xeer Ciise' si rasmi ah loogu daray liiska Dhaxalka Dhaqan ee Aadanaha. Xeerkan ayaa lagu tilmaamay nidaam soo jireen ah oo jiray ku dhawaad shan qarni, kaas oo ay dejiyeen boqol oday oo beesha Ciise ahi, waxanu ka hadlayaa xallinta khilaafaadka, ilaalinta dadka nugul, xuquuqda haweenka iyo carruurta, iyo dhowrista deegaanka.
UNESCO waxa ay aaminsan tahay in nidaamkan dhaqameed uu yahay tusaale nool oo ah 'dhaqan sharciyeed maxalli ah' oo gacan ka geysanaya xoojinta nabadda bulshada iyo maamul-wanaagga, iyada oo loo marayo habab nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka, nidaaminta xidhiidhka bulshada, iyo ilaalinta deegaanka, oo ka abuurmay gobol, inta badan, lala xidhiidhiyo colaado iyo xasillooni-darro.
Hase yeesho e, jawiga dabaal-degga siyaasadeed iyo midka warbaahineed ee ku gedaaman aqoonsiga caalamiga ah ee xeerkan, iyo qabanqaabada xafladaha ee magaalooyinka gaar, sida Saylac, ayaa horseeday xasaasiyado maxalli ah oo qoto dheer oo halis galinaya degganaanshaha gobolka.