Skip to main content

Sunday 16 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Mucaarad Dawladdaada

18 October, 2025
Image
Mucaarad Dawladdaada
Share

Nin dhallinyaro ah ayaa barofeesar Noam Chomsky weydiiyey: “Ma jirtaa nooc dawladeed oo aan ku kalsoonaan karno?” Chomsky wuxuu ugu jawaabay, “Ma aha, marnaba, in kalsooni la siiyo dawlad, ee waa in si joogto ah loo su’aalo, loollanna loo la galo.” Sababtu waa mid cad, waayo, dawladdu waa hay'adda keli ah ee haysata awoodda ugu weyn ee lagu dhisi karo nolosha bulshada ama lagu dumin karo, sidaa awgeed waa in la iska ilaaliyo, sidoo kalana la isku ilaaliyo.

Sida uu qeexay faylasuufkii Jarmalka ahaa, Max Weber (1864-1920), muxaaddaradiisii caanka ahayd "Politics As a Vocation “, wuxuu ku tilmaamay in dawladdu tahay hay'adda keli ah ee loo oggol yahay in ay isticmaasho xoog sharci ah. Akhriste aan faahfaahiyo qodobkan, si aan fahanka u soo dhaweeyo; ka hor inta aanu aadamuhu alkumin nidaamka dawladnimada, qof walba waxaa u afaysnaa leebkiisa iyo ablaydiisa, si uu isaga difaaco dadka iyo dugaaggaba. Haseyeeshee, markii ay dadku samaysteen dawladnimada, waxay si wadajir ah dawladda ugu wareejiyeen hubkooda, taas oo dawladda ka dhigtay tan kaliya ee haysta hubka wax gumaada, iyadoo la daba dhigay sharci iyo dastuur si aysan u gaboodfalin. Dastuurku ma leh indho iyo gacmo uu wax ku ilaaasho, illeen waa xaashiyo e, waxa uu se taabbagal noqdaa haddii u haysto dad ilaashada. Taariikhdu waxay ina baraysaa kolka dadku gabaan dawrkooda ama si baraad la' dawlad ugu kalsoonaadaan in cawaaqibxumo laga dhaxlo.

Sida uu qabo Noam Chomsky, marna ma aha in kalsooni buuxda la iska siiyo dawladda, sababta oo ah waa awood weyn oo si xun wax loogu dumin karo, haddii aan lala dabajoogin su’aalo iyo xisaabtan. Waxa ay dawladdu haysaa awooddii cunfi ee bulshada oo dhan, kolkaa waa in laga feejignaado la iskana caabbiyo

Tusaale ahaan, markii Siyaad Barre xukunka la wareegay sannadkii 1969-kii, wuxuu bilawgiisu ahaa mid abshir leh, oo waxqabadkiisii shacabku la mabsuudeen. Sida uu ku sheegay Xuseen Tansaaniya buuggiisa "From Tyranny to Anarchy", sannadihii 1970–1977. Siyaad Barre wuxuu ahaa hoggamiye isbeddel togan sameeyey: wuxuu hirgeliyey nidaamka hantiwadaagga cilmiyaysan, sidoo kale wuxu qoray af Soomaaliga. Marxaladdan ayuu Tansaaniya ugu yeeray, hoggaamiye mahdi ah (prophetic ruler). Laakiin barwaaqadii iyo hormarkii wuxuu dadka ka qaaday feejignaantii, waxayna illoobeen khaladaadkii hoos u qarsoonaa: sida in uu dastuurkii laalay, siyaasiyiin badan dhegta dhiigga u daray, iyo in uu ku tuntay xuquuqdii aadanaha.

Sida uu ku sheegay Dr. Maxamed Aadan Sheekh buuggiisa "Waa Inoo Muqdisho", xukunkii Siyaad Barre bilowgiiba wuxuu ahaa mid tacaddi iyo turaale la’aan ku bilaabmay. Wuxuu indhaha ka riday cid kasta oo ogaal iyo qaangaarnimo siyaasadeed uu ku tuhmayey. Mid ka mid ahaa raggii uu ifka cadaabaha waraabiyey waxaa ka mid ahaa Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa qareen iyo siyaasi bidix ah oo soo noqday xildhibaan xilligii dawladdii rayidka. Kolkii ugu horreysay, Bardacad waxaa la xiray sannaddii 1969kii, mar labaad baa haddana waxaa la xiray sannadkii 1975-tii, isaga oo aan marna wax maxkamad ah la soo taagin. Wuxuu ku jiray xabsi muddo ku dhow labaatan sanno, taas oo ka dhigtay maxbuuskii siyaasadeed ee ugu muddada dheeraa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.

Waxaa aan, sidoo kale, la illaawi karin rafaadkii uu kacaanku mariyey Aadan Shire Jaamac (Aadan-Loow), oo ahaa Wasiirkii Cadaaladda ee xukuumaddii Cigaal. Sida ay Shukri Aadan-Loow ku xustay buugga ay ka qortay aabbaheed “ Xabbaddii Dunida Gilgishay”, waxay uga warrantay jirdilkii iyo ciqaabtii xanuunka badnayd ee aabbaheed la mariyey.Waxay sheegtay in lagu duray aabbaheed sunta dhurwaaga. Intaas kaliya ma aha e, xitaa xiniinyaha ayaa laga dilay, taas oo sababtay in uu noqdo koron.

Waxay tiri: “Markii Aadan-Low laga soo daayey xabsiga, wuxuu ahaa nin il-geeriyaad Ieh. Xanuun ayuusan la seexan jirin. Xubnaha muhiimka ah ee laga tumay ka sokow, isha bidix ayaa dhacsanayd, waxayna ahayd il dhimatay oo gebi ahaamba la riday.” Muddo ka dib, ayaa caafimaad loogu qaaday dalka dibeddiisa, isagoo ugu dambeyn ku dhintay Talyaaniga.

Dulmigaa iyo aabbigii uu talisku sameynayey dadku waa ka baraad la’aa. Waxay ku dhaceen dabinkii uu Chomsky ka digay, ee aan ku xusay bilowga qoraalka, iyaga oo dawladdii siiyey kalsooni aan xad lahayn oo xargagoosatay. Waxa lagu mashquulsanaa hormar hoosiis ah, oo aan sal adag lahayn.

Kalsoonidii indhaha la’ayd ee ay Soomaalidu siisay taliskii Maxamed Siyaad Barre, iyaga oo ku mashquulay horumar hoosiis ama hoosaasin ah, waxa ay ku ridday dabinkii uu ka digay Noam Chomsky, waxana ay dawladdu heshay awood aan xad lahayn oo ku geysatay tacaddi iyo burbur aan xad lahayn

Ammaan ayaa la huwiyey Siyaad Barre, illaa suugaanyahanno qaarkood ay ku maansoodeen in uu weligiis dalka caynaanka u hayo. Abwaannadaa waxa ka mid ahaa Cabdi Muxumed Amiin, kaas oo sanadkii 1971-dii u sameeyay Maxamed Siyaad Barre heestii ‘Caynaanka Hay’, oo ku bilaabanaysay:

Waddadii caddeyd

Cagta saarnayee

Ku carraabiyoo

Cimrigiis jiryow

Caynaanka haay"

Markuu kacaankii ciinka daaqay, kalsoonidiina kadeed dhashay, ayaa uu Cabdi Muxumed Amiin tiriyey maanso shallayto ah, isaga oo leh;

Waddadii caddeyd

Cirif dhaaftayoo

Cayn kale u rogtee

Cimrigiis dhacyow

Caynaanka daa"

Akhriste, sooyaalku wuxuu ina barayaa in aan marnaba xukuumadda lagu kalsoonaan. waagii beryaba aan ku eegno il taxaddar leh, kor iyo hoosna ugu sheegno khaladaadkeeda.

Cabdi Muxumed Amiin oo bilowgii Kacaanka ku haloosiyay heestiisii caanka ahayd: Waddadii caddeyd cagta saarnayee, ku carraabiyoo, cimrigii jiryoow caynaanka hay, waxa uu ku calaacalay markii ay wax kaste cayn-wareegeen: Waddadii caddeyd, cidhif dhaaftayoo cayka u rogtee, cimrigii dhacyoow caynaanka daa. Sida uu qabo Choamsky, heesta dambe markii hore ayaa ay u eekeyd Abwaan Cabdi

Macaaradnimo aan dhiig ku daadan

Haddii dawladdu ay ku kacdo falal xun sida musuqmaasuq, cadaaladdarro, ama ay go’aanno khaldan qaadato, iyada oo haysata sharciyad maxaa laga yeeli karaa? Su’aashan waxa laga jawaabay sannadkii 1849-kiii. Curiska “Civil Disobedience/On the Duty of Civil Disobedience” ee uu qoray Henry David Thoreau, wuxuu ku dooday in shacabka ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan dawladda hadii ay samayso fal xun, sida musuqmaasuq cadaaladdarro, iyo haddii ay goosato go’aan khaldan. Thoreau wuxuu aaminsanaa in muwaaddiniintu aysan u hoggaansamin sharciyadda iyo amarrada dawladaha haddii ay yihiin kuwo aan cadaalad ahayn. Wuxuu Thoreau caddeeyay haddii dawladdu waddo khaldan qaaddo in ay tahay in aan la sugin illaa wakhtigeedu dhammaanayo, ee ay tahay in ay shacabka xaq u leeyihiin in ay ka hortagaan iyaga oo aan dhiig daadin.

Thoreau wuxuu ka soo horjeestay siyaasadda dawladnimadii Mareykanka ee madaxweyne James K. Polk, oo kaalin weyn ku lahayd taageeridda addoonsiga dadka madow, sidoo kalana dagaal ku qaadday waddanka Miksiko. Thoreau wuxuu ku dooday in siyaasaddaas ay ahayd mid caddaaladdarro ah, taasi waxay sababtay in uu go'aansado in uu cashuur bixinta joojiyo si uu u muujiyo mucaaradnimadiisa. Wuxuu sheegay in aanu dawlad u aqoonsanayn kuwa xukunka jooga ee ay yihiin dawladd addoonsi ah.

Thoreau waxa uu muwaaddiniinta uga digay in aanay dawladaha u hoggaansamin haddii ay jid khaldan qaadaan, ee ay gacanta qabtaan oo ka hortagaan. Sidaa awgeed, wuxuu ku boorriyey bulshada in ay ka dhiidhiyaan falalka caddaaraddarrada ah ee dawladuhu ku kacaan, iyaga oo adeegsanaya hab silmi ah oo mucaaradnimo ah oo aan dhiig bini'aadam ku daadan.Thoreau falalkiisa diidmada ah ee uu dawladaha kaga horyimi waxa dhacday in uu xabsi ku galo. Intii uu xabsiga ku jiray wuxuu yiri hadal saamayn weyn yeeshay oo ah, "haddii dawladdu si dulmi ah dadka u xirayso. Kolkaas, hoyga dhabta ah ee ninka xaq-u-dirirka ahi waa xabsiga." Weedhani waxay ka turjumaysaa damiir qoyan.

Thoreau aragtidiisa “Caasiyidda dawladda", waxa ku saamoobay hoggaamiyayaal waaweyn oo dunida beddelay. Mahatma Gandhi wuxuu qaatay mabda’aas isaga oo sees uga dhigay halgankii uu kula jiray gumaystihii Ingiriiska ee Hindiya, halka Martin Luther King uu qarnigii 20aad u adeegsaday falsafaddaas halgankii nabadeed ee uu ku raadinayey xuquuqda dadka madow ee Maraykanka.

Sida uu Henry David Thoreau, dawladda waa in laga horyimaad markii ay khalad galayso, iyada oo la deegsanayo qaabab nabdoon oo aan wax duminayn waxna dilayn. Waa in aan la sugin inta uu muddo-xileedkeedu dhammaanayo, waa waajib saaran muwaaddinka in uu diido tallaabooyinka qaldan ee dawladda

Ugu dambayn, muwaaddin kasta waxa waajib akhlaaqi ah ku ah in uu dawladda hor istaago haddii ay ka weecato dawga caddaaladda iyo wanaagga guud. Sida uu Thoreau sheegay, ninka aamusa marka uu dulmigu socdo waxa uu la jiraa safka dulmiga. Waa in xukuumadaha si silmi looga horyimaaddo, marnaba xal ma aha in dawladaha la dumiyo, taas musiibo bulsheed baa laga dhaxlaa. Jidka nabadeed waa mid muddo dheer qaata, laakiin ka waarid iyo faa'iido badan jidka qoriga iyo baaruudda. Waa in taas lagu baraarugo oo la ogaado.