Tuesday 14 July 2026
Waxaa iswayddiin mudan inaan ogaanno waa kuma hoggaamiyaha wanaagsan ee aan u baahannahay? Hogaamiyaha wanaagsan aa aan baadigoobka ugu jirnaa waa hoggaamiye ay u kala caddahay cidda hoggaanka u dhiibatay iyo cidda uu hoggaaminayo, si hufanna u hagi kara bulshadiisa. Hogaaminta wanaagsani kuma koobna oo kaliya awoodda ama xilka uu hayo, waxa ay ku salaysan tahay awoodda uu qofku u leeyahay inuu ku kasbado kalsoonida dadka uu hoggaaminayo uguna raadiyo fursado nololeed. Kalsooniduna kuma dhalato hal maalin gudeheed, waxa ay ku timaaddaa ficillo joogto ah oo loo muujiyo si daacadnimo iyo masuuliyadi ku dheehan tahay. Waa ruux ka danqanaya wax walba oo ka baylahsan dalkiisa iyo dadkiisa, sidoo kale waxaa uu ka shaqeeyaa xaalad walba oo jirta.
Hoggaaminta wanaagsani waxa ay ka duushaa masuuliyad iyo ilaalin. Hoggaamiyaha wanaagsan waa inuu ilaaliyaa hantida, sumcadda dalka, iyo dadka uu hoggaaminayo. Waa in uu xaqa siiyaa cidda iska leh, isla kolkaana uusan isku koobin kooxda isaga taabacsan iyo u adeeggayaashiisa ka ag dhow. Taas oo isagana ku kobciinaysa korna u qaadaysa wax soosaarka iyo rabitaanka bulshada, wada shaqayn daacadnimo ku dheehan tahay, iyo is ixtiraam. Waxaa kaloo ay kordhisaa yididiilada dadka, maadaama qof kastaa uu dareemayo in kaalintiisa la aqoonsanayo. Hogaamiyaha wanaagsan waa mid leh mabda' iyo sumcad banaanka taalla oo aan ahayn mid daaha gadaashiisa laga maamulo, saamayntiisuna ay caddahay.
Hogaamiyaha wanaagsan waa mid daahfurnaan iyo run-sheegid leh, dadkiisana u sheega xaqiiqada. Halkii xogaha qaldan iyo qarinta xaqiiqadu ay abuuri lahayd jahwareer iyo kala shaki. Hogaamiyaha wanaagsan ee aan raadinayno waa hoggaamiye aan ka doonayno in uu na dhagaysto, kolkaas ka dibna uu gaaro go'aanno sax ah. Hogaaminta dhabta ahi waa isku darka dhorkaan arimood: masuuliyad, mabda', daahfurnaan, iyo xikmad. Intaasi waxa ay astaan u tahay hoggaamiyaha dhabta ah ee aan baadigoobka ugu jirno, hoggaamiye walba oo doonaya in aan xulano waa in laga eego qodobadaas, maadaama ay qodobadani yihiin aasaas lagu dhisi karo kalsooni, horumar iyo guul waarta. Dadka Soomaaliyeed waxaa ragaadiyey dad calooshooda u shaqaytayaal ah, oo isku sheegaya hoggaamiyayaal ruuxi ah; mid walba oo la tijaabiyana ma noqdo kii inaga haqabtiri lahaa baahideenna iyo is badelka aan raad-goobka ugu jirno mudada boqolaalka sano ah.
Hadaba halkee ayuu u hayaamay hoggaamiyahaasi? maxaase sababay in aynu wayno hoggaamiye sidii la rabay inoogu adeega, dalkana hormar gaarsiiya? Su'aasha hore haddaan aragtidayda ku saleeyo waa labo arimood mid uun. Midda ugu horaysa waxa ay ila tahay in hoggaamiyahaasi, wali aanu dabar-go'in, balse waxa uu sugayaa bulsho diyaar u ah oo garata, ilaashata, kuna xulata astaantiisa hoggaamineed iyo waddaniyaddiisa. Maalinta aynu intaas is ka dhex aragno waxa ay noqon doontaa, maalinta aynu ugu dhownahay hoggaankiineenii aynu mudada dheer baadi goobka ugu jirnay. Waxa kaloo la is dhihi karaa waxa uu ku dhex lumay siyaasad xumada, danaha gaarka ah, musuqmaasuqa, iyo qabyaaladda qayrkeen inaga reebtay. Arinta labaadna, markii uu arkay bulsho aan dantoodaba ka fekerin ee dano gaar ah hoggaankooda ku dooranaysa, fursad uu ku hoggaamiyana siin wayday ayaa uu isaga hayaamay.
Su'aal kale ayaa iyana meesha taalla. Maxaa sababay in aynu wayno hoggaamiye sidii la rabay inoogu adeega, dalkana hormar gaarsiiya? Sababtaas waxa aan oran karaa duruufo badan oo mudo aynu lasoo daalaa-dhacaynay oo ayna ugu horeeyaan, qabyaaladda oo ka hormartay kartidii. Taasoo keentay in aan arkayno hoggaamiyihii oo lagu dooranayo cidda uu ka dhashay, halkii lagu dooran lahaa ama lagu qiimayn lahaa waxa uu qaban karo, khibraddiisa, aqoontiisa, iyo hoggaamintiisa. Sidaasi daraadeed waxaaba adkaanaysa in hoggaamiye wanaagsan soo baxo.
Gabagabadii, haddii aynu dhab ahaan u doonayno hoggaan daacad ah oo dalka iyo dadkaba hormar wanaagsan gaarsiiya, waa in aynu beddelnaa habkii hore ee aynu u qiimayn jirnay hogaamiyaha. Waa in aan mudnaanta siinnaa kartidiisa, akhlaaqdiisa, aqoontiisa, daacadnimadiisa, aragtidiisa fog, iyo khibraddiisa hoggaamineed. Halkii aan ka eegi lahayn xaggee kasoo jeedaa, yuu la aragti yahay, dano gaar ah ama xiriir shaqsiyeed. Hoggaamiyaha wanaagsan ma yimaado haddii aan lasoo saarin, bulshadiisuna qiimayn, aqoontiisa iyo hufnaantiisana aan lagusoo xulin. Haddii aynu raadinayno hoggaamiye wanaagsan dalkeenana hormarka aan doonayno gaarsiiya, waa in aynu noqonnaa bulsho qiimeysa wanaagga, bulsho mabda'yo kale aan hoosta ku sidan (aan laheyn).