Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Milicsiga kacdoonka faneed ee Soomaalilaan

2 July, 2025
Image
Milicsiga kacdoonka faneed ee Soomaalilaan
Share
Badhtamaha Hargeysa, kacdoonka cusub ee muusigga ayaa firfircooni hor leh yeelanaya, xilli codad qurxoon iyo dad hal-abuur leh fanka ku soo laabanayaan. Heesaha qaranka iyo kuwa siyaasadda ayaa iyana abuuraya masrax cusub oo muusigga dalku yeelanayo.

“Waabaa beryay, bililcsan, arooryo baxsan, maalin boqran” – waa ereyadii hooballadii Soomaaliyeed, siiba Maxamed Axmed Kuluc iyo Hooballadii Waaberi, ku heesi jireen dagaalka ka hor iyo intaanu dalku dumin. Heesta oo tilmaamaysa in maalin cusub dhalatay, ayaa sidoo kalena naawilaysay dhalashada rejo iyo mustaqbal cusub. Marka aan xagal muusig ka eego arrimaha bilihii u dambeeyey ka socda Hargeysa, heestaas hore baa igu soo dhacaysa.

Laga yaabee in waxa nayaayirka i gelinayaa tahay dhoollacaddaynta Maxamed BK iyo xamaasadda daran ee uu fanka u hayo, isagoo saaxaddii muusigga hadda ku soo laabtay, amaba ay tahay firfircoonida iyo kalsoonida kooxda Dayax oo u heesaya dalkooda, lagana yaabee in waxa rejada igu abuuray yahay dib u qaabaynta kooxda Xiddigaha Geeska ee aadka loo jeclaa, se waxa hubaal ah in masraxa muusig ee Hargeysi uu dib boodhka iskaga jafay, oo lagu soo hiranayo.

Waxsoosaarka dhaqan ee Soomaalilaan inta badan waxa uu ahaa mid la goonni ah wejigiisa u gaarka ah iyo in uu ka soocanyahay jawiga siyaasadeed iyo bulsheed. Heesihii hore ee Soomaalilaan waxa ay ahaayeen kuwo waddaniyadeed, oo xoogga saara halganka iyo goonni-isu-taagga. Waxa markaba maskaxdayda kusoo dhacaysa heestii ahayd “Bulshada Soomaalilaaneey” oo ay qaadeen fannaaniin qurbaha ku sugnaa oo ay ka mid tahay Nimco Yaasiin. Waxa kale oo aan xasuusanayaa heestii “Dhulka Waa La Tolayaa” ee ay wada qaadeen Nimco Yaasiin iyo Nuur Daalacay. Heesahani qurbaha ayaa ay ku soo baxeen.

Se haddiiba heeso cusub aan xasuusanayo, waxa aan xasuusanayaa kooxda Xiddigaha Geeska, oo ah koox isugu jirta fannaaniin, muusig tumayaal iyo abwaannaba, oo u heesaya dabbaaldegga 18-ka Maaj. Walow aan xagga kore kusoo xusay inaan xasuustay heestii “Waabaa beryey”, haddana ma aha heesta niyadda igaga soo dhacda marka aan ka fekerayo Soomaalilaan. Beddelkeeda, waxa maanka kusoo degdegta heestii “Allow Noo Tiirisee”. Waa mid ka mid ah heesihii ugu horreeyey ee kooxda Xiddigaha Geesku iska kaashadeen soo saristeeda. 2024-kii ayaa uu Mursal Muuse heestan ka qaaday magaalada Miniyaabulis, se asal ahaan waa hees fannaaniin toban ka badan ku wada heeseen. Waxa kale oo igu soo dhacda heesta Goonni Isu Taag, oo kooxdu ka qaadday Gabilay sannadkii 2014.

Waa koox bulshadooda ku boorriyey in gacmaha la is qabsado si kasta oo loo kala qaybsanyahay, kuna dhiirrigeliyey in lagu faano dalka, sooyaalkiisa iyo horumarkiisaba. Luuqddooda ay isla helaan baa bisha masrax kasta, hees kastaana waxa ay shidaalisaa hanka muwaaddinka iyo xoojinta qiyamka waddaniyadeed. Waxa soo jiidasho lahaa waagaas in la arko inta badan xubnaha kooxda oo h al hees ku wada luuqaynaya oo isu jiibinaya, masraxana wada taagan. Foolaadkii kooxda oo hal meel wada taagan; Cabdi Hani, Nimcaan Hillaac, Maxamed BK, Cabdirraxmaan Oday, Maxamed Bakaal “Cirro”, Ifraax Hargeysa iyo Yurub Geenyo, dhammaana jiibta iyo jaanta isla helay.

Heesta kale ee astaanta u ah Soomaalilaan, fekerkayga, waa heesta “Dhulkaagaa Lagu Hodmaa”, oo uu ereyadeeda sameeyey Siddiiq Burmad, luuqdeeduna kulminayso Xamda Queen iyo Asma Love, oo aynaan kooxdaas hore ku xusin magacyadooda. Dadku si toos ah ayay ula falgalayaan heesta, qab iyo xammaasadna u dareemayaan. Mar ay Shaadiya Sharaf timi Hargeysa 2023, fannaaniin cusub baa heestan mar kale qaaday, dadweynihii xaadirka ahaana xammaasad aan la arag mid la mid ah ayay muujiyeen.

Toban sanno ka dib, heesahani kuwo soo jiidasho leh uun ma aha, se sidoo kalena waa heeso qabka iyo sooyaalka la wadaago laga dheehdo. Sannad ka hor baan bookhday Gabiley, waxaanan halkaas ku arkay masraxii Xiddigaha Geesku heesahooda kusoo bandhigi jireen oo ilaa hadda taagan. Waxa aan dareemay in uu si deggan u leeyahay: marnaba ma illaawi karno waxii aannu soo marnay, qadhaadh iyo macaan ku uu yahayba. Maxaa ka farxad badnaan lahaa in aan halkan joogi lahaa 2014-kii, oo aan daawado kooxda oo bandhiggeeda masraxan kusoo bandhigaysa.

Heesaha kale ee kooxdu soo saartay waxa ka mid ah: Tacab iyo Hankaagu ha Dhaafo Reer Hebel. Waxaan adeegsadaa ereyga dad dooran, sababtoo ah, walow aanay siyaasiyiin ahayn, haddana hooballada dhabta ahi waa kuwo dadka haga, oo dhegaha dhegaystayaashooda la hadla. Heesta ah “Hankaagu ha Dhaafo Reer Hebel” waa hees ashqaraar ah oo uu muusiggeedu isoo jiito, xitaa haddaanan ereyadeeda u fiirsan. Se waxii ka dambeeyey ololaha doorashadii 2017 ee aan arkay sida xaal yahay, aad baan ugu dhegraariciyaa digniintooda, waana farriin ay waajib tahay in sideeda loo qaato.

Heesaha Soomaalilaan loo qaaday ee aan xiisaha ugu weyn u hayo waxa ka mid ah heesta “Xornimo Summad leh”. Waa hees habdhac jaadgoonni ah leh, fannaaniinta haweenka ahna fursad u siisay inay heesta hoggaamiyaan. Talantaaliga ashqaraarka lihi waa Hodan Cabdiraxmaan iyo Yurub Geenyo oo magaalo magaalo dalka oo dhan heesta ku ammaanaya. Hees kale oo aanan iska karin in aan cod sare ku qaado waa heesta “Hargeysa oo Siraadan waan Sugayee”. Waa hees aan ku dareemo inaan dalkii u boholyoobo, oo aan kusii xidhmo Soomaalilaan. Hees sidaas oo dhan waddani u sii ah ma aha, se waa hees beerqaadda dareennada ku abtirsiga dalka. Walow oo inta badan heesahaas aan xusay toban sanno ka hor iyo wax ka badan la qaaday, haddana waa heesaha haldoorka u ah weli dabbaaldegyada 18-ka Maaj.

Sannadihii dambe waxa la moodaa in dabbaaldegga 18-ka Maaj noqday tartan heesaha waddaniga ah lagu kala saaro, oo lagu doorto heesta ugu wacan. Saddexda heesood ee iila wacan waa heesta “Sanka Taag” ee uu qaado Mustafe Doollar, ereyadeedana uu iska leeyahay Abwaan Saar, si la mid ah heesihii hore na ka warramaysa go’aanka iyo masiirka bulshada Soomaalilaan. Waxa aad u qurux badan in la arkayo dadka barbaaray waxii ka dambeeyey 1991-kii, waxa kaliya ee ay garanayaanna tahay Soomaalilaan, oo qab muujinaya, kuna faanaya lahaanshaha dalkooda. Heesta labaad ee aan ugu jecelahay heesaha dabbaaldeggu waa heesta Rooda Kayf qaaddo ee “Rabbaw Ictiraaf Helaaye”, oo uu ereyadeeda iska leeyahay Mubaarak Kabadhe. Waa hees leh habdhac ashqaraar ah oo kugu khasbaya inaad fadhiga uga kacdid. Waxa kale oo aan jecelahay inaan ku luuqeeyo heesta “Xuska May” ee ay Roodi uun qaaddo, ereyadeedana uu leeyahay Cawaale Deeqsi. Sannadkii 2024-kii heesta aan ugu jeclaa heesaha xuska 18-ka Maaj, waa heesta “Soomaalilaan” ee ay qaaddo Malyuun Maanka, ereyadeedana uu leeyahay Khaalid Miino. Xilli doorashooyinku dhawyihiin, fannaaniinta waxa aan u hayaa salaan, waa fannaaniinta ku dedaalay dhiirrigelinta iyo wacyigelinta bulshada, oo xaaladdu si kasta oo ay u adagtahay, dadka ku baraarujiya in Soomaalilaan tahay  hanti bulshadeedu leedahay.

Kolkii lagu jiray wakhti doorasho oo walaaceeda leh, heesaha waddaniga ahi waxa ay kaalin udubdhexaad ah kaga jireen xasuusinta dadka in dhammaan muwaaddiniin la wada yahay, oo hal dal lagu abtirsado, si kasta oo kala qaybsanaan u jirto. Dhinaca kalena, markii ololaha la gaadhay, silsilad heeso ah baa soo baxay oo bulshada dhiirrigelinayey. Ugbaad Aragsan ayaa si badheedh ah u taageertay Cirro, kuna heestay “Cirrooy Xilka Qabo”, xilli aan weli fannaaniinta kale taageerin, bishii Oktoobar, 2023. Inta badan sannadkii 2024 waxa ay ku qaadatay ololihii doorashada iyada oo isku imaatin kasta oo siyaasadeed oo uu Waddani yeeshaba qayb ka ahayd. Waxa si tartiib ah ugu soo biiray fannaaniin oo u heesay Madaxweynihii xilka banneeyey.

Kooxda Dayax waxa ay taageeraysay Xisbiga Kulmiye, waana isla marka la arkay dib u soo noolaynta kooxdii Xiddigaha Geeska, iyagoo dhaliilaya madaxweynihii markaas iyo hab maamulkiisa. Yaa filayey heesta bambada ku noqotay [Kulmiye] ee “Sool Bari Halkeed Gaysay” ee Xiddiguhu qaadeen bishii Oktoobar ee 2024. Waxa bogaadin mudan abwaanka ereyadaas sameeyey. Waxa mar kale soo toosay kooxdii Xiddigaha Geeska, oo dhaliilaya Biixi iyo maamulkiisa.

Iyagoo adeegsanaya awoodda suugaanta, waxa aynnu aragnay Xiddigaha Geeska oo heesba hees kasoo daba saaraya, aadna ugu dhaliilaya Muuse Biixi, si badheedh ahna u mucaaradaya. Heesihii xilligaas ee aan ku raaxaystay dhegaysigooda waxa ka mid ah heesta “Lagu Baray ee naga Baydh”, oo ay qaadeen Yurub Geenyo, Asma Love iyo Khadra Sinimo. Haddii inyar uun shaki laga qabay soo laabashada Muuse Biixi, heesahani waxay dammaanad qaadeen  in ra’yiga dadweynuhu caddaado oo uu badheedho. Bal sawiro Axmed Aarshe oo ku heesaya “Deg Adeer, Deg”. Waa dhiirranaan aan geed lagu soo gabbanayn, oo bulshadu u baahantahay isbeddel, lagana daalay [Kulmiye]. Waxa ay ila tahay in wax ka maad badani jirin maqalka fannaaniinta oo ku heesaya “Waxaannu rabnaa Cirro oo qoslaya in uu hoggaamiye noo noqdo”, halka dad kalena qosolkaas ku dhaliilayeen. Waxa habboon in qofi isku xilqaamo soo saarista alban koobsada heesihii xilligan la soo saaray.

Laga soo bilaabo markii madaxweynaha cusub la dhaariyey, waxa muuqata in qaddarin weyn loo hayo fankii iyo dhaqankii, weliba iyada oo fannaaniintaas lagu casuumay madaxtooyada. Waxa ay u muuqataa in Hargeysi soo ceshanayso magaceedii hore ee “Hoyga Fanka”. Sida sannadkii u dambeeyey xaalku ahaana, waxa cad in fannaaniintii kor u qaadeen rejadoodii, oo ay dedaal ku bixinayaan in heesahooda lagu furfuro dabbaaldegga 18-ka Maaj.

Marka aannu qurbojoogta nahay, sannadkan firfircooni cusub oo fanka ah iyo farxad baannu dareennay markii 18-ka Maaj soo dhawaatay. Fannaaniintu waxa ay isugu yimaaddeen inay heesaan iyagoo sidii hore ka abaabulan, kooxdoodana la jira. Kooxda Dayax waxa ay dib u soo qaadeen heeso hore. Sannadkan kooxdu waxa ay si wadajir ah dib ugu soo qaadeen heestii “Soomaalilaan” iyo heestii “Ku Qosla Bulshadaydiiyeey”, iyaga oo qiraya in loollan kasta iyo kala qaybsanaantii bulshadu la dhibtootay beryahan dambe dhammaatay, oo ay tahay in la midoobo. Arrinkani waxa uu si gaar ah iigaga farxinayaa in bulshadu isku soo dhawaanayso. Marka la eego sannadihii u dambeeyey sida bulshadu ahayd, waxa lagama maarmaan ah in la helo wax dadka ruux ahaan dhiirrigeliya. Heesta labaad, waxa ay kooxdu si xammaasad iyo qab ku jiro isu wayddiinayaan, “dalkan maxaa loo qaban karaa? Alle ha ilaaliyee.

Soo laabashada BK iyo Xiddigaha Geeskuba waxa ay tartan cusub u abuuraysaa kooxdan ka da’da yare e Dayax, oo muddo saaxadda keli ku ahaa. Xiddigaha Geeska waxa ku biiray xubno caan ahaa dhawrkii sanno ee u dambeeyey, sida Qamar Suugaani, Rooda Kayf iyo Cabdikariin Cali Shaah. Waa koox si heersare ah u diyaarsan, oo lebbis is waafaqsan heeso kusoo bandhigay istaadiyoomka iyo madaxtooyadaba. Soo laabashada Maxamed BK oo aan la filayn, waa mid farxad abuuraysa oo wakhtigii uu maqnaa soo bogaysa. Kooxdani waxa ay soo saartay heeso ay ugu talogaleen 18-ka Maaj, oo si goosgoos ahna loogu wadaagay barta Tiktok. BK ayaa soo saaray heesta “Sooyaal” oo ah hees soo jiidasho aad ah leh, habdhac sare iyo ereyo cuddoonna ku lammaanyihiin. Heesta oo uu ereyadeeda leeyahay Cabdilaahi Dayr, waxa ay dib u raacaysaa sooyaalkii Soomaalilaan, laga soo bilaabo la midoobiddii Koonfurta, ilaa dagaalladii dhiigga badani ku qubtay, waxaanay si xooggan u tebinaysaa in aan dib u noqosho jirin. Xiddigaha Geesku waa kuwo xus kasta oo 18-ka Maaj ah soo saara heeso cusub, imikana waa koox soo laabatay, oo u muuqata inay soo ceshanayso kaalinteedii, walow dedaal badani lagama maarmaan yahay.

Qoraalkan waxa aan ku bilaabay xasuustaydii heesta “Waabaa beryey, arooryo suubban, maalin boqran”, se waxa kaliya ee aan ku baraarugay waa in aan baahi loo qabin in laxankii iyo habdhacii hore uun lagu socdo, waa in hab cusub iyo hal-abuur lala yimaaddo. Waxa i farxad geliya in aan arko hal-abuurka hooballada Soomaalilaan. Halka 18-ka Maaj ee 1991-kii ku beegantahay maalintii Soomaalilaan xorriyaddeeda dib u hanatay, 26-ka Juun, 1960-kiina waa maalinta ay Soomaalilaan xornimada ka heshay gumaysigii Ingiriiska, waxaana mudan in la ogaado Soomaalilaan inaanay samaysmin 1991-kii. Waxaan qoraalkan kaga baxayaa heesta “Soomaalilaan kugu Maallay”, ee Xiddigaha Landhan soo saareen, oo farriin tan uun la mid ah gudbinaysa. Ereyada waxa leh Daaha Gaas, waxaana qaaday Hodan Quruxsan, Sabriina Muuse, Cabdiraxmaan Nasri, Axmed Nasri iyo Saalax Carab.