Sunday 12 July 2026
Habdhaqanka akhrisku waa astaan ilbaxnimo. Waa rootiin iyo dabeecad ay tahay in qof walba lahaado, waa na daruuro iyo lagama maarmaan nololeed. Sidaas oo ay tahay Soomaalida dhexdeeda weli si xooggan ugama hanaqaadin. Waa mid ka mid ah meelaha u baahan dedaal wadareed heerkasta leh in lagu bixiyo. Mid ka mid ah moodeellada ganacsi ee aan is leeyahay qaadhaan fiican bay ku darsanayaan dedaalka looga baahan yahay in lagu abuuro caadada akhriska, ayaan dhawaan la kulmay. Waa madasha buugta soo koobta ee turjunta, Bookoob.
Bookoob waa madal loogu talagalay in lagu daabaco nuxurka buugta caalamiga ah oo la soo koobay oo af Soomaali ku turjuman, taas oo qoraal iyo cod labada ba lagu baahiyo. Ujeedada madashu waa in ay fududayso helitaanka qofka Soomaaliga ah ee aqoonta caalamiga ah iyada oo meesha ka saaraysa caqabadii luuqadeed iyo wakhti. Milicsigan waxaan ku dul istaagi doonaa: tayada waxqabadkan, saamaynteeda aqooneed, iyo talo soojeedin.
Suuqa buugaagta dhijitaalka ah ee Soomaalidu waa mid habsan badani ka jiro, halka madalaha caalamiga ah ay luuqadda Ingiriisida ay ugu jiraan madasha Blinkist iyo Headway, luuqadda Carabiga ahna Alwajeez, akhristaha Soomaaliga ahi ma haysan madal uu ka heli karo qoraallo iyo buugaag nuxur leh oo uu ku tashado. Madasha Bookoob oo la daahfuray badhtamihii sannadkii hore 2025, waxaan ku baraarugay jiritaankeeda dhammaadkii sannadkaas, waa na mid baahidaas wax badan ka qaban karta.
Markii aan muddo ku xidhnaa waxaa ii soo baxday inay tahay madal aad u faa’iido badan, gaar ahaan bulsho ay ku yar tahay caadada akhriska buugta dhaadheer, waxay u muuqataa inay tahay madal loo naqshadeeyey in ay abuurto qabatin buugeed. Bookoob saddex shimbirood ayay hal mar dhagax ku wada dilaysaa:
Caqabadda luuqadeed: Bookoob waxay si kama danbays ah u xallisay cudurdaarkii koowaad ee ahaa in ay yaryihiin buugaagta luuqadda Soomaaliga ku qoran sidaas awgeed qofka Soomaaliga ah ee aan luuqad kale aqoon uu ku marmarsiinyoon jiray.
Wakhtiga: Sidoo kale waxay tooganaysaa caqabad labaad oo in badan lagu gabban jiray, taas oo ahayd in buugga dhammayska ah ee xaashiyaha badan ka kooban uu wakhti dheer u baahan yahay, ama caajis yahay. Halkan Bookoob waxay ku xallisay in buug 500 bog ka koobnaa nuxurkiisii iyo fikradihiisa madhaafaanka ah ay kuugu soo uruuriso wax toban bog ka yar ama aad ku akhrin karto muddo saacad ka yar.
Dhegayso haddii akhrisku ku dhibo: foodsaarada ugu danbaysa ee dadka akhris-diidka ah ku gabban jireen xitaa way ka jawaabaysaa, madashu waxay dedaal badan gelaysay in buug kasta oo madasha la soo geliyo aad cod ahaan u dhegaysan karto, taas oo ah faa’iido dheeraad ah. Haddaad ka mid tahay dadka ammin baraarugiisa (attention span) ay saameeyeen muuqaallada gaagaaban Tiktok-ga, Reels-ka Facebook iyo Shorts-ka Youtube-ku, waxaad ka helaysaa fursad dahabi ah oo aad ku bugsoon karto. Isku dhexdarrida akhriska qoraalka iyo dhegaysiga codku na waxaan aaminsanahay in ay kordhin karaan heerka fahanka iyo dhexgelidda buugga.
Bookoob waxay ka jawaabeen cudurdaar kasta oo aad samaysan lahayd si aadan wax u akhrisan, marka xaalku waa noqonayaa, xujo kale ma hadhin iyo (beenta) oo lagu xammaashaa. Ugu danbayntii na Bookoob waxay xallisay caqabiddii helitaanka buugta oo moobilkaaga, taabledkaaga iyo kambayuutarkaaga ayay buug kasta kuu soo dhex dhigaysaa.
Muddadii aan sahaminayey madasha iyo app-ka Bookoob waxaa iiga soo baxday in buugaagta ku jirtaa ay aad u kala duwan yihiin. Noocyada buugaagta ee ku jirtaa waxay ka bilaabanayaan suugaan iyo dhaqan, horumarinta qofka, ganacsiga iyo dhaqaalaha waxay na ku dacaldhabayaan illaa siyaasadda, maamulka iyo falsafadda. Waxaan ka dareemay isudheellitirnaan. Buugaagta caalamiga, aqoonta Islaamka iyo waxqabadka qaaradda Afrika inta ba in ay isu miisaameen.
Waxaan isleeyahay madashani waa madal cumri iyo cumqi ba leh, oo aan keliya ku koobnayn dhiirigelinta iyo buugaagta caanka ah keliya ee ay ku jiraan buugaag tayo leh oo waaraya. Walow madasha yoolkeedu yahay in buugaagta la soo koobo, haddana waxaan dareemayaa inay wacnaan lahayd in lagu soo daro buugaag dhammaystiran, ugu yaraan qayb ka mid ah buugaagta iyaga buuxa la soo turjumo. Waxay ila tahay haddii waaxdaas ay xoogaa dedaal ah geliyaan, in ay buuxinayso hammuunta akhrista u muhda ee tebaya sidayda, in uu helo nuqul dhammaystiran oo ka mid ah buugaagta qaarkood. Sidoo kale intii aan ku xidhnaa madashan, waxaan dareemay in buugaagta qaarkood aysan kugu fillayn inaad khulaasadooda keliya akhrisatid.
Run ahaantii, aad baan ula dhacay heerka iyo tayada turjumaadeed ee ay soo bandhigeen howlwadeennada madasha Bookoob. Buugta badankooda luuqadda lagu turjumay waa mid aad heersarraysa, sulux ah oo si farshaxanle loo turjumay. Intaan akhrinayey weli ma dareemin in aan akhrinayo buugaag luuqad kale laga soo turjumay kuma saxanin habdhiska iyo tacbiirka turjumaadeed ee ay adeegsanayeen. Maadaama buugaagtu yihiin khulaaso iyo nuxur la soo ururiyey, waxay ka saaciday baan is odhan karaa inay turjumaad aan ereyley ahayn adeegsadaan oo ay farriinta ku soo gudbiyaan luuqad dabiici ah ee erey-erey lagu turjumay ahayd, waayo waxay iska debciyeen dabarkii ahaa in lagu dhegganaado tacbiirkii qoraaga buugga ee luuqadda kale.
Dhaliisha keliya ee aan ku arkay turjumaadda Soomaaliga ah, waa ereybixinta oo aan mar walba midaysnayn. Buugaagta dhexdooda waxaan kula kulmay in marar badan hal fikrad dhowr qaab oo kala duwan loo turjumay ama hal tacbiir ereyo kala duwan lagu macneeyey. Caqabadan oo ah mid dabiici ah mashruuc turjumaadeed kasta bilow ah laga filayo inuu wajaho, midaynta ereybixinta turjumaadda ayaan u soo jeedin lahaa iyo in ay iskudubbaradaan ereybixin isku aaddan.
Dhanka tayada qoraalka iyo naqshadda madasha, walow aan bilowgii hore xoogay caqabado ah kala kulmi jiray naqshadda app-ka hadda na horumarinta ay ku sameeyeen waxay xallisay inta badan caqabadihii jiray. Hab qoraalka buugaagta wax dhaliil ah kuma arag, si wacan baa loo tifaftiraa. Khaladaadka qoraaleed oo ah caqabadda ugu wayn ee lagala kulmo qoraallada af Soomaaliga ku qoran aad bay ugu yaryihiin. Marka la isku soo duubo, tayada naqshadeed ee madasha, heerka turjumaadda iyo habqoraalku ba waa mid aad u sarreeya.
Dheefta ugu weyn ee madashan Bookoob waa inay buuxaysay kaalinta baahinta iyo helitaanka aqoonta. Iyada oo bixinaysa dulmar kooban oo ku saabsan fikradaha mufakiriinta caalamka, madashu waxay qayb ka noqonaysaa xalka caqabadaha hortaagan ka-faa'iidaysiga guud aqoonta, waxayna waxbarashada ka dhigi kartaa mid ay si fudud u heli karaan bulsho weyntu. Akhristayaasha, gaar ahaan dhalinyarada ah, waxay u abuuraysaa wadiiqo aqooneed oo ay ku fahmaan, kula na socdaan afkaarta caalamiga ah iyo carin maskaxeed oo ballaadhan.
Dhanka kale, moodeelkan koobitaanku ee madashu adeegsataa wuxuu leeyahay xuduud. Waa lama huraan in qoraallada la soo koobay ay lumiyaan tafaasiisha yaryar (nuance), soo ururiyaan kakanaanta doodaha, sidoo kalena ay si xad-dhaaf ah u fududeeyaan buugaagta ku dhisan caddaymaha faahfaahsan iyo sababaysanta dooddaha. Tani waxay muhiim ka dhigaysaa in Bookoob aan loo qaadan in ay tahay beddelka akhriska buuxa, balse loo arko bar-bilow iyo horseed.
Ka akhriste ahaan waxay ila tahay in madashu ay afeef ama jihayn cad ku daraan, dhammaadka ama bilowga buugaagta, taas oo ay akhristaha ku dhiirigelinayaan in uu akhriyo buugga oo dhammaystiran una tilmaamaan meesha uu ka heli karo. Taas oo aan qabo inay tahay mas'uuliyad isa saarid iyo xilkasnimo aqooneed.
Bookoob waa dedaal istiraatiiji ah oo wax ku ool ah, kana qayb qaadanaya dhisidda deegaan-aqooneedka dhijitaalka ah ee af Soomaaliga, kuna guulaystay jebinta caqabadda luuqadeed ee akhriska hortaagan. Guusheedu waxay ku xidhnaan doontaa in aanay marna gorgortan ka gelin: hufnaanta turjumaadda, tayada qoraalka iyo joogteynta habsamida tifaftirka. Qiimeyntayda guud ee waxqabadkani waa 9/10.
Si loo xoojiyo saamaynta fog ee madasha loona muujiyo xilkasnimo aqooneed, waxaa Bookoob waxaan u soo jeedin lahaa:
Afeef iyo Jihayn Cad: In lagu daro farriin akhristaha ku dhiirigelinaysa raadinta buugga oo dhammaystiran, si koobitaanku u noqdo bar-bilow ee uusan noqon beddelka akhriska buuxa.
Ballaadhin: haddii ay suuragal tahay in ay isku howlaan hirgelinta waaxda “turjumaadda buug dhammaystiran”, taas xallin doonta baahida aqooneed qayb badan oo ka mid ah, kana dhigi doonta Bookoob irrid laga galo caalamka akhriska.
Baahinta habraaca: In ay shaaciyaan habka turjumaada iyo mabaadi'da tifaftirka ee kooxdu raacdo.
Mideynta ereybixinta: In la hirgeliyo hage ama qaamuus mideeya ereybixinta af Soomaaliga ee loo isticmaalayo buugaagta kala duwan.