Skip to main content

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Tix

Miisaanka salka Maansada

4 March, 2025
Image
jh
Xuquuqda sawirka: Hoyga Maansada Soomaaliyeed
Share

Miisaanka salka maansadu ma aha xeer iyo halbeegga kala sooca hadalka iyo hawraarta ama tixda iyo tiraabta oo keliya, balse waa hab-aqooneed muhiim u ah qeexidda iyo sumaddeynta jaadadka kala duwan ee suugaanta Soomaalida. Waa xeer-duud qeexaya sida ay jiifto uga duwan tahay gabayga ama geeraarku uga geddisan yahay buraanburka. Sidoo kale, miisaanka salka maansadu ma aha wax cusub oo gadaal ka soo baxay ee waa aqoon fac weyn oo la curatay hal-abuurka maansada, inkastoo aan la hayn qofkii ugu horreeyay ee bilaabay ama si habaysan u soo bandhiga. Hase yeeshee, deraasadaha cilmiyeed ee la xidhiidha miisaanka salka maansadu waxay si rasmi ah u soo ifbaxeen horraantii qarnigii 19-aad, xilligaas oo cilmi-baadheyaal reer Galbeed ahi ay isku dayeen inay falanqeeyaan qaab-dhismeedka suugaanta Soomaalida.

Waxase la isku raacsan yahay oo aan marag ku jirin, in falanqaynta suugaantu ay si xooggan u soo shaac baxday, ka dib markii la dhammaystiray dhigaalka far Soomaalida oo lagu qorey xarfo Laatiini ah sannadkii 1972. Maqaallo taxane ah oo uu qoray abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa si gaar ah uga hadlay miisaanka maansada, kuwaas oo markii ugu horreysay lagu daabacay Wargeyskii Xiddigta Oktoobar intii u dhaxaysay 17 Janaayo ilaa 29 Maaj, 1976, ka dibna dib loogu sii faafiyey warsidaha BADSO.

Xarunta Cilmi-baadhista Soomaaliyeed ee Jaamacadda Rooma ayaa saddex nuqul oo ka mid ah maqaalladan gelisay kaydka Soomaaliya si ay dadweynuhu uga faa’iidaystaan.

Prof. Cabdillaahi Guuleed Diiriye "Carraale" ayaa aamminsan in uu isagu yahay qofkii ugu horreeyey ee si cilmiyaysan u deraaseeyay, una soo bandhigay Miisaanka Maansada Soomaaliyeed.

Abwaanno kala duwan ayaa gacan ka geystay in aqoonta la xidhiidha miisaanka salka maansada la kobciyo iyo in guud ahaan hab-dhiska suugaanta Soomaaliyeed loo gorfaysto si cilmiyaysan. Abwaan Cumar Macallin Nuur (Cumar Kuul) ayaa intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1985 cilmi-baadhis qotodheer ku sameeyay godadka maansada iyo hab-dhiska suugaanta Soomaalida, taas oo uu natiijo wanaagsan ka gaadhay. Sidoo kale cilmi-baadhistan waxa ka qayb qaatay oo gacan weyn ku lahaa, Dr. Cali Muuse Ciye iyo Maxamed Cabdillahi Riiraash.

Abwaan Cumar Kuul oo ahaa gabay ruug iyo suugaan dhaadhi baac dheer ku lahaa hal-abuurka iyo curinta suugaanta, ayaa soo kordhiyay qaab cusub oo loo tiriyo maansada Soomaalida, qaabkaas oo uu ugu magac daray “TIDCAN”. Waxa ka mid ah heesta "Suubban" oo uu ku luuqeeyo Cumar Aadan Dugsiiye.

Naf uu jacayl saanyadoo, seeran                                       

Salashoo hurdada, seexan                                  

Suntii jacayl leeftayoo, saaqan                           

Sababtaad leedahoo, soomman                        

Garabna kaa sugi miyaad, siisan              

Sadriga maad galin lahayd, suuban         

Mise socaad odhan lahayd, saacan?         

Sahwi nafaad galisayoo , suursan

Ku suntatoo adiga kuu, seemman 

Dumarna kasoocatoo, seegan

Sintii jacyl leeftayoo, saaqan

Garabna kaa sugi miyaad, siisan

Sadriga maad galin lahayd, suuban

Mise socaad odhanlahayd, Saacan.

Waraysi uu siiyey 1997 Golaha Raadiyaha iyo Telefishinka ee Jabuuti (RTD), ayuu ku sheegay xeerka iyo Godadka suugaanta soomaalida, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxu xusay qodobbadan hoose:

  1. Dhiska maansada waxaa lagu salleeyaa godad badan oo ab iyo awow laga soo gaadhay.
  2. Maanso waxay ka bilaabantaa hal cod-unug am erey-dhabal (syllable). Waxayna noqon kartaa laba, saddex iyo in kabadan
  3. Cod-unug ama erey-dhanbal ayaa sal u ah miisaanka salka maansada Soomaaliyeed (MSM)
  4. Maanso inta ugu yar eey ka unkanto waa hal cod-unug oo gaaban. Tusaale ahaan: “kac kan kor” iyada oo shaqal dheer ahna waa “koob koor keen”
  5. God dhaqameedka ugu gaaban godadka maansada waa “abtigya dixdii hoos-wene – kol is wad ,kol I wad.”

Waxa kale uu sheegay in godka kale ee saddexda cod-unug ama allan ka unkanni uu yahay godka Oohoo.    Kaasi oo ay Carruurta reer miyigu isku caayaan. Wuxuuna ku daray inuu godkaa ka curiyey heeskan hoos ku qoran oo uu ku luuqeeyo fannaan Cumar Aadan Duugsiye,

Karantoo di’ baan

Keyn abeesle galoo

Kumayaal duuban baan

Kala booday lugtoo

Kurtinkii geedaha

Kubabkii I jabshee

Adaa keeney dhibkee

Dabka kaalay baqtii

Dhanka kale, abwaan Cumar Kuul waxa uu sheegay in xidhiidh weyni ka dhexeeyo bahaha kala duwan ee maansada. Gaarriye ayaa arrintan kala siman Cumar Kuul oo isagu qaba in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya bahaha kala duwan ee maansada Soomaaliyeed.

Tiraynt Salka Maansada

Hab-xisaabeed ka uu Cumar u adeegsaday tiraynta maansada ayuu ku saleeyay waxa uu ku sheegay cod unug oo ah salka dhawaaqa, isaga oo tilmaamay in godadka maansadu u qaybsamaan laba qaybood oo mid waliba leedahay hab-xisaabeed u gaar ah. Waxa kale oo uu Abwaan Cumar Kuul sheegay in godka gabayga oo ah kan ugu dheer maansada Soomaalidu uu ka unkamay saddex god oo la isku daray.

Sida ku cad tusaalahan hoose.

Gud Gabay

Tirayn

Tuudhe taadhe + maqalley warlaay + aabbo cali geele

2 1 2 1 1 1 2 1 2 2 1 11 2 = 21 (12,9)

Car idaali + maqalley warlaay + aabbo cali geele

1 1 2 1 1  1 2 1   2  2 1 1 1 2 1   = 20 (10.10)

 

Haddii labadan tusaale ee kor ku taxan si qoto dheer ugu fiirsanno, waxaan si fudud u fahmi karnaa sababta keentay in dhererka gabaygu mar noqdo 21 shaqal marna dhararkiisu soo gaabto uu noqdo 20 shaqal. Arrintani ayaa ii soo if-baxday muddadii aan ku jirey ururinta iyo deraasaynta godadka kala duwan ee maansada, gaar ahaan gododka saddexda ah ee uu ka unkamo gabaygu ee aan kor ku xusnay.

Waaxaan filayaa inay arrintani soo af-meeri doonto su’aalaha laxidhiidha sal-beegga gabayga.

Dhanka kale, Cumar wuxuu sheegay in godadka maansadu ay u kala baxaan laba qaybood oo kala duwan xagga hab-dhiska iyo miisaanka Kuwaas oo kala ah:

  1. Godadka dabran:

Godadka dabranni waa kuwa shaqal gaabka iyo shaqal dheerku kala soocan yihiin, mid kastaana meel gaar ah ku leeyahay meeriska dhexdiisa. Waxaana ka mid a godka “abtigayaa ma fulaa”. Sida shaxankan hoose ku cad:

                                  Godka abtigaa ma fulaa

Shaqal    gab

Shaqal gaab

Shaqal gab

Sh. dheer

Dhererka & habdhaca

Ab           ti

Gaa           

Ma        fu

Laa

1 1 2 11 2 = 8 (4.4)

Ma          fa

Ruur

Ya          cad

Daa

1 1 2 11 2  = 8 (4.4)

Ma          fan

Dhaal

La            qo

Raa

1 1 2 11 2 = 8 (4.4)

 

Heesahan laga curiyey godkan waxaa kamid ah heesta “kamaal” ay ku luuqayso fannaanada Rooda Daahir ee tidhaa:

Erayada heesta

Labadii kaftantee

Kalgacayl ku lamaan

Koriyee kobciyaa

Kurtinkuu nacabkood

Ka kabay kabexee

Ka kabay kabexee

Marka aan u fiirsanno Hab- dhiska heeskan , waxaan arkaynaa in shaqal gaabka iyo shaqal dheeru ay kala soocan yihiin oo mid waliba meel go’an ku leeyahay meeriska. Sida shaxankan hoose ku cad.

Dhererka

Habdhaca

Heestii:kamal

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Labadii kaftan tee

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kalgacayl ku lamaan

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Koriyee kobciyee

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kurtinkuu nacabkood

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kakabay ka baxee

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kol hadaan kasbaday

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kashka kaan karabay

8 (4.4)

1 1 2 11 2

Kadabaa rabbiyoow

 

2. Godadka daysan :

Waa godadka xorta ah ee ay shaqal gaabka iyo shaqal dheeruhu meel go’an aysan ku lahayn meeriska dhexdiisa, waana qaybta ugu badan godadka maansada oo waxaan tusaale u soo qaadan karnaa godka “Maqaleey warllaay”

shaxda 14aad:

Godaka maqalley

Dherarka

Habdhaca

Maqalley warlaay

7 shaqal (4.3)

1 1 2 (1) 2

Ma lagu waramay

7 shaqal (2.5)

1 1 1 (1) 1 2

In cali la dilay

7 shaqal (2.5)

1 1 1 (1) 1 2

O cumar la dilay

7 shaqal (5.2)

1 1 1 (1) 1 2

 

Cumar isaga oo faah-faahinaya aragtidiisa tiraynta maansada wuxu yidhi : “ waxaa jira xeer iyo qaacidooyin la raaco marka la rabo in la hubiyo salka maansada.” Kuwaas oo ay ka mid yihiin.

  1. Meeriska kasta oo maansada ka mid ah waxaa loo kala ja-jabin erey-dhambalo ama cod-unugyo.
  2. Cod-unug kasta oo meeriska ka mid ah shaqal dheer ama shaqal gab, waxaa lasiin qiimo- xisaabeed.
  3. Waxa uu sheegay in godka shubaashu uu yahay godka kala qaybiya maansada "dabran" iyo tan "daysan".

Dhanka kale, Cumar Kuul wuxuu godka shubaasha ka tiriyay heeso badan caan baxay oo ay fanaaniintu ku qaadaan waxaana ka mid tahay heesta “shacni” oo uu luuqeeyo isla Cumar Aadan Dugsiiye:

Biyo shallow dheer

Ka shumaayiyo

Shiil-cad buuroo

Sheed ka muuqdaay

Shaaca waaberi

Cadceed shaaskiyo

Xayddey shaakoo

Shucaac fidisaay

Shinnu dhaladeey

Sha’nigaagii

Shaamareemaye

Xubno shubaneey

Sha’nigagii

Shaamareernaye

Ma shuhuuraa?

Ma shuhuuraa?