Skip to main content

Saturday 6 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Miisaaniyadda Somaliland: Faaqidaad iyo Lafagur

27 November, 2025
Image
Miisaaniyadda Somaliland: Faaqidaad iyo Lafagur
Share
Hordhac

Miisaaniyadda Somaliland sida uu dhigayo xeerka Maamulidda Maaliyadda Dawladda ee Xr Lr.75/2016 waxa ay diyaarinteedu bilaabantaa 15-ka bisha Abriil. Diyaarinta miisaaniyadda waxa laga soo dheegaa Higsiga Qorshaha Horumarinta Qaran ee 2030. Jaranjarooyinka ay marto miisaaniyaddu waxa ka mid ah oo ugu muhiimsan, waasaradda maaliyadda oo ah halka lagu diyaariyo, daneeyayasha miisaaniyadda, golaha wasiirada, golaha wakiillada oo leh ansixinta iyo wax-ka-beddelka miisaaniyadda iyo ugu dambeyn madaxwaynaha oo leh dhaqangelinta. Si kale haddii loo dhigo, miisaaniyadda kolka ay soo diyaariso waaxda fulintu, waxa ay martaa golaha Wakiillada oo iyagu na awood u leh wax ka beddel iyo ansixin, dabadeed waxa ay dib ugu noqotaa waaxda fulinta oo si rasmi ah u dhaqan gelisa.

Haddaba, qormadan waxa aynu ku faaqi doonnaa miisaaniyadda Somaliland, innaga oo muunad ahaan u soo qaadan doonna afartii miisaaniyadood ee u dambeeyay laga soo bilaabo miisaaniyaddii sannadkii 2022 ilaa laga soo gaadhayo sannadkan hadda dhammaadka ah ee 2025. Miisaaniyadahan, waxa aynu ka eegi doonnaa saddex dhinac oo kala ah; ilaha ay ka soo xarooto, sida ay dawladda dhexe u qoondayso iyo ugu dambeyn dheelliga ku jira miisaaniyadda dalka iyada oo aynu ka fiirin doonno xagasha kabka iyo kaalmada Dawladda Dhexe siiso Dawladaha Hoose ee uu jiddeeyay Xeerka Ismaamulka gobolladda iyo degmooyinka ee Xr Lr. 23/2019.

Qeexidda Miisaaniyadda dawladda

Dawlad kasta si ay amniga u sugto, qarashaadka hawldeennadeeda u daboosho, adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad u bixiso, waxa lagama maarmaan ah in ay hesho dakhli ay ku daboosho waajibaadkaas oo dhan sidaas daraaddeed “odoroska dakhliga soo gali doona dawladda sanadka soo socda iyo halkay ku bixin doonto ayaynu si fudud ugu qeexi karnaa miisaaniyadda dawladda”.

Miisaaniyaddu kaliya ma aha dakhliga iyo kharashka dawladda, balse waa tallaabooyinka ay dawladdu qaadayso hadda si ay mustaqabalka dhaw iyo kan fogba dhaqaalaha dalka u hagaajiso. Badanaa miisaaniyadda kolka la diyaarinayo waxa la sameeya xog-ururin lagu ogaanayo xaaladda dhaqaale e dalku ku suganyahay, si loogu saleeyo duruufta dhaqaale ee taagan markaas. Haddaba, miisaaniyadda Somaliland ma tahay mid ka jaawaabaysa dhibaatooyinka dhaqaale ee dal ahaan innagu weyn? Ma tahay miisaaniyad la daadajiyey mise waa miisaaniyad urursan? Waa halkee isha ugu weyn ee miisaaniyaddu ka timaaddaa? Su,aalahan iyo kuwo kaleba waxa aynu kaga jawaabaynnaa inta dambe ee qoraalkan.

Ilaha dakhliga Dawladda
Isha xogta: Wasaaradda Maaliyadda

Sannadka

Cashuuraha Barriga%

Cashuuraha Kastamka%

Wadar

2025

23%

75%

0.98

2024

23%

76%

0.99

2023

22%

76%

0.98

2022

20%

78%

0.98

Celcelis:

22%

76%

0.9825

Sida ku cad jaantuskan isha ugu weyn ee uu ka yimaaddo dakhliga dawladdu waa cashuuraha gaar ahaan cashuurta kastamka. Miisaaniyad kasta oo Somaliland celcelis ahaan 76% -ka mid ah waa dakhli ka imanayay kastamyada(Custom Duties)—waa marka aynu tusaale u soo qaadanno afartii miisaaniyadood ee u dambeeyay. Halkan haddaynu ku yara hakanno una fiirsanno waxa aynu arkaynnaa in badqabka cunto (Food Security) ee Somaliland uu aad u liito amma halis ku suganyahay, oo aynu nahay dal aad ugu tiirsan badeecadaha dibedda laga soo waarido, isla kolkaas na aan lahayn wax soo saar ay dheefsadaan mise na ay dhoofiyaan. Mushkiladdan, waxa ka dhalanaysa in ay si fudud inoo saamayn karaan qalalaasaha dhaqaale taas oo ah khatar jiritaan.

Dhanka kale, jaantuskan waxa aynu ka arkaynnaa in cashuuraha Barriga ka soo xarooda afarta miisaaniyadood celcelis ahaan ay gaadhayaan 22%, waana xaddi aad u hooseeya loona baahanyahay in kor loo qaado sababta oo ah dakhliga ugu badan ee dawladuhu waxa u ka yimaaddaa ama ku tiirsanyahay cashuuraha barriga oo ah isha ugu muhiimsan ee dawlad kasta ka hesho cashuur, innaga se taasi ma muuqato oo ishaasi waa mid aan irmaaneyn.

Cashuurta barriga oo ah cashuuraha nooca tooska ah (Diract Tax) waa cashuur culayskeeddu ku dhaco qofka laga qaadayo, tusaale ahaan haddii aad shaqaale tahay sida xeerka cashuuraha barrigu dhigayo waa in mushaharkaaga laga gooyaa 6% tan ayaa la yidhaa cashuur barri, waxa la mid ah cashuurta hantidda ku dhacda ama cashuurta macaash-macaashka ee laga qaado ganacsiga si sannadle ah. Sidaas kolka ay tahay, waxa inoo muuqata in 98% cashuuraha ay Somaliland qaaddo ay ka soo xaroodaan labo ilood oo kala ah Kastamyada iyo Barriga oo u kala badan sida ay u kala horreeyaan.

Kolka la joogo bartan waxa xusid mudan in 3% ama ka yar oo kali ah yihiin cashuurta dakhliga iyo macaashka oo ah cashuurta laga qaado ganacsiga iyo shirkadaha waaweyn. Maxay tani ka dhigantahay? Waxa ay ka dhigantahay oo ay muujinaysaa in shirkadaha dalka ee waaweyn aanay si waafi ah u bixin cashuurtii ku waajibtay taas oo noqonaysa cashuur la baxsi ama in si dad ban looga dhoofo waa arrin hoos u dhigaysa dakhliga dawladda, halka ay kor u qaadayso oo ay dheef badan siinayso shirkadaha gaarka loo leeyahay. Sidaas awgeed waxa lama huraan ah in wasaaradda maaliyaddu dardargaliso korna u qaaddo soo urursiga cashuurtan oo runii muhiim u ah waxqabadka iyo adeeg bixinta dawladda.

Gobollada Somaliland iyo hannaanka Cashuur Ururinta

Cashuur urursiga dawladda kolka laga milicso xagasha gobollada iyo sida ay uga soo kala xarooto, sida miisaaniyadaha afarta ah ku cad mar kasta gobolka Maroodijeex ayaa saamiga ugu weyn leh oo cashuurta ugu badani ka soo xarootaa, halka kalinta labaadna u kaga jiro gobolka Saaxil. Waxa la is wayddiin karaa maxaa sababay in ay gobolladu ku kala horreeyaan xagga cashuur ururinta? Ma wax soo saarka ayey ku kala horreeyaan mise waa hannaanka cashuur qabashada iyo sida ay Wasaaradda Maaliyaddu u urursato cashuuraha?

Waxa aynu hore u soo xusnay cashuuraha ugu badan ee dawladdu ay urursato in ay ka soo xaroodaan labo ilood oo kala ah; cashuuraha ka yimaadda Barriga iyo Cashuuraha ka soo xarooda Kastamka, is bar bar dhig ahaanna faraq weyn baa u dhexeeya oo waxa laban laab badan cashuuraha ka soo xarooda Kastamyada.

Maaddaama cashuurtu ay ku salaysantahay dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee bulshada sida qof shaqeeya oo cashuur la saaro, alaabo la soo dajiyo iyo wax la hal maala waxa jirta in dhaqdhaqaaqa dhaqaale uu ku yaryahay gobollada beriga, dawladnimadda oo aan daadajisnayn, waxiibsiga ugu weyn ee dawladda oo ka dhaca gobolka Maroodijeex, iyo mashaariicada horumarineed oo aan caddaalad ku dhisnayn, dhammaan qodobadani waxay toos saamayn ugu leeyihiin dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalka, ha noqdo mid magaalo amma mid gobole labadaba. Sidoo kale baaxadda gobollada bariga ayaa ah mid aad u ballaadhan, waxaana ka jira muddo badan duruufo colaadeed oo iyaguna saamayntoodda dhaqaale leh. Arrimahan oo dhan waxa ka dhashay in ay dadku ku soo jabaan Caasimadda oo dabadeed ay noqdaan cashuur bixiyeyaasha Maroodijeex.

Haddaba, shakhsiyan waxa aan qabaa si kor loogu qaado hannaanka cashuur ururin ee dalka in labo loo kala qaado wasaaradda maaliyadda oo laga dhigo; Haayadda dakhliga Somaliland (Somaliland revenue authority) oo qaabilsan soo ururinta dakhliga dawladda iyo wasaaradda inteeda kale oo loo daayo in kaliya ay samayso qoondaynta dakhliga dalka u soo xarooday, waana nidaam hadda dawlado badan adeegsadaan sida Itoobiya.

Sidee miisaaniyadda dawladda loo qarashgareeyaa?
Isha: Wasaaradda Maaliyadda

Wadagaayaasha iisaniyadda

2022

2023

2024

2025

Ammaanka

36%

36%

40%

42%

Maamulka

18.89%

20.81%

19.6

19.40%

Waxbarashada

8.46%

8.36%

7.10%

8%

Caafimaadka

6.14%

5.49%

5.18%

7.10%

Waxsoosaarka

2.58%

2.54%

2.26%

2.25%

Haddii aynu soo sheegnay sida ay dawladdu u urursato cashuurta iyo ilaha ay ka hesho aynu haddana isla eegno sida ay dakhligaas u qarash garayso una qoondayso. Ugu horraynna aynu wayddiintan ka jawaabno sidee dawladdu u qoondaysaa dakhliga?

Sida ku cad jaantuskan sare, Amniga ayaa ah halka ugu badan ee dawladda dhexe ku qarash garayso miisaaniyadda, waxa muuqata celcelis ahaan 39% ka mid ah miisaaniyad kasta oo dalka ah marka tusaale loo soo qaato afartii miisaaniyadood ee u dambeeyay ay ku baxaysay ammaanka. Nasiib darro iyo nasiib wanaag ka ay tahayba waxa xusid mudan in musharka ciidanka, qalabaynta iyo tabobbarrada ay helaan iyo daryeelka guud ee ciidanka aanay miisaaniyaddaas aadka u badani ka muuqan.

Dhanka kale, haddaynu ka eegno celcelis gaadhay 19.7% oo ka mid ah miisaaniyaddaheenu waxa uu ku baxayay wadaagaha maamulka oo ah wadaagaha labaad ee kharashka ugu badan ee miisaniyaddu u leexdo. Isugaynta amniga iyo maamulku waxa ay miisaaniyadaha ka ahaayeen 58.7%, waana in ka badan kalabadh miisaaniyadda guud.

Waxbarashadda, caafimaadka iyo waxsoorka oo ah halkaynu ka eegi karno horumarka u dalsamaynayo waxa ay miisaaniyaddaha ka ahaayeen celcelis ah 16.28%.

Maxay tani ka dhigantahay? Waxa ay ka dhigantahay in boqolkii dollar ee kasta e dawladdu kharashgaraynayso in lix iyo toban doollar oo keliya ugu talo gashay waxbrashadda, caafimaadka iyo waxsoosaarka oo la isku daray!

Haddii aynu tan barbar dhigno dalalka jaarka sida Itoobiya iyo Kiiniya ku dhawaad boqolkiiba labaatan (20%) ayay waxbarshadda oo qudha galiyaan. Si kooban miisaaniyadaha Somaliland waa miisaaniyado aan ka jawaabanahayn dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka ka jira. Marka la soo ururiyana dhammaan miisaaniyadihii ugu dambeeyey ee Somaliland dajiso waxa ay ku soo ururayeen mushahar shaqaale, amniga iyo maamulka, waana arin ay tahay in dib loo saxo si wax looga qabto mushkiladaha dhaqaale iyo horumar la’aanta.

Kabka iyo kaalmadda dawladda dhexe siiso dawladdaha hoose

Sida uu dhigayo Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019, marka laga yimaaddo dakhliga dawladaha hoose iyagu soo saartaan, waxa ay dawladda dhexe siinaysaa kab iyo kaalmo oo ah kabka loo yaqaan 12.5 iyo 10% kaas oo loo qabto degmooyinka kastamadyada leh. Haddaba, halka u dheelliga u weyn ku jiro waa halkan gaar ahaan 10% loo qabanayo degmooyinka kastamyada leh. Degmo in cashuur loo xidho waxa shardi ah in cashuurtaasi tahay mid lagu qaadi karo dhammaan degmooyinka, cashuurta kastamkana degmo kastam leh oo kali ah baa lagu qaadi karaa.

Dhanka kale cashuurta kastamku ma aha cashuur dawlad hoose ee waa cashuur dawlad dhexe. Haddii aynu si kooban u eegno tusaale ahaan miisaaniyaddii 2025, marka la joogo kaalmada 10% saddex degmo oo kali ah(Berbera, Gabilay, Saylac) baa qaadanaya in ka badan boqolkiiba sagaashan(90%), halka degmooyinka kale ee kastmayadda leh oo ah 11 degmo u soo hadhayaan waxa ka yar 10% oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn sida Hargaysa, Burco, Ceerigaabo,Boorama, 87 degmo oo aan kastamyo lahayn waxba kuma laha 10%-ka.

Dheelliga weyn ee arrinkani uu sababay kaalmadda loo qabanayo degmooyinka kastmayadda leh waxa uu si toos ah uga horimanayaan ujeedka dawladuhu cashuurta u qaadaan. Marka laga yimaaddo ujeedka dawladuhu cashuur u qaadayso oo ah in il dhakhli u noqoto dawladda, waxa jirta ujeedo kale oo weyn oo cashuur loo qaado waana, in lagu yareeyo kala tagsanaanta(Inequality) dhaqaale ee degmooyinka, gobollada iyo dadka udhaxeeya. Kaalmadda 10%-ku waxa uu abuuraya in degmooyinku dhaqaale ahaan kala tagaan waana u jeed ka horimanaya midkaas hore. Tusaale ahaan miisaaniyaddii 2022-kabka iyo kaalmadda ay dawladda dhexe ka helaysay degmadda Berbera waxa ay ahayd 12 milyan oo dollar, halka Burco ka heshay 1 Milyan oo doollar. Waa faraq aad u weyn. Sidoo kale, si guud miisaaniayadda dalku ma ah mid gobolaysan ee waa mid Wasaaradaysan. Wasaaraddaha dalkuna waxa ay adeeg bixintoodu ku urursantahay caasimadda dalka taas oo ka dhigtay miisaaniyadda dalka mid urursan(Centralized).

Gunaanad iyo soo jeedimo

Ugu dambeyn Miisaaniyadda sida aynu soo aragnay waa ay ka koobantahay dakhi ay dawladdu urursato oo ah cashuur iyo qarash ay dawladdu qoondayso. Waxa muuqata oo weliba waajib ah in la joogo waqtigii wax laga beddeli lahaa qaabka loo ururiyo cashuuraha dawladda iyo qaabka loo qarash gareeyo cashuurahaas. Si kooban Somaliland waxa ay u baahantahay in ay wax ka beddesho Miisaaniyaddeeda. Sidaas awgeed maaddaama ay hadda tala hayso xukuumad cusub oo imika sannad uun joogta, isla markaas na ay ku gudo jirto diyaarinta miisaaniyaddeedii koobaad waxa aan u soo jeedinayaa in wax ka beddel iyo dib u nidaamin u ku samayso miisaaniyadda iyo xeerarka ay ku shaqaysaba. Waxaan ku soo gunaanadayaa 1. In la kordhiya waxsoosaarka gudaha taas oo wax tar u leh guud ahaan koboca dhaqaalaha. 2. In ay wasaaradda maaliyaddu

nidaamiso isla markaas na kor u qaaddo ururinta cashuuraha barriga. 3. In waxkabeddel iyo kaabis lagu sameeyo xerarka dheelliga dhaqaale keenaya sida Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019. Ugu dambeyn waa in dawladdu cashuurtii ku waajibtay shirkaddaha waawayn e dalka ka qaaddo, si taasi u hirgashana waa in la isku xidhiidhiyo nidaamka dhijitaalka ka ah ee maaliyadda iyo kuwa shirkadaha waaweyn si loo ogaado dakhliga saxda ah ee soo gala, cashuurta ku waajibtayna looga qaado.