Wednesday 19 November 2025
Guddoomiyeha Guddida Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu labalaabay kaalmadiisii hawlgalka AUSSOM oo uu gaadhsiiyay 20 milyan oo doollar oo ka mid ah miisaaniyadda loo baahan yahay oo dhan 196 milyan oo doollar, laakiin, haddii aan la helin Maalgelin degdeg ah oo la saadaalin karo, ay khatar ku jiraan guulihii dirqiga lagu gaadhay oo dhani oo ay dib u noqon doonaan.
Kulan ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay oo ay yeesheen Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, qaybna ka ahaayeen dalalka Soomaaliya iyo Ingiriisku, ayaa lagaga wada hadlay dhibaatooyinka Maalgelinta ee soo foodsaaray Hawlgalka Taageerada Xasilloonida Soomaaliya – AUSSOM oo sannadkan beddelay Hawlgalkii ATMIS. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Hawlgalka Nabad Ilaalinta Soomaaliya aanu ahayn mid dabafuran, kanina u yahay midkii u dambeeyay oo loo baahan yahay in Soomaaliya ay la wareegto nabaddeeda iyo madaxbannaanideeda, muddadaasna la dedejiyo taageerada hawlgalkan, isaga oo dhanka kale ammaanay Soomaaliya oo uu sheegay in ay horumar ka sameynayso dhinacyada qaar.
Maalgelinta Hawlgalkan waxa uu laxaadkeedu ka iman jiray Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay. Ha se ahaato e, isbeddelka siyaasadeed ee Maraykanka oo saameyn ku leh dalalka kale ee qaybta ka ahaa Maalgelinta, iyo Qaramada Midoobay oo dood ka qabtay in hawlgalkan cusubi (AUSSOM) uu qayb ka yahay qaraarkii uu 2023kii ansixiyay Goleha Ammaanku ayaa madmadow badan galisay Maalgelinta AUSSOM, waana caqabad weli taagan.
Hawlgalkan nabad ilaalineed oo marar kala duwan laga beddelay magaca ayaa waxa uu soo bilowday sannadkii 2007, si salka loogu dhigo Dawladdii Federaalka ee Kumeelgaadhka ahayd. Ha se ahaato e, iyada oo lagu guuleystay in xukuumadda salka loo dhigo Muqdisho haddana weli kuma ay guuleysan in ay amnigeeda ula wareegto si buuxda, ka dib 18 sannadood, waxana dhul ballaadhan haysata kooxaha al-Shabaab oo weli khatar ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.