Skip to main content

Friday 6 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Midabbada jannada

26 May, 2025
Image
Midabbada jannada
Share
Hordhac

Waa Maajid Majiidi oo u muuqda in uu kabo illaday, si uu sandulle innoogu baro indha-sarcaadka Shaneemada Iiraan. Si guudba iyada oo fankii, aqoontii, iyo siyaasaddii barigu ay dumeen— oo aanay cidina ka xiiranin, haddana shaneemada Iiraan, iyo gaar ahaan waxsoosaarka Maajid ma aha wax la iska dhega marin karo. Waa waxsoosaar ay si walba waajib u tahay in laga warhayo, ugu yaraan ay tahay in aynu ku baraarugsanaano, iyaguna ay isu ogaadaan.

Markan Maajid waxa uu qoray, isla jeerkaas na, uu Hage (Director) ka yahay sheekada aynu lafaguri doonno, waa The colors of Paradise | Midabbada jannada, oo magaca asalka ah ee ay ku soo baxday ahaa (رنگ خدا, Rang-e Khodā). Waa filim uu noociisu yahay Family/Drama, hal saac iyo soddon daqiiqo ayuu dhererkiisu yahay, waxa shaashadaha Iiraan la soo saaray hilaaddii 1999. Ma doonayo in aan daawadaha ku hanwayn in uu soo daawado aan ka carshacarsheeyo, mana rabo in keenna hore u daawaday in aan ka dhabqiyo, anna hadalku iga dhammaan waayo, fahan uun baan ku koobsan doonaa.

Haddii Ibraahin-Hawd, uu dhul qarfe ah, oo raacato deggantahay ugu yeedhay “Cadaabtii Carruurta” markan waa Iiraan oo cadaabtii carruurta ah. Qoys raacato ah, beeraley ah, oo webiga dacalkooda mara iyo dalagga beertooda ka soo go’a manaafacsada, ayaynu baranaynaa. Qoys dabaqaddii Kaaral Maarkis Borolotaariyaanka ugu yeedhi jiray ah, oo aanay intaa waxba uga hoosaynin, haddii laga tagi waayo, waxa shilimaad yar, oo faro guudkood ah— oo aan iidaanka iyo qallayska cunnaada reerka dhaafsanayni uga soo xeroodaa, warshadda dhuxusha ee uu Ramadaani duleedkii magaalada wixii dhir ku taallaay unuunka kaga guray, iyo aanu geed gaab, jillab, mid qocondho leh, iyo mid dhafaruur leh toonna kaga tegin. 

Maxamed Ramadaani wuxu xubin ka yahay, qoyskaas wadhatada ah. Aabbihii, ayeeydii aabbe, iyo laba hablood oo uu la dhashay ayuu isagu na shan ku yahay.

Dunta Filinka

Xabkadda sheekadu waa laanta ugu muhiimsan ee sheeko oo dhan, waa halka uu nin na fannaanka ku noqdo, nin kale na marka uu suyuc ka dhigo, ay bulshadu “Wadhi galay” tidhaahdo. Xabkadu waa soohdinta iyo dunta isu haysa sheekada, nuxurka iyo dhacdooyinka, haddaba, waa halkan barta uu Maajid innagu barayo awooddiisa khayaalka, iyo halabuurka xeesha dheer ee sheeneemada Iiraan. Dhacdooyinka falkinta ahi, kaama luminayaan nuxurka iyo ujeedkii sheekada, daqiiqadaha tirada badan ee filinku socdana, waxa kaa diidaya in aad baaladaymooto oo aad dhuuxida lumiso, nuxurka miisaanka culus ee sheekada, waa nuxur kugu soo xaadirinaya wax alle iyo wixii aad buug, sheeko, ama filin naqdi bulsho ah, ee aad hore u soo aragtay. Waxa aad dawaafayaaa, kolba intii uu le’ekaa wacyigaaga bulsho, iyo ogaalkaaga cilmi bulsheed, ee ay duunkaaga caaradu xuubka kaga guud samaysatay.

indha la’aanta Maxamed, jacaylka uu u qabo aqoonta iyo waxbarashada, iyo sida uu waaqacu uga falcelinayo, xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya dabeecadda iyo isaga, iyo sida uu u akhriyo ee aan cidina la wadaagin, ayaa ah xabkadda ama seeraha sheekadan. 

Isaga, culays sidaa u sii weyn kuma hayso, indha la’aantu kama hor taagna jacaylka uu u qabo dabeecadda, oo taabasho ayuu kaga dhergaa, taabasho ka xeeldheer aragga. Waxa uu kala yaqaanaa dhirta, oo ciidda iyo iniinyuhu ba waxa ay u sameeyaan qoraal isku qasan oo u eeg far indhoolka oo kale, laamaha galleyda ayuu wax ka dhex akhriyaa, quruuruxa ciidduna wuxu uga dhiganyahay xarfo ku yaalla buug sheeko faneed ah oo ay dabeecaddu qortay, waabay tahaye. Intaa marka lagu ladho jacaylka uu u qabo aqoonta iyo waxbarashada, waxa maankaaga qub ku soo odhanaya Filinkii “See”. Bulshada filinkaas oo dhammaantood indhool ahi, qofka indhaha qaba ee akhristaha ah, waxa ay u yaqaannaan “Hebel aamusnida ayuu maqlaa” waa afgarasho fajac ah, marka lagu eegayo indho aan ahayn kuwa jilayaasha sheekada, ama aan lagu eegayn, indhaha bulsho sideenna tabtaas u nool! 

Halganka nololeed ee Maxamed Ramadaani waxa sees u ah indhoolnimadiisa iyo caashaqa uu waxbarashada u qabo, iyo cadawga riyadiisaas oo ah aabbihii, oo u yaqaanna indhoole daciif ah oo aanu korin karin, isaguna aan waxba qabsan karin.

Horraantaba waxa ay sheekadeenu ku kowsanaysaa boodhinka indhoolayaasha, macallin qaybinaya cajalado Qaraami ah, iyo ardayda oo mid waliba ta uu leeyahay qaadanayo, si ay isugu diyaariyaan safarka masaafada dheer ee guryo noqoshadooda, safar uu u xigi doono, safarka labaad ee maalinta fasaxoodu dhammaado. 

Barxadda dugsiga ayay ardaydu saf ku jirtaa, oo qof waliba waalidkii ayuu sugayaa, judhiiba ardaydu way kala foofayaan macallimiintooda na way nabaadiinaynayaan. Marka laga reebo Maxamed, isaga aabbihii muddo ayuu ka maqnaanayaa, waayo kuma niyadsama Maxamed iyo jiritaankiisa iyo in uu waxbarto, halka keli ah, ee uu wax ku baran karaa na, ay tahay boodhinkan indhoolayaasha, ee ay ka sokeeyaan waddooyinka rafka ah iyo safarka saacadaha badan qaata.

Maxamed isaga kama qasna, dan iyo heello toonna kama laha maqnaanshaha aabbihii, taa baddalkeeda dabeecadda ayuu la sheekaysanayaa, cabashada shimbiraha ayuu maqlayaa, inta uu caawin karona wuu caawinayaa, cajalado qaraam ah ayuu isu kala beddelayaa, oo mid waliba inta ay dhoofiso, ka dejinaysaa beerta ayeeyadii.

Ugu dambayn imaanshaha aabbe aan ku niyad samayn ayuu ku warhelayaa, dabadeed waxa uu safar u galayaa gurigii ayeeydii, beertoodii, oo uu u xiisay geedkii uu kal hore ka beeray, iyo taabashada wajiyada labada hablood ee la dhashay. Aabbihii oo dugsiga iyo waxbarashada qof indhool ah luggooyo u yaqaanaa, waxa uu ku hanwayn yahay in uu geeyo faarad nin indhool ah oo ay saaxiibyihiin ku leeyahay tuulo u dhow, wuxu qabaa in ay indhoolkaa kale isla jaanqaadayaan, maaddaama oo aan Maxamed kala shaqayn karin warshaddiisa dhuxusha, ayeeydii na aanu beerta la fali karin, sidoo kale na aan waxbarashadani waxba u taraynin gaban indhoole ah. 

Waxaas oo dhami waa is bihin bihin, ee ujeedka u weyn ee uu odaygu wiilkiisa isaga fogaynayaa, waa in uu ka baqa qabo in uu ka carshacarsheeyo guurkiisa. Gashaanti ay jaar yihiin ayuu jecelyahay,  waa geenyo ka dhalatay qoys isaga ka jeeb roon. Reerka inantu iinta qudha ee ay u hayaan Ramadaani, waa in uu isagu guur hore soo maray— oo uu carruur haysto, weliba carruurta midkood, waa Maxamed e uu indhool yahay, taasina ay inantooda dhabar jab ku keeni karto, korinta laba hablood iyo wiil indhoole ah!

Nuxurka sheekada

Inta badan dhulalka ay ka jirto ilbaxnimo taqliid ah oo asalraacnimo ku dhisan, dhulalka aan dawladnimo cago adag ku taagan lahayni, waa qorfe noloshu tahay ta kaynta oo kale “Ninkii roon baa reerka u hadha” sida loo kala awood badanyahay, ayaa manfaca na loo kala leeyahay. Sida loo kala taag daranyahay, ama mararka qaar, loo kala naxariis iyo dadnimo badanyahay, ayaa loo yaqaannaa, in loo kala cabban yahay oo loo kala daciifsanyahay. Waa halka ay ka soo jeeddo falsafadda quudhsiga haweenka ee bulshadeennu, maaddaama oo aanay dumarku boos ku lahayn noloshaas wax iska celinta iyo kala adkaanta ku dhisan. 

Dumarka uun kuma yasna halkan, ee marka aad naafo tahay, ee uu lugaha luxud kaa galo, ama aad arag darrayso, shaqadaadu waa in aad hadhqoodaalka guriga iska jiifto— oo halkaa raashinka laguugu keeno, haddii aad dhimirka u xanuunsato, waa la mid iyana! Oo geed qudhaanjo leh baa silsilad daxalaysatay laguugu giijinayaa. Bal ka warran marka qofka halkaa ku indho beelay ama dhimirkiisa ku waayay uu dumar yahay, miyaanay laba daranley ahayn?

Waxaa iyana la jaad ah carruurta, oo iyaguna dhulkaas ku mara barbaarin, layliga askartu ka naxariis badanyahay. Waa na ta sababta in bulshada dunsan ee sidan u nooli, aanay weligood iyo waaqood hinqanin. Sigmoid Fraud oo liishaanka u toosistay, si uu u kala dhigdhigo nafsadda aadanaha, ayaa waxa uu tibaaxayaa in habdhaqanka, dabeecadda, fekerka, iyo qaabdhismeedka nafsadda qofku ay ka abuurmeen dhallaannimadiisii, barbaarintiisii, iyo waayihiisii ubadnimo, iyo waxa saamayn, doog, iyo xasuus ka hadhay waayahaas, ee baraadkiisa iyo ku xardhan, khaanadda mahadhooyinka ee duunkiisa.

Dr. Cali Wardi, oo sii falkinaya doodda Sigmoid, isagu se markan ku eegaya indho cilmi bulsho, hadalkiisa na aad mooddo, in uu mawduuca u yahay xabkad ama soohdin isku xidhaysa, sida indhoolnimada Maxamed Ramadaani, ayaa leh:“Aadanuhu si kasta oo ay maskaxdiisu u korto, kama horumari karo ilaa xad, qaab-dhismeedka iyo hab fekerka bulshadiisa. Waxaa caddaalad darro ah, in qof ku soo koray, bulsho bilow ah dhexdeeda, in laga sugo, in uu soo saaro falsafad adag, sida falsafaddii Bergson oo kale, ama in uu sameeyo cilmibaadhis weyn, sida aragtidii fiisigiska, ee Einstein oo kale.”

Waakan isagu na, Dr. Cabdiwahaab El Messiiri oo u markhaati furaya saykoolojiyadda Fraud iyo doodda cilmi bulsheed ee Cali Wardi. “Qoysku waa aasaaska iyo dhuuxa, qaabdhismeedka bulshada, nuxurka iyo meel ka soo jeedka qoysku na waa hannaanka ay u wada noolyihiin, iyo xidhiidhka ka dhexeeya xubnaha guriga, iyo sidoo kale, fahanka iyo aragtida barbaarineed ee ka jirta hoyga gudihiisa, iyo garashada waalidka.”

Maxamed waayahaas cadaabta ah, fahankaas liita ee barbaarinta ka jira dunida bariga ee uu ku noolyahay, waxaa u dheer indho la’aanta uu uurka hooyadii ku arag darreeyay. Cidina naf buu leeyahay isma tidhaahdo, marka laga reebo ayeeydii aabbe—oo inta uu fasaxa ku jiro kula quusata qudbiyada awliyada, kolba dariix awtaad iyo amjaadi ku aasantahay bay gaysaa— oo inta ay dariix ku dawaafiso, manaaqibka sheekha indhaha kaga akhridaa, burdahay marisaa, inta ay lubaan ku shiddo, dabadeed “Abaadiroow soo uruuri aragiisa” tidhaahdaa.

Waxay rumaysantahay in rooxaan dinnisadii habaarka qabtay, indhaha ka haysato oo ay meel daran iyo meel daaddays, ka soo raacday, tahay na in laga cuudiyo. Sida waayeel oo dhami yahay, ma rumaysna dhakhtarrada casriga, in ka badan inta ay sharoobada dawo u taqaano na, waxa ay shifo ugu yeedhaa, taxliil xadro laga soo qaaday, oo ay xertu faataxo iyo cayniyo ugu akhriyeen. Halkaa waxa uu Maxamed ku waayay fursad laga yaabo in uu indhihiisa ku heli lahaa, oo aaminaad diimeed, ama wixii uu Maarkis daroogada bulshada u yaqaannay, ayaa aragiisa isbaaro hor dhigtay. Ugu yaraan se ayeeydii waxa ay u ogoshahay in uu waxbarashada sii wato, marar badan baanay ayeeydii iyo aabbihii ka doodeen arrintaa.

Aabbihii baa se guulaystay ugu dambayn, oo inta uu siray ku yidhi “Meel aad ku ciyaarto ayaan ku gaynayaa, dalxiis baynu isu raacaynnaa aabbe” ayuu geeyay faarad nin indhool ahi leeyahay, waa wax iska caadi ah in waalidku been kuu sheego marka aad dhulkan joogto.

“Ilmuhu kolka uu daal la dhaqaaqi kari waayo oohin iyo ciil buu miciinsadaa, waayo in cidlada lagaga tago ayuu ka baqayaa, socodna ku ma jiro. Si uu isu tiilo waxaa lagu bajiyaa ”caws iyo biyo ku nool baa ku cunaysa” iyo ”reer-guure-raac baa ku eeganaya”, dabadeed daalkii waxa u raaca argagax. Markaas oo kale waxaa been loogu sheegaa “geedkaa muuqda ayaa la degayaa”, kolka geedkii la gaadhana mid kale ayaa loo sii tilmaamaa. Sidaas ayuu ku bartaa dadka waaweyni in ay beenowaasyo yihiin dabadeed isaganu beenta xalaashadaa.” — Ibraahin-Hawd.

Muddo haddii uu ooyay, oo inta luun ku wareegay, sidii uu u dharraqaamayay, dhuuntu caddaatay, ugu dambayn waxa uu si quus ah ku aqbalay waayihiisa cusub iyo baalka ugub ee ay noloshiisu gashay. Uurkuu se ka ooyayaa, haddii ilmo ka socoto na, kolley cidi uma jeeddo, oo waxaa dad ugu dhow, indhoolkan gobta ah, se u muuqda nin aan rejo jiraalka ka lahayn, goblan sida uu yahay qaayibay, warka iyo waayaha adduun na, iskaga soo koobay “Waa nin iyo waagii.”

“Soo dhawoow adeer Ramadaaniyoow, halkani waa faaraddayda, Ilaahay ha u naxariisto e aabbahay baa xirfaddan i baray, faaraddan na isaga ayaa lahaa. Hore u soo soco, halkani waa albaabkii, taabo, qolkan yar ee ugu soo sokeeyaa aad buu u koobanyahay u na wacanyahay, markaan lodkaaga ahaa baan seexan jiray, hadda wixii ka dambeeyana adigaa leh, labadan qol waa iska dabagal, soo soco weli. Halkani waa daaraddii dambe, qoryaha iyo xaabada ayaa inoo yaalla, kani na waa ceel, halkan inna fadhiisi. Adeer looxyadu waxa ay u kala baxaan labadan, qori cas iyo qori cad, qori casku waa kan, hoo, taabo. Bisinka, maxaad la ooyaysaa adeer, ma waxa aad u xiistay ehelkaagii, ma ciyaar baad doonaysaa, miyaad gaajoonaysaa adeer?”

Ma oga waxa uu ka ooyayo, ma oga in uu dhab ahaan maanta dareemay in uu indhoolyahay, mar haddii uu waayay dugsigiisii iyo waxbarashadiisii, dhab ahaan isaga indho la’aan waxa u ah, in uu waxbarasho waayo, waxa arag la’aan u ah, in uu xorriyaddiisa waayo. Indha la’aanta dhabta ahi waa xorriyad la’aanta, jahliga ayaa ah mugdiga dhabta ah, in aad waydo cid ku jecel, iyo naxariis carruurnimo ayaa run ahaan ah tamar yari, iyo dhulyaalnimo.

Markan Maxamed waxa uu dareemayaa, in uu la joogo, qof ay si uun isku waayo u yihiin, oo wadeeco isku mid ahi wada hesha. Waxa uu garwaaqsanayaa, in uu la joogo, waayo arag dhammaystiran, oo haddii uu saddex iyo toban sanno indha la’aa, isagu afartan sanno dam ahaa. Kalsooni iyo murugo ayaa biyo dhigaysa, dabadeed waxa uu nidar ku gelayaa in uu waddaco.

Maxamed Ramadaan waxa uu ku calaacalayaa “Looma’ooyaan baan ahay, aan cidina jeclayn, xataa ayeeyday ima jecla, indhahayga awgood, dugsi goonni ah baan dhigtaa, oo arday sidayda ahi joogto. Macalinkaygu waxa uu noo sheegay, in Ilaahay na jecelyahay, sababta oo ah, waxba ma arkaynno! Anna waxa aan ku idhi, haddii uu na jecelyahay, muxuu noo abuuray annaga oo indha la? Dabadeed waxa uu i yidhi, wax walba taabo, awooddiisa ayaad ka dhex arki doontaa, ilaa aad ugu dambayn isaga ka taabanayso.” 

Ilmaha qaaba’qawsayn ku koray, dabadeed sidaa Ina Ramadaani indha la’aani u raacday, waa gartii waxa uu yidhaahdaa ba, qof ama qofaf bulshadaas bilowga ah ku dhex kacaamay na, marka falsafadda Cali Wardi lagu eego, eed kuma laha, waxa ay ugu jawaabaan.

Qoraallada kale ee qoraaga

Sheeko

Lixdii Janaayo