Thursday 15 May 2025
Dhibbane eedayntu, waa aamminaaddo been ah oo inta badan dhibbanaha ku canaanta in uu sabab u ahaa dhibta loo gaystay, iyaga oo denbiilaha ka weeciya eedda ficilkiisa. Tusaale ahaan, waxay dhibbanaha ku maagaan in uu cabsanaa oo ay sababtiisa tahay waxyeelladda gaadhay; in ay xidhatay maryo aan habboonayn oo iyadu dhibta u yeedhatay; in uu wakhti danbe kaligii/ kaligeed socotay oo ay khaladkeeda tahay dhibta gaadhay; in uu denbiilaha wax wayddiiyay oo mushkiladduba wayddiintiisa ahayd. Qofka kaliya (kooxdunna way ku jirtaaye) ee eedda ku leh faldenbiyeed dhacay: waa denbiilaha oo qudha. Isku day kaste oo lagu danbabaso ficilkiisa iyo feker kasta oo isku daya in uu eedda ka duwana, waxaynu u naqaan: dhibbane eedayn.
Dhibbanaha oo la eedeeyo, waxay shidaalisaa sii socodka xadgudubka jinsiga ah (kufsiga) dad badan oo arrintan dhibbane u ah, waxay sheegeen in ayna rejaynaynin in ay godobtooda sheegtaan, sababtoo ah; waxay ka cabsanayeen in lagu caayo (eedeeyo) dhibta gaadhay ama aan la rumaysanba. Tani waxay qaadhaan ku dartaa yaraanta xadiga ku dhiirata sheegida dhibta gaadhay, Sababtaas aawadeed, dhibbaneyaal badan lama oga danbiilayaashii waxyeelleeyay. Si kastaba ha ahaatee, waxay tirakoobyaddu sheegayaan 90% kiisaska kufsiga ah in dhibbanayaashu iyagoo garanaya denbiilayaasha ku tacadiyay, ayna ku dhiirran in ay sheegaan. Waxa jirta marxalad kale oo dhibbanuhu waajihi karo: ku wiirsiga dhibbanaha, waa marka dhibbanahu ciirsi beelo ee dhana ku eerran waayo, marka bulshadu faquuqdo, ee hoos u eegto, ee sidii tuke-baal-cad dadka laga sooco, marka hiil la'aanta hiif iyo ceebayn loogu daro. (Waxa arrintan tusaale nool u ah, gabadh Soomaaliyeed ee la kufsado sida bulshadu uga falceliso) Dhibbane eeddayntu, waa xaalad jidh ahaan iyo maskax ahaanba saamayn xun ku reebta dhibbanaha. Waana arrin ay tahay in aan la dhayalsan wax ka qabashadeedda.
Arrinta layaabka leh, waxay tahay, sababta aynu dhibbanaha u eedayno. Walster, waa qoraa iyo aqoonyahannad reer Maraykan ah oo kasmo-nafeedda bulshada takhasuskeeddu yahay e, waxay tilmaamtay in sababtu tahay; cabsi iyo hab aynnu nafaheenna ku ilaalino! Arragtida ka danbaysa dhibbane eedayntu, waxay tahay, bashar ahaan, kama fekerno suurtagalnimada arrin sidaas u argagax leh oo aynnaan xakamayn karin ay innoogu dhici karto. Sidaas daraadeed, marka aynu dhibbanaha eeddaynayno, waxaynu isku dayaynaa in aynnu arrimaha xayndaabka xakamaheenna ku soo cellino, si ay u yeeshaan sababo haddii aynu iska jirno aynu ku badbaadi karno ama isku ilaalin karno. Marka hore, waa in aynu dhibbanaha u yeelno sifo iin ah oo u soo jiidda dhibta, (tusaale ahaan; way wareeg badnayd oo haddii ay socodka badan yarayn lahayd lama kufsadeen, wuu ciyaar badnaa oo haddii aannu garoon fog aadeen waxaasi kuma dhaceen, inan yar oo qalqaali ah oo dhusdhus badan bay ahayd, maryo khafiifa ayay xidhatay oo haddii ay is asturi lahayd waxaasi kuma dhaceen, way haasaawe badnayd ee haddii ay ragga ka fogaan lahayd waxaasi ma helleen...) dabadeed, judha aynu ka fakarno sababta ay dadka qaar ugu dhacno dhibaatadda kufsigu, markiiba, waxaynu isugu laabqaboojinaa, ka fogaanshaha sababihii dhibta u keenay. Waxay arragtidani si qotodheer u sharaxdaa sababtu aynu dhibannaha u eeddayno. Maxaa yeelay, kufsigu, waa dhaawacyadda qofka ku reeba riiq nafeed oo dabadheeraata, in mushkilada sidaas u weyni qof walba ku dhici kartanna, waa arrin aan dadka badidii ka daaddegi karin.
Waxa jira deraasaddaha qaar soo bandhigay, in lagu kala duwan yahay dhibbane eeddaynta. Oo dadka qaar eeddu qaban ogtahay, sababo la xidhiidha jinsiga ama qoomiyadda (reerka) ay yihiin. Ragga la kulma tacdiga jinsiga ah waxay waajahaan eeddayn ka badan inta haweenku wajaho. Sidoo kale, habab isku mid ah dhibbanaha looma eedeeyo, tusaale ahaan, qofka caddaanka ahi uma eedeeyo ruuxa la midabka ah si la mid ah sida uu u eedeeyo dhibannaha madawga ah. Caddaanka laftiisa ayaa is kala gura, oo qofka Ameerikaanka dhaladka ah ahi uma eeddeeyo qofka la haybta ah si la mid ah sida uu u eedeeyo Ameerikaanka Hibnoska ah. Dadyowga nacaybka qoomalluudku qanjaha joogo uma eedeeyaan si isku mid ah dhibannaha jinsigiisa beddelay iyo qofka caadiga ah, had iyo jeer wadaantu dhan bay u janjeedhaa. Xitaa eeddaha aynu saarsaarno dhibannaha aynu naqaano way ka badan inta aynu u jeedinno dhibannaha aynnaan aqoon. Si la mid ah, dhibannaha balwadda leh wuu ka eedayn badan yahay dhibannaha aan balwadda lahayn, haweenka aan asalraaca ahayn way ka eedaymo badan yihiin haweenka asalraac ah. Dhaqan ahaan, waa lagu kala duwan yahay dhibanne eeddaynta. Tusaale ahaan, afrikaanku wuu ka dhibanne eedayn badan yahay Istareeliyaanka, Jabaaniisku wuu ka dhibanne eedayn badan yahay Ameerikaanka. Ameerikaanka dhaladka ahina wuu ka eeddayn badan yahay Ameerikaanka Hibnoska ah. Sidoo kale, dadka aqoonta leh way ka eeddayn yar yihiin dadka aan aqoonta lahayn.
Waxa kale oo deraasaduhu sheegeen in siyaabo kala duwan ay eedaymaha ula kulmaan dhibbanayaasha labka iyo dheddiga ahi. Dumarka, taxadirla'aan iyo in ay cid walba iska aamminto ayaa lagu eedeeyaa. Ragganna in uu jilicsan yahay oo aannu waxba iska celin baa lagu eedeeyaa. Sidoo kale, waxaa xidhiidh dhaw ka dhexeeyaa xaaladda uu qofku ku jiro iyo eeddaymaha uu dhibbanaha u jeedinayo, haddii qofka ay isu duruuf dhow yihiin dhibbanaha oo uu aaminsanyahay in uu la kulmi karo xaaladaas oo kale, wuu ka eeddaymo yar yahay qofka aan la midka ahayn.
Si walba oo deraasadaha kasmo-nafeedda bulshadu u lafo-guraan sababta aynu dhibbanaha u eedayno, xaqiiqadu waa hal qudha; kufsigu waa alhuumo qof kastaa la kulmi karo heer kasta oo noloshiisa ah (qof weyn iyo qof yarba) eedna kuma laha qofka musiibadaas la kulmay, waxa ku dhacay. Qofka kaliya ee waligiis ku eeddaysani waa denbiilaaha falkaas gaystay.
In aynu baabi'no aragtida dhibbane eedaynta, waxa fure u ah, ku baraarugidda khuraafaadka ku meersan kufsiga, kuwaas oo had iyo jeer dhibbanaha eedeeya, denbiilahana baarka u fidha. Waxa kale oo muhiim ah, in qofku naftiisa su'aalo, marka ay arragtiyaha dhibbane eeddayntu maankiisa ku soo dhacaan, sababtu uu dhibbanaha u eeddaynayo.