Wednesday 12 November 2025
Musuqmaasuqa kolka laga hadlayo waxa lagu sheegaa ama uu yahayba caqabad caalamiya oo dunidu wadaagto. Sooyaalka casriga ah laguma hayo dawlad ama bulsho ku guulaysatay in ay cidhib tirto, maxaa yeelay waa wax ku taxan baahida aadmiga ee aan dhammaanin. Meel wal oo laga helo awood dhaqaale ama siyaasadeed musuqna waa loogu tagayaa siyaabo kala duwanba ha uga dhex dhaco e. In ayna cidina ku guulaysan tirtiristiisa malahayga waxa loo tiirin karaa dabeecadda aadmiga ee sida daran ugu maman awoodda iyo baahida nololeed oo ah mid furan oo aan lahayn sohdin. Si kastaba, dunida inteeda miyirka qabta ee hagaagsani, waxa ay isku raacsantay kol haddii aan la suulin karin bal in la dhimo oo la yareeyo oo intii hoos loo dhigi karo loo dhigo, waayo sharkiisu wuxu dumin karaa bulsho dhisan oo figta sare joogta dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan. Waxa uu galaafan karaa nolosha iyo aayaha malaayiin qof waabu galaaftaa e. Guud ahaan waddamada Afrika, waxa lagu tiriyaa meelaha uu ka dhaco musuqmaasuqa muuqda ee loo wada jeedo. Soomaaliduna bulshooyinkaas ayey ka mid tahay. Musuqu ma aha wax la qarsado waa banyaal. Waxa ugu badan ee la musuqo si gaar ah na loo leexsado waxa ka mid ah; cashuuraha, deeqaha/maalgelinta, boosaska shaqooyinka, khayraadka iyo xukunka laftiisa. Sidaas awgeed, maqaalkan waxa aynu ku eegi doonnaa sababaha qofka ku riixa in uu ku kaco fal musuqmaasuq.
Kolka la qeexayo musuqmaasuq ma jirto qeexid sugan oo la isku wada raacsantahay, waayo waxa kala duwan xaglaha laga fiiriyo iyo dhinacyada laga joogso, sida xagal dhaqaale iyo awoodeed ama xagal anshaxeed, waxa se la laga midaysanyahay oo aqoonyahanka baadhaa ayna ku kala weecan macnaha guud ee uu koobsanayo musuqmaasuqu oo ah awood dhex loo yahay oo lagu takri falo si loogu fushado dan gaar ah oo ka baxsan danta guud. Erayga musqmaasuq Qaamuuska Afsoomaaliga ee ay wada diyaariyeen Cabdalle Mansuur iyo Annarita Puglielli waxa uu ku micneeyey “Khiyaamo iyo eex ay cidi ku dhaqanto”. Joseef S. Nye oo ahaa cilmi baadhe, aadna u deraaseeyey siyaasadda, xukunka iyo maamulka, kuna caan baxay awoodda dabacsan maqaal uu daabacay sannadkii 1967-kii isna waxa uu ku qeexay“in la xooro dantii guud iyo masuuliyaddii dadweyne si loo gaadho dan gaar ah iyo mansab”. Marka la soo ururiyo musuqmaasuqo waa hab dhaqan leexsan oo lid ku ah habdhaqankii wanaagsanaa iyo dantii wadaradeed, u eexashada koox ama cid ah adiga oo xigsanaya ayaana ka mid ah.
Cadaadiska tabani waxa uu ka midyahay waxyaabaha ugu horreeya ee qofka iyo bulshadaba ku riixa in ay ku kacaan falal musuqmaasuq, waxaana ka mid ah saboolnimada, caddaalad darrada iyo xil jacaylka.
Cawaaqib xumada uu musuqmaasuqu leeyahay, dhab ahaan, waa mid aan muran ku jirin, wax badan baana laga qoray laga na digay, sidaas awgeed, muddo dheer waxa la isku dayey in loo jid bixiyo oo si cilmi ah looga jawaabo sababaha qofka ku bixiya in uu ku kaco fal sidan u gurracan xitaa isaga oo qudhiisu og in aanu akhlaaq ahaan iyo damiir ahaan sax ahayn. Sidaas awgeed aqoonyahannada u ban baxay in ay jawaab u helaan wayddiintan waxa ka mid ah Doland R. Cressey oo ahaa caalim cilmi bulsheed iyo kasmo-nafeed. Doland sannadkii 1953-kii wuxuu faafiyey buug u bixiyey “Other People’s Money: A Study in the Social Psychology of Embezzlement.” Isla buuggan dhexdiisa ayuu ku sharraxay aragti uu ka soo dhiraandhirayey kiisas maaliyeed oo uu ku sameeyey baadhis, aragtidaas oo u bixiyey saddex xagalka musuqmaasuqa.
Doland, wuxu ku dooday qofku in uu ku dhiirrado sameynta musmaasuq kolka ay saddex shay ku kulmaan oo uu isla helo. 1. Cadaadis (Pleasure) ku riixa in uu ku kaco falal musuqmaasuq, cadaadiskaas oo ay ugu sarrayso awood jacayl furan oo qofka indha tira, isla markaas na ay ugu hoosayso wax la’aan, dulmi tirsasho, rejo beel iyo is waayid. Mararka qaarkood cadaadisku waxa uu noqon karaa mid siyaasadeed 2. Fursad (Oportunity) oo ah in uu qofku helo kansho uu ku sameeyo musuqmaasuq. Waa sidii tuug fursad u helay guri aan lahayn ilaalo iyo dad jooga, dabadeed wixii yaallayba dharaar cad gurtay. Ha’yadaha dawladeed iyo shirkadaha gaarka loo leeyahayna waa la mid ah, oo kol kasta oo ay dabacdo xakameynta gudeed iyo kormeerku waa kol kasta oo halis loogu jiro musuqmaasuq iyo wax is dabo marin 3. Qiil (Rationalization), waa qodobka ugu dambeeya, kolkan waa qofkii oo inta uu dunida bi’iyey u qiil dayaya ficilladiisa si uu u damiyo dabka ka holcaya madaxiisa iyo laabtiisa. Maangal ahaan qofku kolka uu wax musuqayo wuu ogyahay in uu falayo ficil damiirka iyo anshaxa lid ku ah. Wuu ogyahay in uu samaynayo danbi iyo wax xeerarka aan ku bannaaneyn, sidaas awgeed waxa uu u baahanyey marmarsiiyo iyo qiil uu ku xalaalaysto ficilkiisa, kolkaa waa in uu nafta maaweeliyo oo uu tusaale isugu sheekeeyo “Sidan waxa aan u falay bulshada darteed”, “Waan soo celin doonaa kolka aan helo dhaqaale”, “Hebel iyo hebelba xafiisyadii loo dhiibay way ka faro qabsadeen, ee anigu ma nacas baan ahay, waa in aan sidaa yeelo “, “ Hebel ba inaadeerkii waa uu shaqo geliyey ee aniga maxaa iga siya “. Waa qiil iyo marmarsiiyo. Doland R. Cressey saddexdan sababood ayuu ku ururiyey sababaha dadka u horseeda in ay ku kacaan musuqmaasuq.
Bernad Maddof waxa uu ahaa ganacsade iyo bangi yaqaan sumcad ku dhex leh suuqa wall Street, haddana dhaqaale burburkii dhacay sannadkii 2008, waxa lagu helay musuqmaasuq taariikhda galay isaga oo lunsaday 65 bilyan oo doollar..
Kol dambe aragtidan waxa sii hormariyey David T. Wolfe iyo Dana R. Hermanson waxaanay ku dareen qodob afraad oo ay u bixiyeen “Karti/awood u yeelasho”, oo waxa ay ku doodeen aragtida Doland in ay saxantahay se ay haddana koobantahay, kolkaa waa in ay meesha ku jirto karti iyo awood musuq sameeyuhu ku fulin karo, kuna qarin karo ficilladiisa gurracan, aragtidan oo ay u u bixiyeenThe Fraud Diamond waxa u sii markhaati furay kiisas iyo fadeexado maaliyadeed oo ka dhacay suuqa dhaqaalaha Maraykanka sida wall Street. Tusaale waxa jirta fadeexad musuqmaasuq oo soo shaac badaxday sannadkii 2008-dii, ka dib dhaqaale burburkii caanka noqday ee ay ku masallifeen bangiyo aad u badan dabadeed sababtay mashaqo dhaqaale oo caalamiya. Bernad Maddof oo ahaa ganancse iyo Bangi yaqaan sumcad ku dhex lahaa suuqa ganacsiga iyo saamilayda Maraykanka ayaa la ogaaday in ay ku maqantahay adduun dhan oo gaadhaya 65 bilyan oo doollar. Bernad, waxa uu xariif ku ahaa xeeladaysiga, waxaanu lahaa karti yaab leh oo u suuragelisay in, dhanka kale na aan la ogaan khiyaamadiisa. Saamilayda cusub ee uu ku soo daro shirkaddiisa si uu u soo jiito waxa uu tusi jiray faa’iidooyin bug ah oo uu curiyey, dabadeed dhaqaalaha ay ku darsadaan ayuu ka dhigi jiray faa’iido ay shirkaddu soo saartay oo waxa uu siin jiray saamilaydii hore ee qadiimiga ahayd sidaasna waxa uu ugu kala gooshi jiray jeebadaha dadka ilaa ay dhacday mashaqadii dhaqaale burburka, kolkaas oo ay saamilaydu damacday in ay kaashaystaan saamiyadoodii se waa ay ku hungoobeen, waayo shirkadduba waxa ay ahayd bug. Waxa xaqiiqo ah, haddii suuqa dhaqaaluhu iska sii socon lahaa oo aanu ku yimaaddeen burbur in uu Bernad Maddof na hawshiisa iska sii wadan lahaa, waayo wuxu lahaa karti iyo awood uu ku qariyo khiyaamadiisa. Akhirkii kolkii ay ku caddaatay in uu wax dhacay waxa lagu xukumay 150 sanno oo xabsi ah, laakiin 2001 ayuu ku dhex dhintay jeel ku yaalla Waqooyiga Karoolina ee Maraykanka. Tolow maanta imisa Barnad Maddof ayaa dal walba laga soo helayaa?!
Ugu dambeyn musuqmaasuqu waa aafo saameyn taban ku leh dawladnimo wanaagga, horumarka bulsheed iyo tayada nololeed dadka. Sida lagaga hortagi karo ama lagu yarayn karaana waa dhisidda ha’yado iyo xeerar macno leh, kor u qaadista aqoonta iyo wacyiga bulshada, oo lagu kabay sla xisaabtan iyo daah furnaan.