Tuesday 19 May 2026
Buuggan la yidhaahdo, "Somalia: The Untold History 1941-1969", waxa qoray Maxamed Ciise Trunji oo ah qoraa, taariikhyahan iyo garyaqaan macruuf ku ah shaqooyinka la taaban karo ee uu ka qabtay kaydinta, baadhidda iyo qoridda sooyaalkii Soomaaliya ee isticmaarka ka dib. Buuggani waxa uu daarran yahay taariikh saddex tobanguuro ah oo u badan Soomaaliyadii Talyaaniga. Waxa uu isaga tallaabayaa halgankii isticmaar la dirirka ee Soomaalida sida uu ku samaysmay, waxa qaabeeyey iyo wixii ay kala muteen kolkii gumeysiga la kiciyey. Waxa uu soo bandhigayaa doodihii xisbiyada siyaasadeed, ujeeddooyinkoodii, aragtidoodii ku aaddanayd isticmaarka, doodihii ka socday Qarammada Midoobay, iyo wixii ay xisbiyadu kaga duwanaayeen badi ururradii xornimaddoonka ee Afrika ka dillaacay. Waxa uu xagal kale innaga tusayaa sida ay Soomaaliyadii Talyaanigu ahayd iyo xogaha qarsoon ee muddadaas ku duuggan. Maamulladii rayidka ee dalka soo maray iyo hab-xukunkoodii ayuu wax ka taabanayaa.
Eelka dawladxumada Soomaaliya halka ay lugta ku hayso ayuu si layaqaan u beegsanayaa. Intaa waxa dheer in uu ka hadlayo afgenbigii askarta ee sannaddii 1969 arrimaha soo dedejiyey ee maamulladii rayidka sababay in laga takhalluso. Waa buug culus oo si ballaadhan taariikhdaas daaha uga rogaya. Qoraagu waxa uu raadraaca sooyaalkaas u adeegsaday baadhitaanno muddo dheer socday, oo dalal badan la isaga gooshay, aarkiifis loo booqday, magtabado loo tegay, dad loo waraystay, xasuusqorro loo akhriyey, sida oo kalana loo kaashaday ilo looga qaateen ah. Waa tacab siddeed sanno socday oo qaadhaan sheeggan ku biirinaya magtabadda Soomaalida ee sooyaalka qorani ku yar yahay. Faalladan kooban waxa aynu si dulmar ah wax uga tilmaami doonnaa dhaqdhaqaaqyadii ururradii siyaasadeed ee Soomaaliyadii Talyaaniga, konsobkii aynu dawladnimada ka qaadannay, habdhaqankii siyaasadeed ee madaxdii talada dalka qabtay iyo cudurrada ay weli ka kici la'dahay dawladnimadii isticmaarka ka danbaysay ee Soomaaliya.
Ingiriisku waxa uu sannaddii 1941 jabiyey ciidamadii maamulkii Talyaaniga ee Faashistaha, waxa uu ka saaray dalalka Soomaaliya, Eriteeriya iyo Itoobbiya. Libintaas ka dib Ingriiisku waxa uu dhisay Maamulkii Militariga ee Ingiriiska (British Military Administration), kaas oo toban sanno ka talinayey dhulalkaas. Fashilkii ku yimi taliskii Faashistaha waxay Soomaalida u ahayd gu' wanaagsan. Waxa abuurmay wacyi siyaasadeed oo aan hore u jirin. Tobanguuradii kowaad (1941–1950) ee Maamulkii Militariga Ingiriisku waxa uu Soomaalida u oggolaaday xorriyadda hadalka, dhaqdhaqaaqa iyo in ay xisbiyo siyaasadeed samaysan karaan. Taas oo aan hore uga jirin maamulkii Talyaaniga ee muddada dheer xukumayey Koonfurta Soomaaliya. Maxaa yeelay, Faashistuhu waxa uu ahaa nidaam macangag ah oo gacankahadal iyo cabbudhin miidhan ku sifaysan, sidaa darteed ma uusan oggolayn wax xorriyad ah. Muddadii uu taliskaasi jiray mamnuuc ayey ahayd in wax urur ah la samaysto. Ingiriiskii dalka qabsaday ayaa Soomaalidii Koonfur ku dhaqnayd u saamaxay xorriyadda. Jawiga caynkaas ah ayey ku samaysmeen xisbiyo badan oo siyaasadeed oo kolkii danbe saaxadda siyaasadeed ee Soomaalida qabsaday. Mudane Trunji waxa uu sheegay in baraarugga siyaasadeed ee ururradii Soomaaliya aanay ku samaysmin halgan hubaysan, taa lidkeeda se uu caawiyey isbeddelkii dhacay Dagaalweynihii Labaad ka dib iyo qabsashadii Ingiriiska. Sidaa awgeed, hannaanka ay dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ku dhasheen wuu ka duwanaa kii Afrikada kale ee hubaysnaa.
Dabshidkii 1943-kii waxa salka loo dhigay ururkii SYC, kolkii danbe se loo beddelay SYL (Somali Youth League), oo ahaa xisbi gobonnimaddoon oo ujeedkiisu yahay Soomaalida isticmaarku kala qoqobay in la xorreeyo, oo la mideeyo. SYL waxa uu noqday xisbiga ugu codka dheer Koonfur. Muddo kooban ayuu xafiisyo ka furtay dhammaan geyiga Soomaalida, waxa uu ku baaqay in Soomaali la isu ururiyo. Haseyeeshee, waxa uu lahaa iimo farabbadan, oo ay ka mid tahay in uu saaxaddii siyaasadeed afduubto, xisbiyada kale shaanbadeeyo, oo uu qabyaalad aanu isagu ka nabadgelin xisbiyada kale la beegsado. Taas oo keentay dildillaac, qoqob iyo tallan weyn oo sababay in hormuudkii xisbigu ay baxaan, oo ururro kale samaystaan si mucaarad loogu noqdo. Trunji waxa uu u jilibdhigayaa iimihii xisbigu lahaa iyo sida ujeeddadii loo asaasay uu uga baydhay. Xisbi jecel in uu xisbiyada kale liqo, summado u yeelo, oo ay ka go'an tahay in uu saaxadda la wareego in uu ahaa ayuu si layaqaan ugu tiiqtiiqsaday. Xisbigu kuma guulaysan in uu soo saaro hoggaan horkaca socdaalkii loogu jiray gobonnimaddoonka oo la yidhaahdo: "halyeygii madaxbannaanida", sida waddannada kale ee Dunida Koonfureed. In tani dhici waydo qoraagu waxa uu u aanaynayaa arrimo ay ka mid yihiin: masalada qabyaaladda, Soomaalida oo ah bulsho siman oo aan hoggaan keli ah ku midoobi karin, jidka lagu helay madaxbannaanida oo ka duwanaa midkii dalalka kale iyo hoggaankii dhaqdhaqaaqa oo aan lahayn khalfiyad waxbarasho oo adag sida hoggaankii kale ee Afrika (Fiiri bogagga 381-382).
Intii uu Maamulkii Ingiriisku joogay waxa jiray xisbiyo badan oo samaysmay oo isugu jira kuwo cayn walba leh: ururro bidix ah, kuwo Islaami ah (Hidayat Islaam), iyo kuwo qabiil, oo deegaanno gaar ah u doodaya sida Xisbiga Digil iyo Mirifle, oo ahaa xisbiga ugu ad'adag ee wajaha SYL. Kolkii danbe waxay xisbiyadaasi ku midoobeen dhaqdhaqaaq ballaadhan oo la odhan jiray, "Conferenze Somala", waxayna ahaayeen axsaab u janjeera dhanka Talyaaniga, kana aragti duwanaa SYL. Tusaale ahaan, waxay qabeen in Talyaanigu soo laabto oo wasaayo soddon sanno ah waddanka gaadhsiiyo, sababta oo ah waxay khatar u arkayeen Ingiriiska oo aanay manaafacaad ku qabin. Dhanka SYL waxay qabeen in Talyaanigu aanu soo laaban iyo in dalka la gaadhsiiyo wasaayo toban sanno ah. Intii uu Ingiriisku joogayna xidhiidh dhow ayey la lahaayeen, oo taageero, shaqo iyo khibrad maamul ayey ka heli jireen. Aragtiyaha uu midowgaasi qabay si gaar ah Xisbiga Digil iyo Mirifle waxa ka mid ahaa in dalka lagu dhaqo nidaam federaal ah, in dastuur la qoro ka hor xornimada, in tirakoob la qaado, iyo in la tixgeliyo kala duwanaanta dhaqan iyo habnololeed ee Soomaalida.
Bulshada xooladhaqatada ayey u arkayeen khatarta siyaasadeed ee ugu weyn ee haysata. Sidaa awgeed, waxay ka cabsanayeen in la shiiqiyo, taas oo kolkii danbe dhacday markii aragtidoodii dheg loo dhigi waayey. Kolka aad si mug ah u fiiriso ururradii siyaasadeed ee waagaas jiray waxaad si qun ah u garanaysaa sida ay ula ildaranaayeen jirrooyinka dib-u-dhigay dawladnimada sida qabyaaladda, kalaqaybsanaanta, talo urursiga, iyo isximinta. Waxa intaa dheer sida ay ugu nuglaayeen faragelinta shisheeye ee dalalka kale. Sida ay ururradu u yeelleen waxay ahayd wejiga dhabta ah ee Soomaaliya noqotay. Maxaa wacay, iyaga uun ayaa xilal qabtay, dadka madax u noqday si gaar ah SYL oo ahayd xubin firfircoon ilaa 1969-kii markaas oo afgenbi lagu soo afjaray xukunkoodii dheeraa. Haddii aynu buugga si kale u akhrinno waxaynu daalacanaynaa taariikhdii SYL oo waafi ah, sababta oo ah waxa uu ahaa cunsurka ugu weyn ee saaxadda siyaasadeed u xidhnayd muddadaas ballaadhan.
Kolkii ay afartii quwadood ku heshiin waayeen cidda Koonfurta Soomaaliya wasaayo gaadhsiinaysa, waxa markii danbe Qarammada Midoobay uu Talyaaniga u xilsaaray in uu dalka wasaayo toban sanno ah gaadhsiiyo, taas oo ujeedkeedu ahaa in Soomaalida laga caawiyo tababbar dhanka dawladnimada iyo maamulka ah. Sidaa awgeed waxa la gudaggalay Soomaaliyeynta maamulka, diyaarinta kaaddir isticmaarka xukunka kala wareega. Waxa la taagay dugsiyo maamulka siyaasadda lagu barto, carbis iyo diyaarinta dariiq lagu hananayo ismaamul dimuqraaddi ah. Sannaddii 1954 waxa qabsoomay dooroshooyinkii ugu horreeyey ee degmooyinka, taas oo ahayd iskudday loo qaaday dhanka casriyeynta nidaamka. Sida oo kale, sannaddii 1956 waxa dhacday dooroshooyinkii baarlamaanka, waxana salka loo dhigay Maamulkii Daakhiliga. Aadan Cabdulle Cismaan ayaa Guddoomiyihii Baaralamaanka noqday, sida oo kale Cabdillaahi Ciise ayaa Raysalwasaare noqday, waxa uuna soo dhisay xukuumad ka kooban golo wasiirro ah oo shan ah. Halkaas waxa ka bilaabmay dildillaacii ugu horreeyey ee ismaamul Soomaaliyeed uu wajaho.
Kolkii ugu horraysayba waxa nidaamka curtay lagu tilmaamay mid beesha Hawiye oo keli ahi shiiqisay. Maxaa yeelay, badanka madaxdu iyaga ayey ku isirnaayeen (bogga 268). Intaa waxa dheer in aqlabiyadda xukuumadda dhisantay ay ahaayeen xubnihii SYL. Sidaa awgeed, Xisbiga Digil iyo Mirifle oo metalayey dadka Koonfurta ee beeralayda ah waxa uu cod dheer ku sheegay in reerguuraagii ay haykalkii dawladnimo afgenbiyeen. Aadan Cabdulle ayaa soo jeediyey in la dhiso xukuumad ay u dhan yihiin xisbiyada oo idil. Nasiibdarro soo jeedintaas waxa si dhiirran u diiday xisbigii talada hayey ee SYL. Halkan waxa aynu ka fahmaynaa sida ay siyaasadda Soomaalidu ula soo bilaabantay qaacidada ah: "guulaystaa wadaqaata (winner takes all).” Dabaqaddii siyaasadeed ee maamulkaas qabatay waxay dhaqan ka dhigteen musuqmaasuq, wejigarad, qabyaalad badheedh ah iyo hanti urursi. Cismaan Yuusuf Keenaddiid oo ka hadlayey madaxdii waagaas dalka u kacday waxa uu yidhi: "kuwii muqaddimada looga dhigay waa manfaco raac."Mar kale waxa uu yidhi: “teersana rag aan baran haddii talada loo dhiibay.” Raysalwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaankii Daakhiligu ay ku qammaameen xilalkii dawladeed, oo ay si layaqaan uga macaasheen. Ilaa waagaas dawladnimadii isticmaarka ka danbaysay waxay la daalaadhacaysay dhammaan jirrooyinkaas kor ku xusan, kuwaas oo kolkii danbe jidka u xaadhay qaranjabkii iyo is xasuuqii sokeeye ee la galay.
Iyada oo sidaas xaalka dhaqan-siyaasadeedka Koonfur yaalla uu yahay ayaa waxa la gudaggalay midnimadii iyo yagleeliddii Jamhuriyaddii Soomaaliya. Taxaddiyaadkii ugu horreeyey ee dawladda dhisantay soo foodsaaray waxa ka mid ah kala duwaansho u dhexeeyey isticmaarkii ka talinayey Waqooyi iyo Koonfur. Waxay ku kala geddisnaayeen: nidaamka dawladeed, garsoorka, waxbarashada, lacagta, luuqadda iyo xeerarka. Inta ereyga “kala duwanaan” uu macne dhammaantiis xanbaarsan yahay ayey kala duwanaayeen. Waxay ahayd in labada nidaam la isdhexgeliyo, oo dibuhabayn lagu sameeyo. Nasiibdarro shaqadaas miisanka weyn waxa lagaga mashquulay sidii khayraadka dawladnimo looga faa’iidaysan lahaa. Sidaa awgeed, jamhuuriyadda cusub ee israaca ka dhalatay waxa curyaamiyey: laaluush, musuqmaasuq qayaxan, kutagrifal awoodeed iyo qaraabakiil. Muddadii ay maamulladii rayidku jireen waxa dalka ka jiray nidaam dimuqraaddi ah oo iimo badan lahaa, waxa jirtay in dooroshooyinka la boobo, codadka lagu shubto, laaluushna lagu iibsado. Buuggu waxa uu si hagaagsan uga warramayaa iimaha iyo goldoloolooyinka ay dimuqraaddiyadu lahayd. Waxa uu ka faalloonayaa aragtidii Soomaaliweyn sidii looga hawlgalay wixii ka toosay ama ka tasoobay. Habfekerkii dabaqadda siyaasadeed ee Soomaali u kacay ayuu ku nuuxnuuxsaday. Wuxuun baad daalacanaysaa in dabaqaddii waagaas iyo kuwa maanta ay wax badan isaga eg yihiin. Caqliyadda ay badankood dawladnimada ka haysteen waa tan xilligan jirta ee ah agab lagu macaasho, ubad laga korsado, qoysas lagu naasnuujiyo, dadka kalana laga xigsado. Waa caqliyad silloon oo ay ku camalfaleen.
Maxamed Ciise Trunji waxa uu ka warramay afgenbigii askarta ee sannaddii 1969. Kalaqaybsanaantii siyaasadeed, loollankii qabaa'ilka, boobkii dooroshooyinka iyo dabaqad siyaasadeed oo aan lahayn barnaamij qeexan oo dalka ku tacalluqa ayaa jidka u banneeyey in askartu talada la wareegto. Intaa waxa dheer in shacabku ka niyadjabeen maamulladii rayidka, maaddaama ay ku fashilmeen wax ka beddelka nolosha bulshada. Trunji waxa uu tilmaamayaa in dadweynuhu si weyn u soo dhoweeyeen inqilaabka dhacay, maxaa yeelay waxay ka daaleen nidaamyadii rayidka ee ay SYL hoggaaminaysay kuwaas oo ilaa sannaddii 1956 dalka ku maamulayey kartixumo, eex iyo hooshka hantida dadweyne. Inqilaabka dhacay waxa uu saaxadda ka saaray xisbigii muddada dheer talinayey, waxa uuna irrid cusub u furay geeddisocodka dawladeed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Kacaankii dhashay waxa uu laalay dastuurkii waddanka, waxa uu banniday xisbiyadii siyaasadeed, waxa uuna xarrimay ra'yi dhiibashadii iyo xorriyaddii hadalka nooc walba oo ay tahay. Cabbudhiskii gudaha iyo dagaalkii Itoobbiya oo ahaa qiimayn khaldan oo la galay ayaa hoobadkii taliska soo dedejiyey.
Maxamed C. Trunji waxa uu buuggan ku kaydiyey waxqabad raandhiis ah oo wax badan ka taraya fahanka taariikhda siyaasadeed ee Koonfurta iyo dhismihii dawladnimadii Soomaaliya ee gumeysiga ka dib. Waxaynu arkaynaa kala duwanaantii u dhexeysay xisbiyada, habfekerkoodii iyo wadcigii ay ka askumeen sida uu ahaa. Qaabaysankii jamhuuriyaddii dhalatay sooyaal waafi ah oo ku saabsan ayeynu ugu tegaynaa. Dagaalladii deriska la lagalay, dhulalkii maqnaa sida looga hawlgalay, iyo labadii xukuumadood ee rayidka ee isbeddelay sida ay u kala geddisnaayeen ayeynu buugga ka faa’iidaysanaynaa. Faylka midnimada sida loo maareeyey iyo doodda ku saabsan Xeerka Midowga (Act of Union) qaabka uu u dhacay iyo hirgal la’aantiisii halka uu salka ku hayo ayeynu buugga ka korodhsanaynaa. Waa dhigane cajiib ah, oo dhaxal waara u ah sooyaalka dawladnimada Soomaalida. Dabaqadda siyaasadeed ee Soomaalida, ardayda xiisaysa cilmibaadhista Soomaalida, sharcidejiyeennada, iyo cid walba oo si uun u danaysa sooyaalka Soomaalida waxaan kula talin lahaa in ay buuggan akhriso. Wax badan ayuu ku biirinayaa waayihii gumeysiga iyo wixii ka danbeeyey, waa sooyaal lamadhaafaan ah oo ay tahay in si hagaagsan loo daalacdo, wax looga taransado, looguna camalfalo.