-
Qormadan waxaa turjumay Xamse M. Bushaar. Nuqullka asalka ah waxaad ka akhrisan kartaa halkan
Saturday 14 March 2026
Toddobaatankii sanno ee la soo dhaafay, qaaradda Aasiya waxa ka dhacay isbeddello dhaqaale oo mug leh. Dalalka loo yaqaanno “Shabeellada Aasiya” sida Kuuriyada Koonfureed, Taywaan, Malaysiya iyo Singabuur ayaa ka soo kabtay gumeysigii foosha xumaa ee ay u geysteen Jabbaan iyo Ingiriisku, dabadeedna isu rogay xiddigo door muhiim ah ka ciyaara dhaqaalaha dunida.
Waxa ugu dambeysay, Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha oo ka soo doogtay Kufsigii Nanking, iyo hagardaamooyinkii uu gaadhsiiyay Kacaankii Shuucigu kontamaadkii iyo lixdamaadkii qarnigii hore, sida Bootintii Weynayd ee Hore-u-socoshada iyo Kacdoonkii Dhaqanka, dabadeedna noqotay dhaqaalaha labaad ee dunida ugu ballaadhan. Isbeddelladan cajiibka ahi waxa ay heerka saboolnimada ka soo saareen malaayiin qof oo reer Aasiya ah, dalalkoodiina heerar sare ayaa ay gaadhsiiyeen, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Xataa Laatiin/Koonfur Ameerika ayaa ku dhaqaaqday isbeddello muhiim ah, laakiin xaaladda taagnaanta ah ee Afrika waxay u muuqataa mid aan dawo lahayn, in kasta oo ay soo martay midabtakoor iyo gumaysi argagax leh.
Hoggaamiyeyaasha dalalka Shabeellada Aasiya, ha ahaadeen kuwo xal xisbi leh ama kaligood-taliyayaale, waxa ay dalalkooda ka saareen saboolnimadii iyo horumar la’aantii ay dhex qotonsanaayeen. Dhanka kale, qaramadii Afrika ee gobonnimada qaatay waxa ay weli ku hoos silcayaan nidaamyo kalitalis ah iyo dawlado dimuquraaddi ah dhexdooda. Kolka laga reebo midhadh faro-ku-tiris ah, sida Botuswaana, Mooriishiyas, iyo Ruwaanda, inta badan hoggaamiyeyaasha Afrika, ha ahaadeen kaligood-taliyayaal ama dimuqraadiye, ma aysan horumarin dhaqaalaha si ay darxumada dadkooda uga samatobixiyaan, ama ugu yaraan, ay dunidu u qaddariso, halkii ay dawarsiga cid kale ku noolaan lahaayeen.
Fadeexadaha ugu yaqyaqsiga badan ee xaaladda Afrika waxa ka mid ah shirarka joogtada ah ee Afrika iyo Shiinaha, Faransiiska iyo Afrika, Ruushka iyo Afrika, Mareykanka iyo Afrika, iyo Turkiga iyo Afrika oo isna hadda ku soo biiray; madaxda Afrika ayaa u safra caasimadaha dalalkaas. Kulamadan waxa loo qabtaa sidii ay hoggaamiyayaasha Afrika ugu hoggaansami lahaayeen ujeeddooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee u gaarka ah dalalka ay martida u yihiin, sidaas oo ay tahay, waxa iska naadir ah in ay qorshe midaysan oo Afrikaan ah golayaashaas la tagaan.
Wayddiinta maangadka ah ee halkan ku jirtaa waxa ay tahay: Maxay kalitaliyayaasha iyo hoggaamiyeyaasha dimuqraadiga ah ee Aasiya ugu guuleysteen horumarinta dhaqaalahooda, kuwa Afrikina ay ugu fashilmeen xataa in ay dadkooda ka furdaamiyaan saboolnimada ba’an? Ma jiro hal qoraal oo si dhammaystiran u sharrixi kara sababta ay hoggaamiyeyaasheennu ugu dambayn mar walba u fashilmaan, waxa se jira laba arrimood oo si cad uga dhex muuqda:
Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Afrika oo aan fahamsanayn kaalinta baaxadda leh ee dawladdu ku leedahay horumarinta dalka, iyo hormuudka bulshada badankiisa oo dantooda gaarka ah uun ka fikira, iskana hilmaamay waajibkii dalkooda ka saarnaa.
Marka hore, inta badan hoggaamiyeyaashii Afrika ee xorriyadda la wareegay si dhab ah uma ay san fahansanayn qaabdhismeedka nidaamkii dhaqaale ee hantigoosadka ahaa ee uu gumaystaha ka tegay, sababta uu nidaamkani ugu guuldarraystay in uu koritaan iyo isbeddel baaxad leh sameeyana isma ay wayddiin.
Damaashaad iyo farxad ayay reer Afrika isla oogsadeen, kolkii ay gobonnimada heleen, laakiin, hoggaamiyayaashu kumay baraarugin baahida loo qabo dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha, si bulshada loogu abuuro fursado macne leh oo ay saboolnimada kaga baxaan, isla jeerkaasna ay jidka horumarka u qaadaan. Sababtaas awgeed, hoggaamiyayaashii Afrika waxay si indho la’aan ah u sii ballaadhiyeen nidaamkii uu gumaystuhu ka tegay intii ay ka gaadhi karayeen, sida waxbarasha iyo khayraadka dabiiciga ah, in qaydhinka la dhoofiyo; intaa wax dhaafsiisanna may qabanin.
Hoggaamiyeyaashii gobonnimada qaar ka mid ah, sida Kwame Nkrumah iyo Julius Nyerere, ayaa keenay aragtiyo horusocod ah. Muddo kooban ayaa se lagu soo afjaray hoggaamintii Nkrumah, isaga oo aan fikirkiisii hirgalin. Aragtidii hantiwadaagga Afrikaanka ah ahayd ee Nyerere iyaduna dhaqaale ahaan waa ay fashilantay, in kasta oo Nyerere uu Tansaaniya hoggaaminayay muddo labaatan iyo shan sanno ah.
Taa beddelkeeda, kuwa kalena waxa ay sii xoojiyeen nidaamkii gumeysiga cusub, iyagoo waxyaabo yaryar ka beddelaya. Aasaasihii Kiiniya, Jomo Kenyatta, iyo kooxdii ku hareeraysnayd waxay noqdeen madaxda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxayna abuureen bulsho ay sinnaan la’aanta iyo qabyaaladda siyaasadeed si ba’an ugu dhex faafeen. Wax kasta oo uu noqon lahaa fashilkii Milton Abote ee Ugaanda, madaxbannaanida kaddib, haddana Idi Amin ayaa degaankii jannada ahaa ka dhigay meel argagax leh.
Dalal kale oo ka tirsan koonfurta, bartamaha, galbeedka iyo waqooyiga Afrika, wax isbeddel dhaqaale ah oo weyni kama uu dhicin. Xitaa waddamada leh khayraad dabiici ah oo badan, sida Nayjeeriya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo (DRC), Suudaan iyo Aljeeriya, horumar may samayn, sababta oo ah xukuumadahoodu kuma ay guuleysan in ay ka faa’idaystaan fursadahan, si ay uga guuraan dhaqaale ku tiirsan khayraad dabiici ah uguna gudbaan waddamo warshado leh.
Ta labaad, hab-fikirika ugu halista badani waxa uu ahaa in hoggaamiyeyaal badan oo siyaasadeed ay rabeen in ay u dhaqmaan oo u noolaadaan sidii hoggaamiyayaal awood leh, iyaga oo aan u hoggaansamayn sharciga. Qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyayaashii xornimada ka dambeeyey waxay ka leexdeen hadafkii xornimada, waxayna u xuubsiibteen kelitaliyayaal iyo iyo in ay doorashooyinka musuqmaasuqaan. Nidaamka siyaasadeed ee noocaas ahi wuxuu albaabbada u furay afgembiyo milatari oo tirabbeel ah. Afgembiyadan qaarkood waxa soo maleegay quwado shisheeye, si ay u sii joogteeyaan xidhiidhkii hore ee gumeysi ee ay Afrika la lahaayeen, sida ka dhacday Zaire-tii hore, Gaana, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), iyo waddamo kale.
Quwadihii hore ee gumeysiga oo doonayey in ay sii haysaan khayraadka Afrika iyo kelitalisnimadii baahsanayd ee Afrika ka dhacday ayaa sii xoojiyey kala-qeybsanaantii siyaasadeed ee bulshooyinka. Marar badan, kelitaliyayaashani waxay dib u soo cusbooneysiiyeen xukunkii qallafsanaa iyo qabyaaladdii siyaasadeed, kuwaas oo ay ka dhigteen xeelad ay talada ku sii haystaan iyo tab ay ku hor istaagaan awoodeysiga qorshihii dareenka waddaniyadeed ku dhisnaa ee maalmihii xorriyad-doonka.
Kelitalisnimada, qabyaaladda siyaasadeed, isbeddel la’aanta dhaqaale, iyo koboca liita ayaa ku qasbay inta badan hoggaamiyeyaashii Afrika in ay dabayaaqadii 1990-meeyadii gargaar ka raadsadaan hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, sida Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Hay’adahani waxay Afrika ku qasbeen dawladaha in ay qaataan istaraatijiyado dhaqaale oo ku salaysan suuqa xorta ah. Hase ahaatee istaraatijiyadaha suuqa xorta ahi, kuwaas oo loo maray barnaamijyada dib-u-habaynta dhaqaalaha, waa ay ku guuldarraysteen in ay wax ka beddelaan xaaladda Afrika. Waxa sii xoogeystey uun sinnaan la’aantii iyo caddaalad-darradii dhaqaale. Sidaas awgeed, natiijadii ka dhalatay cadhii shacabka ee baahsanayd, oo lagu daray cadaadiskii ka yimid deeq-bixiyeyaasha Reer Galbeedka, ayaa sannadihii 1990-meeyadii ku qasbay kelitaliyeyaashii Afrika in ay aqbalaan hannaanka siyaasadeed doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinkaas laftoodu—xitaa meelihii ay xukuumaduhu is beddeleen—ma ay horseedin natiijooyin dhaqaale oo isbeddel keenta.
Waddamada sidani ka dhacday waxa ka mid ah: Ivory Coast, Kiiniya, Saambiya, Malawi, Nayjeeriya, Gaana, DRC, Tunuusiya, Sinigaal, Libeeriya, iyo Sierra Leone. Ku dhawaad labaatan iyo shan sano kaddib markii loo guuray nidaamka doorashooyinka, maamullada dimuqraaddiga ah iyo kuwa kelitaliska ah ee weli jira midkoodna wax saamayn ah ku may yeelan saboolnimada Afrika.
Aqoonyahankii weynaa ee cilmiga bulshada ee Maraykanka u dhashay, Barrington Moore ayaa gogoldhigga buuggiisa macnaha weyn leh ee “Social Origins of Democracy and Dictatorship”, ku xusay in xammaasaddii dabaqaddii burjuwaasiga ahayd awgii, ay Biritaan uga guurtay nidaamkii dhulgoosadka ahaa (feudalism) una qaadatay hannaanka dimuqraadiyadda ee hantigoosadka ku dhisan. Saynisyahanadda siyaasadda ee reer Ustareeliya, Elizabeth Thurbon, ayaa iyaduna dhawaan ku muujisay buuggeeda cusub, “Developmental Mindset”, sidii ay hoggaanka Kuuriyada Koonfureed uga go’nayd in ay dawladdu door istaraatiji ah ku yeelato dhaqaalaha. Dedaalkan ayaa u suurtageliyay dalkaasi in uu si xasilloon uga bedbaado halista gumaysiga cusub, gaar ahaan muddadii uu socday qalalaasihii dhaqaale ee dalalka aasiya ku habsaday, dabayaaqadii sagaashamaadkii.
Gobonnimadii kaddib, hoggaamiyeyaasha dimuqraadiga ah iyo kalitalisyada Afrika waxa ka madhnaa “xammaasadda” iyo “garaadka u heellan horumarka”, oo hore iyo haddeerba horseed u noqday isbeddelladii dunida ka dhacay. Qaaraddeenna, inta ugu badan madaxdii hoggaanka inoo qabtay xornimada dabadeed, in yarna kamay fahansanayn doorka ay taariikhda dalku ku leedahay isbeddelka dhaqaalaha. Jiilkii labaad ee hoggaamiyayaasha, oo badankoodu noqday kalitaliyayaal milatari, ayaa ka sii liitay, guud ahaanna waxba kama ay fahansanayn dabeecadda dhaqaalaha.
Jiilkii saddexaad ee hoggaamiyayaasha Afrika oo iyagu wax ku dhex bartey nidaamka gumaysiga cusubi waxa ay shaqada dawladda ku soo koobeen ilaalin kali ah (Sida Waashmaanka habeenkii meheradaha waardiyeeya, ama meel la kireeyo oo ay dheefsadaan cashuur-quutayaasha bulshada ku dul nooli), halkii ay dawladdu ka ahaan lahayd mid iyadu hagta isbeddelka dhaqaalaha.
Mustaqbalka Afrika wuxuu u baahan yahay hoggaamiyayaal cusub oo hormuud ka noqda waaxaha dawladda iyo kuwa gaarka ah labadaba, kuwaas oo leh xammaasad iyo garaad u heellan horummar, ka hor inta aan qaaraddeenna Afrika si kamadambays ah ugu go’doomin jid xidhan.
Qormadan waxaa turjumay Xamse M. Bushaar. Nuqullka asalka ah waxaad ka akhrisan kartaa halkan