Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Maxay tahay Sababta aan Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil loo Diimayn Karin?

4 July, 2026
Image
  Maxay tahay Sababta aan Xidhiidhka Somaliland iyo Israa'iil loo Diimayn Karin?
Share

Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tegay Israa’iil, wararka ku saabsan is-aqoonsiga labada dhinac, iyo safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Qudus, ayaa dood weyn iyo falcelis xooggan ka dhex abuuray bulshada Somaliland, guud ahaan dunida Soomaalida, iyo caalamka Muslimka—gaar ahaan dalalka Carabta. Dad badan ayaa arrintan ku eegaya muraayad diimeed, halka qaar kalena ay u arkaan tallaabo siyaasadeed oo ku salaysan dan qaran iyo raadinta aqoonsiga ay Somaliland muddada dheer ku taamaysey. Doodda maanta taagan waxay u muuqataa in ay ka leexatay su’aashii aasaasiga ahayd ee ahayd: Waa maxay danta Somaliland ugu jirta xidhiidhkan?

Marka hore waa in la fahmaa in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil aanu ahayn xidhiidh diimeed. Ma aha xidhiidh lagu cabbirayo iimaan, caqiido ama mowqif diimeed. Waa xidhiidh u dhexeeya laba dhinac oo siyaasadeed oo mid kastaaba danihiisa ka eegayo xaaladda caalamka ee maanta jirta. Taariikhda xidhiidhada caalamiga ahi waxay ina bartay in dawladuhu aanay ku dhaqmin jacayl iyo nacayb joogto ah, balse ay ku dhaqmaan dano joogto ah. Dawlad kastaa waxay eegtaa waxa ay ka faa’iidayso, waxa ay ku waynayso iyo sida ay u xaqiijin karto maslaxadda shacabka ay metesho.

Somaliland muddo soddon iyo shan sano ah waxay ku jirtay raadinta aqoonsi caalami ah. Waxay dhistay nidaam dawladeed, waxay qabatay doorashooyin, waxay ilaalisay amnigeeda, waxayna samaysay hay’ado dawli ah oo shaqeeya. Inkasta oo ay waxaas oo dhan qabatay, wali kamay helin dalalka caalamka aqoonsigii ay mudnayd. Muddadaas dheer, waddamo badan oo Islaam iyo carab ah, ma aysan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo qaddiyadda Somaliland. Sidaa darteed, haddii maanta Somaliland ay aragto waddan diyaar u ah inuu dhegaysto qaddiyaddeeda ama ka shaqeeyo furitaanka albaab cusub oo ay kaga gudbi karto go’doominta siyaasadeed ee muddada dheer haysatay, maxaa looga diidayaa inay fursaddaas hesho?

Doodaha ugu badan ee arrintan lagaga soo horjeedo waxay ku salaysan yihiin qaddiyadda Falastiin iyo magaalada Qudus. Magaalada Qudus maanta waxay ka kooban tahay laba qaybood oo xaaladoodu kala duwan tahay. Galbeedka Qudus muddo dheer waxa loo aqoonsanaa qayb ay Israa’iil maamusho, halka Bariga Qudus uu yahay qaybta muranka ugu weyn ka taagan yahay, taas oo Falastiiniyiintu u arkaan caasimaddooda mustaqbalka, Israa’iilna ay sheegato. Murankaasi waa muran siyaasadeed iyo dhuleed oo wali taagan, balse ma aha arrin sababtay in waddamada dunidu joojiyaan dhammaan xidhiidhadii ay la lahaayeen Israa’iil. 

Haddii xidhiidhka lala yeesho Israa’iil uu yahay mid jebinaya mabda’ mideeya dunida Islaamka, sidee ayay ku dhacday in waddamo badan oo Islaami ahi ay muddo dheer xidhiidh rasmi ah ula lahaayeen Israa’iil? Masar waxay heshiis nabadeed la gashay Israa’iil sannadkii 1979, Urdun-na waxay ku xigtay 1994. Sannadihii u dambeeyeyna Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Morooko ayaa caadiyeeyey xidhiidhkooda iyaga oo adeegsanaya Heshiisyadii Abraham Accords. Xidhiidhkaasi kuma koobnaan diblomaasiyad oo keliya, balse wuxuu isu beddelay iskaashi dhaqaale, ganacsi, maalgashi, dalxiis iyo teknoolojiyad. Sida uu muujinayo Bangiga Dhexe ee Israa’iil, ganacsiga Israa’iil iyo dalalka Bariga Dhexe wuxuu si weyn u kordhay labadii sano ee ka dambeeyey. 

Sida ay sheegtay Hay’adda Tirokoobka Turkiga, Israa’iil waxay ahayd dalka 13-aad ee ugu weyn dhoofinta Turkiga sannadkii 2023-kii. Wadarta guud ee qiimaha ganacsiga ee u dhexeeya Israa’iil iyo Turkiga wuxuu ahaa $6.8 bilyan, halka ganacsiga Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta uu gaadhay ku dhowaad US$2.75 bilyan. Sidoo kale, Israa’iil waxay si joogto ah u dhoofisaa gaaska dabiiciga ah ee Masar iyo Jordan, iyadoo labada dalna ay sii wadaan iskaashi dhinacyada tamarta, amniga iyo ganacsiga inkasta oo ay marar badan cambaareeyaan siyaasadaha Israa’iil ee Falastiin. Waxa intaas ka sii yaab badan, wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa warbixin uu daabacay oo baadhitaan ah ku sheegay in shirkadaha difaaca ee Israa’iil ay sannado badan si dadban ugu iibiyeen nidaamyo difaac oo casri ah Qadar iyo Sucuudi Carabiya, inkastoo aanay labada dal midkoodna lahayn xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay la leeyihiin Israa’iil. 

Sida warbixintu sheegtay, qalabkaasi waxa ku jiray nidaamyada difaaca gantaallada ee diyaaradaha, qalab loogu talagalay diyaaradaha dagaalka ee F-15 iyo agab kale oo casri ah, kuwaas oo lagu iibiyey iyada oo loo marayo shirkado Maraykan ah iyo qandaraasyo caalami ah. Warbixintu waxay xustay in heshiisyadani ay Israa’iil u soo xareeyeen boqolaal milyan oo dollar, inkastoo aanay jirin xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ahi.

Maxaa keenay in Somaliland arrinteedu noqoto mid gaar ah? Maxaa fatwooyin iyo cambaarayn xooggan looga soo saari waayey dawladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ee xidhiidhka la leh Israa’iil? Maxaa loogu aamusay marka ay dawladaha Islaamka qaar ka mid ahi xidhiidh la sameeyaan Israa’iil, balse loogu qaylinayaan marka Somaliland ay isku daydo inay raadiso waddo ay kaga baxdo go’doominta siyaasadeed ee muddada dheer lagu hayey?

Su’aalahu intan uun ma aha. Muddo shan iyo soddon sano ah, dawladaha Islaamka iyo kuwa Carabtu hal mar si dhab ma uga shireen ama dheh wax ma iska wayddiiyeen qaddiyadda Somaliland? Ma qabteen shirar lagu raadinayo xal siyaasadeed? Ma dhegaysteen doodda iyo cabashada shacabka Somaliland ama ma is waydiiyeen sababta arrintani muddadaas dheer u taagnayd? Dhab ahaantii, way adag tahay in la helo marag ah in dadaal muuqda oo dhinacaas laga sameeyey. Taas beddelkeeda, reer Somaliland waxa ay qabaan in mowqifka guud uu noqday in la ilaaliyo xaaladda taagan, iyada oo aan la siin qaddiyadda Somaliland fiiro gaar ah ama xal waara. Su’aalaha reer Somaliland u hayaan dawladaha Islaamka iyo Jaamacad Carabta intan kuma eeka marka laga hadlayo Somaliland, xaggee ayay ka muuqatay walaaltinimada Islaamka ee mar kasta lagu baaqayo? Intee ayay dawladaha Islaamku ka hadleen xasuuqyadii loo geystay shacabka Somaliland, burburkii magaalooyinkeeda iyo dhibaatadii bani’aadamnimo ee ka dhalatay dagaalladii dhacay? Intee ayay codkooda kor u qaadeen markii kumannaan qof la dilay, boqolaal kunna ay qaxeen? Haddii walaaltinimada Islaamku tahay mabda’ loo wada siman yahay, maxaa keenay in aan si la mid ah sida Falastiin loogu istaagin qaddiyadda Somaliland iyo xaqa ay dadkeedu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan? Waa su’aal ay hortaala dalalka ka soo horjeeda qadiyadda Somaliland, gaar ahaan marka maanta dood weyn laga abuurayo xidhiidh ay Somaliland u aragto fursad siyaasadeed, halka muddo dheer aan la siin dareen la mid ah dhibaatooyinkii iyo caqabadihii ay la noolayd.

Dhanka kale, Marka aynu eegno doorka culimada Somaliland. Muddo dheer culimada Somaliland waxay cod dheer ku taageerayeen qaddiyadda Falastiin. Waxay qabteen muxaadarooyin, ololeyaal iyo kulan duco ah oo lagu muujinayo garab istaagga shacabka Falastiin. Taasi waa arrin la fahmi karo, waana waajib bini’aadantinimo in laga hadlo dulmiga iyo xadgudubyada ka dhaca meel kasta. Hase yeeshee, su’aashu waxay tahay: maxay culimada Somaliland uga aamuseen qaddiyadda Somaliland? Miyaanay Somaliland soo marin xasuuqii ugu weynaa ee ka dhacay Geeska Afrika qarnigii labaatanaad? Miyaan magaalooyinkeedii la duqayn? Miyaan kumannaan qof la dilin, boqolaal kunna la barakicin? Miyaanay Somaliland ilaa maanta ku noolayn xaalad siyaasadeed oo ay dad badani ku tilmaamaan xabsi dusha ka furan, iyadoo aan helin aqoonsi iyo xuquuq ay dawladaha kale leeyihiin? Haddii dulmiga laga hadlo, maxaa qaddiyadda Falastiin uga mudan tahay qaddiyadda Somaliland? Haddii xaqa iyo caddaaladda laga hadlo, maxaa keenay in culimadu si joogto ah uga hadlaan qaddiyado ka fog dalkooda, balse aanay si la mid ah uga hadlin qaddiyadda ummadda ay la nool yihiin?

Waxaa kale oo mudan in la is waydiiyo heerka ay culimada Somaliland u dareensan yihiin khatarta jiritaan ee dalkooda ku gadaaman. Marka Soomaaliya ay taageero siyaasadeed iyo mid milatari ka heshay dalal ka ay ka mid yihiin Turkiga, Masar iyo kuwo kale si ay u xoojiso dagaalka ay ku rabto in ay ku qabsato Somaliland, culimada Somaliland ma u arkaan arrintaasi khatar qaran? Mise wali Somaliland dal uma haystaan?

Marka ay timaado danta dalalka Culimada Soomaaliya waxay si cad u difaacaan midnimada Soomaaliya. Culimada Jabuutina waxay si joogto ah u garab istaagaan jiritaanka iyo madaxbannaanida Jabuuti. Labaduba waxay mudnaanta siinayaan danta qaran ee dalalkooda. Haddaba maxaa culimada Somaliland u diidaya inay si la mid sida culimada dalalkaa ay xusnay ayna mudnaanta u siinin danta dalkooda? Maxaa u diidaya in danta dalkooda ka shaqeeyaan ama u hadlaan?

Dabcan, qofna ma odhanayo Somaliland waa inay iska indho tirtaa qaddiyadaha kale ee dunida Islaamka. Hase yeeshee, ummad kasta waxay marka hore ilaalisaa jiritaankeeda. Qof aan gurigiisa ilaalin karin ma difaaci karo guryaha dadka kale. Sidaas oo kale, qaran aan xaqiijin karin jiritaankiisa iyo mustaqbalkiisa ma noqon karo qaran si buuxda ugu adeega qaddiyadaha kale.

Dhinaca kale, waxaa muhiim ah in la xasuusto sababta Madaxweynaha Somaliland loo doortay. Looma dooran inuu ilaaliyo danaha waddamada kale ama inuu ku shaqeeyo rabitaanka quwadaha dibadda. Waxaa loo doortay inuu ilaaliyo danta Somaliland. Haddii uu Madaxweynaha arko waddo uu dalkiisu ku heli karo aqoonsi, iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo saaxiibo cusub oo caalami ah, sow waajib kuma aha inuu danta dalkiisa raaco? Sow shaqadiisa ugu weyn ma aha inuu danta dalkiisa wax kasta ka hormariyo?

Ugu dambayn, doodda Somaliland iyo Israa’iil waa in laga saaraa dareenka diimeed, laguna soo celiyaa xaqiiqooyinka siyaasadeed. Su’aashu ma aha in qofku Israa’iil jecel yahay ama neceb yahay; su’aashu waa in Somaliland xaq u leedahay inay raadiso danaha shacabka ay metesho. Haddii aqoonsiga ama xidhiidhka Israa’iil si dhab ah uga hor imanayo mabda’a ay ku mideysan yihiin dawladaha Islaamka, imisa dal ayaa maanta ka maqnaan lahaa Ururka Iskaashiga Islaamka ama Jaamacadda Carabta? Jawaabta su’aashaas waxay muujinaysaa in dooddu aanay ahayn in waddamada Islaamku xidhiidh la yeelan karaan ama aanay la yeelan karin Israa’iil, balse ay tahay sida dawlad kastaa u qeexato una ilaaliso danaheeda qaran.

Sidoo kale, waa in la kala saaraa laba qaddiyadood oo gebi ahaanba kala duwan. Khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin waa muran taariikhi ah oo muddo dheer soo jiitamayey, isla markaana leh madallo caalami ah oo lagaga doodo laguna raadiyo xal. Qaddiyadda Somaliland se waa qaddiyad leh taariikh, duruufo iyo himilooyin ka duwan kuwa Bariga Dhexe. Sidaa darteed, ma jirto sabab qaddiyadda Somaliland loogu xidho ama loogu cabbiro khilaaf aan si toos ah u khusayn danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa maanta inoo mudan waa in aynu xoogga saarno waxa faa'iido u ah qarankeenna. Haddii xidhiidh kasta oo dibadeed, ha noqdo Israa’iil ama dal kale, uu Somaliland u furayo albaabbo cusub oo dhinaca aqoonsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah, waa in lagu qiimeeyaa waxa uu dalka u soo kordhinayo. Qaddiyadda Somaliland waa in ay dalalka dunida lagu gaadhsiiyaa diblomaasiyad deggan, wada-hadal, is-afgarad iyo kasbashada saaxiibo cusub. Siyaasadda guulaysataa ma aha tan albaabbada iska xidha, ee waa tan furta fursado cusub iyadoo ilaalinaysa danaha iyo madaxbannaanida qaranka.

Dunida maanta dawladaha waxaa lagu qiimeeyaa awoodda ay u leeyihiin inay ilaashadaan danahooda qaran. Somaliland-na waxaa lagu qiimeyn doonaa sida ay uga faa'iidaysato fursadaha horteeda yaalla, iyadoo aan lumin qiyamkeeda, madaxbannaanideeda iyo maslaxadda shacabka ay metesho. Taasi waa miisaanka saxda ah ee lagu qiimeeyo xidhiidh kasta oo ay la yeelato dawlad kasta oo dunida ka tirsan.