Wednesday 12 November 2025
Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Maxay Siyaasiyiinta Haldoorka ah Qaarkood Dib ugu Curiyaan Siyaasadda ku Dhisan Qabiilka? Barnaamijka waxa lagu lafa guray sababta siyaasiyiintu ugu baahdaan olole ku dhisan qabyaalad si ay doorashada ugu guuleystaan iyo qaababka olole ee ay musharrixiintu adeegsadaan. Waxa barnaamijka marti ku ahaa aqoonyahan Jaamac Yuusuf oo ah aqoonyahan Ph.D ka diyaariya Culuumta Siyaasadda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah, ee Jaamacadda Royal Holloway, Landhan. Sidoo kale Jaamac waa cilmi-baadhe ka tirsan Xarunta Islaamka iyo Daraasaadka Galbeedka Eeshiya (Center for Islamic and West Asian Studies - CIWAS).