Skip to main content

Thursday 23 January 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Maxay Masaaridu Dumarka ugu Tacaddiyaan?

5 December, 2024
Image
tacaddiga
Dumar ka mudahaaradaya tacaddiga jinsiga ah ee ka dhanka ah haweenka, Qaahira, Masar 2014 (Photo by Ahmed Ismail/Anadolu Agency/Getty Images)
Share

Fiiro gaar ah: Ereyga (Harrasment) sida aynaan ugu heyn erey Afsoomaali ah oo u dhigma, ayaa muujinaysa sidaan bulshada Soomaalidu ugu baraarrugsanayn xaaladan liidata ee dumarku wajahaan. 

-Trjumaanka (W.T Cabdisalaam Gaboobe)

In kasta oo dumarku yihiin kuwa ay ku dhacdo dhibta tacaddigu {harassment}, haddana, jawaabta qaddiimka ah ee su'aashan sare, waa mid ka cabata ama eedda saarta dhibbanaha (dumarka). Bulsho badan waxa ay u aaneeyaan in dumarku kasbadaan in lagu sameeyo falal faraxumayneed, iyaga oo cuskanaya in habluhu xidhaan dhar ku dhegsan ama jidhkooda muujinaya sida ay qabaan. Dharkaas oo keenaya in uu ku riixo ama ku qasbo ragga in ay hablahaas kufsadaan ama farafareeyaan.

Aragtidani waxa ay ragga ka soo qaadaysaa xoolo aan maamuli karin dareenkooda, oo sida xayawaanka kolba cidda uu arko kula haliilaya hammada shahwadda. Balse, jawaabtani waa mid ku dhisan been iyo ismoodsiis sal aan lahayn, sababta oo ah daraasado la sameeyey waxa ay tilmaamayaan in boqolkiiba 75% hablaha Masaarida ah ee ay ku dhacaan dhibtani yihiin kuwo xidha xijaabo iyo dhar waaweyn oo aan la garaneyn qofka gudahooda ku jira! Sida oo kale daraasado lagu sameeeyey dalal badan, ayuu Sucuudiga oo aanay gabadhu socon muxrim la'aan, waxa uu ka galay kaalinta koowaad ee dalalka lagu farafareeyo ama lagu kufsado hablaha.

Masar, soddon sanno ka hor, kama ay jirin xaaladan adag ee lagu hayo hablaha. Dumarku waxa ay xidhan jireen haaf iyo shaadh, surwaal iyo shaadh iyo dhar kasta oo ay jeclaadaan. Waxa ay ku dalxiisi jireen xeebaha, iyaga oo badda ku dabbaalanaya. Haddana, ma uu jirin rag wax ka sheega jidhkooda iyo qaar hammuun u qaba toona. Doorna kuma lahayn in ragga ay ku cariyaan dareen galmo. Xalaadan harrasmentka oo Masar dhawaan aad ugu faaftay, waxa ay leedahay xaqiiqooyin badan oo leh mid dhaqaale iyo mid bulsho oo riixaya. Waxa qayb ka ah cabbudhsanaan shahwadeed, guurka oo laga raago, shaqo la'aanta baahsan, saboolnimo xadhko goosatay, nolol ruux (dux) ahaan madhan, dhammaan kuwani waa riixayaal door ku leh in farafareynta iyo kufsiga lagula kaco haweenku baaho, balse intaaba waxa jirta xaqiiqo ka weyn oo ah xididka ay ka soo bilaabmayso xaaladani.

Waa (SIDA) aynu u (ARAGNO) haweenka. Tani waxa ay salka ku haysaa maanhagga (Attitude) bulshada. Taariikhda dunida weligeed waxa jirey laba maanhag (aragtiyood ama aamminsanaan) ama laba hab oo looga fekero haweenka.

1. Aragtida ilbaxnimada

Aragtidan ilbaxnimadu ama hab fekerka ilbaxa ah ee ku aadan haweenku waa mid u arka dumarku in ay yihiin aadame, aan dooran in ay noqdaan dheddig, sida raggu ba u yihiin aadame, aan dooran in ay noqdaan lab. Aragtidani waxa ay tixgelisaa in haweenku leeyihiin awoodda iyo kartida aadamennimo, iyada oo aan la eegayn dheddignimadooda, sidaa darteed waxa ay u dhaaftay fakaag (space) weyn oo ixtiraaman oo ay ku samayn karaan isdhexgalka bulsheed, kuna muujin karaan buuxinta doorka kaga beegan nolosha bulshada. Taas oo keenaysa in qofba waxii uu ku darsado nolosha lagu qiimeeyo, balse, aan qiimeyntu ka bilaabmin in lagu kala horumariyo dheddignimada iyo labnimada asalka ah. Aragtidani waa in ninka ardayga ahi uu hablaha fasalkiisa ula xidhiidho in ay dugsi wadaagaan, hablaha macallinka u ahna uu u arko sida macalinka ninka ah, balse, aannu ka fekerin in uu hurdo la wadaago iyo in uu sariir la tago.

2. Aragtida Liidata.

Aragtidani waa mid dumarka u aragta in ay yihiin jidh loo abuuray raggu in ay ku raaxaystaan, aalad ninka farxad gelisa, isha soo jiidashada hammada wadata ama isha carisa hammada ragga, iyo mashiin ama warshad soo saarta ubadka. Aragtidan waxa xanbaarsan badanaa bulshooyinka dib dhacsan iyo kuwa ay fekerkooda
saameeyeen wadaadada shahwadda iyo hammada diimeeyey. Waa bulsho gabadha waxqabadkeeda aan u tixgelin in ay tahay aadame karti leh, balse ka hor eega oo tixgeliya quruxdeeda jidheed iyo damac ay weheliso hammo aan la doonayn in la xadeeyo oo ku maqan dusheeda.

Runtu waxa ay tahay in bulshada Masaaridu ay beri hore ku tallaabsadeen ilbaxnimada iyo casriyowga dunida. Taas oo wadatay in ay hore ugu faaftay aragtida u qaddarisa haweenku in ay yihiin Ibnu Aadam. Haweenka Masaaridu waxa ay hormuud u ahaayeen dumarka dunida Carabta. Gabadhii u horreysay ee duuliye noqotay, gabadhii ugu horreysay ee gaadhi kaxaysay, gabadhii ugu horreysay ee xil wasiir ama baarlamaan qabatay, dhammaan kaalmahaas dumarka Masaarida ayaa haysta.

Aragtidii ilbaxnimada Masar ee dumarka u tixgelinaysay aadamennimadu, waxa ay halis gashay siddeetamaadkii, markii ay timi aragtida Wahaabiga ee mintidka ah. Taas oo keentay in ay baahdo si u arag guud ahaan ka duwan kii hore oo laga qabo dumarka. Hab fekerka mitidka ah ee Wahaabigu waxa uu gabadha u arkayey_horrayso iyo danbeysaba- jidh. Maaddaama haweenku jidh keliya ula muuqdaan Wahaabiga, welwelka ugu weyn ee ay qabeen waa in la dabboolo jidhkaas. Sheekh Sacuudi ah ayaa ku baaqay in dumarku xidhaan Niqaam il keliya bannaan tahay ama wax laga arkayo, jidhka kale oo dhanna la dabboolo, si loo ilaaliyo mooraalka bulshada (Ragga) oo aan fidno u dhalan!!

Aragtidan haweenka u aragta jidhku, aakhirkii waxa ay keentay in dumarku dhibbane u noqdaan weerarro kufsi iyo faraxumeyn ah. Waxa ay u arkeen gabadhii, noole ay ku lammaantahay belaayo carinaysa in markasta ragga uu ku dhaco madax wareer shahwadeed oo keenaya in ay noqdaan xoolo aan jiheyn karin dareenkooda jinsiyadeed. Sidaa darteed, dumarkii waxa ay ula muuqdeen humaag ahaan, hilib bisil oo markasta baylah u ah cunnitaan, markaa waa in la raaciyo mar walba rag qaraabada ah oo waraabaha ka dhawa (ilaaliya).

Aragtidan qallafsan ee dumarka u aragta jidhka, oo Masar aad ugu faafaysaa, nasiib darro waxa ay ka timi bulsho saxare ku nool oo aan lahayn jirrid ilbaxnimo oo qarniyaal badan soo taxneyd. Haddaba, halkii aynu (Masaari ahaan) u waaridi lahayn, kuna caawin lahayn bulshooyinkaas horumarka iyo aragtiyaheenna ku dhisan tiirarka ilbaxnimo, ayeynu qaadanay fekradahoodii dib dhacsanaa!

Wiilka yar ama wiilasha yaryar ee hablaha farafaraynaya jidhkooda ama kufsanayaa waxa uu fulinayaa waxii uu bartay oo ah i gabadhu tahay jidh keliya, oo lagu raaxaysto, galmo loo abuuray, ujeeddo aan intaa ahayna dunida u joogin!!

Wargeyska Al masar Alyoom, oo waraystay qaar ka mid ah dhallinyarada haweenka farafaraysa (harrasers) ayaa u sheegay in ay aamminsan yihiin in gabadh kasta oo shaaracyada u soo baxdaa ay doonayso nin ama wiil farafareeya ama faraxumeeya!! Waxa aynu ku beddelay aragtideenii ilbaxnimada ahayd, aragtidaa liidata, dib u dhaca ah ee la diimeeyey, iyada oo aan xaqiiqo ahaan diinta meella kaga sugneyn. Inta aynaan dhallinyarada u sheegin in aanay farafareyn haweenka, waa in aynnu baro sida loo ixtiraamo dumarka. Waa in aynaan ku mashquulin dharka dumarku xidhanayaa iyo waxa ay tahay in aanay xidhan. In ay dhegaha daboolayaan iyo in dahab qurxoon ka lulayaan, in ay si deggan u soconayaan iyo in ay ordayaan. Waxaas oo dhan ma aha ceelka ay ka shidaal qaadato aragtidan dib u socodka ah, balse waa in aan beddello habfekerka ku mamay jidhka gabadha ee hammuunta iyo xiisaha u qaba in uu ka hadlo, isaga oo aragtidiisa diimeynaya, in uu taabto, in uu xumeeyo iyo in uu kufsado.

Waa in aynnu si wadajirka ah u soo ceshano aragtideenii ilbaxnimada iyo xadaarada ahayd ee aamminsanayd in haweenku Ibnu aadan yihiin, hooyadeen ah, walaasheen ah, inanteena ah ama ehelkeenna, lana siman ragga karti ahaan, xuquuq ahaan, awood ahaan iyo waajib ahaanba. Waa in aynnu tusno wiilasheena, hablaheenana ku dhiirrino tusaaleyaasha haweenka ah ee meel sare gaadhay iyo in dumarku yihiin-noqonna karaan- injineero, dhakhaatiir, garyaqaanno iyo xil kasta ama heer kasta oo Ibnu aadam qaban karo ama xaqiijin karo in ay awoodeeda leeyihiin. Taasi waxa ay geyeysiinaysaa ubadkeennu wiil iyo gabadh ba in ay gartaan in haweenka jidhkooda, uu ka muhiimsan yahay kartidooda qofeed. Aragtidaa oo u dhaadhacda duxda iyo qalbiga bulshada ayuun baa joojin karta tacaddiyada aynnu kula kacno haweenkeenna.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Falaagow ilaa aad xorrowdo