Sunday 16 November 2025
Inta badan, sheekooyinka soojireenka ah ee ku saabsan samaysanka dawladnimada cusub ee laga soo bilaabo Heshiiskii Nabadda Westifaaliya, sannadkii 1648-kii, waxa loo arkaa bar kala qaybin, sababtoo ah waa dagaalkii ugu dambeeyey dagaalladii diineed ee Yurub, waana dagaalkii Soddonka Sanno. Sida sheekadani tibaaxdo, dawladnimada cusub kaalinteeda udubdhexaadka ah waxa loo arkaa ta dammaanadqaadaysa nabadgalyada rayidka, iyadoo u maraysa istixgelinta diineed. Hase ahaatee, Maxamuud Mamdaani, mufakirka caanka ah ee reer Yugaandha, waxa uu aaminsanyahay in sheekadani sidato weji ku kooban gudaha Yurub, oo iska indhotiraya xididdada gumeysi ee haayadaha dawladeed ee cusub. Sida Mamdaani ku doodayo, Heshiiska Westifaaliya keliya masoo afjarin dagaalladii diineed ee Yurub, ee sidoo kale, waxa uu gogoldhig u noqday isballaadhintii gumeysi ee reer Yurub ka sameeyeen meel ka baxsan qaaraddooda, mabda’a istixgelinta diineed ee gudaha Yurubna waxa lagu daday gumeysiga dibedda. Marka halkan fahanka laga ambaqaado, waxqabadka calmaaniyeynta Yurub iyo mashruuca gumeysiga caalamiga ahi waa mataano sal wadaaga oo mar wada bilaabmay.
Buugga uu dhawaan soo saaray ee “Neither Settler Nor Native”, Maxamuud Mamdaani waxa uu kusoo gudbinayaa akhris si qotodheer u gorfaynaya seeska dawladnimada cusub, isagoo xagal gumeysi ka eegaya, sidoo kalena iftiiminaya sida dawladnimada cusubi xidhiidh adag ula leedahay fahannada abtirsiga iyo siyaasadda bulsheed. Waxa uu Mamdaani aaminsanyahay in sheekada isku xidhaysa bilawga dawladnimada cusub iyo Heshiiskii Westifaaliya, ay dawladnimada ka bilaabayso wakhti dambe, tahayna mid la abuuray. Tan cagsigeeda, isagu waxa uu bilawga mashruuca dawladnimada cusub uu u celinayaa sannadkii 1492-kii, kolkaas oo laba dhacdo oo isku beegani dhaceen: dhacdada koowaad, Boqortooyadii Isbaanishka ayaa isir-sifayn la beegsatay Muslimiintii iyo Yuhuuddii, dhacdada labaadna, isla boqortooyadan baa bilawday inay gumeysi ku qabsato dhulalka kolkii dambe lagu magacaabay “dunida cusub”.
Sida Mamdaani qabo, labadan dhacdo waxa ay seeska u dhigayaan fahan cusub oo casriyowga siyaasadda ah, una arka mashruuc ku tiirsan duullaan iyo sandullayn, in le’eg inta uu ku tiirsanyahay istixgelinta diineed iyo calmaaniyowga. Marka fahankan laga duulo, dhacdooyinkaas sannadkii 1492 dhacay waa barbilowga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo dhaqan ee ay Yurub sii wadday wixii ka dambeeyey Westafaaliya. Sida uu Mamdaani u dhigayo, qoomiyadda iyo gumeysiga caalamiga ahi ma aha laba jid oo ka soocan jidka casriyowga, ee waa kuwo mataanaysan, isla falgashan, oo seeska kasoo wada abuurmay.
Buuggani waxa uu u kuurgalayaa xidhiidhka seeska ah ee ka dhexeeya qoomiyadda iyo gumeysiga, si uu u iftiimiyo in cunfiga dawladda cusubi kasoo farcamay dhaxalkii gumeysiga. Mamdaani waxa uu Maraykanka ka dhiganayaa tusaalaha meelaha la qabsaday, ee dhaqamada gumeysi laga gaystay, oo shidaaliyey mashaariic ay ka mid yihiin falalkii Naasiga Jarmalka iyo Midab Kalasoocii Koonfur Afrika, si uu u caddeeyo in dhaqanxumooyinka casriga ahi ay xidid ku leeyihiin isla falalkii isir-sifaynta ee kasoo bilaabmay 1492-kii. Waa dood waafaqaysa tii Aime Cesaire uu ku dooday, kolkii uu ka hadlayey gumeysiga, in cunfiga qoomiyadeed aanu ka leexan casriyowga, ee uu qayb seeskiisa ka mid ah yahay.
Gunta qoraalkiisu waa gorfayntiisa isbarbardhigga ah ee shan xaaladood oo gumeysi dhulbooba ahaa: Maraykanka, Jarmalka, Koonfur Afrika, Suudaan iyo Israa’iil. Mamdaani, waxa uu aaminsanyahay in fahanka cunfiga qoomiga ah ee xagjirka ah, iyadoo laga eegayo xagal caddaaladmarinta dambiilaha oo keliya ay fashilinayso garashada ujeedka siyaasadeed ee dambiyadan. Tusaalaha halkan lasoo qaadan karaa waa Jarmalka, oo Maxkamadaynihii Nuremberg ay ku koobnaayeen ugaadhsiga dadkii dambiyada gaystay, iyada oo aan furfuran haayadihii dhalay Naasiga ee suurogaliyey in uu xididdaysto. Sidan si ka duwan, bulshada rayidka ah ee Koonfur Afrika waxa ay midab-takoorkii ula dhaqantay in ay ahayd qaddiyad siyaasadeed, oo u baahan dhisidda nidaam siyaasadeed oo cusub oo ka gudba seeskii hore, se aan lagu koobsan maxkamadaynta dadkii masuulka ka ahaa xadgudubyadaas. Ka sokow kakanaanta, gorgortanka iyo loollanka jidkan ku gadaaman, haddana sida uu Mamdaani aaminsanyahay, waa jid soo bandhigaya suurogalnimada xorroobidda oo ku hoos duugan mashruuca kala furfurka gumeysiga, waxaanu daaha ka faydayaa suurogalnimada sal u dhigidda koox siyaasadeed oo dhaafsiisan xuduudda dawladda gumeysigu dhigtay.
Mamdaani, waxa uu buuggiisa kusoo gabagabaynayaa baaqiisa ah in “la furfuro siyaasaddii gumeysiga”, macnaha in dib loogu noqdo sawirka kooxda siyaasadeed iyo qaababka maamulka iyo metelaadda, sees cusubna loo yeelo. Sababtoo ah suurogal ma aha in caddaaladda la dhabeeyo duni lagu dul dhisay gumeysi, dibna aan loogu laaban dhismaha haayado qayb ka ahaa cunfiga qoomiyadeed. “Caqabadda hortaalla gumeysidiidka maanta”, Mamdaani waxa ku doodayaa in ay tahay “dib ugu laabashada sawirka kooxda siyaasadeed, oo laga dhex saaro qaybihii gumeysiga, dib u hagaajinta siyaasadeedna ka ambaqaaddo sawirka cusub”.
Kolka uu baaqan sharraxayo, waxa uu dib ugu laabanayaa khibraddii Koonfur Afrika, waxaanu soo qaadanayaa fahanka “badbaadaha” xaaladdan, si uu ugaga gudbo lammaanaynta “dambiile/dhibbane”, ee hannaanka caddaaladmarinta dambiilaha. Qofka ka samatabaxay cunfiga cusub/gumeysiga ahi, ma aha “mid la degaameeyey ama mid dhalad ah”. Sida uu Fraanz Faanon leeyahay, tani waa booto dhab ah, oo loo qaaday dhinaca hal-abuurnimada iyo cabqarinnimada lagamamaarmaanka u ah halganka gumeysi la dirirka.
Gu’ga sannadkii 2021-kii ayaan wadasheekaysigan la yeeshay Maxamuud Mamdaani, Madaxa Maxadka Cilmibaadhista Bulsheed ee Jaamacadda Makareeri (Kampala, Yugaandha), sidoo kalena ah borofaysarka dhiga Maamulka qaybta Antaraboolajiga, Culuumta Siyaasadda iyo Arrimaha Caalamiga ah ee Jaamacadda Kolombiya (Niyuu Yook).
Raafaa’il Fiyskaayno: Buuggaagii u dambeeyey wuxu igu soo jiitay qodobka aad kaga hadlaysid xilliga samaysanka casriyowga siyaasadeed, oo ah soojeedin aan u arko mid iscusboonaysiiya, udubdhexaadna u ah giraanta aragtiyeed ee ku saabsan Gumeysiga Dabadii. Anigoo ah faylasuuf Laatin Ameerika ka soo jeeda, waxa aan ogaaday in soojeedintaadu waafaqsantahay mid ka mid ah dhaliilaha ugu caansan deraasadaha gumeysiga ee Laatiinka: in casriyowga iyo gumeysigu yihiin mashruuc mar wada samaysmay 1492-kii. Marka la eego, waxa muuqata in aad u dhowdahay ka gudbidda farqiga ka dhexjira Gumeysiga Dabadii iyo Furfurka Gumeysiga, oo ah farqi intii dambe dood weyn dhaliyey.
Si gaar ah, marka aad buugga ku soo gunaanadaysid baaqa ah dib-u-xorraynta fahankeenna siyaasadda bulsheed, sidee ayaad u sawiri kartaa ka qaybqaadashadaada feker ee mawjadda hadda la xidhiidha deraasadaha gumeysiga, kaalinta koowaadna kaga jira dhaliillidda aragtida “Gumeysiga Ka dib”? Sababta aan gaar kuugu wayddiinayo ayaa ah in aad si aad ah u dhaliishid wax ka mid ah aragtida “Dib-isu-xorraynta” lafteeda, oo aad ku dooddid “in ay dib u dhigayso soo afjaridda gumeysiga”, sidoo kalena “fekradda gumeysi-diidka” aad ku dhaliishid qotodheeraan la’aan. Suurogal ma tahay in aad faahfaahisid dhaliilahaagan?
Maxamuud Mamdaani: Waan u dhibirsanahay dadka u dooda “Dib-isu-xorraynta” marka ay ku doodayaan in aragtida Gumeysiga Ka dib ay la’dahay qoto-sooyaal, meeshana ay ka saarayso tijaabada Ameerika. Waan la wadaagaa aragtida ah in casriyowgu si siman ula bilaabmay mashruuca gumeysiga 1492-kii, qoomiyadda iyo gumeysiguna hal wax yihiin. Sidaas oo ay tahay, laba qodob oo muhiim ah ayaan kaga duwanahay aragtida ay qaarkood soo bandhigaan.
Marka koowaad, fahankooda gumeysigu inta badan waa mid ku kooban “xukunka tooska ah”, ee lagu qeexo in uu ahaa “muhiimad ilbixin”, kala qaybinta dunidana seeska keliya ee uu u adeegsaday ahaa isirka. Halkan waxa la moogganyahay waa in gumeysigu, laga soo bilaabo qarnigii 19aad, uu isu beddelay xukun aan toos ahayn, waana isbeddel sheekadii ilbixinta ku beddelay sheekada “ilaalinta dhaqannada”, arrinkan oo keenay xididdaynta kala duwanaanshaha isir iyo qotodheeraynta kalaqaybsanaanta dhaqan ee gudaha bulshooyinka asalka ah, oo sees looga dhigayo qabiilka iyo haybta gudeed.
Marka labaad, doodda gumeysiga waxa ka maqan kaalintii Waqooyiga Ameerika, oo gundhig u ah hababka xukunka aan tooska ahayn, sida qaran-qabiilka, qaanuun-dhaqameedka iyo maamul-dhaqameedka. Waa qaybta ka maqan doodda gumeysiga, oo ah qayb isku xidhaysa tijaabada Ameerikada Waqooyi iyo tijaabada Afrika iyo Eeshiya, weliba isku xidh ku kooban mustacmaradaha la degaameeyey aan ahayn, ee sidoo kale isku xidhaya hirgelinta xukunka aan tooska ahayn ee mustacmaradaha Afrika, ee taxnaa illaa deegaannada qabiil ee mustacmaradaha Eeshiya.
RF: Waa fasiraad qotodheer. Waxa ii muuqata xoogsaaridda aragtida gumeysiga ee la xidhiidha duullaankii labada Ameeriko uu yahay middi laba af leh: dhinac waxa uu saxayaa ka saaridda khibradda Ameerika ee sheekooyinka Gumeysiga ka dib, dhinac kalena waxa uu meesha ka saarayaa isbeddelladii kale ee gumeysiga, ee ka dhacay gobollo kale oo dunida ah, sidii oo xidhiidhka kaliya ee ka dhexeeyaa yahay “maamulka gumeysi”.
Aynnu u gudubno qaabkaad uga hadashay “Dib-isu-xorraynta”. Innaga oo aan u dhaadhacayn tallaabooyin diyaarsan, oo ah waxa uu buuggaagu ka dheeraaday, waxa muuqata in sawirka aad ka haysatid dib-isu-xorrayntaasi ay u dhowdahay dib-u-habayn, in ka badan intay u dhawdahay kacdoon, marka laga doodayo “habayn/kacdoon”. Ma aaminsantahay in dib-isu-xorrayntu tahay shaqo dib-u-habayn qunyarsocod ah oo lagu samaynayo tiirarka taagan, mise waa isbeddel gunta ah? Sababtaan kuu wayddiinayaa waa in aan ka cabsanayo in sawirashadaas dib-u-habayntu keento qurxinta seeskii taagnaa, halkii laga dumin lahaa, sida marar badan dhacda doodda la xidhiidha caddaaladda garsoorka. Ilaa heerkee baad aaminsantahay in dib-isu-xorrayntu qotodheeraato?
MM: Fahankaan ka haysto dib-isu-xorrayntu wuu dhaafsiisanyahay labada dhinac ee dib-u-habayn iyo kacdoon. Waxa aan soo jeediyaa waxa falsafadda Hegel loo yaqaan ka gudbid, macnaha ka gudbidda isdiiddooyinka iyadoo lasoo hoos gelinayo sawirasho ka ballaadhan. Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, sidaan qabo, waxa ay kasoo dhex baxaan waaqica bulsheed, ee dibedda kama yimaaddaan, sidoo kalena, isbeddel bulsheed kastaa ma dhaboobmi karo iyada oo aan hufid qotodheer lagu samayn seeska siyaasadeed. Maqnaanta hufiddani waxa ay dhaqdhaqaaqyada bulsheed u bandhigaysaa halis ah dib usoo cusboonaysiinta seeskii siyaasadeed ee gumeysiga, oo xambaarsan kalaqaybin gudeed oo sal looga dhigay isir, beelo ama wax la mid ah.
Mafhuumkan waxa aan soo jeediyaa kolka laga doodayo marxaladdii ka dambaysay Midab-takoorkii Koonfur Afrika ee sannadkii 1994-kii. Isbeddelku ma mid badh ahaan hirgalay baa, mise waa mid badh ahaan fashilmay? Cunfigii isbeddelkaas ku xigay, oo bartilmaameedsaday “qof qabiil ahaan qariib ah”, se aan beegsan “qofka isir ahaan qariibka ah”, waa mid caddaynaya kala dhantaalnida isbeddelkan. Wuu waajahay siyaasadaynta isirka, se siyaasadaynta qabiilka wuxuu ula dhaqmay sidii arrin dabiici ah. Sidaas darteed, dhaqdhaqaaq kasta oo ka dambeeyey 1994-kii, waxa lagama maarmaan ah in lagu duldhiso casharrada khibraddaas, haddii kale natiijadu waxaa aad ka cabsanaysid bay noqonaysaa: dib-u-habayn aan isbeddel dhab ah ku samayn seeskii iyo tiirarka jira, xitaa waxa laga yaabaa in aanu keenin isbeddelkaas 1994-kii oo kale. Ujeedkaygu waa in aan keeno gorfayn suurogalisa samaynta buundo iskuxidha dib-u-habaynta iyo isbeddelka.
RF: Hadda waan fahmay. Waxa suurogal ah in la yidhaa dib usoo celcelinta habfekerkaa lammaanaynta duugga ah ee dib-u-habaynta iyo kacdoonku in uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee aragtiyeed wakhtigeennan. Marka aynnu ku laabanno xaaladda Ameerika, waxa isoo jiitay soojeedintaada cutubka “diidmada cunsuriyadda iyo dib-isu-xorraynta” (bogga 93 illaa 100), waana xasuusin lagama maarmaan u ah in nidaamka gumeysigu awoodo liqidda dhaliisha iyo dib-isu-cusboonaysiinta. Tusaale ahaan waxa aad xusaysaa in dhaqdhaqaaq kasta oo lagu diiddanyahay cunsuriyadda oo iska indhotira “arrinta Hindidii” Maraykanka, uu ka qayb qaadanayo sii xididdaynta mashruuca dhulboobka ee bulshada Maraykan ku dhisantahay, amaba buugagga Quijano iyo Immanuel Wallerstein ay ku magacaabaan “Casriyowga Ameerika”.
Waa soojeedin muhiim ah xilligan, iyadoo ay sii kordhayaan barnaamijyada cunsuriyadda lagu diiddanyahay, se aan qotodheerayn, ee ay buunbuuniyaan shirkadaha Niyoolebaraaliga ah iyo haayadaha waaweyni, si ay u damiyaan codsiyada qotodadheer ee ay soo jeediyaan dhaqdhaqaaqyada bulsheed, siiba waxii ka dambeeyey cunfiga cunsuriyadeed ee ku xididdaystay salka dawladda Maraykan, cunfiga booliska ee soo noqnoqdaana tusaale keliya uun ka yahay. Halkan waxa aad na xasuusinaysaa in dib-isu-xorayntu ka ballaadhantahay, kana kakantahay diidmada cunsuriyadda.
Gunaanadkii, ka qaybqaadashada muhiimka ah ee aad buuggaaga kusoo gudbisay waa dib ugu noqoshada ka fekerka casriyowga siyaasadeed oo ka dhex baxsan istaxgelinta calmaaniga ah. Wayddiintayda u dambaysa tan bay la xidhiidhaa: sideed u aragtaa xidhiidhka diinta iyo calmaaniyadda marka la joogo mashruuca dib-isu-xorraynta? Waan ogahay in aanad qodobkan si toos ah aanad ugaga hadal buugga, se akhristeyaasha majallada “Laahuutka Siyaasadeed”, runtii way danaynayaan.
MM: Waa su’aal si sax ah ula xidhiidha mawduuca, se runtii ma ihi qofka ku habboon ka jawaabiddeeda, marxaladdan. Qodobka istixgelinta calmaaniga ah si faahfaahsan ugagamaan hadal buugga. Waxaan xoogga saarayey isirka iyo haybta. Laga yaabee in aan qodobkan kaga hadlo waxqabad mustaqbalka ah, waxaanan u malaynayaa in xaaladda Israa’iil barbilow muhiim ah tahay: Yuhuudi yaa ah? Yaa se Falasdiini ah? Yaa Carab ah?
Wadasheekaysigan waxa lagu faafiyey cadadka shanaad ee qaybtii 22aad ee Majalladda “Laahuutka Siyaasadeed”, kaas oo sidoo kale koobsaday dood iyo gorfayn ku saabsan buugga “Eebbe, Sharka iyo Xuduudda Laahuutka” ee Karen Kilby, lana socdeen sidoo kale doodo ku saabsan waxsoosaarkii ugu dambeeyey ee sharciga iyo diinta. Waxaana soo turjumay hawl wadeennada Madasha Geeska.