Tuesday 9 December 2025
Maxamuud Mamdaani waxa uu soo saaray buug amakaag leh; amakaaggaasi ma aha qaabqoraalkiisa sidkan amaba curintiisa sare, se waa in uu xukun rafcaan ah siinayo Idi Aamiin, keligiitaliyihii Yugaandha, ee inta badan xusuusta casriga ah magaciisu la xidhiidho dhiig-daadin iyo argagax oo dhan. Buuggiisa “Sun Tartiib ah”, Mamdaani waxa uu isku milayaa u kuurgalkiisa shakhsiga ah iyo tebinta siyaasadeed, si uu bedka u keeno gorfayn liddi ku ah tebinta caanka ah. Mamdaani aragtidiisa, Idi Aamiin ma aha dadqalkii Yugaandha in la mid ah inta uu yahay hoggaamiye kacdoon ku waday gumeysiga, oo ku dedaalayey ka takhalluska hadhaagii gumeysiga Ingiriiska.
Laga soo bilaabo sannadkii 1971-kii, kolkaas oo uu inqilaabay madaxweynihii xilligaas Milton Obote, kursigana ku fadhiistay, illaa dhicitaankiisii sannadkii 1979-kii, Idi Aamiin waxa uu Yugaandha ku xukumayey gacan bir ah. Sannadahaas uu xukunka joogay, waxa uu taageero wejiyo yeelatay ka helay Mucammar al-Qadaafi iyo Israa’iil oo go’doonkeedii xilligaasi ku khasbay soo jiidashada ninkan awoodda badan ee reer Yugaandha. Muddo-xileeddiisu waxa uu ku suntanyahay musuq baahay iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, waxaana la qiyaasaa in ku dhawaad nus milyan oo dad ah xilligiisii la dilay, waana sababta uu ku helay naanaysta “Dadqalkii Yugaandha”.
Sidan oo ay tahay, Mamdaani waxa uu buuggiisa gogoldhig uga dhigayaa baaqa uu akhristaha ugu baaqayo “in uu ka takhalluso sawirashada u sii diyaarsan ee warbaahintu faafisay”. Sawirradaa diyaarsan waxa ka mid ah in Idi Aamiin laga aamino “mataankii Hitlar ee Afrika”. Arrinkan waa uu deeddifaynayaa, isagoo ku doodaya in “hadalladii hitlaraysnaa” ee uu Idi Aamiin ku hadli jiray iyo qaababka “kaftanka iyo maadda ah ee uu siyaasad ahaan u hadli jiray”, sida in uu sheegto “Boqorka Iskotlaan” iyo “Dhaxlaha Boqortooyada Ingiriiska ee Afrika, gaar ahaan Yugaandha”, keliya ay ahayd istiraatiijiyad shacab-ku-hanasho ah, oo uu rabay in uu ku tirtiro hadhaagii gumeysiga. Marka sababayntan la eego, xadgudubyadii nidaamkaas waxa lagu tirinayaa nafhurka dhidib-u-taagidda mashruuc waddaniyadeed oo raadbarad ahaa.
Mamdaani waxa uu u gudbayaa sawirka labaad ee uu akhristaha uga digayo, oo ah mala’awaalka ah in la aamino in Yuweeri Musafani – oo talada dalka haya sagaal iyo soddon sanno lagana yaabo in uu sannado kale sii haysto haddii wakhti ku simo uu badbaadiyey Yugaandha. Qoraagu waxa uu aaminaaddaas ku tilmaamayaa in uu yahay “nin gaashaan mala’awaal ah samaystay; sidaas darteed ay adagtahay in qofi uu deeddifeeyo. Sidaas oo ay tahay, Mamdaani waxa uu aaminsanyahay in furitaanka Musafani dalka u furay raasamaalka caalamiga ahi tahay dambi ka weyn xadgudub kasta iyo xasuuq kasta oo uu Idi Amin loo tiiriyo. Xitaa aaminaad taas kasii fog buu rumaysanyahay, kolka uu ka hadlayo go’aankii Idi Aamiin uu sannadkii 1972-kii ku eryay dhammaan Yugaandheeska asal ahaan Eeshiya kasoo jeeda, ahaydna tallaabo soo dhaweyn ballaadhan uu kaga helay dadka dalka u badan ee madowga ah, se haddana ahayd tallaabo dalka sabool ka dhigtay. Maalinkaas wershidii, beerihii iyo ganacsiyadiiba waxa gacanta ku dhigay nidaamka, Eeshiyaankuna waxa ay ahaayeen lafdhabarta maamulka dhaqaale, se waxa gacanta ku hayay hodanka badhaadhay ee nidaamka u dhow, Sawaaxiligana lagu yidhaa “Mafuta mingi” oo looga jeeday “Kuwa shilis”. Hannaankii dhaqaalahaa ayaa istaagay, heer caanihii suuqa laga waayay kolkii la qalay lo’dii caanaha laga lisayey.
Mamdaani oo ah baraha maamulka iyo antaraboolajiga ee Jaamacadda Kolombiya, laftiisu waa dadka asal ahaan Eeshiyaanka ah ee reer Yugaandha, waana mid ka mid ah jaaliyadihii ka yimi Hindiyadii Ingiriisku haystay ee kolkaas maxmiyaddaas Yugaandha degay. Sidoo kale, waa qof wacyigiisa siyaasadeed ku unkumay deegaanka Bidixda Maarkisiga ah ee Dunida Saddexaad, ka dib kala furfurankii gumeysigii, iyo qaskii iyo qalalaasihii ka dambeeyey. Sidoo kale waa aabbaha Sahraan Mamdaani oo [dhawaan noqday Maayarka New York], inta badanna ah xidhiidh aanay saxaafadda Maraykanku dhaafin inay tilmaanto ama gorfayso.
Buuggiisa “Muslinka San iyo Muslinka Xun”, oo soo baxay saddex sanno ka dib weerarradii 11-kii Sibtambar, Mamdaaniga weyni waxa uu qoray: “Waxa innagu waajib ah in aynu qirno in ismiidaamiyaha is qarxiyey, ka hor intaan tilmaan kale la siinba, uu koox ciidan ah ka tirsanaa”. Waxa uu ka digayaa in “qaraxa ismiidaaminta ah lagu tilmaamo in uu astaan u yahay cawaannimo”. Buuggiisa kale ee “Lamana Degaamayn Umana Dhalan” ee labadii 2020 soo baxay, waxa uu Israa’iil ku tilmaamayaa in ay tahay dal ay ka buuxdo doonista ah “tirtiridda cid kasta oo aan Yahuud ahayn”, dhinacyo kala duwanna laga dheehan karo qodobkaas: isir sifayn, kala soocid, takoor iyo nidaamkii abartaaydhka, iyo dafiraadda aqoonsiga (Inankiisa Sahraan laftiisu uma muuqdo nin wax kalgacal ah u haya Israa’iil).
Mawqifyadani waa kuwo soo gudo galaya jid dheer oo taariikh-nololeedka qoraaga ah. Isaga oo macallin ka ah Kambaala sannadkii 1981-kii, waxa uu ka qaybgalay aasaaskii Ururkii Saaxiibtinnimada Yugaandha iyo Kuuriya. Se Kuuriyadee? Saaxiibtinnimadaasi waxa ay gaysay Biyuunyaang. Buugga dhexdiisa waxa uu si badheedh ah ugu soo qaadanayaa warbixin uu ka qayb qaatay soo saariddeeda bookhashada ka dib: “Waxa naga yaabiyey bilawgiiba sida shacabka Kuuriya deggan loo carbiyey. Carruurta dugsiyadu waxa ay ku socdaa safaf habaysan, tegitaanka iyo rawaxaaddaba, iyagoo ku celcelinaya heeso”. Kol uu tagay aagga ka caaggan hubka ee labada Kuuriya u dhexeeya, qof la socday oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa wayddiiyey: ma jeclaan lahayd in aay ku dhawaaqdid: “Yankiiyow, ku laabta guryahiinna”? Waxa uu Mamdaani ku jawaabay: “Maya, dalkaygii baan sidaas oo kale kaga dhawaaqi lahaa, Kambaala”. Halkan waxa cad colaadda uu u hayo Maraykanka iyo didmada uu ka qabay Galbeedka suuqa xorta ah wata, waana labada tilmaamood ee jaangooya xukunkiisa Ida Aamiin iyo Musafani uu kala siiyo.
Mamdaani waxa uu ku sii doodayaa in ay suurogal tahay in Idi Aamiin loo tixgaliyo aabbaha bulshada Yugaandha, “bulsho madow”. Go’aankii Idi Aamiin ee caydhinta Yugaandhiiskii reer Eeshiya waxa uu u adeegsanayaa u jidbixinta sheekada aasaaska qoomiyad, waxaanu dadkaas ka dhigayaa “bulsho u dabranayd koox ganacsato ah oo keligood badhaadhay”. Sidoo kale waxa uu tilmaamayaa saamayn dibadeed oo toos ah oo tallaabadani lahayd, ahaydna in xukuumadda Ingiriiska lagu cadaadiyo in ay ku khasbanaato soo dhawaynta siddeetan kun oo qaxoonti Eeshiyaana ah, xilli qalaalasaha isir ee gudaha Ingiriiksu kacsanaa.
Dhinaca kale, Mamdaani waxa uu Musafani ka dhigayaa qofka “furfuray bulshadii uu dhisay” Aamiin, kolka uu “u hoggaansamay xakamaynta maaliyadeed” ee uu kusoo rogeen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo reer Galbeedku. Farqiga labada nin u dhexeeya waxa uu halbeeg uga dhigayaa dareenka waddaniyadeed; Aamiin, sida uu aaminsanyahay, waxa uu doortay ka fogaanta Galbeedka, isagoo fahmay in laga rabo in uu gawaanraac aan kaalin lahayn uu noqdo, se Musafani uu u hoggaansamay shuruudaha xakamaynta maaliyadeed ee Sanduuqa Lacagta Adduunku maleegay iyadoo khayraadkiiba suququl yahay, sidaasna Musafani ku noqday gawaanraac aan kaalin kale lahayn. Isle’egtan ayaa uu Aamiin kaga dhigayaa nin jariimooyinkiisu jid u ahaayeen iska dhicinta gumeystaha, halka dedaalka Musafani u galay soo celinta habraacii dhaqaale uu noqonayo u hoggaansanka Hantigoosadka.
Qoraagu waxa uu tuduc kooban oo ka mid ah buuggiisa u goonni yeelayaa wiilkiisa Sahraan. Waxa uu soo tebinayaa fasax waxbarasho oo uu sannadkii 2004 ka ambabaxay Kolombiya, isagoo tagay Kambaala. Waxa la socday xaaskiisa iyo wiilkiisa oo kolkaa laba iyo toban jir ahaa. Wiilka waxa laga soo kaxeeyey dugsigii uu ka dhiganayey Niyuu Yook si uu aabbihii ugu raaco Afrika, waxa sida fudud loo sawiran karaana waa sawir xiiso iyo daahqaad cusub u leh, se waa sawirasho judhaba kaa tagaysa marka aad akhridid Mamdaani oo qoraya in Sahraan “uu baranayey arrimo ay ka mid yihiin sida xoolaha loo dhaqo, siiba arrinka zero grazing”, oo ah qaab xoolaha loo dhaqo iyadoo cawska loo soo jaro neefka isagoo aan xerada ka bixin. Xogtani waa mid kaa qoslin karta, haddana se kugu dhalin karta is wayddiinta ah: waa kuma barbaarka jeclaanaya in uu ka tago dunidii uu ku barbaaray si uu u dhexgalo tafaasiil xoolo dhaqidda ah? Kolkaad aragtid wiil 12 jir ah oo dhaqidda iyo calaf siinta xoolaha Kambaala ku baranaya ayaad Sahraan fahmi kartaa: ma fududa in aad wiil u noqotid nin ad’adaygaas feker leh, oo xitaa isku dayi kara in dunida iyo xitaa dadkaba dib loogu qaabeeyo sida uu aaminsanyahay.