Tuesday 14 July 2026
“Illaahayoow dadkayga sidayda ka dhig ama sidooda iga dhig.”
“Haddii aad rabto inaad ogaato dabeecadda dhabta ah ee qofka, awood badan sii.” Hadal nuxur ahaan sidaa u dhigan ayaa laga hayay Abraham Lincoln oo ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka, oo xilka hayay intii u dhexaysay 1861 ilaa 1865. Innaga oo ka dhaqaaqayna hadalkaas madaxweynaha oo dabcan uu isaga laftiisa ku keenay khibraddiisa maamul, dabeecadda caadiga ahina inna barayso siyaasiga wanaagsani ma aha ka ugu codka dheer ama ugu ballanqaadyada badan; laakiin waa ka marka awoodda loo dhiibo, danta shacabka ka hormariya tiisa gaarka ah, taariikhduna waxay xasuusataa kuwa qarankooda u adeegay, ee ma xasuusato kuwa kursiga u adeega ama ka adeegtay.
Sida uu u jiro siyaasi inta u gu badan la odhan karo wuu xun yahay oo ku dhiirrada tuugada, musuqa, boobka hantida dadweynaha, wax is dabamarinta iyo u xuubsiibashada falal kasta oo aan dawladnnimada la jaanqaadayn si la mida ayaa ay u jiraan midhadh yar oo aanay ishu qaban laakiin ka madhan intaas aynnu kor ku soo sheegnay, iyada oo ay weliba adag tahay in xitaa deegaanka ku xeeran u saamaxo ama fursad u siiyo in ay ka madhnaan karaan qaska socda; haddana dedaalay oo isku dayay in ay shacabka tusaan in la heli karo siyaasi qumman oo aan iyaga xadin ee u beekhaamiya hayntooda yar.
Maaddaama siyaasiga kharribani mar walba ka cod dheer yahay kan hagaagsan waxa ay bulshadu la qabsatay in ay ereyga “siyaasi” u aqoonsato mid ka mid ah ereybixinnaha ay dhibannaha u tahay ee lagu khalday oo qof aan ahayni inta uu sheegtay ku hoos dhuuntay. Yaraanshaha siyaasi daacad ah oo musuqa iyo xatooyada ka madhani walaw uu saaxadda iyo masraxa siyaasiga ka jiro, haddana, waxa jira marla’arag ay dunida oo dhami qiri karto dedaalkiisa iyo kartiddiisa.
Taariikhyahanno iyo falanqeeyayaal badani waxay inta badan ku magacaabaan Lee Kuan Yew inuu yahay mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu guulaha badnaa uguna hufnaa qarnigii 20aad, marka laga hadlayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhismaha dowlad nadiif ah. Sidaas si la mid ah waxa aynnu innaguna xusi karraa foolaad Soomaali ah oo adduunyadu u qirtay in uu dhabbahaa khariban ka leexday oo isagu oddorostay waddo bilaa qodax iyo hagardaamo ah oo ka madhan astaamaha siyaasiga soomaaliga ahi ku sifoobay waana Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Calanside Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ku dhashay magaalada Dibba, oo maanta ka tirsan maamulka Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Carruurnimadiisii iyo sannadihii u gu horreeyay ee noloshiisa waxa uu ku soo qaatay deegaanno kala duwan oo ay ka mid yihiin Dibba, Herer, Jigjiga iyo Hargeysa. Isbeddelkaasi waxa uu siiyay fursad uu ku barto bulshooyin iyo duruufo kala duwan, isaga oo waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ku dhammaystay magaalada Hargeysa. Markii uu dhammaystay waxbarashadii aasaasiga ahayd iyo tiisii sareba, waxa uu u safray UK, halkaas oo uu ku qaatay koorasyo gaagaaban oo kor u qaaday aqoontiisa iyo waaya’aragnimadiisa. Muddo ka dib, waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo bilaabay shaqooyin u sahlay inuu kasbado khibrad nololeed iyo mid xirfadeed, waxana uu intaa ka dib ku guulaystay deeq waxbarasho oo uu ugu baxay Maraykanka. Halkaas ayuu ku soo qaatay shahaadada koowaad ee Civil Engineering-ka oo u furtay bog cusub oo nololeed.
Mar kale, waxa uu dib ugu soo laabtay, 1971-kii, waddankii oo aan ahayn sidii uu kaga tegey. Xerada Xalane ayaa lagu xareeyay oo askarnimo hor leh loo tababbaray. Mudane Xaashi, waxa uu ka mid ahaa lixdii xubnood ee 1981-kii magaalada London kaga dhawaaqay asaaska Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, SNM. Laga soo bilaabo shir weynihii 2aad ee ururkaa oo 14-18 bishii Agtoobar sannadkii 1981-kii ka dhacay magaalada London sidii uu uga mid noqday gudiddii fulinta ayaa uu u ga mid ahaa ilaa 1991kii. Mudadaas dheer ee uu hoggaanka ka tirsanaa, mudane Xaashi waxa uu si gaar ah u soo qabtay xilka Xoghayaha Maaliyadda ee SNM, isaga oo masuul ka ahaa maaraynta dhaqaalaha ururka iyo hubinta in ilaha dhaqaale loo maamulo si hufan oo taageerta himilooyinka halganka.
Eng. Xaashi, sidaas ayaa uu ku bilaabay ka tirsanaantii maamulka u gana mid ahaa illaa dib u la soo noqoshaddii xornnimada Somaliland ee 1991, isaga oo xitaa jagada guddoomiyaha SNM kula tartamay Cabdiraxmaan-Tuur Axmed Cali oo codad yar kaga badiyay. Intaa ka dib, madaxweyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ayaa Eng. Xaashi u gartay inuu noqdo maayarka magaalada caasimadda ah ee Hargaysa. Isna cudurdaarasho dhawr ah oo uu madaxweynuhu aqbali waayay ka dib waa uu go’aansaday in uu madaxweynaha ixtiraamo oo magaaladdiisa u shaqeeyo. Laakiin waxa uu ka codsaday madaxweynaha in aannu ku soo faragelin maamulidda magaalada iyo go’aannadiisa.
Waxa xusid mudan in uu markaa maayarku ka qaybgeli jirey shirka golaha wasiirrada. Mudane Xaashi, waxa ay markaa u eekayd in miino danabaysan faraha loo geliyay oo loo magacaabay magaalo dunsan, oo baaba’san oo dhulka la boobayo, cid kala baqda ama/iyo xishootaa toonna aanay jirin. Magaalo, dadkeedu aanay waxba haysan dhaqaale ahaan iyo dhiirri ahaanba. Tani waxa ay u eekayd tijaabo siyaasi ah oo la doonayay in uu mudane Xaashi ku saqiiro ama taa beddelkeeda ku bulaalo oo shamac ku noqdo.
Maxamed, sida uu ku xusay warraysiyo laga qaaday aad ayaa uu ugu dedaalay in aan dhulka magaalada la boobin, gaar ahaan, xaafadda Shacabka oo ahayd dhul uu gumaystihii ingiriisku u diyaariyay in ay noqoto meelaha shacabka loogu adeego ee danta guud ah. Magaalo bilaa miisaaniyad ah, bilaa cashuur ah oo xitaa bilaa mushahar ah ayaa farta laga saaray.
Maxamed, waxa uu aasaasay dhammaan xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Hargaysa isaga oo labadii xaafadoodba u dhaxaysiiyay 4-5km oo uu u gu talagalay in laga aasaaso dhismayaasha danta guud: malcaamadaha, dugsiyada, farmasiiyada, masaajidada, rugaha booliska iwm. Waxa uu magaalada u sameeyay qorshe magaaleed (Master plan) ku salaysan qaabkii hore ee Hargeysa ahaan jirtay 1800s-kii, waxana uu dawladdii hoose ka dhigay hay’ad u shaqaynaysa si xawli ah. Waxa uu soo xushay koox dhallinyaro oo illaa lix agaasime ah oo markaasuun jaamacadda ka soo baxay tiiyoo aannu nidaamka qabiilka ku xulane ee mudnaanta kartidooda uu shaqada u gu igmaday.
Waxa kale oo qorshayaashaa horumarinta magaalda barbar socotay soo dhawaynta iyo qaabilaadda ururrada caalamiga ah, kuwa maxalliga ah iyo dhaqdhaqaaq kasta oo taageeraya jihada horumarka iyo musuq la’aanta ee uu mudane Xaashi u xaydxaytay. UN-HABITAT oo ka mid ahayd haayaddaha markaas ka hawlgalay magaalada ayaa u aqoonsaday shaqsigii u gu waxqabadka iyo joogtaynta fiicnaa ee la shaqeeyaan, waxana ay guddoonsiiyeen shahaaddada Scroll of Honour: 1996.
Scroll of Honour waa abaalmarinta ugu sarreysa ee UN-Habitat bixiso, waxaana la guddoonsiiyaa shakhsiyaad, magaalooyin, ama hay’ado wax weyn ka qabtay shaqada markaasi ay ku aaddanaayeen. Sida ay muujinayaan diiwaannada UN-Habitat, Eng. Xaashi waxaa lagu sharfay dadaalladii uu ku hoggaamiyey dibudhiska iyo horumarinta magaalada Hargeysa kadib burburkii dagaallada, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan: Dib-u-dhiska magaalada, horumarinta adeegyada bulshada, nabad-dhisidda iyo maamulka deegaanka. Abaalmarintani waxa ay ahayd aqoonsi caalami ah oo lagu bogaadinayo kaalintii uu ka qaatay horumarinta caasimadda Hargeysa.
In uu xilkaas ka soo dhalaalay oo xukuumaddii markaas jirtay ay kaga gama’day sida uu wax u maamulay waxa ay keensatay in uu hankiisii ballaadhiyo oo isu soo taago tartanka madaxtinnimada ee dalka u gu sarreeya lana tartamo madaxweynihii isaga magacaabay ee Maxamed X. Ibraahin Cigaal. “Waxa aan is idhi tan waxa aad wax ka qaban kartaa adiga oo kursiga u gu sarreeya ee dalka qabsada” ayaa uu ku yidhi warraysi laga qaaday.
Hankaasi waxa uu keensaday in uu iska casilo jagaddii maayarnnimo oo uu u banbaxo sidii uu u ga dhabayn lahaa riyadaas. Sannado uun ka dib iscasilaaddiisa waxa geeriyooday madaxweyne Cigaal (AHUN), waxana uu Xaashi ka mid noqday golihii wasiirrada ee madaxweyne Riyaale. Waxa uu noqday wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha oo sida shaacsanaha noqotay uu shaqa fiican ka qabtay. Tusaale ahaan, wasiir Cawil oo isaga wasaaradda u gu horreeyay waxa uu miisaaniyad ahaan ku shaqayn jirey 47 milyan halka uu isla sannadkii ku xigayba gaadhsiiyay 83 milyan shsl, kii kusii xigayna 106 milyan. Falsafadda maamul ee uu Xaashi aaminsanaa ayaa ahayd in meel walba wax fiican laga qaban karo haddii wakhti iyo tamar ku filan loo huro.
Dhawr jeer ayaa uu shirka golaha wasiirrada kaga doodday in sida wax loo wadaa aanay dalka iyo dadka toonna dhaqaynin oo wax intaa ka badan la qaban karo laakiin hagrasho badani ku jirto xubnaha xukuumaddiisa: “Waxa aan u arkayay in dalkan laga dhargi karo oo laga hadmi karo, miisaaniyadda la soo saaraana ay ka yar tahay tii ay ahayd in la tabco” ayaa uu ku yidhi isla warraysigii aynnu hore u xiganay.
Waxa kale oo xusid mudan in uu dhammaan shaqaalihiisii u kordhiyay mushaharka si ay u ga caawin karaan qabashada shaqada maalinlaha ah. Maxamed, waa ay isa seeggeen xukuumaddaas waxana uu kaga tegey isla waxqabad la’aanta uu ku eedaynayay markii uu gudaha ku jiray. Waxa talo u noqotay in uu ka soo jeesto dhanka mucaaradka oo aannu marna la gabban toosintii ay isku afgaran waaayeen xukuumaddiisa intii uu ka tirsanaa. “Illaa iyo maalintii aan shaqada bilaabay anoo da’yar madaxda waa aannu is haysannay uun, waxana aan u ga digayay musuqa iyo maamulxumada laga baaqsan karo.” Ayaa uu ku doodday mar wax laga waydiiyay sababta iscasiladdiisa soo noqnoqotay. Maxamed, waxa uu waagaas aasaasay urur maxalli ah oo uu rabay in uu u adeeego aragtiyihiisa, laakiin waxa uu ku mutaystay xadhig Mandheera ah. Ururkaas Qaran la odhan jirey ma sii waarin oo waxa uu la saqiiray xadhigiisaa.
Mudane Xaashi, muddo ka dib waa la soo daayay waxana dhacday doorashada uu markiisii koowaad ku soo baxay madaxtinnimada dalka xisbiga Kulmiye mar kale ayaa madaxweyne Siilaanyo u cugtay wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. Waa madaxweynihii saddexaad ee xil aad u muhiim ah u igmada. Xukuumadda hore ee mudane Riyaale waxa ay xilka wareejisay iyada oo dhammaan shaqaalaha dawladdu ay mushahar la’yihiin afartii bilood ee u gu danbaysay halka ay ciidamaduna mushahar iyo raashin la’aayeen labaddii bilood ee xukuumaddaas u gu danbeeyay. Wasiirku waxa uu markiiba ka fekeray sida arrintaas loo xallin lahaa waxana uu isugu yeedhay ganacsataddii waa weynayd ee waddanka isaga oo la wadaagay halka xaalka waddanka ay la wareegeen uu marayo dhaqaale ahaan.
Waxa uu lacagtaas mushaharka ka amaahday ganacsatada sidaasna waana uu ku dayn baxay sannadkii ku xigay. Shaqaddii koobaad ee uu wasaaradda ka qabtay waxa ay noqotay tiisii uu caanka ku ahaa ee kordhinta mushaharka shaqaalaha 100% tiiyoo ay barbar socoto kordhinta cashuurta muwaadinka laga qaado. Dhammaan dugsiyaddii dawliga ahaa waxa uu ka dhigay nidaamka lacag la’aanta, dhakhtarrada dawliga ah ee gobolladana waxa uu ka caawiyay mashiinnada sifaynta kalyaha aadamaha oo si lacag la’aan ah uu u hirgaliyay isaga oo kaashanaya dhiggiisa caafimaadka. Miisaaniyadda guud ee waddanka oo markii uu yimid ahayd $47m waxa uu iyana gaadhsiiyay $93m oo boqolay ahaan korodhay 97.87% marka loo barbardhigo miisaniyadda sannadka hore. Mudane Xaashi, waxa uu xukuumaddaas la shaqeeyay muddo kooban iyana waa ay kala hadaafeen.
Warraysi kale oo laga qaaday waxa lagu waydiiyay bal inuu weligii “wax uun” musuqay maaddaama uu lacag badan soo maamulay oo xilal muhiim ah soo qabtay. “Ilaahay ayaan ka magan galay, iimana uu baahinin in aan cuno xoolo dadweyne” ayaa uu ku jawaabay. Waxa jirta qiso caan ah oo ku saabsan mar uu xannuunsaday mudane Xaashi. Xukuumaddii markaas joogtay waxa ay u dirtay lacag $5000 gaadhaysa oo ay ugu talagaleen in lagula tacaalo xaaladdiisa caafimaad oo Jabbuuti lagu dabiibayay. $4600 oo lacagtii ka mida ayaa aan ku soo celiyay khasnaddii dawladda ayaa uu yidhi mar wax laga waydiiyay arrintaas, taas oo inna tusi karta sida uu uga dheeraa in ay calooshiisa galaan xoolo dadweyne.
Kolka aynnu aragti ahaan isku soo xoorinno waxa uu ahaa mudane Xaashi, siyaasi horusocod ah, aaminsan in shaqo fiican waddanka laga qaban karo tiiyoo aan waxba la musuqin waxna la xadin. Waxa uu ahaa nin aaminsan in wakhtiga shaqada ee xafiisyada dawladda la kordhin karo sidaas si la mid ahna la kordhin karo mushaharka shaqaalaha si ay tayada shaqadu u qurxoonaato dhab ahaanna intii uu mindida daabkeeda hayay waa uu fuliyay aaminaadihiisan. Goor fiid ah Noofeembar 15, 2023 ayaa uu marxuumku ku geeriyooday magaalada Jidda (AHUN).
“Xalaytaba kamaan seexan
Dar Allee xannuunkeeda
Geerida Maxamed Xaashi
Xaqudirir u sare taagan
Xaquuqaha lasiin waayay
Xaqlayaasha tag liita
Xilkasbuu ahaa dhawra
Xafidaaya maalkoodan
Haddeer lagu dul xoomaayo
Xaliimoow adaa weyne
Ku jannee xabaashiisa;
Xaaraan nacaybkiisa
Xalaal miirad nimaddiisa
Xeerbeegtinnimaddiisa
Gobannimo xishoodkiisa
Xormadiyo wanaagiisa
Danta guud u xaydnaanta
Gushada xilkuu qaado
Maragiisu waa xaye
Xaliimoow adaa weyne
Ku jannee xabaashiisa…” —Xasan Dh. Laabsaalax