Sunday 19 April 2026
Tobankii Oktoobar, 2021-kii magaalada Landhan waxa ku geeriyooday Maxamed Daahir Afrax, oo ahaa foolaadka suugaanta iyo afka Soomaaliga. Sannadkii 1952-kii ayuu ku dhashay Jarriban, gobolka Mudug, noloshii baadiye ee uu ku barbaarayna waxa u xigay heerarkii waxbarasho ee kala duwanaa. Ka dib markii uu seeskiisa waxbarasho ku qaatay magaalada Muqdisho, waxa uu uga gudbay jaamacadda Cadan, ugu dambaynna, waxa uu heerarka waxbarasho ee mastarka iyo diktoorada ka qaatay Kulliyadda Diraasadaha Bariga iyo Afrika (SOAS) ee Jaamacadda Landhan.
Afrax waxa uu ku caanbaxay waxsoosaarkiisa suugaaneed, waxaanu qoray sheekofaneedyo ka mid ah kuwa ugu magacadheer sheekooyinka Soomaalida, sida sheekofaneeddiisa “Maanafaay”, oo lagu tiriyo foolaadka sheekooyinka hal-abuurka sare leh. Waxa uu si wanaagsan wax ugu qori jiray afafka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga, wax-soo-saarkiisa qoraalna waxa uu qayb weyn ka qaatay horumarinta suugaanta Soomaalida. Ka sokow qoraalka, Maxamed Daahir Afrax waxa uu kaalin laxaad leh ka qaatay siyaasadda Soomaaliya iyo hodminta afka, sida in uu qayb ka ahaa hawlihii nabadaynta, lataliyena u ahaa xukuumado, sidoo kalena hoggaamiyey ururro iyo haayado kala duwan, sida Akaadamiyadda Afka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.
Marka aynnu milicsanno noloshii Afrax, waxa inoo soo baxaya dedaal jaadgoonni ahaa oo aan kala go’in iyo waxqabad midhodhal yeeshay. Waa dedaal taxnaa nus qarni, raadna ku yeeshay qoraalka iyo hal-abuurka suugaanta Soomaaliga. Waa nin la gaar noqday waxqabad dhaxalgal ah, oo markasta lagu xasuusan doono, waana waxqabad Afrax ka dhigaya qof weli nool, sida la yidhaa “ma dhimane wuu dhuuntay”, Carabtuna tidhaa: “Qofka dhaxal ka tagay ma dhiman”.
Afrax waxa uu hormuud u ahaa dhidibbo-u-taagiddii sheekofaneedda casriga ah ee Soomaalida, waxaanu kaalin ku lahaa gorfaynta suugaanta oo uu kaga qaybqaadanayey maqaallo iyo cilmibaadhiso uu ka sameeyey masraxa iyo suugaanta.
Waxa kale oo jira dedaallo uu kaga qaybqaatay hodminta afka Soomaaliga, sida aasaaskii iyo maamulkii majallado ay ka mid yihiin “Codka Jubba” iyo “Hal-abuur”, iyo qabanqaabintii dedaallada xoojinta akhriska iyo qoraalka. Waxa kale oo uu qayb iyo hormuudba ka ahaa samaynta ururro suugaaneed iyo dhaqan, sida Naadiga Qalinlayda Soomaalida, Akaadamiyad Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) iyo aasaaska Guddiga Afka Soomaaliga, oo qayb ka ah Akaadamiyadda Afafka Afrika (ACALAN).
Maqaalkan waxa aynnu isku dayaynaa in aynnu isdultaagno mashruuciisii qalinjabinta (thesis) ee cinwaankiisu yahay: “u Dhaxaynta sii Waarid iyo Curin: Geeddisocodka Suugaanta iyo Masraxa Soomaalida ee Xornimada ka dib Lixdanaadkii ilaa Hadda”, oo ah diraasad qotodheer oo ku saabsan isbeddelladii ku dhacay suugaanta Soomaaliga waxii ka dambeeyey xornimadii.
Waa diraasad koobsanaysa taxliilka akaaddamiga ah iyo xagasha gorfayneed, soona bandhigaysa islafalgalka soojireenka iyo casriyawga garab socda isbeddellada bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqan, ee dhulka Soomaalida ku yimi. Akhris qotodheer oo lagu sameeyo diraasaddani waxa uu inoo suurogalinayaa fahanka qaabka suugaanta Soomaalidu u awoodday la qabsiga caqabadaha wakhtigu keenay, iyadoo weliba ilaashanaysa ahaanshaha dhaqan.
Suugaanta Soomaalidu waxa ay xidhiidh adag la leedahay dhaqanka afka, maansaduna waxa ay ahayd udubdhexaadka suugaanta ee lagu cabbiro arrimaha dhaqan, bulsho iyo kuwa siyaasadeedba. Maansadu waa luuqad lagu wada xidhiidho, dhacdooyinka lagu tebiyo, dhaqanka iyo qiyamka bulsheed la isugu gudbiyo, laguna cabbiro waddaniyadda. Se marxaladdii ka dambaysay xornimada, oo wadatay caqabado cusub oo ay sababeen isbeddellada magaalowga, horumarka tiknoolajiyadda iyo koboca waxbarasho, waxa ay sababtay dib-u-qaabaynta suugaanta.
Afrax waxa uu aaminsanyahay in xornimadii aanay ahayn dhacdo siyaasadeed uun, se ay ahayd bar kala qaybin, oo si qotodheer u saamaysay dhaqanka Soomaalida. Xorriyaddii waxa ay keentay koboca wacyiga bulshada ee muhiimadda af Soomaaliga qoran, 1972-kiina waxa la qaatay alifbeetada Laatiiniga, qoraalka fartuna waxa uu qeyb weyn ku yeeshay diiwaangalinta suugaanta Soomaalida, suugaantiina qoraal baa loo beddelay, halkii ay ka ahayd mid afka la isugu tebiyo. Se haddana, isbeddelkani ma ahayn mid si fudud ku hirgalay, oo dhaqannada qaar waxa ay kala horyimaaddeen iskacaabbin, kuwaas oo qoraalka u arkay barabixinta dhaqan-afeedkii.
Afrax waxa uu xoogga saarayaa xidhiidhka ka dhexeeya soojireenka iyo casriyawga ee maansada Soomaaliga ku kulmay, waxaanu caddaynayaa in xidhiidhka labadan jaad uu yahay xidhiidh isdhammaystiraya in ka badan inta uu yahay xidhiidh loollan abuuraya. Suugaantu waxa ay sii xejisatay kaalinteeda udubdhexaadka u ah aqoonsiga dhaqan, isbeddel ba ha ku yimaaddaan qaabka iyo qaddiyadaha suugaanta lagaga hadlee.
Gabaygu waa nooc ka mid ah maansada oo facweyn, noocyada kale ee maansadana kaga duwan meeriska dheer iyo habdhaca saxarka tiran, waa nooc u baahan karti afeed oo heersarraysa, sidaas darteed, gabaygu waa jaad haldoorka afka ku koobnaa. Hase ahaatee, xilliyadii dambe, waxa kaalintiisii haldoornimo la qaybsaday jaadad kale oo suugaanta ah, sida jiiftada oo ku caan ah meerisyada gaaban iyo in si fudud qaybaha kala duwan ee bulshadu uga qaybqaataan. Afrax waxa uu ku doodayaa in isbeddelkani ka dhiganyahay in maansadu la jaanqaadday isbeddellada bulsho, oo kolkan maansadu aanay ku koobnayn haldoorka dhaqan, ee ay noqotay mid shacbiyad badan, qaybaha kala duwan ee bulshadana wada gaadhay.
Soo ifbaxa noocyada kala duwan ee warbaahintu, sida idaacadda iyo talafeeshanku, waxa uu saamayn ku yeeshay maansada, oo lagu adeegsaday heesaha tuman, waana isbeddel maansada ku biiriyey la jaanqaadka jamaahiirta. Maansadu, hadda kuma koobna ku gudbinta xikmadda iyo dhaqanka, ee waxa ay noqotay hab lagu cabbiro qaddiyado bulsho iyo siyaasadda taagan, sida dagaalka sokeeye, qaxa iyo ahaanshaha qurbojoogta.
Si la mid ah maansada, Afrax waxa kale oo uu taxliilinayaa masraxa Soomaalida, oo bilawgii qayb ka ahaa dhaqan-afeedka bulsho, bandhigyada masraxna ku koobnaayeen afka laga tebinayo iyo la falgalka bulshada markaas daawanaysa. Xornimada ka dib se waxa masraxu la kulmay isbeddel weyn, oo waxa uu noqday fan qoran, oo habraac jaango’an leh, waana waxa caawiyey dhitayntiisa iyo faafiddiisa.
Afrax waxa uu is dultaagayaa qoraayadii riwaayadaha ee ugu caansanaa, sida Xasan Sheekh Muumin, oo riwaayaddiisii “Shabeelnaagood” tusaale nool u tahay isla falgelinta hababkii soojireenka ahaa, sida maansada iyo halxidhaalaha, iyo qaddiyadaha cusub, sida gorfaynta arrimaha bulsho iyo faallaynta siyaasadda. Waxa uu Afrax caddaynayaa in islafalgelintani muujinayso awoodda masraxa Soomaaligu u yeeshay isla qaabaynta isbeddelladii, isaga oo aan waayin xididdadiisii dhaqan-afeedka.
Afrax waxa kale oo uu soo bandhigayaa kaalintii tiyaatarradu ku yeesheen riwaayadaha qoran iyo siday uga qayb qaateen in riwaayadaasi dad badan gaadhaan. Hase ahaatee, dagaalladii sokeeye ayaa si taban u saameeyey kaalintii tiyaatarrada, oo albaabada isugu laabay, fannaaniin badanna waxa ay u qaxeen qurbaha. Caqabaddan ka sokow, haddana bandhigga riwaayaduhu waxa ay kasii socdeen qurbaha, waxaanay noqdeen wax lagu ilaaliyo dhaqanka, laguna cabbiro qaddiyadaha qurbaha.
Afrax waxa uu qayb weyn oo diraasaddiisa ah u gaar yeelay taxliilinta saamaynta warbaahinta cusubi ku yeelatay suugaanta. Waxa uu ku dooday in idaacadda iyo talafeeshanku kaalin weyn ka qaateen fidinta maansada iyo masraxiyadaha, dad badanna gaadhsiiyeen. Kolkii ay soo baxeen heesaha cusub iyo riwaayadaha idaacadaha ka baxaa, suugaantu waa ay sii fidday, saamaynteeda bulshana way sii ballaadhatay.
Dhijitaalka cusubi sidoo kale waxa uu keenay isbeddel baaxad leh, oo baraha bulshada ayaa noqday fagaaraha lagu baahiyo maansada iyo riwaayadaha. Qoraagu waxa uu u kuurgalay sida suugaanyahanka cusubi u adeegsadaan internet-ka, si ay dad badan u gaadhaan, oo ah wax abuuray fagaare suugaaneed oo cusub, kana gudbay xuduudihii jiquraafiga. Hase ahaatee, waa isbeddel wayddiimo ka keenaya masiirka dhaqan-afeedkii suugaantu lahayd iyo sii waariddiisa xilligan dhijitaalku hanaqaaday.
Ka sokow muhiimadda diraasaddan Afrax, haddana waxa aan ka dhex muuqan doorka haweenka ee Suugaanta Soomaalida, walow ka qaybgaadashada dumarka ee suugaantu jirto, haddana diraasadda Afrax si waafi ah dhinac ugama hadal. Waxa kale oo muuqata in diraasaddiisu xooggasaartay keliya wax-soo-saarka suugaaneed ee magaalooyinka, arrinkan oo keenay hoos-u-dhigidda kaalinta deegaannada miyiga, oo laga yaabo in ay qabaan aragtiyo ka duwan tan magaalada, marka la eego isla falgalka soojireenka iyo casriyowga.
Diraasadda Afrax waxa ay albaabo cusub u furaysaa cilmibaadhiso diraasadaha mustaqbalku qaadaadhigi karaan, si qotodheer looga doodo aragtiyada ku saabsan xidhiidhka u dhexeeya soojireenka iyo casriyowga. Diraasaddan gorfaynaysa “siijoogtaynta soojireenka iyo casriyowgu” keliya maaha waxsoosaar akaadami, ee sidoo kale waa bogaadin suugaanta af Soomaaliga kaalinta ka qaadatay isbeddelladii bulsho iyo dhaqan. Sidaas darteed, waa diraasad cilmibaadhayaasha iyo akhristayaasha daneeya suugaanta Afrika u ah tixraac lagama maarmaan ah.