Skip to main content

Wednesday 12 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Maxaan u Dhayalsannaa Xaaladaha Korriinka Maskaxeed?

27 October, 2025
Image
Maxaan u Dhayalsannaa Xaaladaha Korriinka Maskaxeed?
Share

Korriinka dhallaanku waa geeddi-socod isku dhafan (complex) oo dhinacyo badan leh. Korriinkaas waxa ka mid ah mid jidheed oo uu ilmuhu jidh ahaan u kobcayo, mid maskaxeed oo ay kobcayso awoodda ay maskaxdu u leedahay maamulidda jidhka iyo barashada, iyo korriin uu weheliyo dareen bulsheed oo ilmuhu horumar ka sameeyo fahankiisa dunida iyo bulshada ku hareeraysan oo uu hanto waayo-aragnimada nolosha oo uu si tartiib ah u sahaminayo ugana kaydsanayo qaab-fahan iyo aragti uu ku shaqeeyo. Dhallaanku waxa ay maraan marxalado kala duwan oo korriin ah oo sidaas isugu dhafan, mid kastaana waxa ay leedahay wakhti iyo heerar u gaar ah. Haddii ilmuhu aanu helin daryeelka uu u baahan yahay marxalad kasta, waxa dhici karta in uu la kulmo dib u dhac ku yimaadda heerkan korriin ee uu ka mid yahay midka garaadku, taas oo saameyn ku yeelata noloshiisa mustaqbalka, qoyska iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba.

Marxaladda carruurnimadu waa midda ugu muhiimsan horumarka garaadka qofka, marxaladaha kale oo dhanna waxa ay ku dul dhismaan midda carruurnimo sida uu uu u sharraxay Erik Erikson. Iyadoo ay sidaas tahay, haddana bulshooyin badan, oo ay ka mid tahay Soomaalidu, waxaa ka jira dayac ama dhayalsi ku aaddan korriinka maskaxeed ee ilmaha, xilliga dhallaannimada. Waxaa kale oo jira in xaaladaha khalkhalka korriinka garaadka ilmaha aan si dhab ah loo aqoonsan ama loo xallin xilliga ku habboon. Sidaas darteed, maqaalkan waxa aan diiradda ku saari doonaa sababaha laga yaabo in aynu u dhayalsano xaaladaha korriinka garaadka ilmaha xilliga dhallaannimada, iyo sida ay arrintani u saameyn karto ilmaha, qoyska, iyo, guud ahaan, bulshada.

  1. Aqoon la’aanta korriinka Maskaxeed iyo baahiyaha nafsadeed ee ilmaha

Sida aynu soo xusnay marxaladda dhallaanimadu waa midda ugu muhiimsan korriinka maskaxeed ee ilmaha. Ilmuhu waxa uu leeyahay baahiyo nafsiyeed iyo maskaxeed oo la mid ah baahiyaha jidheed, kuwaas oo muhiim u ah horumarkiisa. Korriinka maskaxeed ee ilmaha waxa ka mid ah barashada waxyaabaha cusub, kobcinta fekerka, fahamka, dareenka, xusuusta, la dhaqanka bulshada iyo kuwo kale. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira gaabisyo iyo xaalado ku yimaadda korriinka maskaxeed ee dhallaanka oo kala jaad ah, kuwaas oo siyaaba kala duwan isku mid ah u haleela dhallaanka. Aqoonsiga iyo fahamka xaaladaas waxa caqabad weyn oo ku gudban ku noqotay aqoon la’aanta iyo wacyiga bulshada ee ku saabsan xaaladahaas gaar ka ah, taas oo keenta in aanay carruurtu helin garawshiiyo, taageero xilli hore ah, iyo daryeel caafimaad oo ku habboon mushkiladdooda. Natiijadu waxay noqotaa korniinka oo noqda mid gaabis ah, oo dabadeed laga dhaxlo culays qoys iyo mid bulsheed, iyo dib u dhac ku yimaamadda wax ka qabasho kaste oo suuragal ah oo lagu maareyn lahaa. Dhibaatooyinka korriinka maskaxda ee u baahan in goor hore lagu baraarugo waxa ka mid ah xaaladda Ootiisamka (autism spectrum disorder – ASD) oo saameysa awoodda ilmaha ee xidhiidhka iyo la dhaqanka bulshada, xaaladaha Qalqaalliga iyo Baraad Yaraanta fiirada (ADHD) oo saameyn taban ku leh waxbarashada iyo la dhaqanka bulshada ee ilmaha una horseedi kara khataro badan. Waxa kale oo ka mid ah dhibaatooyin la xidhiidha waxbarashada sida qoraalka (Dysgraphia), akhriska(Dyslexia) iyo fahanka oo la xidhiidha dhanka korriinka caqliga, iyo xaaladaha curyaannimada maskaxeed. Xaaladahan, iyo kuwo kale oo badan, waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin nolosha ilmaha iyo qoyskiisa oo dhan, maareyntooduna waa mid heerar badan leh, una baahan in goor hore la bilaabo waxana arrintaas gundhig u ah in ugu horreyn ay waalidiintu ku baraarugsan yihiin marxaladaha korriinka carruurta iyo xaaladaha ku iman kara.

Korriinka dhallaanku waa geeddi-socod isku dhafan oo leh dhinacyo badan, sidaas awgeed, ilmuhu haddii aanu helin daryeelka uu u baahan yahay marxalad kasta, waxa dhici karta in uu la kulmo dib u dhac ku yimaadda heerkan korriin ee uu ka mid yahay garaadku, taas oo saameyn ku yeelata noloshiisa dambe, qoyska iyo bulshada uu ku dhex nool intaba.

  1. Faquuqa iyo aragtiyaha Qaldan ee ku saabsan dhibaatooyinka korriinka maskaxeed

In badan oo bulshada ka mid ahi waxay u aragtaa dhibaatooyinkan korriinka maskaxeed iyo caqli ee ilmaha inay yihiin ceeb, iyo sababo la xidhiidha cadho Alle. Aragtidan khaldan waxa sal u ah isla aqoon la’aan iyo dareen ceebsi ah oo ay bulshadu ka qabto xaaladaha caafimaad ee ku saabsan dhimirka iyo kuwa nafsiyeed. Tani waxay sababtaa in waalidiin badani ay ka cabsadaan inay carruurtooda u raadiyaan taageero caafimaad iyo la talin nafsiyeed oo saxsan, iyaguna raadsadaan la talinta ku habboon ee maareynta iyo korinta ilmaha qaba xaaladahan maskaxeed ama nafsiyeed.

Dhaqannada la xidhiidha faquuqu waxa ay keeneen in laga fogaado ama laga daaho daaweynta iyo maareynta xaaladaha dib u dhiga korriinka Maskaxeed ee dhallaanka, in ay sii xumaato tayada nololeed ee ilmaha, in ilmaha laga go’doomiyo nolosha bulshada oo uu waayo wax badan oo muhiim u ahaa korriinkiisa, iyo cawaaqib daran oo kaga timaadda dhanka kalsoonida, xushmeynta nafta iyo waxbarashada ilmaha. Faquuqa ka dhanka ah carruurta leh xaaladaha korriinka maskaxeed ama caqli kuma koobna heer bulsho iyo raadsiga taageerada e, waxa ay sidoo kale yeelataa wejiyo qoyska dhexdiisa ah sida in ilmaha loola dhaqmo sidii qof aan caadi ahayn, waxba garanayn oo aan la dhegeysan aadna loo daneyn baahiyiisa nafsadeed iyo caadifadeed, taas oo ah takoor uu kala kulmo qoyska dhexdiisa. Sidaa awgeed, tallaabada ugu muhiimsan ee maareynta guud ahaan xaaladaha dhimirka iyo nafsiga waa in laga saaro caadada faquuqa loona arko xaalado caafimaad oo la mid ah xaaladaha caafimaadka jidheed ka mid yahay loona raadsado kaalmo iyo daaweyn, si caadi ah.

  1. Adeegyada caafimaadka dhimirka iyo xaaladaha korriinka garaadka oo kooban

Mid ka mid ah caqabadaha haysta bulshadeenna ku dhaqan dalka gudihiisu waa koobnaanta ama la’aanta goobo caafimaad ama waxbarasho oo lagu taageero laguna baro waalidka sidii ay ula dhaqmi lahaayeen xaaladahan una taageeri lahaayeen ubadka la nool mushkiladahan ku saabsan korriinka maskaxeed iyo garaadka ama caqli. in kaste oo Soomaalida ku nool dalka dibediisu ay heli karaan adeegyo balaadhan oo caawinaya ubadka xaaladahaas la nool iyo waalidkoodaba, haddana waxaa dhacda in waalidiintu ay adeegyo ka soo raadsadaan gudaha deegaannada Soomaalida, sababo la xidhiidha aaminaaddooda iyo fahankooda oo aan ka madhnayn faquuqa iyo u sababeynta dhanka Ilaahay. Middani waxay waxyeelo u gaysataa carruurta, sida in la geeyo cilaaaj ama xarumo la mid ah oo uga sii dara, iyadoo aan qiimeyn buuxda lagu sameyn xaaladda dhabta ah ee ilmaha ama aanay jirin wax waxtar u leh oo goobahan lagu bixiyo. In aanay Soomaalida qurbaha joogtaa ka faa’iidaysan adeegyada caafimaad/taageero ee yaalla dalalka ay deggenaanshaha ka heleen waxa u sabab ah wacyiga bulshada oo hooseeya iyo aqoontooda la xidhiidha mushkiladahan jaadkan ah oo liidata. Si kastaba ha ahaatee, dalka gudihiisa kama jiraan adeegyo dawli ah oo qiimayn ku sameeya xaalada korriinka garaadka ilmaha, siinna kara daaweyn, taageero iyo waxbarasho. Haddii laga tagi waayo, waxa jira goobo gaar loo leeyahay oo aad u kooban oo aan la goyn karayn dhaqaale ahaan, adeeggoodana aan in badan aad loo hubin. Arrintan ayaa ah waxyaabaha sii kordhinaya in aan lagu baraarugin korniinka dhallaanka ee garaadka iyo in aan xal loo helin mushkiladaha caynkan ah.

Waxyaabaha sii cakira xaaladaha la xidhiidha korniinka maskaxeed ee la soo gudbaanada dhallaanka waxa ka mid ah aqoon la’aanta, faquuqa iyo jiritaan la’aanta goobo waxbarasho ama daaweyneed oo u gaar ah carruurta, taas oo keenta in ay xaaladdu ku sii xumaato.

  1. Maqnaanta nidaam waxbarasho oo ku salaysan baahiyaha carruurta xaaladahan la nool

Waxbarashadu waa xuquuq uu leeyahay ilmo kaste, si kaste oo ay tahay xaaladdiisa jidheed, maskaxeed ama bulsheed. Si kastaba ha ahaatee, dalka waxa ka maqan nidaam waxbarasho oo si gaar ah loogu ugu talagalay carruurta la nool xaaladaha korriinka garaadka ama maskaxeed. Ma jiro manhaj gaar ah, goobo iyo agab waxbarasho oo ku habboon baahidooda, iyo barayaal u tababaran waxbaridda iyo barbaarinta ubadkan. qaab ku dhisan faham takhasus iyo xirfad tababar. Tani waxay keentay in waalidiin badan guriga ku haystaan ubadkooda waxana ay sii xoojisay faquuqa iyo go’doominta qoyska dhexdiisa ee lagu la kaco carruurta xaaladahan la nool. Xaaladaha fudud, laakiin laftoodu u baahan hab waxbarasho oo gaar ah ayaa iyagana mararka badan lagu dhex daraa ardayda kale ee aan la midka ahayn, taasoo keenta in aysan la jaanqaadi karin habka waxbarasho, lana kulmaan takoor iyo niyad jabin. Natiijadu waxay noqotaa in carruurta xaaladahan korriin ay wajahaan dhibaatooyin kala duwan oo u dheer xaaladdooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin af-lagaaddo, takoorid, iyo tacaddiyo jidheed oo si xun u saameeya horumarkooda waxbarasho, mid maskaxeed iyo aragtida ay naftooda ka haystaan (self-esteem).

Ugu dambeyn, xaaladadahan la xidhiidha korriinka maskaxeed ee carruurtu waxa ay Soomaalida dhexdeeda kala kulmaan duruuf deegaan iyo bulsho oo aan caawinayn. Waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshadu waxa ay u arkaan carruurta xaaladahan la nool kuwo keliya ku ah culeys dheeri ah oo aan xil gaar ah la iska saarin, maaddaama oo aysan haynin aqoon iyo agab ay ku wajahaan baahidooda gaarka ah, iyo in marka horeba uu baraarugga guud ee xaaladahani aad u hooseeyo. Dhallanimadu waa marxalad asaasi u ah kobaca shakhsiyeed, qoys iyo bulshoba, yaanay inaga noqon odhaahdii ahayd carruurnimo waa ciil laga koro oo sheegaysa in carruurnimadu guud ahaan inoogu suntantahay marxalad culeys iyo caqabado badan. Si gaar ah, carruurta la nool xaaladaha korriinka garaadka waxay u baahan yihiin nidaam caafimaad, waxbarasho, daryeel bulsho iyo taageero qoys oo la jaanqaadaysa baahidooda gaarka ah. La’aanta faham iyo nidaam rasmi ah oo u gaar ah carruurtaas waxay keentay in la faquuqo, laga faa’idaysto lana fudaydsado xuquuqdooda. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah in la helo nidaam waxbarasho iyo mid bulsho oo u nugul, u furfuran una diyaar ah daryeelka iyo horumarinta carruurta leh baahiyaha gaarka ah si loo xaqiijiyo in mid kasta oo ka mid ah uu helo fursad uu ku gaadho kartidiisa oo buuxda ama uu si madaxbannaan ugu noolaan karo. Arrintaasi ma noqonayso adeeg loo qabtay hal qof, waa adeeg loo qabtay bulshada iyo dalka. Haddii aan lagu baraaruginna, gaar ahaan waalidka, waxay dhaqannadeennu sii xumeeyaan xaaladda carruurtan.