Sunday 12 July 2026
Su'aashani waxay ka mid tahay su'aalo tiro beel ah oo ay dadka Soomaaliyeed is waydiinayeen, qarniyadii, sanadihii, bilihii, usbuucyadii, iyo maalmihii ina soo waydaartay. laakiin ay ka cabsadeen inay afka ka yidhaahdaan. Maanta waxaan u hadlayaa kuwa aan codkoodu meel dheer gaarayn, kuwo jeclaan lahaa in fagaaraha lasoo istaajiyo lana waydiiyo dareenkooda ku aadan arinkaan, oo u hamuum qaba inay qeexaan aragtiyadooda.
Dawlad waxaa loo dhisaa in ay ilaaliso nidaamka bulshadeeda, maarayso khayraadkeeda, bixiso adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah shacabkeeda, iyo ilaalinta shacabkeeda. Aan is waydiinnee maanta ma haysannaa dawlad aan ka helno goobo caafimaad iyo daawo bilaash ah, waxbarasho tayo leh, amni bulsho, caddaalad, shaqo-abuur iyo adeegyo badan oo lagama maarmaan u ah shacabka Soomaaliyeed? Jawaabtu waa maya. Dawladda Soomaaliya ee xornimada qaadatay1960-kii, maanta iyadaaba sabab u noqota barakicinta bulshadeeda, caddaalad-darrada, iyo shaqo la'aanta keentay in dhalinyaradii iyo aqoonyahankii ay isaga hayaameen dalkoodii.
Waxa aan dhihi karaa xaaladahan waxaa sababay hab-dhaqanka madaxda Soomaaliya, nidaamka siyaasiyiinta, iyo damiir-xumada dadka talada ugu saraysa haya. Sababtuna waxaa weeye, siyaasiga Soomaaliyeed marka uu kursiga talada ku fariisto iyo marka uu raadinayo isku mid ma ahan. Inta uu xilka raadinayo waxa uu inoo sheegaa, in wax walba oo bulshada Soomaaliyeed tabanayso uu ina hor keeni doono, laakiin kolka uu xafiiska tago waxaa durba is badalaya mowqifkiisii ahaa, maxaad bulshada Soomaaliyeed u qabanaysaa? Kolkaas waxa uu go'aansadaa sidii uu isagu wax u qabsan lahaa, akoonkiisana u buuxin lahaa. Mana jirto isla-xisaabtan dhab ah, halka uu geeyey ballantii uu shacabka u qaaday.
Musuqmaasuqu xad ma leh, doorasho walba oo dhacda waxa aan filannaa in isbeddel ku imaanayo. Laakiin isla kolkaaba madaxda cusub, waxa ay sii wataan aragtidoodii gaar ka ahayd. Yeelkeede waxa aan ka barannaa cashar cusub haddaan nahay muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaa nagu yaraata kalsoonida aan ku qabno isbeddelkaas dhacay. Waa kolka madaxdii balanqaadday in ay dalka iyo dadka wax u qabanayaan, go'aankoodii noqday sideen anigu wax u qabsadaa. Tolow shacabka Soomaaliyeed dawlad xumada qayb miyey ka yihiin, waa su'aal aan doonayno in laga jawaabo?
Su'aashani aniga waxaa ila tahay in dhalinyarada waxbarashada ku jirta aan lagu eedayn Karin dawlad-xumada, sidoo kale hooyooyinka iyo aabbayaasha suuqyada uga uga xamaasha caruurtooda, sidii ay u soo saari lahaayeen ubad badala naftooda iyo tan dalkoodana anfaca, marka laga reebo dad yar oo siyaabo qabyaalad ah uga qayb qaata, kuwaasna dawladda ayaa laga rabay inay tallaabo sharciyeed ku xukunto meeshana ay ka saarto hababkaas foosha xun. Shacabka intiisa kale maaha mid awood cod ku leh, gudaha dalka, waxaaba dhacday in banaan baxyadii xitaa ay samayn waayeen qaybo kamid ahna ay u afduuban yihiin xiligaan aan joogno!
Sidoo kale dawlad-xumadeennu waxa ay sababtay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo iskood horumar u gaaray, ay maanta dhibane u yihiin dalkii ay u dhasheen. Tusaale ahaan, dhacdadii ugu dambaysay ee halyeygii Soomaaliya iyo Africa oo dhan matalaayey ee Cumar Cabdiqaadir Cartan looga joojiyey inuu qayb ka noqdo garsooridda koobka adduunka ee 2026! Waxa uuna ku waayey matalaaddaas ay ahayd in uu yahay Soomaali iyo ciidamadii qaranka Soomaaliyeed oo loo adeegsaday ka hortagga ama la dagaalanka qaybo kamid ah Siyaasiyiintii iyo Madaxweyneyaashii hore ee qaranka Soomaaliya. Si la mid ah dastuurkii heshiiska lagu ahaa iyo faragalinta dawlad-goboleedyadii xubnaha ka ahaa dawladda dhexe ee Soomaaliya. Intaas iyo kuwo la mid ah oo kale waxa ay ina tusayaan dawlad xumada.
Gabagabadii, dawladnimo aynu u baahanahay, waa dawlad baahiyaha muwaadiniinteeda ka hormarisa danaha siyaasadda, dawlad shacabkeeda u turaysa sidii laga rabayna ugu adeegta xuquuqdoodana ilaalisa, dawlad la dagaalanta cid walba oo hormarkeeda diiddan, dawlad ogolaata isla-xisaabtan, dawlad fahamsan qiimaha ay muwaadiniinteedu leeyihiin, dawlad ka fogaata cabudhinta shacabkeeda, iyo dawlad iska badasha sida ay hadda tahay. Waa rajo ruux walba oo Soomaaliyeed uu naawilayo. Ilaa haddana waa rajo la gaari la’yahay.