Sunday 9 August 2026
Maalinnimadii khamiista, 18-kii Juun, waxa la saxeexay is’afgarad rasmi ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, iyadoo labada madaxweyne ee Donald Trump iyo Mascuud Basishkaan ay ku saxeexeen qaab elektaroonig ah, iyaga oo aan kulmin. Is’afgaradku waa mid koobsanaya 14 qodob oo uu kow ka yahay in gebi ahaan lasoo afjaro dagaalka dhammaan jiidaha kala duwan ka socda, qodobka ugu dambeeyaana yahay in la gaadho heshiis kama dambays ah oo lagu saleeyo go’aan uu Golaha Ammaanku soo saaro.
Ha yeeshee, marxaladda ka dambaysa heshiiskani waa mid keenaysa weydiimo dul hoganaya awoodda dhinacyadu u leeyihiin fulinta qodobbada heshiiska, iyo dhamaystirka wareegyada lagu gaadhayo heshiis kamadambays ah, xilli ay jiraan faylal dib loo dhigay oo humaaggii dagaalka dib usoo kicin kara, siiba in qaddiyadihii ismaandhaafku ka taagnaa badankooda loo riixay in lagu xalliyo wadahadallada lixdanka maalmood.
Maraykanka iyo Israa’iil waxa ay dagaalka u qaadeen si ay u dhabeeyaan ujeeddooyin dhawr ah, waxaana ugu cadcaddaa, sida Trump iyo Raysalwasaaraha Israa’iil Binyaamin Netanyaahu ay xuseen, in gebi ahaanba meesha laga saaro barnaamijka nukliyeer ee Iiraan. Hase ahaatee, qodobkan si dhab ah looguma go’aamin is’afgaradkan, ee waxa loo riixay in lagu daro wadahadallada soconaya lixdanka maalmood ee ka bilaabmaya maalinka la saxeexo is’afgaradka, walow haddii labada dhinac isla gartaan, wakhti lagu dari karo, waana arrin wadahadallada ku celinaya jidkii dheeraa ee hore loo soo arkay.
Dhinac kalena, is’afgaradkani toos uma carrabaabin in la joojiyo hodminta yuraaniyamka ama soo afjaridda barnaamijka nukliyeer ee Iiraan, se waxa uu ku kaaftoomay uun ku nuuxnuuxsiga inaanay Iiraan yeelan doonin hub nukliyeer, waana ballanqaad horeba Iiraan ugu soo dartay wadahadalladii hore, sidoo kalena uu dhigayey Heshiiskii 2015 ee la gaadhay xilligii Baraak Obaama.
Is’afgaradkani waxa kale oo uu ku gaabsaday inuu tilmaamo “xal-u-helidda” faylka nukliyeer, iyo in laga doodo, isaga oo aan xaddidin qaabka loo fulinayo xal-u-heliddaas, amaba aan caddayn jadwal cad oo la raaco, arrinkan oo albaabka u furaya soo laabashada dooddii ku saabsanayd barnaamijka nukliyeer ee bilawgii jirtay.
Is’afgaradkani kama dhigna dawaynta iyo furdaaminta loollankii labada dhinac ka dhex jiray, ama soo afjaridda colaaddii soo taxnayd afartanka sanno, welina waxa jira hadallada colaaddu ku jirto xitaa saxeexa heshiiska ka dib
Imtixaanka koowaad ee geeddiga wadahadallada ka dambeeya is’afgaradku waajaheen waa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Switzerland ay shaacisay in la joojiyey kulankii u qorshaysnaa Iiraan iyo Maraykanka ee ka dhici lahaa magaalada Burgenstock. Salka xaalku ka murugsanyahay waa in Iiraan diiddantahay soo afjaridda barnaamijkeeda nukliyeer, xilli Trump ku adkaysanayo in la baabi’iyo.
Hase ahaatee, Xoghayaha Aqalka Cad, Karoline Leavitt, waxa ay sheegtay in soojeedinaha miiska lasoo saaray wareegyadii wadahadallada uu ku jiro “Isfahan la xidhiidha arrinka ah in Iiraan loo oggolaado hodminta yuraaniyamka”. Waa arrin ka dhigan in Iiraan loo oggolaanayo hodminta yuraaniyamka, se haddana waa wax u baahan ku heshiinta heerka hodminta la oggolaanayo, qaababka korjoogtaynta iyo xogaha kale ee farsamo.
Walow heshiiskani dhigayo in dhaqdhaqaaqii baddu kusoo laabto sidii uu ahaa dagaalka ka hor, haddana ma sheegayo hadal cad oo ku saabsan furitaanka Hurmus gebi ahaan, amaba in meesha laga saaro lacagta lagu soo rgay maraakiibta, sidii uu Trump codsanayey.
Taas beddelkeeda, heshiisku waxa uu dhigayaa in Iiraan ay wadahadal la samayso Saldanadda Cumaan, si ay isula meel dhigaan qaabka loo maamulayo adeegyada badda ee mustaqbalka ee marinkan Hurmus, sidoo kalena kala tashadaan dalalka kale ee Khaliijka, loona hirgaliyo qaab waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda madaxbannaani ee dalalka qaybta ah. Waa arrin kale oo ka dhigan in aan qodobkan weli heshiis rasmi ah laga gaadhin.
Xaaladdan oo jirta, Golaha Qaran ee Amniga Iiraan waxa uu sheegay, in sida is’afgaradku dhigayo aanay maraakiibta saarayn wax lacag ah muddo lixdan cisho ah, muddadaasna Iiraan ay kafaalo qaadday lacagtii lagu gudbayey, arrinkan oo lacagahaas maraakiibta lagu waajibinayey iyo qaababka maamulka ka dhigaya wax u dabran natiijooyinka kasoo bixi doona wadahadallada.
Walow qodobka koowaad ee heshiisku dhigayo in lasoo afjaro dagaallada dhammaan jiidaha kala duwan ka socda, sidoo kalena is’afgaradka saddex jeer lagu xusay Lubnaan, haddana Netanyaahu iyo masuuliyiin kale oo Israa’iil ahi waxa ay caddeeyeen inaanu heshiiska Maraykan iyo Iiraan khusayn, oo ay Iiraan sii wadayso baabi’inta waxa ay ku tilmaantay halista.
Dhinaca kale, Iiraan iyo Xisbullaah waxa ay ku adkaysanayaan in xabbadjoojin dhamaystiran la sameeyo, arrinkan oo qodobkanna ka dhigaya mid ka mid ah qodobbada ay ku kala duwanyihiin Maraykan iyo Israa’iil, sida hadalladooda ka muuqata. Trump waxa uu yidhi: “Waxa aannu filaynaa in gebi ahaan jiidaha dagaalku ka socdo la joojiyo, oo ay ku jiraan Lubnaan, Israa’iil iyo Xisbullaah”. Dhinaca kalena, Netanyaahu waxa uu ku dooday “Waxa aannu ilaashanaynaa u madaxbannaanidayada hawlaha millatari iyo dammaanadqaadidda in lasii wado”.
Heshiiskani ma koobsanayo hadal cad oo Israa’iil ku waajibinaya inay gebi ahaanba Lubnaan ka baxdo, ee waxa uu ku koobsanayaa uun xoojinta in la dammaanad qaado xasilloonida dhulka Lubnaan iyo madaxbannaanideeda. Xilli uu Netanyaahu ku adkaysanayo ka bixid la’aanta Lubnaan iyo sii wadidda xadgudubyadaas, jiiddani waa meel dab kale holcin karta xilli ay Iiraan ku hanjabayso inay jawaabi doonto haddii weerarrada Israa’iil sii socdaan.
Kolka xaaladahan jira la eego, is’afgaradkani kama dhigna dawaynta iyo furdaaminta loollankii labada dhinac ka dhex jiray, ama soo afjaridda colaaddii soo taxnayd afartanka sanno, welina waxa jira hadallada colaaddu ku jirto xitaa saxeexa heshiiska ka dib.
Xilli uu Trump ku gooddiyey in jidkii hawlgallada millatari lagu laaban doono haddii aanay Iiraan heshiiska ilaalin, Golaha Qaran ee Amniga Iiraanna waxa u xusay in Iiraan ay ka jawaabi doonto xadgudub kasta ama ballanburin kasta oo Maraykanka uga timaadda, oo ay qaadi doonaan tallaabooyin hore loo diyaariyey, iyadoo Goluhu ku nuuxnuuxsaday inaan lagu kalsoonaan karin Maraykanka.
Qormadan waxa laga soo turjumay Ultrasawt.