Skip to main content

Wednesday 12 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Maxaa uu Turkigu la Damacsan Yahay Saldhiggiisa Cusub ee Soomaaliya?

29 July, 2026
Image
Maxaa uu Turkigu la Damacsanyahay Saldhiggiisa Cusub ee Soomaaliya?
Share

Laga soo bilaabo bishii Aktoobar ee 2025, Turkigu waxa uu si aan hadalhayn badan lahayn Soomaaliya uga waday fulinta mashruuc ballaadhan oo badhtamaha Soomaaliya ka socda. Waxa la go’aamiyey in magaalo xeebeedda Warsheekh oo 70 kiiloomitir waqooyi ka xigta Muqdisho ay martigeliso mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee barnaamijka hawada sare ee Turkiga: xarun laga diro dayax-gacmeedyada iyo xarun laga tijaabiyo gantaallada baalastiga ah ee warshadaha difaac ee Turkigu dhisayaan.

Walow aanay xukuumadda Turkigu mashruucan shaacin wixii ka horreeyey Diisambar 2025, haddana waa shaqo sannado soo socotay. Kharashka saldhiggan ku baxaya waxa lagu qiyaasay 350 milyan oo doollar. Arda Mevlütoğlu waxa uu ku doodayaa in xaruntani ay Turkiga uga dhigan tahay “kaabe dhaqaale oo istiraatiiji ah oo u suurogaliya inay si gebi ahaan madaxbannaan u gaadho hawada sare, sidoo kalena xoojiya kaalinta uu kaga jiro dhaqaalaha hawada sare”. Kolka saldhiggani dhammaado, Turkigu waxa uu noqonayaa dawladda 13aad dunida ee leh kaalin madaxbannaan oo ah dayax-gacmeedyada hawada sare loo diro.

In Turkigu uu doortay Soomaaliya keliya kumuu salayn xidhiidhada adag ee labada dal leeyihiin, ee sidoo kale waxa uu ku saleeyey tixgalinno farsamo. U dhawaanshaha Soomaaliya ee dhulbadhuhu waa arrin ka qaybqaadanaya in shidaal kooban la adeegsado, lana kordhiyo xajmiga rarka hawada sare loo qaadi karo, sidoo kale, goobta saldhiggu ku yaallo ee xeebta Badweynta Hindiya ahi waa arrin suurogalinaya in burburku si ammaan ah badda ugu soo dhaco.

Sida il xukuumadda Turkiga ka tirsan laga soo xigtay, Turkigu waxa kale oo uu rabaa inuu saldhiggan macaash ka sameeyo, isagoo adeegsigiisa u oggolaanaya dalal kale oo raba inay dayax-gacmeedyo diraan. Hase ahaatee, Wakaaladda Hawada Sare ee Turkigu waa ay ka gaabsatay arrinkan ka dib markii jariidadda Le Monde ay la xidhiidhay.

Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedyo oo Le Monde xigatay, waxa ay muujinayaan shaqooyin dhisme oo ka socday hareeraha Warsheekh badhtamihii Aktoobar ee 2025. Ka dib afar bilood, xarunta waxa lagu sameeyey ballaadhin la arki karo, oo bishii Feebarweri waxa la arkay goob helikobtarradu ku degaan iyo dayr ku xeeran goobta, oo badhkii yahay gidaar dhisan badhna kaabadaha ciidda shubka ah yahay. Dhammaadkii Juun, waxa la arkay dhawr dhisme iyo goob wax lagu kaydiyo oo dhulka hoostiisa ah. Waxa la go’aamiyey in dhammaystirka marxaladda koowaad ee mashruucu uu noqdo xagaaga 2027.

Hase ahaatee, masuuliyiinta Turkida ahi mashruucan wax kooban mooyee wax kale kamay sheegin. Selçuk Bayraktar, oo ah madaxa shirkadda weyn ee Turkiga ah ee Baykar, oo samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isagoo ka hadlayay shirweynihii Take Off Istanbul ee Diisambar 2025, waxa uu shaaciyey in “Turkigu uu Soomaaliya ku leeyahay degaan dhinac walba 30 kiiloomitir u ah”. Baykar oo lagu yaqaanno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa ka go’an inay adeegsato gantaallo ay gudaha dalka ku horumarisay si ay goobtan uga dirto dayax-gacmeedyo loogu talagalay GPS-ka.

Maalmo kooban ka dib, 30-kii Diisambar, Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Ordagaan iyo dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wada saxeexday heshiis iskaashiga hawada sare ah, heshiiskan oo qayb cusub ka noqonaya iskaashiga muddada dheer ee labada dal.

Saldhiggan hawada sare waxa uu imanayaa ka dib 15 sannadood oo uu Turkigu Soomaaliya ka waday maalgashiyo siyaasadeed, millatari iyo hub. Geeddigani waxa uu kasoo bilaabmayaa 2011, kolkaas oo Ordagaan bookhday caasimadda Soomaaliya, xilligaas oo dalku badhtanka ugu jiray dagaallo sokeeye iyo macaluul ba’an. Laga soo bilaabo xilligaas, Soomaaliya waxa ay noqotay goob Turkigu ku tijaabiyo siyaasaddiisa arrimo dibadeed ee Afrika, sida uu Maxamed Ooskaan u cabbiray, oo ah bare wax ka dhiga Jaamacadda Difaaca Qaran ee Turkiga.

Wixii bookhashadaas ka dambeeyey, Soomaaliya waxa kusoo qulqulay shirkado Turki ah, sannado kooban gudahoodna waxa ay gacanta ku dhigeen dhinacyo badan, sida dhismaha, mashaariicda horumarineed, iskaashiga millatari, caafimaadka iyo waxbarashada. Turkigu waxa uu Soomaaliya ka dhisay safaaradda ugu weyn ee uu dunida ku leeyahay, waxa kale oo uu dhisay saldhigga Turksom, oo ah saldhiggiisa kelida ah ee uu Afrika ku leeyahay. Shaqada saldhiggani waa tababbarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya.

Laakiin iskaashigani waxa uu markii dambe u ekaaday gacan-ku-hayn siyaasadeed; sababtoo ah ku tiirsanaanta Soomaaliya ee Turkigu waxa ay sababtay inaanay awoodin inay codsiyada Turkiga diiddo. Sannadkii 2024, Turkigu waxa uu ballanqaaday inuu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya isagoo ku beddeshay inuu yeesho boqolkiiba soddon macaashka badda ka soo xerooda. Isla sannadkaas, Turkiga waxa la siiyey godad shidaal si uu u baadho, dhammaadkii Diisambarna waxa uu Rajab Dayib Ordagaan shaaciyey in shaqooyinka qodistu sannadkan gudihiisa bilaabmayaan.

Muqdisho hadda ma awooddo inay go’aan muhiim ah qaadato iyada oo aan oggolaansho ka haysan Turkiga, waxaana arrinkani ku cad yahay dhibaatadii siyaasadeed ee bilawgii Juun ka dhex qaraxday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka, oo Turkiga laftiisu dhexdhexaadiye ka noqday.

Erdem Kayserilioğlu oo ka faallooda gargaarka Turkigu Afrika siiyo, ahna bare wax ka dhiga jaamacadda TED, waxa uu leeyahay: “Turkigu waa saaxiibka ugu weyn ee maamulka Soomaaliya hadda ka jira, se in dhexdhexaadintiisu guulaysato lama dammaanad qaadi karo. Qofka la socda baraha bulshadu waxa uu arkayaa in shakhsiyaad Soomaaliya dhexdeeda saamayn ku leh, oo uu ka mid yahay Barofaysar Cabdi Ismaaciil Samatar, ay dhaliilo xooggan usoo jeedinayaan Turkiga, una arkaan awood gumaysi oo cusub. Dhaliilaha Turkigu waa kuwo sii kordhaya”.

Hirar cusub oo iskaashi

Soomaaliya waxa labaatankii sannadood ee u dambeeyey ka jiray fallaagow kooxo Islaamiyiin ah oo ay hoggaaminayso Alshabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida. Hawlgallada kooxdu waxa ay si xooggan uga socdaan qaybta koonfureed ee dalka, waxaanay gaadhsiisan yihiin ilaa gobolka Shabeellaha Dhexe oo ah gobolka uu ku yaallo saldhigga Warsheekh. Kolkan xaaladdan la eego, Erdem Kayserilioğlu waxa uu leeyahay: “Dal dawladdiisu kala daadsantahay, maamulkiisuna aanu weli xasilloonayn, Turkiga waxa khasab ku ah inuu ilaashado saldhigyadiisa iyo maalgashigiisa”.

Turkigu waxa uu bishii Jeenaweri Soomaaliya siiyey saddex diyaaradood oo dagaal oo ah nooca F-16, bishii xigtayna waxa Soomaaliya gaadhay kaarayaasha noocoodu kala yahay M48 iyo M60 Patton, iyo gawaadhida gaashaaman ee BMC Vuran, waxaana dheeraa intan nidaamyo difaac. Sida ilo amni oo kala duwan warbaahintu kasoo xigatay, waxa qorshaysnaa inay kaydkan hub la geeyo saldhigyada hawada sare iyo duulimaadyada cirka.

Laga soo bilaabo kolkii Turkigu ciidamo tababbarka bixiya uu Soomaaliya geeyey 2017-kii, waxa uu markii koowaad bilaabay inuu ciidankiisa ku fidiyo meel ka baxsan caasimadda; oo waxa ciidamo gaar ah iyo lataliyayaal millatari la geeyey gobolka Shabeellaha Dhexe, sida laga xigtay ilo diblumaasiyadeed iyo kuwo maxalli ah. Ciidamadan shaqadoodu waa inay korjoogteeyaan hawlgallada ay ciidamada Soomaaliya deegaanka ka wadaan.

Xaaladdan oo jirta, waxa uu diblumaasi kasoo jeeda Bariga Afrika leeyahay: “Turkigu waxa uu gobolka ka hirgaliyey saldhigyo millatari oo horumarsan, si ay u dammaanad qaadaan in aan xaruntaa hawada sare weerar la kulmin”.

Tallaabooyinkaas amni ee adagi waxa ay muhiimad dheeraad ah yeelanayaan kolka la ogaado in mashruucani aanu ku koobnayn ujeeddooyin madani. Burhaanuddiin Dawraan, oo ah Madaxa Xidhiidhada Madaxtooyada Turkiga ayaa caddeeyey bishii Feeberweri, in saldhiggani uu furayo hirar cusub oo iskaashi ah oo la xidhiidha “dhinacyada nabadgalyada, warshadaha difaaca iyo isweydaarsiga tiknoolajiyadda”.

Dabagal uu sameeyey Middle East Forum, oo ah xarun cilmibaadhis oo leh aragtida Muxaafidka Cusub, Israa’iilna taageerta, waxa lagu daahqaaday xogo faahfaahin ah oo la xidhiidha arrinka suurogalnimada in saldhigga ujeeddooyin millatari loo adeegsado. Sida dabagalka lagu sheegay, shirkadda Roketsan ee samaysa gantaallada, Turkiguna taageero, ayaa wadda inay xaruntan u adeegsato meel ay ku tijaabiso gantaallada balaastikada ah ee riddada fog. Saldhigga waxa loo qaabeeyey inuu martigelin karo nidaamyada riddadoodu gaadhayo laba kun oo kiiloomitir.

Haddii xogaha Middle East Forum sax noqdaan, Warsheekh keliya ma aha mashruuc kale oo hawada sare khuseeya, ee waa mashruucii ugu horreeyey ee Turkiga u suurogalinaya inuu awooddiisa millatari soo dejiyo Badweynta Hindiya iyo jidadka caalamiga ah ee tamarta dunidu marto, lana jaaro marinnada caalamiga ah iyo saldhigyada Galbeedka ee gobolka.

Waa han dhaafsiisan xuduuddii iskaashiga labada dhinac ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, saamayn toos ahna ku yeelan doona Israa’iil oo hadda xidhiidhkeedii Turkigu colaad isku sii rogayo. Yeelashada awooddanina, waa wax Somaliland oo la jaar ah, Israa’iilna taageero ka haysata ka dhiga bartilmaameed suurogal u ah hawlgallada Turkiga.