Sunday 18 January 2026
Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay samaysay taariikho cajiib ah, kuwaas oo ay kaga suntanayd ilaa haddana kaga suntan tahay dalalka Geeska Africa, nidaamkeeda siyaasadeed, iyo maamul ee ku salaysan doorashooyinka xorta ah. Doorashooyinka Madaxtooyada, iyo kuwa axsaabta siyaasiga ah ayaa noqday astaamo muhiim u ah in ay Somaliland yeelato nidaam dawladeed xooggan oo xasilloon kaas oo abuuray dawladnimo casri ah, nidaam isku-duubnaan iyo wadajir ah oo ka hanaqaada deegaannadii xorriyaddooda heley 26-kii Jun 1960-kii. Marka laga yimaaddo doorashadii ugu horreysay ee Feebarwari 1960-kii ka dhacday Somaliland, waxa taariikhda cusub ee Somaliland galay siddeed doorasho, intii ay la soo noqotey dawladnimadeedii, kuna dhawaaqday goonni-isutaagga, kuwaas oo iskugu jira Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.
Sannad ka dib, Doorashadii Madaxtooyada iyo Axsaabta ee ka qabsoontay Somaliland 13-kii Noofiimber 2024, waxa aynu maqaalkan ku falanqeyn doonnaa, waxyaabaha laga baran karo doorshooyinkaas isku sidkanaa, innaga oo dul istaagayna: 1) Isbarbardhigga tirada codadka labadii doorasho madaxtooyo ee 2017-kii iyo 2024-kii. 2) Isbarbardhigga codadka saddexdii Xisbi ee ku tartamaayey doorashadii Madaxtooyada ee 2024. 3) Isbarbardhigga codadka iyo awoodaha saddexda xisbi qaran ee ku soo baxay doorashadii Axsaabta 2024. 4)Isbarbardhigga codadka goobo ka mid ah degmada Hargeysa iyo isbeddellada dhacay marka la barbar dhigo doorashadii 2017-kii. Ugu danbaynna waxa aynu eegi doonnaa casharrada laga baran karo doorashooyinkii 2024, iyo dhanka kale waxa waxa la gudboon xukuumadda, xisbiyada, muwaaddiniinta, musharrixiinta, iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka JSL.
Sida ka muuqata sawirkan kore, muddo toddoba sanno ah ka dib, waxa ka muuqata korodh iyo hoos u dhac ka muuqda codadka gobollada JSL. Gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Awdal, waxa ka muuqda korodh dhanka codadka ah marka loo eego sannadkii 2017-kii, iyada oo Gobolka Maroodijeex ku kordheen codad gaadhaya 97,779 oo cod, halka Gobolka Togdheerna ku korodhay, 11,811 oo cod. Gobolka Awdal ayaa isna ku kordheen codad gaadhaya 6,006 cod. Wadarta tiradan ayaa sheegeysa in cod gaadhaya 115,596 ay ku biireen tirada codeeyeyaasha saddexdani gobol sannadkii 2024 kolka la barbar dhigo doorashadii 2017-kii.
Gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag ayaa iyagana waxa ka muuqda hoos u dhac dhinaca codadka ah marka la is barbardhigaayo doorashooyinkii 2017 iyo 2024. Gobolka Saaxil tiro gaadhaysa 4,944 cod ayaa ka muuqata oo hoos u dhac dhinaca codadka ah, halka Gobolka Sanaag 5,895 cod dhinmeen, iyada oo Gobolka Sool na 22,529 cod ay hoos u dhaceen. Korodhyadan iyo hoos u dhacyadan ayaa qayb waxa ka ahaa dedaalladii kaambayn ee ay Xisbiyada Qaranka, Musharrixiinta iyo Ururada siyaasaddu sameeyeen, si loo badsado tirada codeeyeyaasha ah oo awalba aad u yar marka loo eegaayo tirada guud ee dadweynaha JSL, halka dhinnaanshiyaha qaarkeed ay keeneen, dagaallo, kala guur iyo xasillooni darro soo waajahday deegannadaasi.
Haddii aynu u soo gudubno Doorashadii Madaxtooyada ee qabsoomtay 13-kii Noofiimber 2024, waxa ku tartamaayey saddexdii xisbi qaran ee hore, iyo madaxweynayaal ka kala sharraxan. Xisbiga Kulmiye waxa u sharraxnaa Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga Waddani waxa u sharraxnaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, halka Xisbiga UCID na uu u sharraxnaa Faysal Cali Waraabe. Saddexdan xisbi, iyo saddexdan musharrax ayuunbaa ku tartamay isla doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017. Shaxda iyo sawirkan sare waxa uu muujinayaa isbarbadhigyada codadka saddexda xisbi ee loollanka madaxtooyada.
Xisbiga Waddani iyo musharraxooda Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku guuleystay 407,908 cod, Xisbiga Kulmiye iyo musharraxooda Muuse Biixi waxa ay heleen 225,519 cod, halka Xisbiga UCID iyo musharraxooda Faysal Cali uu heley 4,699 oo cod. Loollankan oo ay ku lammaannaayeen xiisado siyaasadeed, diyaargarawyo aan waxba la iskula hadhin, iyo dedaallo lagu kala hananaayey codadka shacabka ayaa waxa ay keentey in Xisbigii Mucaaradka ee Wakhtigan ugu tunka weynaa waa Waddani e uu ku gacan sarreeyo codad gaadhaya 182,389 oo cod marka la barbardhigo codadka musharraxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi, tan oo xisbigii Waddani ka dhigtay xisbul xaakimka Somaliland. Marka la eego xogta sare sida oo kale dhammaan gobollada JSl, waxa awoodda codadka hoggaaminaaya xisbiga Waddani, halka ay Kulmiye keliya hoggaaminaayo codadka labada gobol ee kala ah Saaxil iyo Maroodi jeex.
Somaliland, waxa sidoo kale ka qabsoontay doorashada ururrada siyaasadda iyo xisbiyada, oo tobankii sanno ba hal mar lagu doorto ama lagu cusboonaysiiyo Xisbiyada Qaranka JSL oo tiro ahaan saddex ah. Sida aynu hore u soo aragnay tobankii sanno ee ugu dambeeyey, waxa xisbiyada qaranku ahaayeen, Kulmiye, Waddani iyo UCID, saddexdan oo ka soo dhex baxay doorashadii Noofiimber ee dhacday sannadkii 2012.
Sida ka muuqata khariidadda sare, iyo xogta codadka, waxa doorshadii 2024 ku soo baxay saddexda xisbi qaran; Xisbiga Waddani, Xisbiga Kaah iyo Xisbiga Kulmiye oo qayb ka ahaa tartan ay kula jireen ururro ay ka mid ahaayeen oo kala ahaa; Barwaaqo, Hillaac, Rejo, Horseed, Talowadaag, iyo Shacabka. Sawirkan ayaa muujinaaya cududda shacbi iyo cod ee xisbi weliba leeyahay, deegannada iyo gobollada awooddiisu xigto. Wadarta guud ee Xisbiga waddani uu ku hoggaaminaayo ee codadka doorshada xisbiyada ayaa ah 216,284, halka Xisbiga kaalinta labaad soo galay ee Kaah heley 131,507 cod, Xisbiga Kulmiye oo galay kaalinta saddexaadna uu heley 108,100 cod.
Tani waxa ay muujinaysaa, xoogganaanta loollankii Xisbiyada, saamaynta siyaasadaha isgarabsiga, diyaarsanaanta kaambaynnada codad samaynta iyo in cashar looga baran karo sida hal xisbi mucaarad isugu rogay xisbiga ugu codadka badan dalka, xisbi saddexaadna u soo galay kaalinta labaad, halka xisbul xaakimkii Kulmiye na dirqi uu ku cidhiidhsaday kaalinta saddexaad. Waxa xusid mudan in ay dedaallo badan muujiyeen ururrada sida Horseed oo helay 78,218 cod iyo Hillaac oo helay 59,569 cod, oo wadartoodu dhalin lahayd in ay kaalinta labaad xejistaan.
| Goobta Codeynta |
Codadka Guud |
WADDANI |
KULMIYE |
UCID |
|---|---|---|---|---|
| Hodan Hills [10 Goobood] |
3,678 |
3,503 |
155 |
20 |
| Dugsiga Maxamud A Cali [10 Goobood] |
3,439 |
3,123 |
173 |
143 |
| Dugsiga M. Mooge [16 Goobood] |
5,835 |
5,350 |
242 |
243 |
| Dugsiga Sheekh Cali Ibraahin [18 Goobood] |
6,074 |
941 |
5,109 |
24 |
| Sariibada Jigjiga Yar [6 Goobood] |
1,927 |
362 |
1,558 |
7 |
| Dugsiga Sare-Gaandhi [13 Goobood] |
4,304 |
541 |
3,751 |
12 |
| Siinay Police station [8 Goobood] |
1,950 |
1,118 |
809 |
23 |
| Xaafadda Aw Aden [9 Goobood] |
3,093 |
714 |
2,372 |
7 |
| TOTAL |
30,300 |
15,652 |
14,169 |
479 |
Si aynu u ogaan karno, maxaa isbeddel ka dhacay dhinacyada codadka, waa in aynu hoos ugu daadagno oo soo qaadanno muunad ah tusaaleyaal kooban oo goobaha codeynta ah. Halkan sare waxa innooga muuqda shaxda goobo codeyneed, kuwaas oo ku yaalla Hargeysa. Si aynu tusaalaha ugu koobno Hargeysa, waxa aynu soo qaadannay siddeeddan goobo codeyneed, innaga oo u soo qaadannay muujinta in isbeddel badani ka muuqdo dhinacyada korodhka goobaha, codadka, iyo saamaynta xisbiyada iyo musharraxiinta ee isbarbardhigga labadii doorashood 2024 iyo 2017.
Dhinaca korodhka codadka iyo goobaha, Goobaha Hodon Hilis waxa ay ahaayeen labo goobood 2017-kii, tiradada wadarta codadkooduna waxa uu ahaa waagaas 612 cod, halka sannadkii 2024 goobaha codadku gaadheen toban good tirada codadkuna gaadheen 3,678 cod. Haddaynu la eegno xaafadda Aw Aadan 2017-kii waxa ay ahayd saddex goobood, tirada codadka lagu codeeyeyna ahaayeen 1,838 cod, halka 2024-kii ay noqotey sagaal goobood tirada codadkeeduna ay gaadheen 3,093 cod.
Dugsiga Maxamuud Axmed Cali, 2017-kii waxa yaallay afar sanduuq codadkooduna ahaa 2,022 cod, sannadkii 2024 na waxa uu gaadhay toban sanduuq iyo 3,439 cod. Dugsiga sare ee Gaandi doorashadii 2017-kii waxa la dhigay shan sanduuq, iyo 2,450 cod, halka 2024 na uu noqday 13 sanduuq iyo 4,304 cod. Dugsiga Maxamed Mooge, waxa uu ahaa afar goobood iyo 1,886 cod halka 2024-kiina uu gaadhay 16 goobood iyo 5,835 cod. Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim waxa uu ahaa 2017kii toddoba goobood iyo 3,658 cod halka uu sannadkii 2024 noqday 18 goobood iyo 6,074 cod.
Sariibadda Jigjigayar waxa 2017kii ay ahayd saddex goobood, iyo 1,552 cod, 2024-kii waxa ay noqotey 6 goobood iyo 1,927 cod. Halka Siinay Police Station 2017-kii ay ahayd saddex goobood iyo 1,470 cod, 2024 kiina ay noqotey siddeed goobood 1,950 cod.
Isbarbardhigga siddeeddan goobood ayaa noqonaaya in wadarta codad ka yaallay 2017-kii ahayd 15,488 cod, halka sannadkii 2024 wadarta codkoodu gaadhay 30,300 oo cod.
Xisbiga kulmiye waxa uu sannadkii 2017 ka helay siddeeddan goobood codad gaadhaya 9,619 cod, Xisbiga Waddani ayaa isna helay 3,902, halka Xisbiga UCID uu helay 1,967 cod. Halka sannadkii 2024 ay kala heleen Xisbiga Waddani 15,652, Xisbiga Kulmiye 14,169 iyada oo Xisbiga UCID na helay 479 cod. Halka isku beddelku ku jiraa waa in ay kordheen tirade cod bixiyeyaasha, iyo in uu isbeddel weyni ku yimid kaalmaha ay kala galeen Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye.
| Goobaha Codadka |
KAAH |
WADDANI |
KULMIYE |
|---|---|---|---|
| Hodan Hills |
721 |
2,535 |
73 |
| Dugsiga Maxamud A. Cali |
471 |
2,088 |
78 |
| Dugsiga M. Mooge |
847 |
3,509 |
106 |
| Dugsiga Sheekh Cali Ibraahin |
415 |
338 |
2,940 |
| Sariibada Jigjiga Yar |
164 |
116 |
923 |
| Dugsiga Sare-Gaandhi |
264 |
156 |
2,339 |
| Siinay Bolis Station |
139 |
129 |
24 |
| Xaafadda Aw Aden |
169 |
142 |
1,663 |
| TOTAL |
3,190 |
9,013 |
8,146 |
Shaxdan kale ayaa tibaaxaysa, sida saddexda xisbi ee hadda ah xisbiyada qaranku u kala heleen codadka siddeedda goobood ee aynu Hargeysa u xulannay. Xisbiga Waddani ayaa ku hoggaaminaaya 9,013, Xisbiga Kulmiye ayaa heley isaguna 8,146. Halka Xisbiga Kaah oo ah Xisbi cusub uu soo gaadhay codad aad u badan marka loo eego dedaalka ay geliyeen goobahan, codadkan iyo cusaybka ay saaxada ku cusboonaayeen, tiradan ayaa ka badan tii sannadkii 2017 Xisbiga UCID keeney, kuna dhawaanaysa codadkii Xisbiga Waddani keeney wakhtigaasi.
Waxa soo baxday doorashadii Madaxtooyada in ayna codayn ku dhawaad kala badh dadkii isdiwaan geliyey, waxaana muuqata in ay jirto aqlabiyad aamusan oo aan dul tagin goobaha codbixinta sidaas awgeed waxa is wayddiin mudan sababta ay tani u dhacday. Walow wayddiintani keligeed noqon karto cilmi baadhis, laga na soo saari karo natiijo xaqiiqda ku dhaw haddana Aqlabiyadda aamusan ee ka dhex muuqatay Doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2024 waxa ay si cad u iftiiminaysaa kala fogaanshaha u dhexeeya nidaamka doorashooyinka iyo qayb ballaadhan oo ka mid ah bulshada. Waxa kale oo ay muujinaysaa saluugga ay qaybo badan oo bulshada ka mid ahi ka qabaan hoggaannaa iyo hormuudka xisbiyada oo ah wejiyo in badan ku jiray saaxadda siyaasadda Somaliland ama ku soo noqnoqday. Tusaale doorashadii 2024 waxa is hirdiyey isla saddexdii murashax ee ku tartamay doorashadii 2017, taas oo dhalisay niyad jab iyo cagajiid.
Doorashadan Inkaste oo tirada la filayey in ay codeeyaan ay ahayd 1,227,048 qof, haddana kaliya 647,863 qof ayaa si dhab ah u codeeyey, taas oo muujinaysa in ku dhowaad kala badh dadkii diiwaangashanaa ay ka baaqsadeen ka qaybgalka. Marka arrintan lagu daro xaqiiqda ah in tirada guud ee muwaadiniinta Somaliland lagu qiyaaso ku dhowaad 6 milyan, halka inta kaadhadhka codeynta qaatay ay ka yaryihiin hal milyan iyo badh, waxa muuqata in aqlabiyad ballaadhan oo bulsho ahi ay weli ka baxsan tahay geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee rasmiga ah.
Sababaha ugu waaweyn ee arrintan horseeday waxa ka mid ah heerka wacyiga bulshada ee aan sinnayn. Qaybo badan oo ka mid ah muwaadiniinta, gaar ahaan da’yarta iyo bulshada ku nool miyiga, in badan oo ka mid ah xoogsatada magaalada ayaan weli si buuxda u fahamsanayn doorka ay codeyntu ku leedahay isbeddelka siyaasadeed iyo horumarineed ee noloshooda. Aragtida ah in codku aanu keenayn wax isbeddel la taaban karo ayaa qayb ka ah hoos u dhaca danaynta doorashada, taas oo ka dhigtay codeynta arrin ay ku koobnaato qayb firfircoon oo bulshada ah, halka inta kale ay noqdaan aqlabiyad aamusan.
Dhanka kale, inkaste oo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland uu ku guulaystay dhinacyada hufnaanta, kalsoonida iyo maamulidda farsamada doorashada, haddana wacyigelinta joogtada ah ee bulshada, gaar ahaan xilliyada aan doorasho jirin, weli waa mid xaddidan. Wacyigelin inta badan ku kooban xilliga doorashadu ma abuuri karto faham qoto dheer oo ku saabsan muwaadinnimada, xuquuqda codeynta iyo mas’uuliyadda ka qaybgalka dimuqraadiyadda, taas oo sabab u noqota in muwaadiniin badani aanay doorashada u arkin mudnaan noloshooda taabanaysa.
Arrintan waxa sii xoojinaya dan-yaraanta siyaasadeed ee ka dhalata kalsooni-darrada ku wajahan ballanqaadyada musharraxiinta iyo xisbiyada. Qaybo ka mid ah bulshada ayaa doorashada u arkay mid u dhexeeya isla wejiyo siyaasadeed oo hore u jiray, iyada oo aan la dareemayn isbeddel weyn oo ku imanaya qaabka dawladnimada ama adeegyada aasaasiga ah. Sidaas darteed, aqlabiyadda aamusan ma aha bulsho ka soo horjeedda dimuqraadiyadda, balse waa bulsho ka niyad jabsan sida ay dimuqraadiyaddu u gaadhsiin weyday natiijooyin muuqda oo la taaban karo.
Sidaas awgeed, aqlabiyadda aamusan ee Doorashadii 2024 waa digniin iyo fursad isku jirta; digniin muujinaysa caqabadaha weli jira, iyo fursad lagu ballaadhin karo dimuqraadiyadda Somaliland haddii si xeel dheer loo fahmo loogana jawaabo baahiyaha bulshada ka maqnaatay sanduuqyada codbixinta.
Waxa ugu horreeya ee laga baran karo doorashooyinkii Somaliland ee 2024 waa in isku duubnida, maslaxadda dalka, iyo wadajirka bulshadeenna awgeed lagu suurtogelin karo doorashooyin isku sidkan, xajmigooduna intaas leegyahay, taas oo dhisaysa kalsoonida muwaaddiniinta ee ah in wax la qabsan karo, codkana lagu samayn karo isbeddel iyo nidaam dhisid ku dhisan kala sarraynta codadka iyo doorashooyin xor ah. Labadii doorasho ee kala dambeeyey 2021 iyo 2024 waxa ay inna bareen in la tijaabin karo si kaste oo xal doorasho oo israac ah loo samayn karo, laguna siin karo fursado muwaaddiniinta in ay qayb xulasho ku lahaadaan masiirkooda.
Waxa laga baran karaa marka la barbardhigo doorashadii 2017-kii, xajmiga korodh ee codka muwaaddiniinta, kaas oo marka la barbardhigo tirada guud ee bulshada Somaliland aad u yar, balse innoo iftiiminaysa in bulshadeennu ku baraarugeyso awooddooda cod bixinta iyo dawlad dhiska soona fahmayso muhimadda metelaaddooda ee goleyaasha deegaanka, wakiillada, xisbiyada iyo madaxtooyadaba. Waxa kale oo muuqata in korodh badani iman doono mar walba oo doorasho loo jiheysto. Tani waxa ay inna dareensiin doontaa marka laga yimaaddo awoodda codka muwaaddinka, in laga shaqeeyo sidii looga fikiri lahaa iswaafajinta awooddeenna, adeegsiga tiknoolajiyadda, wacyigelinta bulshada, iyo sahlidda codeynta muwaaddinka ee goobtiisa.
Awoodda isla xisaabtanka ku dhisan dib u eegista khaladaadkii hore, dib isku habaynta, maamul daadejinta, awood dhisidda, iyo kaambeyn fidintu ku leedahay samaynta isbeddel muuqda ayaa ka mid ah waxyaabaha laga baran karo doorashooyinkii 2024. Xisbiga Waddani marka aad eegto korodhka cododka, diyaarsanaantii uu muujiyey iyo sida ay muddo toddoba sanno ah u qaateen nidaamka dib isu habayneedi waxa ay muujinaysaa in natiijoooyinkan oo kale yimaaddaan. Halka Xisbiga Kaah na sidaas si la mid ah ay muuqatay dhisnaantiisa awoodda kaambayn ee u uku waajahaayey helidda kaalinta labaad ee uu ku soo baxay doorashadaasi.
Waxa laga baran karaa awoodda isgarabsiga iyo isbahaysiyada, taas oo noqotey xeelad siyaasadeed keeni karta in guul wadar ah la gaadho wakhtiyada qaar. Middan ayaa muhiim u ah in ay wax ka bartaan musharrixiinta cusub iyo dadweynuhuba.
Waxa kamid ah waxyaabaha aynu ka baran karno, muhimadda kaambayn ballaadhani u leeyahay hirgelinta isbedellada la doonaayo, yada oo awoodda la saaraayo gobollada hoos u dhaca codadku ka jiro sida; Saaxil, Sool iyo Sanaag. Iyo in dedaallada kaambayn ee korodhka codadka gobolladda kale oo la sii xoojiyo si loo abuuro awwood shacab, korodh dimuqraadiyadeed iyo saamayn xooggan oo dhinaca codadka bulshada ah. Tani waxa ay sidoo kale muhiim u tahay bulshooyinka, degmooyinka, gobollada iyo qarankoo dhan in ay isu abaabuli karaan awood ku dhisan rabitaan shacab, taas oo ku beddelanaysa codkeeda, waxqabad la taaban karo oo dhaafsiisan weedho kaambayn iyo ballanqaadyo aan fulin.
Waxa laga baran karaa doorashooyinkii 2024, in tartannada cusub ee xisbiyada cusubi horseedi karto isbeddel weyn. Intii Somaliland jirtey waxa inta badan baxaayey uun hal Xisbi, waxana soo biiraayey hal Xisbi, waxa se la samayn karaa oo tijaabo ahaan soo dhawaatay in nidaaminta codadka iyo isbahaysiyadu abuuri karaan isbeddel ay ku iman karaan laba Xisbi oo cusub, amaba saddexda xisbiba.
Waxa ay xisbiyaduna ka baran karaan u diyaarsanaanta awooddaha ururrada siyaasiga ee dibadda kuwaas oo beddeli kara ama safka lasoo geli kara ee aan la dhayalsan karin.
Waxa laga baran karaa muhiimadda kalsoonida iyo daahfurnaanta habka doorashooyinka, taas oo keentay in labada doorasho ay isku sidkanaadaan oo aan wax khilaaf ahi dhicin. Isbarbardhigga codadka gobollada waxa uu muujinayaa korodhka guud ee ka qaybgalka, taas oo ay sabab u ahayd kalsoonida shacabka. Dawladdu waxa ay ka baran kartaa in ay sii xoojiso daahfurnaanta, xisbiyaduna in ay ka fogaadaan dacaayadaha, khilaafaadka, murannada qabaliga ah, iyo weedhaha xanafta leh ee taariikhda galaaya. Halka dadweynuhuna ay tahay in ay sii xoojiyaan kalsoonidooda codeynta, musharrixiintuna in ay ku tartamaan si hufan, halka guddida doorashooyinku ay ka baran karaan in ay sii horumariyaan hababka hubinta daahfurnaanta si loo yareeyo shakiga.
Waxyaabaha laga baran karo waxa kamid ah doorshadii 2024 awoodda isku duubnida bulshooyinka deegaan-wadaagga ah. Tani waxa ay aad inoo anfacaysaa marka xaafad waliba, degmo walba, gobol waliba u midoobo sidii loo gaadhi lahaa horumar taabanaya noloshooda, deegaankooda iyo gobolkooda kaas oo ku salaysan helidda baahiyaha asaasiga ah; sida biyo, caafimaad, laydh, waxbarasho, jidad, shaqo abuur, goobo nasasho IWM. Iyo in ay u midoobaan sidii ay u xulan lahaayeen cid metelaaddoodaasi xambaarta, una fulisa yoolkoodaas hab waafaqsan heshiiskooda, taladooda iyo horumarkooda yaga mideeya. Waxa aynu kaga guuri lahayn nidaam beeleedyadan aan isku keen duubayn, ee xanafta badani ka dhalanayso wakhtiyada doorashooyinka.
Xukuumadda waxa la gudboon ka shaqaynta doorashooyin taariikh gala, wakhtigoodana ku qabsooma, si loo helo kalsooni iyo tijaabo cusub oo lagu dhaqan-gelin karo doorasho wakhtigeeda innoogu qabsoonta. Ilaalinta daahfurnaanta, iyo madaxbannaanida koomishanka doorashooyinka qaranka.
Xisbiyada qaranka waxa la gudboon, diyaar garaw, dedaal iyo dardargelinta kaalintooda doorashooyinka, si loo sii wadi karo hannaan doorasho oo guuleysta. Xoojinta kaambaynnada wacyigelineed ee lagu horumarinaayo qaranka iyo baahiyaha bulshada ee jira dalka guud ahaan. Waxa kale oo la gudboon in Xisbi waliba awooddiisa fidiyo, hanto bulshadiisa oo uu la yimaaddo hal’abuurro horumarineed, wacad waxqabadleh iyo siyaasad bisil oo lagu jiheynaayo cududda dadweynaha, lagu xejisanaayo awoodda deegaan ee uu hadda haysto laguna gaadhaayo deegaannada aanu weli xoogga ku yeelan.
Waxa la gudboon musharrixiinta, wax ka barashada doorashooyinkii hore ee Somaliland, haddii ay tahay kuwii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada iyo hadday tahay madaxtooyada iyo axsaabtaba. Waxa laga rabaa siyaasad degsan taas oo qeexeysa ujeeddada safarkiisa, danta ugu jirta shacabkiisa iyo istiraatijiyadda uu ku helaayo codka oo ku gaadhaayo hankiisaas iyo taariikhda u sawiran in uu reebi doono deegaan ahaan iyo qaran ahaanba.
Waxaa la gudboon muwaaddiinta, fahamidda macnaha wadajirka, ururinta cududda iyo codka, tixidda baahiyaha deegaan ee ay siyaasadi jaangoyso, xulashada cidda u baaq tagaysa, xulashada metelaad habboon oo ku dhisan wada-lahaanshiyo iyo isku ujeeddo qeexan iyo cidda gudan karta yada oo aan loo eegeyn nin jecleysi kale iyo dano soke. Tani waxa ay abuuri doontaa kalsooni dhexdooda ah, fahamsanaan waxa ay doonayaan ah, iyo jaangoynta waxa ay rabaan oo u fududaata taas oo dhaxalsiin doonta nidaamin guul gaadhsiisa ka jawaabidda baahiyaha asaasiga ah ee deegaankooda iyo dadkoodaba.
Waxa la gudboon Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, in ay darsaan, daraasado macno lehna ka sameeyaan xogaha doorasho ee ay hayaan, in ay ku hawlanaadaan wacyigelinta bulshada iyo tababbariddooda wakhtiyada aanay doorasho jirin, iyo in ay sameeyaan dedaallo loogu gogol xaadhaayo sidii farsamo ahaan iyo shaqo ahaanba loo waajihi lahaa korodhka codadka muwaadiniinta, goobaha, iyo fudeydinta hannaanka codeynta yada oo la darsaayo nidaamyada tiknoolajiyadeed ee sahli kara in doorasha la fudeydiyo, xajmiga codadka kordhaayana loo maamulo si hufan oo hawlkarnimo leh.
Waxa kale oo la gudboon in ay darsaan, qoraallada laga sameeyey doorashooyinka Somaliland, falanaqaynaha iyo doodaha, qaybna ka ahaadaan toosinta marin habaabinta marar badan dhex yimaadda bulshada si looga baaqsado male awaallo abuura Khalkhal iyo kalsooni darro. Ugu dambaynna waxa la guboon in ay weeleeyaan talo soo jeedintii ay sameeyeen kormeereyaasha caalamiga ah sida talooyinka 11-ka ah ee ay ku xuseen ee ay ka mid yihiin; in la ilaaliyo lana xoojiyo madax-bannaanida guddida doorashooyinka qaranka, in la hubiyo diwaangelinta codeeyayaasha si loo xakameeyo diwaangelinta iyo codeynta carruurta aan gaadhin da’da codeynta, dib u eegista dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyo samaynta nidaam daahfuran oo lagu kormeeraayo laguna ogaanaayo socodka lacagaha xisbiyada qaab waafaqsan xeerka.
Doorashooyinkii 2024 ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay inna bareen muhiimadda isku duubnida, korodhka codadka, iyo isla xisaabtanka siyaasadeed, iyada oo ay horseedeen isbeddel weyn oo lagu gaadhay kalsooni iyo horumar dimuqraadiyadeed.
Waxaa la gudboon xukuumadda, xisbiyada, musharrixiinta, muwaaddiniinta, iyo guddida doorashooyinka in ay xoojiyaan daahfurnaanta, qaabeeyaan kaambayn ballaadhan, oo ay xoojiyaan wacyigelinta bulshada si loo helo loona hubiyo doorashooyin xor ah oo wakhtigooda ku qabsooma.Ugu dambayn, wadajirka bulshooyinka iyo isku duubnida ayaa fure u ah gaadhista horumar taabanaya nolosha dadka, iyo in wax laga barto khaladaadkii hore si loo dhiso mustaqbal xasilloon oo ku dhisan codadka shacabka.