Wednesday 9 July 2025
Haddii aad akhriyeysid maqaalkan, waxa suurogal ah in aad lingaxa maqaalka kasoo heshay baraha bulshada, oo uu kaaga soo horbaxay qoraallada tirobeelka ah ee baraha bulshada is weydaaranaya, kuna saabsan hal mawduuc. Wakhti xaadirkan waxa suurogal ah in la qaadaadhigayo mawduuca [dagaalka Israa’iil iyo Iiraan] amaba laga faalloonayo mawduuc kale oo wax kusoo cusboonaaday nolosha lagaga hadlayo, adeegsadayaasha baraha bulshaduna ku wada jeedaan. Waa waxii hore loogu yaqaannaday warka maalinkaas taagan, oo imika oo baraha bulshadu xoogganyihiinna isku beddelay terendhi (trending).
Ma ka qaybqaadatay faallada wararka ku saabsan koobka dunida, adigoon kubbadda cagtaba aan xiisayn? Ma ka fekertay weli xaqiiqada sawirka qof la wareejinayo baraha bulshada? Wax ma ku qortay Faysbuug ama X, adigoo ka hadlaya xuska maalin caalami ah, sida Xuska Maalinta Caafimaadka Maanka? Feker ma ka dhiibatay maxkamaddii u dhaxaysay Johnny Depp iyo Amber Heard, xitaa adiga oo aan wax badanba ka ogayn qaddiyadda? Jawaabtaadu kollay waxa ay noqonaysaa haa, weliba adigoo dib u xasuustay badanka mawduucyadan, kaddib iyadoo dhacdooyinkani maskaxdaada ka baxeen, oo ay kuula muuqdaan sidii wax beri hore dhacay. Si kasta oo ay ahaataba, waxa ay u badantahay in aad is wayddiinaysid sirta ka dambaysa awoodda shaacsanaha baraha bulshada iyo saamaynta uu dadka ku leeyahay.
Se sidee arrinkani ku dhacaa? Sidee iska caabbinteennu ugu guuldarraysataa in aynaan la falgelin mawjadahaas baraha bulshada ka cartama? Waa maxay saameynta taban ee shaacsanaha, ee aynnu inta badan maqalno iyada oo la dhaliilayo? Se sababma ayaynu uga qayb qaadannaa marar badan, weliba innagoo ku baraarugsan saamayntiisa taban?
Muddo laga joogo soddon sanno, waxa soo ifbaxay majaal cusub oo wax laga baadho, waana dhaqaalaha soo jiidashada iyo soo jeedinta. Cilmibaadhista qodobkan ku saabsanna waxa dedaalkiisa loo qiraa faylasuufkii iyo injinneerkii reer Jarmal ee Joorje Fraank. Joorje waxa uu u kuurgalay isku dhigan ka dhexeeya lacagta la kharash gareeyo iyo dedaalka lagu bixiyo xayaysiiska lagu soo jeedinayo adeegsadaha. Sida uu rumaysanyahayna, soo jeedinta iyo soo jiidashada macmiilku, waa mid ka mid ah isbeddelladii dhaqaale ee qarnigii 20aad, waana qodob dhaafay sababaha kale oo dhan.
Dhaqaalayahanno badan iyo aqoonyahanka cilmibulsheedku waxa ay tibaaxayaan in soo jiidashadeennu noqotay alaab suuqyada lagu kala iibsado, oo lagaga faa’idaysto tiknoolajiyadda cusub. Dhaqaalaha soo jiidashada macmiilka waxa la ogaaday qarnigii 19aad, wakhti badan ka hor intaanay soo ifbixin baraha bulshadu, kolkaas oo ganacsiyada is xayaysiinayaa ku tartameen soo jeedinteenna.
Sida dadka qaar ku doodaan, qodobkani waxa uu si toos ah ula xidhiidhaa kacaankii warshadaha, kolkaas oo markii alaab badan lasoo saaray oo la rabay in la iibiyo, ay waajib noqotay in muhiimad gaar ah la siiyo soo jeedinta dareenka macmiilka, waana wax sii xoogaystay kaddib markii horumar laga sameeyey suuqgaynta iyo xayaysiiska markii ay soo ifbaxeen warbaahinta maqalka ah iyo ta aragga ahiba ee qarnigii 20aad.
Shaacsanaha ku faafa baraha bulshada, dadkuna la falgalaan, badanka waxa uu ku yimaaddaa qaab ah in, baraha bulshada, sida Tiktok, la isku cariyo samaynta wax (challenge), ama dhacdo dhalisa dood oo ay ku mashquulaan dadka barahaas adeegsanayaa ee dunida oo dhan ama deegaan gaar ah ku nooli. Dhacdadan ay kumanaanka, ama xitaa malaayiinka qof la falgalaan, waxa uu khawaarsimiyaadka shirkadaha ka caawiyaa in ay aqoonsadaan waxa aynnu doorbidno, oo ay abla’ableeyaan, xayaysiiskana sidaas ku jaangooyaan.
“Haddii aanad lacag ka bixin alaab, waxa ay u badantahay in adigu tahay alaabta la gatay”. Weedhan baa fure u ah fahanka dabeecadda xidhiidhada dhaqaale ee ay dhalisay warbaahinta cusubi. Soo jeedinta dareenkeenna ayaa ay barahan bulsho iyo barnaamijyada la adeegsadaa ka iibiyaan shirkadaha xayaysiiska raba. Tusaale ahaan, Facebook iyo Instagram, waa laba baro bulsheed, oo lacag ka sameeya soo jiidashada iyo soo jeedinta dareenkeenna. Haddaba dhacdada shaacsanaha ka ah baraha bulshadu waa waxa shidaalaya soo jeedinta, waana mashiinka maamula in aad muddo badan muraayadda ku hor qaadatid, si dareenkaaga loo helo.
Hase ahaatee, qoraayadda reer Maraykan, Shoshana Zuboff, waxa ay aaminsantahay in sheekadu dhaafsiisantahay dhaqaalaha soo jeedinta macmiilka, oo uu meesha ku jiro “u kuurgal habdhaqan”. Waxa ay ku doodaysaa in hantigoosadka aynnu ku hoos noolnahay raacdeeyo dhaqdhaqaaqeenna, ilaa ay u sahlanaato in uu oddoroso habdhaqankeenna mustaqbalka. Sida ay u badantahay, arrinkani waxa uu fasirayaa sababta uu markaba inooga soo horbaxo xayaysiiska alaab aynnu keliya ka fikirnay iibsigeeda, xitaa innaga oo aan internet-ka ka baadhin. Waa wax, sida ay aaminsantahay, xoojinaya in aynnu nidaam ka faa’idaysi, oo aynnu dhibbane u nahay.
Sheekada “Gaabis”, qoraaga reer Jeek ee Milan Kundera, waxa uu soo bandhigayaa in si uun xidhiidh uga dhexeeyo gaabiska iyo xasuusta, sida xidhiidh uga dhexeeyo dhokhsaha iyo illawga. Haddii aynnu sawiranno nin waddo socda, oo ka dib si kedis ah u xasuusta wax uun, se xasuustu aanay usoo qaban si dhammaystiran, si aan ku talagal lahayn ayaa uu qofkaasi tallaabada u dhimayaa. Waxa la mid ah qofka raba in uu wax is illawsiiyo, si aan ku talagal lahayn ayaa uu u tallaabo dheeraynayaa, sidii qof raba in uu wax ka fogaado.
Innagoo ka duulayna isle’egtan, waxa aynnu arkaynaa xidhiidhka adag ee ka dhexeeya shaacsanaha baraha bulshada iyo dhokhsaha, iyo dhinaca kale illawga. Waa ay adagtahay in aad wax ka qortid dhacdo toddobaad wax ka badan kasoo wareegay. Waxa aad u muuqanaysaa sidii qof sooyaalka dib usoo faqaya, cidina kuu soo jeedsan mayso. Si kasta oo dhacdadaasi u weyntahay, xitaa haddii uu yahay qarax magaalo badhkeed burburiyey, ama nin gabadh ku gawracay albaabka jaamacadda. Wax alla waxaas waxa lagu illaawayaa maalmo kooban dhacdada ka dib.
Qaabka degdegga ah ee loola falgalo shaacsane, sida sida degdegga ah ee loogu xoomo ka hadalkiisa iyo baadhiddiisu waa wax ku kooban laba dhacdo dhexdood, dhacdadaas dhacday ee shaacsanaha noqotay iyo inta dhacdo kale imanayso oo lagu mashquulo, dareenkana jeedisa. Degdegga sidan ah baa illawga keenaya. Cilmibaadhayaal cilmiga neerfaha ah ayaa sidoo kale ku doodaya in fawdada lagu samaynayo soo jeedka maskaxda iyo xogaha dhokhso isu daba maraya ayaa xasuusta ku adkaynaya inay xifdido xogahaas oo ay kaydiso.
Arrinkan waxa garab socda qodob kale. Ku talaxtagga soo jiidashada iyo soo jeedinta dareenku waxa keentaa falcelinta oo talaxgabta iyo dareenka feejignaanta oo guura, si la mid ah magaalada marka gawaadhidu ku badato, ee ay cidhiidhi keenaan isla gawaadhidii loo sameeyey in ay isku socodka fududeeyaan. Sidaas oo kale ayaa ay baraha bulshadu keenaan talaxgab dareenka ah. Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka uu ka digay faylasuufkii reer Faransiis ee Bernard Stiegler, mar uu ka warramay natiijada Hantigoosadka ay metesho tiknoolajiyadda warbaahinta cusubi.
Herbert A. Simon ayaa isaguna dhankiisa, 1970-kii, ku dooday in markasta oo bulshadu soo saarto xogo badan, oo ay faafiso, ay ku adkaato awoodda ay ku koobi karto, kula falgali karto, ku fahmi karto, kagana falcelin karto. Waxa uu soo saaray gunaanad ah in bulshooyinka qaniga ku ah xoguhu yihiin bulshooyin ka arradan soo jeedka maskaxeed iyo dareennada.
Inkasta oo aynnu dareensannahay saameynta taban ee shaacsanaha baraha bulshada, oo aynnu marar badan dhaliilno wadaagga xadka baxa ah ee mawduuc ama qaddiyad, haddana waa wax adag in aynnu ku guulaysanno in aynnu buuqaas ka hadhno, oo aynaan ka qaybqaadan, ee waa maxay sababt?
2004-tii ayaa ay markii koowaad soo ifbaxday ereybixinta FoMO, oo u taagan ka cabsashada in wax ku dhaafaan. Adeegsiga ereybixintu waxa uu bilawgii ku hirgalay suuqgaynta, se waxa uu figta gaadhay markii baraha bulshadu faafeen. Sida aynnu uga werwerno in fursadi ina dhaafto, ama aynnu ka hadhno xaflad saaxiibbada ah, si la mid ah ayaa aynnu uga werwernaa in wax cusubi ina dhaafaan, xitaa haddii aynnu faallo keliya kaga qayb qaadanayno.
Halkii ay ahayd in uu qofku keliya in uu ogaado dhacdada, waxa uu is arkayaa isaga oo mawjadda shaacsanahaas ku jira, oo aan iska xakamayn karin ka qaybqaadashadeeda. Waa xaqiijin in qofku jiro, oo uu xaadir u yahay dhacdada. Waxa kale oo meesha ku jira, udubdhexaadna u ah, in qofku in uu dadka kale aqoonsi ka helo, oo marka uu dhacdadaas cabbirkiisa ka dhiibanayo uu dadka kale xoogga saarayo. Waa arrin innagu leexinaya qodob cilmu-nafsiga ku jira oo ah “saameynta bandwagon”. Waa marka uu qofku rabo in uu wax hormuud ka noqdo, sababtoo ah dadka kale ayaa samaynaya, ka qaybqaadashada shaacsanaha ka taagan baraha bulshaduna waxa ay qofka dareensiinaysaa inuu bulshadii qayb ka yahay. Waa qodob suuqgaynta iyo xayaysiisku fahmay oo uu uga faa’idaystay soo jeedinta macmiilka, iyo hagidda habdhaqankiisa. Dad badan baa ka werwersan dhex raacintan, oo u arka in arrinkani saamaynayo madaxbannaanida qodka, qofkana ka dhigaya mid sida loo badanyahay uun iska dhex arka.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.